shanab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanab
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg shaarub.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanab
-ka: (magac, lab, keli) wax aan Alle ahayn oo la caabudo; wax kastoo Ilaah ka sokow la caabudo. Dh: sanam. Wa: sanabyo, sanamyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaab
(Shaab-ka)
Wiil dhallinyar; barbaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaab
m.l (-bab, m.l) 1. Nin dhallin yar oo xoog leh. 2. Sh. ah: dukaan badeeco ka buuxdo oo cammiran.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaab
m. n. young man, youth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaab
-ka: (magac, lab, keli) dukaan weyn oo cammiran; dukaan.
shaab -ka: (magac, lab, keli) wiil dhalliinyaro ah; barbaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaab
bw: Arabic
de: young man, youth
initial: s
lx: shaab
pd: (-ka Pl: shaabab (ka))
ps: n4-m
see: shabaab
key: shaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shacab
(Shacab-ka)
Dad; tol; ummad; (ama shicib).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shacab
m.l (shucuub, m.dh) 1. Dadweyne; ummad. 2. Qar badda dhexdeeda ku yaal. la-mid: shacbi, shicib.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shacab
m.l (shucuub, m.dh) 1. Dadweyne; ummad. 2. Qar badda dhexdeeda ku yaal. la-mid: shacbi, shicib.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shacab
m. n., [collective] people, populace, citizens
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shacab
-ka: (n) the civilian population; citizen (sitizen) ~ shacbi, shicbi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shacab
-ka: (magac, lab, keli) dadwaynaha, bulsho. Dh: ummad, shicib.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shacab
a: shacbi, shicbi, shicib
bw: Arabic
de: people, populace, citizens
initial: s
lx: shacab
pd: (-ka Pl: shucuub (ta))
ps: n8-m-col
key: shacab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanaq
f.g1 (-nqay, -naqday; -nqi) Cid deldelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanaq
(magac, lab, keli) qof ama wax kale cunnaha qabasho. Dh: ceejin, ciijin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanay
(fal) wax afar ahaa, mid ku dar; shan ka dhig: shan gaadhsii; wax afar ahaa oo aad ku darto hal kale. Qoladaa adigu shanay. Dh: shanee.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
questionable
/kwes shanabal/ (adj) su'aal ka imaan karto (shaki ku jiro).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
baffo
s.m. - shanab, shaarub.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaarub
-ta: (magac, dhedig, keli) timaha ka baxa dabinta sare ee ragga. Dh: shanab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhanjab
m.l Neef xoola ah wax jirro ka muuqata. la-mid: ganjab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shabaab
(Shabaab-ka)
Dhallin yar; barbaar; shaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shabaab
m.l.kh S. ah: nin dhallinyaro ah; barbaar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shabaab
m.l.kh S. ah: nin dhallinyaro ah; barbaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shabaab
n. youth, young person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shabaab
-ka: (n) young people; youth (yuuth)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shabaab
bw: shaab
de: youth, young person
initial: s
lx: shabaab
pd: (-ka)
ps: n2(a)-m
syn: barbaar, dhallinyaro
xv: Arabic
key: shabaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shacaab
(Shacaab-ka)
Goomaha badda ku yaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shacaab
m.l (-bab, m.l) (jooloji) Dhadhaabo is haysta, oo ku dhaw dusha biyaha, oo ay suurtoggal tahay in la arko marka hirku gaabanyahay, laakiin sida badan waxaa daboola biyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shacaab
m.l (-bab, m.l) (jool.) Dhadhaabo is haysta, oo ku dhaw dusha biyaha, oo ay suurtoggal tahay in la arko marka hirku gaabanyahay, laakiin sida badan waxaa daboola biyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shacaab
m. n. coral; coral reef
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shacaab
-ka: (magac, lab, keli) goomo badda ku yaal; shacaabi, dhagax xarsho ah oo badda ku yaal. Dh: dhagax biyood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shacaab
de: coral; coral reef
initial: s
lx: shacaab
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: shacaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shadaab
-ka: (magac, lab, keli) geed yar oo caleen cawlan leh oo udgoon. Dh: talantaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shanaad
(Shanaad-ka)
Tiro taxan, kan shanta jagadeeda ku abbaaran; kan afraadka iyo lixaadka u dhexeeya; (5d.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanaad
m.l.t. j Tirada jagaalaha ah, kan u dhigma shanta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shanaad
m.l.t.j Tirada jagaalaha ah, kan u dhigma shanta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shanaad
numeral: fifth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shanaad
-ka: (n) fifth (fiif-th); [5th ]. Ex: markii shanaad..; thefifth time..
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanaad
-ka: (magac, lab, keli) tiro taxan, tan shanta jagadeeda ku abbaaran; kan afraad iyo lixaad u dhexeeya; Wilku wuxuu dhigtaa fasalka shanaad. Dh: 5aad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shanaad
de: fifth
initial: s
lx: shanaad
pd: (-ka)
ps: num-ord
key: shanaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shanayn
(Shanayn-ta)
1. Shan ka dhigid, gaarsiin.
2. Shan ku noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanayn
m.f.dh eeg shanee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shan ka dhigid gaadhsiin: afar hore ku darsan oo shan noqda.
shanayn -ta: (magac, dhedig, keli) wax tiradiisu afar tahay mid shanaad ku darid. Afar jeer bay kooxdu ku guulaysatay koobka, haatan na shanayn bay rabtaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanays
-ka: (magac, lab, keli) shanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shanbal
(Shanbal-ka)
Qalabka muusikada mid ka mid ah oo ka samaysan labo qalbac oo midkiiba meel dhexda ah ka xoldhan yahay oo kolka la isku dhufto, dhawaaq kan koorta u eki, ka soo baxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanbal
m.l (-llo, m.dh) (muus.) Nooc ka mid ah qalabka muusikada oo ka samaysan qori laba qalbac ah, oo mid walba dhexda u godanyahay, marka laysku dhuftana sameeya dhawaaq kan koorta u eg.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shanbal
m.l (-llo, m.dh) (muus.) Nooc ka mid ah qalabka muusikada oo ka samaysan qori laba qalbac ah, oo mid walba dhexda u godanyahay, marka laysku dhuftana sameeya dhawaaq kan koorta u eg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shanbal
m. n. cymbal; cymbals
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanbal
-ka: (magac, lab, keli) qalabka muusikada mid ka mid ah oo ka kooban labo qalbac oo mid waliba dhexda ka xoldan yahay oo kolka laysku dhufto, dhawaaq kan koorta u eki, ka soo baxo. Dh: narso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shanbal
de: cymbal; cymbals
initial: s
lx: shanbal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: shanbal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shandad
* (Shandad-da)
Santuukh yar oo harag ama xaashi adag ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shandad
m.dh (-do, m.l) Santuukh ka samaysan harag, safiito iyo wixi lamida leh siddo la qabsado oo safarrada lagu galo; boorso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shandad
m.dh (-do, m.l) Santuukh ka samaysan harag, safiito iyo wixi lamida leh siddo la qabsado oo safarrada lagu galo; boorso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shandad
f. n. suitcase
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shandad
-da: (n) briefcase (biriif-keeys); suitcase (suut-keeys) ~ boorso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shandad
-da: (magac, dhedig, keli) kiish yar oo harag ama maas adag ah oo wax lagu gurto. Dh: boorso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shandad
bw: Arabic
de: suitcase
initial: s
lx: shandad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: shandad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanlay
(fal) timo iyo wax la mid ah, feedh; fidh. U shanlay ilmaha yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shanqad
(Shanqad-ka)
1. Xoolo shan maalmood oo isku xiga, biyo ka qatanaada.
2. Xanuun ama qandho, shantii maalmoodba, kol timaadda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shanqad
m. n. five day period of not having drunk water
shanqad m. n. quintan fever
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanqad
-ka: (magac. lab, keli) xoolo shan maalmood oo isku xiga, biyaha ka qatanaada.
shanqad -ka: shantii maalmoodba mar, xanuun ama qandho timaadda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shanqar
(Shanqar-ta)
Wax dhegtu maqasho oo aan ahayn codka dadka iyo duunyada iyo yeerta qalabka muusikada; (ama sharqan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanqar
shanqar¹: m.dh la-mid: sanqar¹.
shanqar²: f.mg1 (shanqaray, shanqartay) la-mid: sanqar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shanqar
f. n. noise, sound
shanqar v. sound, make a noise
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shanqar
-ta: (n) noise (nooyz); sound (saawndh) ~ shanqadh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanqar
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dhegtu maqasho oo aan ahayn codka dadka iyo duunyada iyo yeerta qalabka muusikada. Dh: sharqan, shanqadh.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shanqar
صَوْتَ كُلُّ مَا يُسْمَعِ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqaab
-ka: (magac, lab, keli) nin nuxuus ah, nin dumar biiye ah ama khasiis ah. Dh: dhillow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharaab
sharaab¹: m.l Hoore la cabbo; cabbitaan.
sharaab²: f.mg1 (-bay, -btay) Hoore cabbid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sharaab
m.l Hoore la cabbo; cabbitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharaab
-ka: (magac, lab, keli) waxa la cabbo oo dhan. Dh: cabbitaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaxnad
f. n. freight, cargo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaxnad
bw: Arabic
de: freight, cargo
initial: s
lx: shaxnad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: shixnad
key: shaxnad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haab
-ka: (magac, lab, keli) maanka wax lagu garto oo ah meesha maluhu ka soo fulo. Dh: maskax, maan, laab.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hana
name-f happiness, peace of mind, bliss
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saab
(Saab-ka)
1. Oogada qaarkeeda sare ama hore, inta ka samaysan isku-qoofalka feeraha iyo lafdhabarta iyo lafsakaarta, oo wadnaha iyo sanbabbadu ku dhex jiraan.
2. Dhis ka samaysan xididdo ama laamo yaryar oo weelka qaarkii lagu rito oo lagu qaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saab
saab¹: m.l (-bab, m.l) 1. Qalab ka samaysan xididdo, maqaar, laamo yaryar oo weelasha qaarkood lagu rido laguna qaado. 2. Oogada qaarkeeda sare, inta ka samay-san isku qoofalka feeraha, lafdhabarta iyo lafsakaarta oo wadnaha iyo sambabbadu ku dhex jiraan. 3. Taliye.
saab²: m.l 1. (xisaab) Nooc ka mid ah toobineed oo leh xoodbeeg le'eg hal. Ama xood uran oo ku wanqaran dhidibkiisa. Barta uu xoodku ka gooyo dhidibka waa geeska. Habdhiska kulanka kaartis saabku waxa uu leeyahay isle'eg beegaal oo leh sansaanka y = 4ax. 2.ÿ(xisaab) Ururka baraha in u wada jira xarriiq iyo bar maguuraan ah. Xarriiq-da waxa la yiraahdaa jeedshe bartana kul-mis.
saab³: f.g1 (-bay, -btay) Weel saab u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saab
saab¹: m.l (-bab, m.l) 1. Qalab ka samaysan xididdo, maqaar, laamo yaryar oo weelasha qaarkood lagu rido laguna qaado. 2. Oogada qaarkeeda sare, inta ka samaysan isku qoofalka feeraha, lafdhabarta iyo lafsakaarta oo wadnaha iyo sambabbadu ku dhex jiraan. 3. Taliye.
saab²: m.l 1. (xisaab) Nooc ka mid ah toobineed oo leh xoodbeeg le'eg hal. Ama xood uran oo ku wanqaran dhidibkiisa. Barta uu xoodku ka gooyo dhidibka waa geeska. Habdhiska kulanka kaartis saabku waxa uu leeyahay isle'eg beegaal oo leh sansaanka y = 4ax. 2.ÿ(xisaab) Ururka baraha in u wada jira xarriiq iyo bar maguuraan ah. Xarriiqda waxa la yiraahdaa jeedshe bartana kulmis. m.f.dh, saabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saab
m. n. rib-cage, thorax
saab m. n. wicker carrying-frame ~ leather bag for holding a water jar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saab
-ka: (n) basket made of strong twigs and used to hold the water vessels of nomadic society; wicker basket
saab -ka: (n) chest (jeest) ~ xabad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saab
-ka: (magac, lab, keli) dhis ka samaysan xididdo ama laamo yaryar oo weelka qaarkii lagu rido oo lagu qaado.
saab -ka: (magac, lab, keli) oogada qaarkeeda sare oo ku jiraan feedhaha, dhabarka iyo lafsakaartu ee ilaalisa xubno ka mid yihiin wadnaha, sanbabka iyo wixii la mid ah.
saab -ka: (magac, lab, keli) nooc ka mid ah toobineed oo leh xoodbeeg le'eg hal ama xood uran oo ku wanqaran dhidibkiisa. Barta uu xoodku ka gooyo dhidibka waa geeska. Habdhiska kulanka kaartis saabku waxa uu leeyahay isle'eg beegaal oo leh sansaanka y = 4ax. 2.y (xis.) Ururka baraha in u wada jira xarriiq iyo bar maguuraan ah. Xarriiqda waxa la yiraahdaa jeedshe bartana kulmis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shab
-ta: (n) 1. sound made by something falling into water. 2. [informal] welfare (weel-far) money ~ cayr
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shab
(fal) biyo dhex gal; quus: tiimbo. shabaab-ka: (magac, lab, keli) dhallin yar, barbaar; shaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shan
(Shan-ta)
Tirada afarta iyo lixda u dhexaysa; (5).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shan
m.dh 1. (t) Tirada afarta iyo lixda u dhexeysa; “5”. 2. Xoog; awood. 3. Gacan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shan
m.dh 1. (t) Tirada afarta iyo lixda u dhexeysa; 5. 2. Xoog; awood. 3. Gacan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shan
num. five
shan [feminine] n., [collective] hand, the five fingers
shan [feminine] n., [abstract] force, strength, power
shan deictic, suf. this
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shan
-ta: (n) five (faayv)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shan
-ta: (magac, dhedig, keli) tirada afar ku xigta. tirada afar iyo lix u dhexaysa. Dh: 5: V.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canab
(Canab-ka)
1. Miro yaryar oo kulkulucsan oo dhawr midab (guduud; cagaar,...) leh, oo cuntub cuntub u baxa: sidoodaa lagu cunaa, ama khamraa laga sameeyaa, ama inta la engejiyo baa sabiib laga dhigaa.
2. Geedka mirahaasi ka baxaan; (ama cinab).
3. Kuul mirahaas u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canab
m.l 1. Geed saaq, dhala miro yaryar, kulkulucsan, caddaan ama guduud ah, cutubcutub u baxa oo sidooda lagu cuno ama khamri laga sameeyo ama inta la qallajiyo sibiib laga dhigo. 2. Miraha geedkaas dhala. 3. C. ah: kuul mirahaas u eg. la-mid: cinab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
canab
m.l 1. Geed saaq, dhala miro yaryar, kulkulucsan, caddaan ama guduud ah, cutubcutub u baxa oo sidooda lagu cuno ama khamri laga sameeyo ama inta la qallajiyo sibiib laga dhigo. 2. Miraha geedkaas dhala. 3. C. ah: kuul mirahaas u eg. la-mid: cinab.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Canab
Grapes
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Canab
pr. n., [feminine] Anab
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canab
m. n. grapes; vine
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CANAB
(Anab) All. Som. Vitis unifera L. Vitaceae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Canab
name-f grape, vine; lit: sweet, beautiful
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canab
-ka: (n) [ Pl. canabyo -da ] grape (gareyp)