shakalid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shakalid
m.dh la-mid: sakalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakalid
-da: (magac, dhedig, keli) shakal ku xidhid; shakalid; shakaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shakaalid
(Shakaalid-da)
Shakaal ku xirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shakaalid
m.f.dh eeg shakaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakaalid
-da: (magac, dhedig, keli) shakaal ku xidhid; qoofalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sakalid
m.f.dh eeg sakal². la-mid: shakalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakalid
-da: (magac, dhedig, keli) neef, shakal ku xidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaalid
(Shaalid-da)
(gaadiidka badda) mowjad duuban ka hortegid oo ka dhaadhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaalid
m.f.dh eeg shaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaalid
-da: (magac, dhedig, keli) 'markab' ka hor tagid mawjad oo ka dhaadhicid, mawjad duuban ka hortegid oo ka daaddegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakali
-ga: (magac, lab, keli) soo leexinta gaadiidka. Dh: duubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shakarid
(Shakarid-da)
Meel gudo ah, xoog wax uga buuxin, ugu kakabin, uga iltirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakarid
-da: (magac, dhedig, keli) wax buuxin; wax cidhiidhi isu haysta; bishilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddaabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qoofalidda gammaanka lugta iyo jeeniga la isku xidho. Dh: shakaalid, shakalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakaarid
-da: (magac, dhedig, koli) meel cidhiidhiya ku khasbid aad shay kale xoog ku galiso. Dh: nefis, jujuubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shakad
(Shakad-da)
Suun xabbadaha (= saanadda) lagu guro oo lagu qaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shakad
m.dh (-do, m.l) Suun shiraac ama harag ka samaysan oo jeebab badan leh xabbadahana lagu rito.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shakad
m.dh (-do, m.l) Suun shiraac ama harag ka samaysan oo jeebab badan leh xabbadahana lagu rito.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shakad
f. n. cartridge belt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakad
-da: (magac, dhedig, keli) suun rasaas lagu gurto oo lagu qaato. Diyaar garaw oo soo qaado shakada qoriga iyo waysadaba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shakad
cf: suun
de: cartridge belt
initial: s
lx: shakad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: shakad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shakal
(Shaka-sha)
Meel ciriiryoon; dhudhub; (ama sakal).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shakal
shakal¹: m.dh la-mid: sakal¹.
shakal²: f.mg1 (-alay, -ashay) la-mid: sakal².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shakal
f. n. narrow opening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakal
-ka: (magac, lab, keli) shakaal.
shakal -sha: (magac, dhedig, keli) cidhiidhyoon; dhudhub.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Shakal
Ciriiri, aan daleel ahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shakal
de: narrow opening
initial: s
lx: shakal
pd: (/sha)
ps: n1-f
see: sakal
key: shakal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawalid
-da: (magac, dhedig, keli) u tudhid dhaqaale oo walaalnimo ku jirto. Dh: halaanhalid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Khaalid
name-m friend; lasting; eternal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Makalid
(Makalid-da)
Waxyeello gaarsiin; dilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makalid
m.f.dh eeg makal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax nool nafta ka goyn. Naf Ilaahay uumay makaliddeedu waa dambi weyn. Dh: dilid, qudhgoyn, makelid, makalis, kambalid. Li: noolayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Salalid
(Salalid-da)
Si naxdin iyo argaggax leh, hurdo uga soo boodid, uga kicid: (ama selelid.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salalid
m.f.dh eeg salal². la-mid: selelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salalid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo iyo wixii la mid ah, dulsabbayn; dul heehaabid.
salalid -da: (magac, dhedig, keli) aad u boodid.
salalid -da: (magac, dhedig, keli) si naxdin iyo argagax leh, hurdo uga soo boodid, uga kicid. Dh: selelid, sasid.
salalid -da: (magac, dhedig, keli) jaho garanwaa ku dhaca ruuxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaacid
(Shaacid-da)
(war) dhul badan wada gaarid; caan noqosho; baahid, faafid; fidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaacid
m.f.dh eeg shaac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaacid
-da: (magac, dhedig, keli) war, arrin iyo wixii la mid ah, dhul badan wada gaadhid; caan noqosho. Dh: baahid, faafid, fidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaahid
1. (Shaahid-da) Shaah cabbid.
2. (Shaahid-ka) Marag; markhaati.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaahid
shaahid¹: m.l (-dyo, m.dh) Marqaati.
shaahid²: m.f.dh eeg shaah².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaahid
m. n. witness
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shaahid
name-m witness; one who upholds the faith
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaahid
-ka: (n) eyewitness (aay-wit-nes); spectator (ispak-teeyter) ~ markhaati
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaahid
-da: (magac, dhedig, keli) shaah cabbid shaahayn.
shaahid -ka: (magac, lab, keli) markhaati: shuhuud: marag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaahid
cf: marag, markhaati
de: witness
initial: s
lx: shaahid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: shaahid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaaxid
m.l Rooti iyo wixi lamida aad dab loogu bisleeyay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaaxid
(fal) wax duban oo qallalan noqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaqlid
(Shaqlid-da)
Shaqal u yeelid; xarakayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqlid
m.f.dh eeg shaqal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqlid
-da: (magac, dhedig, keli) dusha maro iyo wax la mid ah kaga dahaadhid.
shaqlid-da: (magac, dhedig, keli) shaqal u yeelid; shaqlis; xarakayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shawlid
(Shawlid-da)
Shawl siin, ku deyid; qulaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shawlid
m.f.dh eeg shawl². la-mid: kawl¹, kawlid, shawl¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shawlid
-da: (magac, dhedig, keli) shawl siin, ku deyid; qulaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalalid
m.dh la-mid: dhalaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhayalid
(Dhayalid-da)
Cayaarid; dheelid; kaftamid; (ama dheyelid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhayalid
m.f.dh eeg dhayal². la-mid: dhayalis².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khajalid
m.f.dh eeg khajal². la-mid: khajilaad, khajilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khajalid
-da: (magac, dhedig, keli) sheex dareemid. Dh: qajilid, khajilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khatalid
(Khatalid-da)
Dhagrid; khayaanayn; sirid; xeeladayn; hodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khatalid
m.f.dh eeg khatal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khatalid
-da: (magac, dhaddig, keli) cid kale, si xeel ah u khayaamid; eed ama ceeb ku xanbaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shakamad
(Shakamad-da)
Suun dumaysan oo fardaha luqunta looga lulo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shakamad
m.dh (-do, m.l) Suun dun bulush ah leh oo fardaha madaxa loogu xiro qurux awgeed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shakamad
f. n. decorative halter for a horse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakamad
-da: (magac, dhedig, keli) suun dumaysan oo fardaha luqunta looga lulo; shay fardaha qoorta looga lulo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shakamad
de: decorative halter for a horse
initial: s
lx: shakamad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: shakamad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shakiyid
(Shakiyid-da)
Shaki qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shakiyid
m.f.dh eeg shaki². la-mid: shakin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakiyid
-da: (magac, dhedig, keli) shaki qabid: shakiyis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharaxid
m.dh la-mid: sharxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharaxid
-da: (magac, dhedig, keli) qurxin; bilid: qurxis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shukulid
m.f.dh la-mid: sukulid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khalkhalid
(Khalkhalid-da)
Khalkhal noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khalkhalid
m.f.dh eeg khalkhal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khalkhalid
-da: (magac, dhedig, keli) jahawareer iyo khalkhal qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaankaxid
m.f.dh eeg shaankax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhakoolid
(Dhakoolid-da)
Meel cidla' ah, iska taagnaan ama ka dhisnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhakoolid
m.f.dh eeg dhakool². la-mid: dhakool¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhakoolid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dhakool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalaalid
(Dhalaalid-da)
1. Muuqaal ifa haya yeelasho; bidhaamid; birbirid.
2. (bir, subag, kd.) sida biyaha u dareerid, kulayl dab ama qorraxeed aawadi; shiilmid; shubmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalaalid
m.f.dh eeg dhalaal². la-mid: dhalalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalaalid
-da: (magac, dhedig, keli) shiilmid oo dareere u beddelmid.
dhalaalid -da: (magac, dhedig, keli) iftiimid oo wax meel dheer laga arkayo ahaan. Dhalaalidda xiddigaha samada dharaar lama arko.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhambalid
m.f.dh eeg dhambal³. la-mid: dhambal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhambalid
-da: (magac, dhedig, keli) walax, labo u kala falliidhid. Dh: dhambalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhanbalid
(Dhanbalid-da)
Dhanbal ka dhigid; dillaacin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhanbalid
-da: (magac, dhedig, keli) habka atam bu'atameed u kala googo'do bu'o fudud oo ay weheliso talmarbax aad u xooggan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khatalmid
(Khatalmid-da)
Qof la khatalay noqosho; sirmid; dagmid; khatalan; hodmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khatalmid
m.f.dh eeg khatalan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khatalmid
-da: (magac, dhedig, keli) dabin laguu dhigay gelid; shirqool ku dhicid. Dh: qatalmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saadaalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax sii sheegid, wax soo fool leh ka sii warramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Samafalid
(Samafalid-da)
Samafal la imaansho; camal san falid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samafalid
m.f.dh eeg samafal³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samafalid
-da: (magac, dhedig, keli) wanaag falid: khayr falid: ixsaan falid: camal san samayn; samafal la imaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shahaadid
m.f.dh eeg shahaad².
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shakaal_1
cf: dabar, qoofal
de: hobbling-rope, tether, hobble cord
hm: 1
initial: s
lx: shakaal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: shakaal_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shakaal_2
de: hobble, tie up (an animal)
hm: 2
initial: s
lx: shakaal
pd: (shakaalay)
ps: v1=tr
key: shakaal_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shakaalan
Qoofalan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shakaalan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la shakaalay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shakaalan
der. [adjective] hobbled, tied up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakaalan
(tilmaame) shakaal ku xidhan yahay Dh: dabran, qoofalan.