shamiitayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shamiitayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sibidh marin, dhexgelin; sibidhays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shamiintayn
m.f.dh eeg shamniitee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shamiintayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shamiito ku samayn; sibirayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shamiitay
(fal) shamiito mari, dhexgeli, sibdhi sibidhay guriga, sibidh mari, ku samee sibidh. Dh: shamiitee, sibidhee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shamiitays
-ka: (magac, lab, keli) shamiitayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shamiitaysan
(tilmaame) sibir marsan yahay; dhexgashan yahay; la sibdhiyey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliitay
(fal) socod aan dhaqaaq toosan lahayn dhiigo si la marayo ah samee, Dh: sinbiriirix.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shamiito
f. n., (mass n.): cement
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shamiito
-da: (magac, dhedig, keli) budo bay ama cawl ah oo wax lagu dhiso; inta la qooyo oo ciid ama quruurux lagu daro, ayaa wax, sida: dhagaxa, jaajuurka, laysugu qabtaa ama waxa laga sameeyaa cadcad is'haysta oo adadag oo sida dhagaxa laysu kor saarsaaro, oo wax loogu dhiso. Dh: sibir; shamiinto; sibidh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shamiito
de: cement
initial: s
lx: shamiito
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
key: shamiito
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiilayn
(Shiilayn-ta)
Dhagax shiil ah, oo kulul, biyo ku dhex ridid oo ku karkarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilayn
m.f.dh eeg shiilee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiilayn
vl. n. disinfection (by heat)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiilayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhagax shiil ah, oo kulul, biyo, ku dhexridid oo wax'ku'karkarin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiilayn
de: disinfection (by heat)
initial: s
lx: shiilayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
see: shiilee
key: shiilayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhamitaan
m.l la-mid: dhamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhamitaan
-ka: (magac, lab, keli) caano, afka ku shubasho oo liqitaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
namiimayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dad, waru kala qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliidayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel dhiidhi ah marba dhinac ujeedsasho.
saliidayn-ta: (magac, dhedig, keli) saliid ku darid; saliid ku shubid; saliidays, saliid marin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shamiitee
(fal) shamiinto ku dhis; sibidhee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shammiran
(tilmaame) mid cammiran ah.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SHARIBTAN
(Sharibtan) S Rhynchosia melacophylla (Spering) Boj. Papilionaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaxitaan
-ka: (magac, lab, keli) shax ciyaaritaan; dheelitaan; shaxniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaacirayn
m.f.dh eeg shaaciree. la-mid: shaa-cirays, shactirayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shactirayn
m.dh la-mid: shaacirayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shactirayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid ka qoslisiin; maadayn; majaajillayn: shactirays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shamirnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) camirnaan ama buuxid. Shamirnaanta waxa ugu wacan bakhaarkan, macaashka badan ee soo gala.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharciyayn
m.f.dh eeg sharciyee. la-mid: sharciyays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sharciyayn
-ta: (n) legalization (lii-gaa-li-zeey-shin); validation (yaali-dheey-shiri)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharciyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sharci ka dhigasho, ansixin si ay u sharciyowdo. Sharciyaynta qodobkan ha loo codeeyo. Dh: xeerin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shawritaan
-ka: (magac, lab, keli) shawridda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shamuumitaan
-ka: (magac, lab, keli) shamuumidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharribitaan
-ka: (magac, lab, keli) jarribitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saayiritaan
-ka: (magac, lab, keli) la saayiritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakaritaan
-ka: (magac, lab, keli) bishilitaan; iltirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax halkii loogu tala galay gaadhsiin oo wax aan waxba ka dhinnayn ka dhigid. Dhammaynta mashruuca inyar ayaa ka hadhay. Dh: buuxin, dhammayn.
dhamayn -ta: (magac, dhedig, keli) idlayn oo wax aan waxba ka oollin ka dhigid. Dh: dhammayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhitayn
(Dhitayn-ta)
Dhito ka dhigid; kaydin; dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhitayn
m.f.dh eeg dhitee. la-mid: dhitays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhitayn
-ta: (magac, dhedig, keli) subag kolba inta malintii ay ciirtu dhasho meel ku kaydin. Dh: kaydin.
dhitayn -ta: (magac, dhedig, keli) wax fudfud ah kolba dhito ridid ama meel dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haftayn
m.f.dh Eeg haftee. la-mid: hafteys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hambayn
m.f.dh eeg hambee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hambayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hambo reebid; wax ka tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miidayn
(Miidayn-ta)
Miid ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miidayn
m.f.dh eeg miidee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miigayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ciqaab figo ah u xidhid. Dh: figayn.
miigayn-ta: (magac, dhedig, keli) miigo u beerid. Miigayntu way fiican tahay haddaan xayawaanku faqan. Dh: miigays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miinayn
* (Miinayn-ta)
Miino gelin, ku aasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miinayn
m.f.dh eeg miinee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miinayn
-ta: (magac, dhedig, keli) miino dhigid: miino qaraxda xidhid. Dh: miinays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saamayn
(Saamayn-ta)
Saamays ku reebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saamayn
m.f.dh eeg saamee. la-mid: saamays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saamayn
-ta: (n) effect (i-fakt); impact (im-paakt)-, impression (im-paree-shin); repercussion (ri-per-ka-shen); indirect influence ~ raad; ku reebid, saamays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama wax kale, raad ku reebid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Samiira
name-f companion, entertainer, pleasant, patient, conversant
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shacayn
m.f.dh eeg shacee. la-mid: shacays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shanayn
(Shanayn-ta)
1. Shan ka dhigid, gaarsiin.
2. Shan ku noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanayn
m.f.dh eeg shanee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shan ka dhigid gaadhsiin: afar hore ku darsan oo shan noqda.
shanayn -ta: (magac, dhedig, keli) wax tiradiisu afar tahay mid shanaad ku darid. Afar jeer bay kooxdu ku guulaysatay koobka, haatan na shanayn bay rabtaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaniin
m.l Nooc qaraha ka mid ah oo macaan, biyo badanna leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaqayn
(Shaqayn-ta)
Shaqo qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqayn
m.f.dh eeg shaqee. la-mid: shaqays.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaqayn
vl. n. working, labor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shaqo qabasho, hawl hayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaqayn
de: working, labor Alt sp: shaqeyn
initial: s
lx: shaqayn
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: shaqayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiidan
La shiidey; la budeeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiidan
shiidan¹: f.mg1 (-dmay, -dantay; -dmi) Badar iyo wixi lamida wax la shiiday noqosho.
shiidan²: f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax la shiiday ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shiidan
shiidan¹: f.mg1 (-dmay, -dantay; -dmi) Badar iyo wixi lamida wax la shiiday noqosho. m.f.dh, shiidmid.
shiidan²: f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax la shiiday ahaansho. m.f.dh, shiidnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiidan
der. [adjective] milled, ground
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiidan
(tilmaame) ridqan; budaysan; daqiijisan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiidan
de: milled, ground
initial: s
lx: shiidan
pd: (shiidnaa)
ps: adj-der
key: shiidan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shiidan
مَطْحُونَ، طَحِينٍ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiilan
La shiilay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la shiilay ahaansho. la-mid: shiilaysan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shiilan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la shiilay ahaansho. m.f.dh, shiilnaan. la-mid: shiilaysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiilan
der. [adjective] fried
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shiilan
-shiilnaa / shiilnayd: (adj) fried (faraayidh). Ex: digaag shiilan; a fried chicken
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiilan
(tilmaame) wax dab la saaray oo dufan lagu dubay ahaan. Ma waxan ku siiyaa hilib shiilan mise mid karsan?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiilan
de: fried
initial: s
lx: shiilan
pd: (shiilnaa)
ps: adj-der
key: shiilan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shiilan
مَقْلِيٍّ مَقْلُو
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiiran
m.l Nooc kalluunka ka mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiiran
(tilmaame) mid shiir leh; shuruf leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shirayn
(Shirayn-ta)
Neef shiro u qalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirayn
m.f.dh eeg shiree. la-mid: shirays, shiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirayn
-ta: (magac, dhedig, keli) (u ~) u shidhay; neef shidho ah u qalid; u shidhays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siidayn
-ta: (magac, dhedig, keli) fasaxid; oodda ka rogid. Siidaynta dad badan ayuu Madaxweynuhu amray. Dh: fasxid. Li: haysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siigayn
-ta: (magac, dhedig, keli) siigo kicin, boodh iyo omos kicin oo siigo abuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siinayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qurux u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhammayn
(Dhammayn-ta)
Wax ka maqnaa ku darid; ebyid; dhammaystirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhammayn
m.f.dh eeg dhammee. la-mid: dhammays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhammayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax idlaaday ama soo dhamaystirmay ka dhigid. Dh: dhamayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaftayn
-ka: (magac, lab, keli) cunto labo nus oo kala duwan ka kooban, sida baasto iyo suqaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habitaan
-ka: (magac, lab, keli) quudinta carruurta aan weli dareere ma ahee wax kale quudan. Habitaan baa ilmaha wax lagu siiyaa. Dh: habid.
habitaan-ka: (magac, lab, keli) haan iyo wax la mid ah, biyo ama dareere kale sii deyn. Dh: heemitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadimayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadimays, dibindaabyeyn; luggoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagitaan
-ka: (magac, lab, keli) hoggaaminta qof indha la'. Dh: hoggaamin.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hamatayt
Hacmitita
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hammisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax walaac iyo murugo hayso ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hammisan
der. [adjective] worried, preoccupied, anxious
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hammisan
-aa: (adj) preoccupied (pri-oko paayidh) ~ walwalsan, fakarsan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hammisan
de: worried, preoccupied, anxious
lx: hammisan
pd: (hammisnaa ~ hammisanaa)
ps: adj-der
key: hammisan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harimayn
m.f.dh eeg harimee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harimayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qado cunid. Dh: qadayn, hadhimayn.