shalwis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shalwis
-ka: (magac, lab, keli) shalwin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halwis
m.l Miro qolof ka saarid. la-mid: halwin (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halwis
-ka: (magac, lab, keli) eeg halwid.
halwis -ka: (magac, lab, keli) midho qolof ka saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shalwi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax meel hoos u dheer oo ciriiri ah ku ridid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shalwi
v. throw something into a narrow inaccessible place
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shalwi
(fal) dhagax iyo wixii la mid ah, buur korkeed ka soo riix oo ka soo dilindili, buur korkeeda ka soo daa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shalwi
de: throw s.t. into a narrow inaccessible place
initial: s
lx: shalwi
pd: (shalwiyey)
ps: v2a=tr
key: shalwi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shalwid
-da: (magac, dhedig, keli) meel taagan ka soo tuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shalwin
m.f.dh eeg shalwi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shalwin
-ta: (magac, dhedig, keli) 'buur iyo wixii la mid ah, dhagax ka soo riixid oo ka soo tuurid; shalwis.
shalwin-ta: (magac, dhedig, keli) alaab ama wax kale, meel cirriiri ah gelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shalaw
-ga: (magac, lab, keli) shanqarta ka yeerta dhagax meel sare, laga soo tuuray; shalwis.
shalaw-ga: (magac, lab, keli) dhulka buuraleyda ah meelaha foorarkiisa ah ee hoobadka ah. Riyo lugohooday shalaw ku doontaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halis
(Halis-ta)
1. Si kolkaas la yahay ama sah kolkaas la joogo, oo keenaya wax laga cabsado; khatar; cabsi.
2. Meel si fudud wax u gaari karaan ama wax loo yeeli karo.
3. Goldaloolo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halis
m.dh 1. Xaalad waxyeello weyn keenta. 2. H. ah: khatar ah (meel).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
halis
m.dh 1. Xaalad waxyeello weyn keenta. 2. H. ah: khatar ah (meel).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halis
f. n. danger, extreme danger, high risk; vulnerability
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halis
-ta: (n) 1. danger (dheenjar); risk (risk)-, hazard (haazardh); peril (peer el) ~ khatar. 2. (adj) unsafe (anseeyf); risky (riski); hazardous /hazardhas); perilous (peeralas) ~ khatar ah
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Halis
Pericolo; rischio
Danger; risk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halis
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kaste oo nolosha dhibaato iyo haluko gelin kara; wixii khatar ah oo dhan. Dh: khatar, qatar.
halis -ta: (magac, dhedig, keli) meel si fudud ay wax u gaadhi karaan ama wax loo yeeli karo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halis
de: danger, extreme danger, high risk; vulnerability
lx: halis
pd: (-ta)
ps: n1-f, n2a-f
key: halis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halwi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax dab ku madoobayn ama ku midabayn. 2. Wax la iibinayo qiimahooda mid ka yar ku gadid. 3. la-mid: qalwi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halwi
v. singe, scorch
halwi v. throw into a shallow place; sell something at a very low price
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halwi
(fal) (ku ~) dab ku madoobee oo halow ka dhig.
halwi: (fal) dedeji adoo xoog iyo xeeladba isticmaalaya. Cadceeddu intaanay dhicin hawsha halwi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salwi
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley salaw ku ridid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Shlis
Schist
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balwis
-ka: (magac, lab, keli) reen dibiga qooqan ama sac oomani sameeyo. Dh: bunnaxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calwis
m.l Wadaan aad u weyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calwis
-ka: (magac, lab, keli) eeg calwin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalis
dhalis¹: m.l la-mid: dhalin.
dhalis²: m.dh la-mid: dhalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalis
-ta: (magac, dhedig, keli) caloosha ilmo ka soo saarid. Dh: dhalid, ummulid.
dhalis -ta: (magac, dhedig, keli) eeg dhalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawis
m.dh la-mid: dhaawid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haawis
(Haawis-ka)
1. (fardo) hardaf dheer.
2. (weel, kd.) haawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haawis
m.l 1. Hardaf dheer. 2. la-mid: haawin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haawis
m. n. fast gallop ~ canter (of horse)
haawis vl. n. airing, act of opening a vessel to air
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haawis
-ka: (magac, lab, keli) eeg haawin.
haawis -ka: (magac, lab, keli) oroddada fardaha jaad ka mid ah ahna hardaf dheer. Haddii nadigu haaraha ku dhigo haawis xamar baa leh. Dh: hardaf, booddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halcis
m.l la-mid: halcin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halwid
-da: (magac, dhedig, keli) dedejis ay xoog iyo xeeladba la socoto. Dhulka suunta ah halwid baa lagu dhaafaa. Dh: halwis, degdeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halwin
(Halwin-ta)
Dab ku madoobeyn, ku midabayn; halow ka dhigid.
2. Halwad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halwin
m.f.dh 1. la-mid: halwis. eeg halwi. 2. la-mid: qalwin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halwin
-ta: (magac, dhedig, keli) dab ku madoobayn, ku midabayn; halow ka dhigid. Dh: halwis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalwis
m.l la-mid: jalwin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalwis
-ka: (magac, lab, keli) hadal xigmad iyo murti xanbaarsan oo laysu deexdo; xog iyo xigmado la isu bandhigo. Jalwiskayga maqal caawa waan jelebaayaaye. Dh: jalbeeb, tix, suugaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalwis
m.l 1. K. ah: Beer la gooyay xabbad xabbad badar ah oo haray. 2. la-mid: kalwin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalwis
-ka: (magac, lab, keli) si habboon isugu dhicidda jiibta iyo jaanta; sacab labo shubidda koox yari ciyaar u jebiso.
kalwis -ka: (magac, lab, keli) « ahs beer la gooyay xabbadaha yar ee badarka ku hadha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalwis
m.l Q. ah: hilib iyo wixi lamida oo holac lagu dubay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Salwid
(Salwid-da)
Salow kicin; buuqid; sooyaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salwid
m.f.dh eeg salaw².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salwid
-da: (magac, dhedig, keli) salow kicin; buuq iyo qaylo samayn (dad badan). Dh: buugid; sooyaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salwin
m.f.dh eeg salwi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shabis
-ka: (magac, lab, keli) shabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shalwo
f.mg3 (-waday, -watay) Ku sh.: meel hoos u dheer oo ciriiri ah ku dhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shalwo
(fal) sida shalawga meel sare ka soo dhac: meel hoobad ah iska soo shalwi.
shalwo: (ereycodeed) dhawaaq fardaha loogu yeedhyeedho.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shamis
name-f sun, sunlight
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shamis
-ta: (magac, dhedig. keli) meeraha cadceedda loo yaqaan. Dh: cadceed, qorrax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaxis
-ta: (magac, dhedig, keli) shixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shilis
Hilib iyo baruur badan leh; buuran; cayillan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shilis
shilis¹: m.dh.kh Nafley baruur badan leh.
shilis²: f.mg4 (-islaa/-ishlaa, -islayd/-ishlayd) Nafley wax baruur badan leh ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shilis
m.dh.kh Nafley baruur badan leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shilis
[adjective] fat, plump, stout (usually of an animal)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shilis
-ah: (n) fat (faat); fleshy (fa-laashi); chubby (jabbi) ~ buuran, cayillan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shilis
-ta: (magac, dhedig, keli) shilid.
shilis: (tilmaame) hilib iyo baruur badan leh; buuran; cayilan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shilis
bw: mac
de: fat, plump, stout (usually of an animal) Opp: dhuuban
initial: s
lx: shilis
pd: (shislaa ~ shishlaa)
ps: adj
syn: buuran
key: shilis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaawis
m.dh la-mid: dhaawid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaawis
khaawis¹: m.l Fiirada qof meel daloosha laga fiiriyo isaga oo aan ogeyn.
khaawis²: f.g1 (-say, -stay) Iyadoo aan ogeyn cid meel daloosha ka firiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaacis
m.l la-mid: shaacin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaacis
-ta: (magac, dhedig, keli) shaacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaahis
m.l la-mid: shaahin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaahis
-ta: (magac, dhedig, kell) shaahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaanis
(Shaanis-ka)
Cayaaraha turubka mid ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaanis
m.l Nooc ka mid ah siyaalaha turubka loo cayaaro. la-mid: shaanus.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaanis
m. n. playing card game
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaanis
-ka: (magac, lab, keli) ciyaaraha turubka mid ka mid ah, noocyada turubka midkood, badanaa habluhu ciyaaraan. Dh: raanbe, khamaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaanis
cf: turub
de: playing card game
initial: s
lx: shaanis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: shaanis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaawir
-ka: (magac, lab, keli) ka wada tashiga xaajo ama arrin la hayo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SHALBIR
(Shalbir) S Echinochloa colona (L) Linke. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shalwad
-ka: (magac, lab, keli) sida shalawga u dhicid; meel kore ka soo dhicid.
shalwad -da: (magac, dhedig, keli) adhi yar oo lagu darsday adhi kale oo cidi dhoofinayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqlis
-ka: (magac, lab, keli) eeg shaqli.
shaqlis -ta: (magac, dhedig, keli) shaqlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shawris
m.l la-mid: shawrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shawris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg shawrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shalawtir
shalawtir¹: m.l Buuxinta la buuxiyo weel wax yar ka dhimanyihiin.
shalawtir²: f.g1 (-ray, -rtay) Weel wax yari ka dhimanyihiin buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shalwasho
m.f.dh eeg shalwo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Shalwasho
Talus creep
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shalwasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhagax ama wax kale, meel cirriiri ah gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaqaawis
(Shaqaawis-ka)
Libaaxa badda mid ka mid ah; (ama shakhaawis).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqaawis
m.l Nooc ka mid ah libaax-badeedka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaqaawis
m. n. shark species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqaawis
-ka: (magac, lab, keli) libaaxbadeedka mid ka mid ah; shakhaawis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaqaawis
de: shark sp.
initial: s
lx: shaqaawis
pd: (-ka)
ps: n-m
key: shaqaawis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaambis
m.l la-mid: shaambin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaambis
-ka: (magac, lad, keli) eeg shaambin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaanbis
-ka: (magac, lab, keli) shaanbin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shallays
-ka: (magac, lab, keli) shallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanlays
-ka: (magac, lab, keli) shanlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakhaawis
-ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah libaax badeedka waaweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawi
(fal) hu' dul saar, Dh: huwi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haws
-ka: (magac, lab, keli) islahadal iyo qaraw. Dh: hadar, hadur, qaraw.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaw
class: perhaps, possibly
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaw
a: saw, show, sow
de: perhaps, possibly
initial: s
lx: shaw
ps: class
key: shaw
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aawis
m.l la-mid: aawin.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Albis
Alps
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alyis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg alyid.