shanlayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanlayso
f.g3 (-stay, -satay) Timo shanlo ku feerasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shanlayso
f.g3 (-stay, -satay) Timo shanlo ku feerasho. m.f.dh, shanlaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanlayso
(fal) feedho; fidho; firo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanayso
(fal) wax la cabbayo ama la ciyaarayo oo afar joogey, shan ka dhigo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanlays
-ka: (magac, lab, keli) shanlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanlaysi
-ga: (magac, lab, keli) shanlaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanlaysad
-ka: (magac, lab, keli) feedhad; fidhad; firad; shanlaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanlaysan
(tilmaame) la fidhay; feedhan; fidhan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
feero
-feerada: (n) iron (aayoorn); smoothing-iron; electric iron ~ kaawiyad
feero -feertay / feeratay: (v) comb (koom) ~ shanlayso, firo
feero -ha: (n) [Plural of feer] ribs (ribis)
feero -ha: (n) tuberculosis (tuber-kalow-sis); T.B. ~ qaaxo, tiibisho
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fidho
-fidhtay / firatay: (v) 1. comb (koom) ~ feero, shanlayso. 2. dust) (dhast) ~ firo, boor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
firo
-fitay / firatay: (v) comb (koom) ~ shanlayso, feero
firo -da: (n) 1. dust (dhast) ~ boor, siigo. 2. the act of shuffling cards, dominoes, or tiles; shuffle (shaffel) ~ baandho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feedho
(fal) shanlayso oo timaha fidho.
feedho-ha: (magac, lab, keli) cudur daran oo la is qabadsiiyo oo badanaa sanbabbada ku dhaca: 'TB'. Dh: sanbab, qaaxo, dhaxan, feero.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidho
(fal) timaha shanlayso. Dh: feedho.
fidho: (fal) gaarufo oo geesaha dhulka ku faq. Soo gaarufo oo fidho sida dibida.
fidho-da: (magac, dhedig, keli) xashiish ama saxar aad u yaryar; wax aad iyo aad u yaryaraaday oo habaasoobay oo dabayshu qaaddo. Fidhoda ka dabool biyaha. Dh: saxar, siigo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanays
-ka: (magac, lab, keli) shanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanlay
(fal) timo iyo wax la mid ah, feedh; fidh. U shanlay ilmaha yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shalayto
Shalay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shalayto
m.dh.fk la-mid: shalay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shalayto
adv., time: yesterday
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shalayto
(falkaabe) eeg shalay
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shalayto
de: yesterday Alt sp: shaleyto
initial: s
lx: shalayto
ps: adv-time
key: shalayto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shallays
-ka: (magac, lab, keli) shallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanaysi
-ga: (magac, lab, keli) shanaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanlayn
m.f.dh eeg shanlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) timo saqaf iyo wixii la mid ah ku feedhid. Dh: feedhid, fidhid, feerid, firis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqayso
f.mg3 (-stay, -satay) Shaqo qabsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaqayso
v.auto: work for oneself; earn; make an effort
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaqayso
-shaqaystay / shaqaysatay: (v) have a job; work for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqayso
(fal) shaqo qabso; xoojiso; hedlo, tabco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaqayso
bw: sp: shaqeeyso ~ shaqeyso
de: work for oneself; earn; [ext.] make an effort
initial: s
lx: shaqayso
nt: shaqaysad (ka) [vn-m], shaqaysasho (/da) [vn-f], shaqaysi (ga) [vn-m]
pd: (shaqaystay)
ps: v3b=auto
key: shaqayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax inuu baas leeyahay u qaadasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sharayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax inuu baas leeyahay u qaadasho. m.f.dh, sharaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sharayso
v. loathe, reject, consider bad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharayso
(fal) shar ka dhigo; baasayso; dhib ka dhigo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sharayso
de: loathe, reject, consider bad
initial: s
lx: sharayso
nt: sharaysad (ka) [vn-m], sharaysasho (/da) [vn-f], sharaysi (ga) [vn-m]
pd: (sharaystay)
ps: v3b=tr
key: sharayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shabbayso
f.mg3 (-saday, -satay) la-mid: shaabbadayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shallayto
(Shallayta-da)
Qoomammo; tiiraayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shallayto
m.dh la-mid: shallay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shallayto
f. n. regret, remorse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shallayto
-shallaytada: (n) regret for wrongdoing or misdeeds; remorse (ri-moors); repentance (ri-peen-tans); penitence (pena-tansi) regret (rig-reet; compunction ~ shallaay, qoomammo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shallayto
-da: (magac, dhedig, keli) wax tegay oo laga qoomammoodo. Dh: isciilkaambi, tiiraanyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shallayto
de: regret, remorse
initial: s
lx: shallayto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: shallayto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilayso
f.g3 (-stay, -satay) Shiil wax ku bislaysasho ama ku kululaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanlaysasho
m.f.dh eeg shanlayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanlaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) feerasho; firasho; feedhasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salays
m.l la-mid: salayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salays
-ka: (magac, lab, keli) sal u yeelid; salayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shalay
(Shalay-da)
Maanta maalintii ka horreysey, dorraadna ka danbeysey; (ama shalayto).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shalay
m.dh.fk Maanta maalintii ka horrey-say. la-mid: shalayto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shalay
m.dh.fk Maanta maalintii ka horreysay. la-mid: shalayto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shalay
f. n., adv-time: yesterday
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shalay
hier.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shalay
(falkaabe) maanta maalintii ka horraysey oo dorraatona ka soo danbaysey: shalayto, maalinta ka horraysa maanta. Dh: shalayto shalaytoole.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shalay
de: yesterday Alt sp: shaley
initial: s
lx: shalay
pd: (-da)
ps: n0-f, adv-time
key: shalay
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shalay
البارحة، أَمْس
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanay
(fal) wax afar ahaa, mid ku dar; shan ka dhig: shan gaadhsii; wax afar ahaa oo aad ku darto hal kale. Qoladaa adigu shanay. Dh: shanee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanlo
m.dh (-ooyin, m.l) Qalab caag, bir ama qori ka samaysan oo meel la qabsado iyo ilko dhaadheer oo isu dhawdhaw leh oo timaha lagu feerto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shanlo
m.dh (-ooyin, m.l) Qalab caag, bir ama qori ka samaysan oo meel la qabsado iyo ilko dhaadheer oo isu dhawdhaw leh oo timaha lagu feerto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shanlo
f. n. comb
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shanlo
-shanlada: (n) comb (koom)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanlo
-da: (magac, dhedig, keli) saqaf; gadhfeedh; garfeer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shanlo
de: comb
initial: s
lx: shanlo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: garfeer, saqaf
key: shanlo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shanlo
ممشط، مشط، مُشط
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalayso
(fal) aale ka guro ama ka dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aanayso
f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. Godob u raadsasho. 2. Qaraabannimo ama saaxibnimo awgeed cid u xigsasho (qof).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanayso
(fal) godob horay laguugu geystay, cid kale uga aargudo. Ha aanaysan ninkii godob kaa galaye, xaqaaga weydiiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Allayso
(fal) xijaabo oo dhanka Eebbe u kac. Dh: dhimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danayso
f.mg3 (-stay, -satay) Qof, dan u gaar ah fushasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danayso
f.mg3 (-stay, -satay) Qof, dan u gaar ah fushasho. m.f.dh, danaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danayso
v.auto: follow after one's interests, be opportunistic
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
danayso
-danaystay / danaysatay: (v) 1. be opportunistic (opar-junistik) 2. use something for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danayso
(fal) dantaada ka raaco. Dantaada u dibjir oo danayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danayso
de: follow after one's interests, be opportunistic
lx: danayso
pd: (danaystay)
ps: v3b=auto
key: danayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanayso
f.g3 (-stay, -satay) Faras la fuushanyahay gadaal ka fuulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanayso
(fal) faras ama wax la mid ah, qofka wada daba fadhiiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galayso
(fal) golxad ama wax kale, gal u samayso. Galayso seeftaada oo garabka gasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habayso
v.auto: plan, organize
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habayso
de: plan, organize
lx: habayso
pd: (habaystay)
ps: v3b=auto
key: habayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halabso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Wax ordaya fuulid. 2. Faras fuulid iyadoo aan rakaabka cagta la saarin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halabso
v. mount bareback
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halabso
-halabsaday / halabsatay: (v) get up on; place yourself upon; climb (kalaaym); mount (mawnt) ~ fuul
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halabso
(fal) faraska adigoon rakaabka ku joogsan fuulidiisa halabso oo halabta qabso. Farasku intaanu dhaqaaqin halabso.
halabso: (fal) wax kaa cararaya hiigso si aad u gaadho. Dh: tiigso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halabso
de: mount bareback
lx: halabso
nt: halabsad (ka) [vn-m], halabsasho (/da) [vn-f], halabsi (ga) [vn-m]
pd: (halabsaday)
ps: v3a=
key: halabso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halacso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Wax iyadoo aan la bisleynayn olol ku dubasho. 2. Iyadoo aan laga bogan wax eegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hallays
m.l la-mid: hallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hallays
-ka: (magac, lab, keli) eeg hallayn. hallaysan: (tilmaame) wax xumaaday oo cillaysan ama kharriban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanaayo
(Hanaaya-da)
Eed; utun; asaaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanaayo
m.dh Cadaawad, nacayb.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanaayo
f. n. accusation, blame
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanaayo
-da: (magac, dhedig, keli) eed ama utun la galo. Hanaayadu qofkii gala ayey sugtaa. Dh: asaaye, utun, eed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanaayo
de: accusation, blame
lx: hanaayo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: hanaayo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanbays
-ka: (magac, lab, keli) eeg habayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
handaso
-da: (magac, dhedig, keli) hab cilmiyaysan oo lagu farsameeyo dhisaska iyo wixii la mid ah si loo maareeyo nidaamka wanaagsan ee la raaci doono. Ardaygu wuxu soo bartay handaso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax filasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
malayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax filasho. m.f.dh, malaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
malayso
v. expect to get ~ receive something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
malayso
-malaystay/malaysatay: (v) anticipate (aan tisi peeyt); expect (ikis pakt); look forward ~ filo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malayso
(fal) tasho oo noloshaada si u maarayso. Haddaad talada aabbahaa diidday adu malayso. Dh: arrinso.
malayso: (fal) wax soo socda filo oo si maanka ugu hay. Kol walaba wanaag malayso. Dh: filo, niyoo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
malayso
de: expect to get ~ receive s.t.
lx: malayso
pd: (malaystay)
ps: v3b=tr
key: malayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalayso
f.mg3 (-stay, -satay) Hilib muddo yar qudrad, subag iyo wixi lamida ku shiilasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saalays
-ka: (magac, lab, keli) saalo dhigis xoolaad. Geel ban jooga oo yamaarug daaqay, saalays badanaa.
saalays -ka: (magac, lab, keli) eeg saalayn.