shamuurey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shamuurey
m.dh Nooc meseggada ka mid ah oo midab guduudan leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shamuurey
-da: (magac, dhedig, keli) jaad meseggada ka mid ah oo midab guduudan leh.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SHAMUUREEY
(Shamurei) May, S, C Sorghum bicolor (L) Moench. Gramineae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shamuuke
nickname-m fatty and friendly person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Shamuuke
magac loo baxsho wiil saaxiibtinimo leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sharmuutee
v. turn (a woman) into a prostitute, make someone become a whore
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sharmuutee
de: turn (a woman) into a prostitute, make s.o. become a whore
initial: s
lx: sharmuutee
pd: (sharmuuteeyey)
ps: v2b=tr
key: sharmuutee
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gamuure
nickname-m bluntness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gamuure
magac loo baxsho wiil loo arko inuu yahay mid dabeecad gurracan oo adag.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shakuur
name-m Grateful
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shamuum
f.mg1 (-uumay, -uuntay) Ku sh.: nafley badan meel isugu ururid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shamuum
f.mg1 (-uumay, -uuntay) Ku sh.: nafley badan meel isugu ururid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shamuum
v. collect, crowd together
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shamuum
-ay / tay: (v) crowd (karaawdh); throng (tharoong). Ex: naagtii carruur baa ku soo shamuumtay; the children crowded around the woman ~ qamoom
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shamuum
(fal) (ku soo ~) ku soo urur: ku soo xoom; ku soo heemo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shamuum
de: collect, crowd together {S}
initial: s
lx: shamuum
pd: (shamuumay)
ps: v1=intr
key: shamuum
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shamuun
(fal) meel ku urur: ku xoom.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharuur
(Sharuur-ka)
Bun iniino ah oo inta subag lagu dubo la cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharuur
m.l Iniino bun oo subag ama saliid lagu dubo oo korka la marsado lana cuno.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sharuur
m.l Iniino bun oo subag ama saliid lagu dubo oo korka la marsado lana cuno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sharuur
m. n., (mass n.): fried coffee- beans
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharuur
-ka: (magac, lab, keli) bun iniino ah oo inta subag lagu dubo la cuno, salool inta subag lagu dubo la cuno. Dh: bunayn
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sharuur
de: fried coffee-beans
initial: s
lx: sharuur
pd: (-ka)
ps: n-m-mass
key: sharuur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhayuure
m.l Kulaylka qorraxda ee waqtiga duhurka. la-mid: dhayuurad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamuunee
(fal) saabuun ku dar ama marmari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shabuugee
v. spank with a switch
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shabuugee
de: spank with a switch
initial: s
lx: shabuugee
pd: (shabuugeeyey)
ps: v2b=tr
see: shaabuugee
key: shabuugee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shamuumid
(Shamuumid-da)
Meel ku soo wada ururid, isku xoomin, ku soo heemasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shamuumid
m.f.dh eeg shammum.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shamuumid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ku soo wada ururid; meel isku xoomin; meel ku soo heemasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaabuugeys
-ka: (magac, lab, keli) shaabuugayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaabuugay
(fal) la dhac shaabuug. Dh: karbaash.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaabuugee
f.g2 (-geeyay, -gaysay) Wax shaabuug la dhicid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaabuugee
v. lash, whip, spank with a switch
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaabuugee
-yey / shaabuugeysay: (v) beat or strike with whip or lash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaabuugee
(fal) shaabuug la dhac; karbaash.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaabuugee
a: shabuugee
de: lash, whip, spank with a switch
initial: s
lx: shaabuugee
pd: (shaabuugeeyey)
ps: v2b=tr
key: shaabuugee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shammuumid
-da: (magac, dhedig, keli) meel aad loogu soo xoomay, ururay ka dhigid. Dh: kulmid. Li: firdhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shamuumsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Nafley meel ku xoonsan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shamuumsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Nafley meel ku xoonsan ahaansho. m.f.dh, shamuumsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashabuureed
-da: (magac, dhedig, keli) bisad duurjood ah. Dh: dinnaddibadeed, bashadibadeed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sharmuutaysi
vl. n. prostitution
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharmuutaysi
-ga: (magac, lab, keli) dhillaysi; dhillaysasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sharmuutaysi
de: prostitution
initial: s
lx: sharmuutaysi
pd: (-ga)
ps: vn-m
syn: dhillaysi
key: sharmuutaysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharmuutayso
(fal) dhillayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soohbaruured
-ka: (magac, lab, keli) sooh maydhax leh oo baruuri ku dheehantahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abuure
m.l (-rayaal, m.l/dh) 1. Eebbe. 2. Qof wax abuuraya ama wax beeraya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Abuure
-ha: (magac, lab, keli) midka keli ah ee dhab wax u abuuraa, waa Eebbe oo awood u leh in uu wax walba jirsiiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abuure
-ha: (magac, lab, keli) qof wax curiya ama beer iyo wax la mid ah fala.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amuume
-ha: (magac, lab, keli) qofka hadalka aan oqoon; qofka an waxa uurkiisa ku jira cabbiri karin. Ammuume sidee loo afgartaa? Dh: afgaab, garooc. Li: aftahan, codkar.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHUURE
(Dureh) N, C Indigofera articulata Gouan. Papilionaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gamuur
(Gamuur-ka)
Gamuux.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamuur
gamuur¹: m.l.kh la-mid: gamuux¹.
gamuur²: f.g1 (-ray, -rtay) la-mid: gamuux².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gamuur
m. n., [abstract] bluntness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamuur
-ka: (magac, lab, keli) goyn aan waxba la reebin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gamuur
de: bluntness
lx: gamuur
pd: (-ka)
ps: n2-m-abs
see: gamuux
key: gamuur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habuur
-ka: (magac, lab, keli) madow roobaad oo aan loo kala garanayn cir da'aya iyo daruur.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
HAMUDE
Allophylus alnifolius 10, Grewia cerasifera 001
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamuu'
m.l.u la-mid: hamuu.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamuug
-ga: (magac, lab, keli) digir inta la dubay la falfalliidhay oo la karshay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hamuun
(Hamuun-ta)
Gaajada aroortii lala soo tooso oo quraacda ka horraysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamuun
hamuun¹: m.dh Rabitaan saa'id ah oo cunto loo qabo aroortii.
hamuun²: f.g1 (-uumay, uuntay; -uumi). 1. Wax aad u rabid. 2. Cunto aad u rabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hamuun
f. n. hunger as a result of fasting ~ going without breakfast
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hamuun
-ta: (n) hunger from missed breakfast
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamuun
-ta: (magac, dhedig, keli) gaajada aroornimada lala soo tooso. Dh: kamiin.
hamuun-ta: (magac, dhedig, kali) xaraarada buuriga, sigaarka iyo wixii la mid ah. Dh: baahi, xiiso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hamuun
cf: safrad
de: hunger as a result of fasting ~ going without breakfast
lx: hamuun
pd: (-ta)
ps: n-f
key: hamuun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haruur
(Haruur-ka)
Badar beeraha ka baxa oo la cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haruur
haruur¹: m.l Nooc dalagga la beerto ka mid ah, la cuno, oo leh bal, sabuul, iyo miro yar-yar.
haruur²: m.dh Bari idaad oo subaggii la shiilay; shariir; shaxaroor.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haruur
m.l Nooc dalagga la beerto ka mid ah, la cuno, oo leh bal, sabuul, iyo miro yar-yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haruur
m. n., [collective] sorghum, millet (grain cereal crops)
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HARUUR
(Harur) N Sorghum bicolor (L) Moench. Gramieae.
N Sorghum subglabrescens (Steud) Schweinf & Aschers. Gramineae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haruur
-ka: (n) -ka: (n) sorghum (soor gem); grain (gareeyn); millet (mil 'at) ~ meseggo, hadhuudh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haruur
-ka: (magac, lab, keli) badar beeraha ka baxa oo la cuno. Dh: meseggo, hadhuudh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haruur
de: sorghum, millet (grain cereal crops)
lx: haruur
pd: (-ka)
ps: n0-m-col
see: hadhuudh
key: haruur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamuur
-ka: (magac, lab, keli) awood iyo itaal badan. Qamuur aanad lahayn ha sheegan. Dh: xoog, baaxad.
qamuur -ka: (magac, lab, keli) isbeddel aan fiicnayn oo cuntada ku dhaca. Dh: khaayis.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ramure
ramure, n.f. - laamaha geedka
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabuur
m.l Kutubkii loo soo dejiyey nabi Daa'uud.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sabuur
m.l Kutubkii loo soo dejiyey nabi Daa'uud.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sabuur
f. n. psalm; Psalms (book of the prophet David)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sabuur
bw: Arabic
de: psalm; Psalms (book of the prophet David)
initial: s
lx: sabuur
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: sabuur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samuud
-da: (magac, dhedig, keli) qoom ka mid ah qoomamkii hore ce la rogay; qoomkii Nebi Saalax loo soo diray ee lagu rogay boqnogoyntii hashi Idinbacasa. Reer Samuud waxa la rogay ka dib markay dileen hashii Idinbacasa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samuun
m.l (juqraafi) Gudaha Iran, waa dabayl kulul, oo qallalan, oo ah nooca Fohn, taas oo ka soo dhacda buuraha kurdistaan. Qalab bir ah oo af fiiqan iyo af ballaaran leh oo dhexda daab qori ah ku leh oo dhulka lagu qodo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
samuun
m.l (juqraafi) Gudaha Iran, waa dabayl kulul, oo qallalan, oo ah nooca Fohn, taas oo ka soo dhacda buuraha kurdistaan. Qalab bir ah oo af fiiqan iyo af ballaaran leh oo dhexda daab qori ah ku leh oo dhulka lagu qodo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Samuun
Samoon
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Saruur
name-m happy (Arb)
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
saturé
saturé, adj. - buuxa; tif ah
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaley
(adv) yesterday (yas-ter-dheey) ~ shala, shalay
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
sharer
n., qaybiya or qaybsanaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuuri
f.mg2 (-iyay, -isay) Kibir iyo isla weyni la aamusid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shuuri
v. remain silently obstinate
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shuuri
de: remain silently obstinate
initial: s
lx: shuuri
pd: (shuuriyey)
ps: v2a=intr
key: shuuri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shuuro
(Shuura-da)
Jiriirta meseggada oo si gaar ah loo sameeyo; soor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuuro
m.dh Soor galley ama meseggo oo si gaar ah loo kariyey.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shuuro
m.dh Soor galley ama meseggo oo si gaar ah loo kariyey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shuuro
f. n. porridge made of sorghum
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shuuro
-shuurada: (n) ground grain; porridge, grits ~ soor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuuro
-da: (magac, dhodig. keli) jijita meseggada oo si gaar ah loo sameeyo; arabakhi ama hadhuudh la ridqay kariska laga sameeyo. Dh: soor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shuuro
cf: soor
de: porridge made of sorghum
initial: s
lx: shuuro
pd: (/da)
ps: n-f
key: shuuro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax qaabkiisa qiyaasid.