shalonshooleh
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SHALONSHOOLEH
(Shalonshole) May Withania somnifera (L) Dunal. Solanaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SHALANSHOOL
(Shalanshol) May, S Acalypha fruticosa Forsk. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SHOOLA-SHOOLEH
(Sciolascioleh) S, May Cassia occidentalis Caesalpinaceae.
May, S Combretum aculeatum Vent. Combretaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalandhool
(Dhalandhool-ka)
Qorrax kulul ku socod; boqool; wirwir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalandhool
dhalandhool¹: m.l Socodka la socdo waqtiga qorraxdu kulushahay; baqool. la-mid: dhalandhoolid.
dhalandhool²: f.mg1 (-oolay, -ooshay) Qorrax kulul ku socosho; baqoolid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhalandhool
m.l Socodka la socdo waqtiga qorraxdu kulushahay; baqool.
dhalandhool²: f.mg1 (-oolay, -ooshay) Qorrax kulul ku socosho; baqoolid. m.f.dh, dhalandhoolid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhalandhool
v. travel ~ journey under a hot sun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalandhool
-ka: (magac, lab, keli) socoto meel loo socdo xilli ay qorraxdu kulushahay; hayaan meel fog loo hayaamo. Dhalandhool dhul kaa dheer isagaa dhaqso u tega. Dh: hayaan.
dhalandhool -ka: (magac, lab, keli) socodka la socdo xilliga cadceed kulaylaha ah ee hadhka lagu jiro. Waxan ka soo dhalandhoolay aqalkaygii markaan hadhimeeyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhalandhool
cf: qorrax
de: travel ~ journey under a hot sun
lx: dhalandhool
pd: (dhalandhoolay)
ps: v1=
key: dhalandhool
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shalaytoole
(falkaabe) eeg shalay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalandhooli
f.g2 (-iyay, -isay) Cid qorrax kulul ku socodsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalandhoolid
(Dhalandhoolid-da)
Qorrax kulul ku socosho; boqoolid; wirwirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalandhoolid
m.f.dh eeg dhalandhool². la-mid: dhalandhool¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalandhoolid
-da: (magac, dhedig, keli) dhulkoo kulul meel dheer u hayaamid; meel fog u socdaalid. Adigaa dhibtiyo, dhalandhoolidda i baday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalandhoolin
m.f.dh eeg dhalandhooli. la-mid: dhalandhoolis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalandhoolis
m.l la-mid: dhalandhoolin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ashansoore
m. n. elevator
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ashansoore
-ashansooraha: (n) lift (lift), elevator (ela veey-tar); derrick ~ wiish
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ashansoore
de: elevator
lx: ashansoore
pd: (/ha)
ps: n-m
xe: Where is the elevator?
xv: koruqaade {It}
key: ashansoore
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiinsoole
m.l (-layaal, m.l/dh) Marada sariiraha lagu goglo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiinsoole
m.l (-layaal, m.l/dh) Marada sariiraha lagu goglo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiinsoole
m. n. bed sheet, embroidered bed linen
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiinsoole
-dhiinsoolaha: (n) bed sheet (beedh shift) ~ firaash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiinsoole
-ha: (magac, lab, keli) go' ballaadhan oo sariiraha lagu dul goglado ama la huwado. Dhiinsoole caddaan ah ayaa sariirta ku goglanaa. Dh: durraaxad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiinsoole
cf: gogol, turaaxad {S & C}
de: bed sheet, embroidered bed linen
lx: dhiinsoole
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dhiinsoole
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SALBUKOOLE
(Salbocole) S, C Clitoria ternatea L. Papilionaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shabshable
(Shabshabla-ha)
1. Hab ceelka loo shubo oo aan la nintooxsane, labo nin, si dhaqso badan wadaanta u soo bixiyaan.
2. Waxa xoogga laysugu geeyo oo la doonayo, in degdeg iyo boobsiis loo dhammeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shabshable
m.l 1. Geed-nagaar leh caleemo iyo ubax yaryar, aan qodax lahayn oo wax lagu daaweeyo. 2. Hab ceel biyo looga soo saaro oo laba nin si dhaqso badan wadaanta u soo bixiyaan. 3. Cayaar kuwa hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ka mid ah oo leh jiib iyo jaan, ragga iyo dumarkuna wada dheelaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shabshable
m. n. haste, hurry; method of getting water from a well quickly with two men; name of a dance step
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shabshable
-ha: (magac, lab, keli) hab ceelasha loo shubo oo aan la nintooxsane ay labo nin, si dhakhso badan wadaanta usoo bixiyaan; waxa xoogga laysugu geeyaa in biyo shubista degdeg iyo boobsiis lagu dhammeeyo.
shabshable -ha: (magac, lab, keli) ciyaar u gaar ah ragga oo keliya, haweenkuna ay ku taageeraan mashxaradda kolba laashinkii murti iyo luuq macaan is raaciya. Waxay leedahay gabayo iyo shirib, jiib iyo jaan lagu socdo, waxaa keliya ee la joogsadaa na waa marka laashinka la dhegaysanayo murtidiisa iyo luuqdiisa.
shabshable -ha: (magac, lab, keli) hab ceelka loo shubo oo aan la nintooxsane, labo nin, si dhakhso badan wadaanta u soo bixiyaan.
shabshable -ha: (magac, lab, keli) waxa xoogga laysugu geeyo oo la doonaayo, in degdeg iyo boobsiis loo dhammeeyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shabshable
de: haste, hurry; method of getting water from a well quickly with two men; name of a dance step
initial: s
lx: shabshable
pd: (/ha)
ps: n-m
key: shabshable
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SHALOOLEEY
(Shalolei) May Uvaria acuminata Oliv. Annonaceae.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shansho-da
cuisse.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaaciroole
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof dadka ka qosliya. la-mid: shactiroole.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaaciroole
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof dadka ka qosliya. la-mid: shactiroole.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaaciroole
m. n. comedian, amusing person, comic, buffoon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaaciroole
-shaaciroolaha: (n) funny person; comic (koomik); comedian (ko-meediyaan) ~ shaactiroole, taltaliini
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaaciroole
de: comedian, amusing person, comic, buffoon
initial: s
lx: shaaciroole
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: shaaciroole
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaashoobid
(Shaashoobid-da)
Shaasho ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaashoobid
m.f.dh eeg shaashow. la-mid: shaashood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaashoobid
-da: (magac, dhedig, keli) shaasho yeelasho.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SHAB-SHABLE
(Sciebscieble) S, C Cassia longiracemosa Vatke. Caesalpinaceae.
S Dialium orientale Bak.F. Caesalpinaceae.
S Sesbania sesban (L) Merril. Papilionaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shactiroole
m.l la-mid: shaaciroole.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shactiroole
-ha: (magac, lab, keli) qofka dadka ka qosliya. Aw Kuukuu wuxuu ah shactiroole weyn. Dh: maadeeye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaacirroole
-a: (magac, lab, keli) jaajaaleh hadalkiisu meel kastaba gaadho ama uu tisqaado.