shanbacayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanbacayn
-ta: (magac, dhedig, keli) maskaxgeelkalabbax: jirjirroole.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaanbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shaanbad ku dhufasho; shaanbadays.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Shaabadayn
Timbrare
To stamp
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shabbadayn
(Shabbadayn-ta)
Shabbad ku dhufasho, la dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shabbadayn
m.dh la-mid: shaabbadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shabbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shabbad ku dhufasho; tiimbarayn; shaabbadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhababacayn
-ta: (magac, dhedig, keli) orod dur dura ah oo geelu leeyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaabbadayn
m.f.dh eeg shaabbadee. la-mid: shaabbadays, shabbadayn, shabbadays, shabbayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaabbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shaabbad ku dhufasho; shabbadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaanbadays
-ka: (magac, lab, keli) shaanbadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanbayn
(Hanbayn-ta)
Hanbo reebid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanbayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hanbo reebid: wax hanbays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sancayn
(Sancayn-ta)
Si sanco ah, wax u qabasho, u farsamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sancayn
m.f.dh eeg sancee. la-mid: sancays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sancayn
-ta: (n) processing, fabrication, manufacture, production (poro dhak shiri) ~ farsamayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sancayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si farsami ah, wax u qabasho: hagaajinta wax waxyeello soo gaartay: Dh: farsamaynta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shacayn
m.f.dh eeg shacee. la-mid: shacays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shanayn
(Shanayn-ta)
1. Shan ka dhigid, gaarsiin.
2. Shan ku noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanayn
m.f.dh eeg shanee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shan ka dhigid gaadhsiin: afar hore ku darsan oo shan noqda.
shanayn -ta: (magac, dhedig, keli) wax tiradiisu afar tahay mid shanaad ku darid. Afar jeer bay kooxdu ku guulaysatay koobka, haatan na shanayn bay rabtaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sababayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sabab u yeelid. Dh: sababays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabarayn
-ka: (magac, lab, keli) markab dagaal oo badda quusa. Dh: gujis, samarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaacays
m.l (-syo, m.dh) 1. Qori xabbad keliyaale ah oo waayadii hore lagu dagaallami jiray. 2. Wax si aan caadi ahayn u shaqeeya. 3. la-mid: shaacayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaahayn
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo karaya shaah ku darid.
shaahayn-ta: (magac, dhedig, keli) shaah cabbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shabbayn
m.dh la-mid: shaabbadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Shabcaan
-ta: (magac, dhedig, keli) bisha qamarida ah ah ee udhaxeeya Ramadaanka iyo Rajab. Dh: Waabariis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shacbaan
(Shacbaan-ta)
Bilaha dayaxa oo Muslinku tirsado tooda siddeedaad oo u dhexaysa Rajab iyo Soonqaad; Gasayar; Waabberiis; Soondhere.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shacbaan
m.dh Bilaha dayaxa oo Musliimku tirsado tooda siddeedaad oo u dhexeysa rajab iyo soonqaad; soondheere.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Shacbaan
m. n.-time: eighth month of the Muslim lunar calendar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Shacbaan
-ta: (magac, dhedig, keli) bilaha dayaxa ee Muslinku tirsado tooda siddeedaad oo u dhexaysa Rajab iyo Gasayar. Dh: Waaberriis; Soondheere; Shabcaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Shacbaan
bw: Shabcaan
de: eighth month of the Muslim lunar calendar
initial: s
lx: Shacbaan
pd: (-ka ~ -ta)
ps: n2-m/f-time
syn: Gasayar, Soondheere, Waabberiis
xv: Arabic
key: Shacbaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanlayn
m.f.dh eeg shanlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) timo saqaf iyo wixii la mid ah ku feedhid. Dh: feedhid, fidhid, feerid, firis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabbacan
Dhabbac u jiifa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabbacan
f.mg4 (-cnaa, -cnayd) Wax dhabbac u jiifa ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabbacan
der. [adjective] flat, prone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhabbacan
-dhabbacnaa / dhabbacnayd: (adj) lying with the front or with the belly [abdomen]; prone (parown)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabbacan
(tilmaame) wax jiifa oo bogga dhulka ku haya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabbacan
de: flat, prone
lx: dhabbacan
ps: adj-der
key: dhabbacan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhanbacal
-ka: (magac, lab, keli) buurta dhabankeeda dhexe ee kor iyo hoos midna ahayn. Adhigii waa kaas dhnbacalka daaqaya. Dh: babac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhanbagan
(tilmaame) mid wareersan oo dhinacna u ciirsanla'. Dh: wareersan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhanbalan
Dillaacsan; jeexan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhanbalan
m.l (kiimika) U faliidhanka bu'da atam culus ee labo jab ama in ka badan oo xajmi ahaan isku dhow, taas oo ka dhalata niyuutaroon tamaraysan oo ku dhaca bu'da atamka. Caadi ahaan, waxaa weheliya bixinta niyuutaroonno ama fallaaraha gaama. Bulootooniyam, yuraaniyam iyo tooriyam waa curiyeyaasha dhanbalma kuwa ugu muhiimsan. eeg dh. bu'eed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhanbalan
m.l (kiim.) U faliidhanka bu'da atam culus ee labo jab ama in ka badan oo xajmi ahaan isku dhow, taas oo ka dhalata niyuutaroon tamaraysan oo ku dhaca bu'da atamka. Caadi ahaan, waxaa weheliya bixinta niyuutaroonno ama fallaaraha gaama. Bulootooniyam, yuraaniyam iyo tooriyam waa curiyeyaasha dhanbalma kuwa ugu muhiimsan. eeg dh. bu'eed.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhanbalan
Fission
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhanbalan
der. [adjective] cracked, split open, halved, cut in two, ground
dhanbalan [inchoative] v. be split, burst open, get halved
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhanbalan
-dhanbalnaa / dhanbalnayd: (adj) cracked (karaakti)-, broken (barooken); split (isplit) ~ dhambalan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhinacayn
(Dhinacayn-ta)
Dhinac marid ama xigid; dhinac isu burin; xag jirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhinacayn
m.f.dh eeg dhinacee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhinacayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhan ka marid; barbar ka joogid. Dh: barbarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raabacayn
-ta: (magac, dhedig, keli) afar ka dhigid. Dh: afrayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sabbad ku dhisid, ka dhigid; sabbadays; shubid; sagbadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaanbayn
(Shaanbayn-ta)
Shaanbo ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baabbacayn
(Baabbacayn-ta)
(geel) orod cagaha dhulka lala dhaco; durdurin; ku tumasho,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baabbacayn
m.f.dh eeg baabbacee. la-mid: baabbacays, baabbaco (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabbacayn
-ta: (magac, dhedig, keli) geel, dhereg aawadii la ordid oo cagaha dhulka la dhicid. Baabbacayn geel baa ku jaba. Dh: durdurin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caynbacayn
-ka: (magac, lab, keli) noocyo ama jaadad kala duduwan oo is dhex yaalla. Ubaxyo caynbacayn ah ayaa ka baxay beertii aan tegey. Dh: noocnooc, jaadjaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabbaqayn
m.f.dh eeg dhabbaqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabbaqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) aflagaadayn oo cid iska maagid. Dh: maagid, aflagaadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhanbacaad
(Dhanbacaad-ka)
Dhabbac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhanbacaad
vl. n. lying prone ~ on the front of the body
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhanbacaad
-ka: (n) prone (parown) position ~ dhambacaad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhanbacaad
bw: dhabbac
de: lying prone ~ on the front of the body
lx: dhanbacaad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
see: dhambacaad
key: dhanbacaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanbalyayn
(Hanbalyayn-ta)
Hanbalyo gaarsiin; qof hanbalyo ku dhihid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanbalyayn
-ta: (magac, keli) cid kale, hanbalyo iyo bogaadin u gudbin. Dh: hambalyayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaanbaday
(fal) waraaq iyo wixii aad sexeexdo u yeel astaantii xafiiska. Warqadda ii shaanbaday maamule.
shaanbaday: (fal) shaanbad ku dhufo, waraaq, iyo wixii la mid ah, aad saxeexday, shaabad ku duldufo; tiinbaree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shabbadays
m.l la-mid: shaabbadayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaqaalayn
-ta: (n) hiring (haayar-ing); recruiting (rikruuting); employing (im-polooying) ~ shaqaalaysiin, shaqo u qorid, shaqoqorid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shaqo qorid: shaqo siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shurbadayn
(Shurbadayn-ta)
Shurbad ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shurbadayn
m.f.dh eeg shurbadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shurbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shurbad ka dhigid, mushaali ka dhigid. Dh: maashaaliyeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaanbadaysan
(tilmaame) la saxeexay oo shaabbad lagu duftay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabaabacayn
(Dhabaabacayn-ta)
Orod dhabaabaco ah, ordid; durdurin; baabbacayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabaabacayn
m.f.dh eeg dhabaabacee. la-mid: dhabaabacays, dhabaabaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaabacayn
-ta: (magac, dhedig, keli) baabacayn oo orod cagaha dhulka lala dhacayo ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shabbadaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: shaabbadaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalankacayn
m.f.dh eeg dalankacee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabbacnaan
m.f.dh eeg dhabbacan. la-mid: dhabbacnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabbacnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) si dhabbac ah u jiifsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharbaaxayn
m.dh la-mid: dharbaaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharbaaxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dharbaaxo la dhicid,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saandambayn
m.f.dh eeg saandambee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saandambayn
-ta: (magac, dhedig, keli) saaddanbe ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahansanaan
m.f.dh eeg sahansan. la-mid: sahansanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaabbadays
m.l la-mid: shaabbadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaabuugayn
m.f.dh eeg shaabuugee. la-mid: shaabuugays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaabuugayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shaabuug la dhicid. Dh: karbaashid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shabbadayso
f.mg3 (-stay, -satay) la-mid: shaabbadayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shafshafayn
(Shafshafayn-ta)
Shafshafo ku waxayn, siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shafshafayn
m.f.dh eeg shafshafee. la-mid: shafshafo (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shafshafayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shafshafo ku waxayn, xaydh marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shakamadayn
(Shakamadayn-ta)
Shakamad u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shakamadayn
m.f.dh eeg shakamadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakamadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shakamad u yeelid; shakamadays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaabbadaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Dukumenti iyo wixi lamida wax la shaabbadeeyay ahaansho. la-mid: shabbadaysan, shabbaysan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaabbadaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Dukumenti iyo wixi lamida wax la shaabbadeeyay ahaansho. m.f.dh, shaabbadaysnaan. la-mid: shabbadaysan, shabbaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danbayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xagga danbe marid. Dh: danbays, gadaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabayn
(Dhabayn-ta)
Dhab ka dhigid.