shakaalfur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakaalfur
-ka: (magac, lab, keli) xoolo, lacagiye wixii la mid ah, oo la siiyo qofka cid kale kitaabfura ama u faaliya. Dh: kotaabfur.
shakaalfur -ka: (magac, lab, keli) dheef la siiyo ninka faraskiisu geenyadaada fuulayo. Dh: ujuuro, gunno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shakaal
(Shakaal-ka)
Qoofal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shakaal
shakaal¹: m.l (-llo, m.dh) 1. Summad alif gudban ah oo xoolaha looga sunto addinka hore. 2. Xiridda faras, geel, iyo baqal laba lugood oo isku dhan ah xarig iyo wixi lamida looga xiro. 3. Celinta gacan jaban ama dhaawacan lagu celiyo xarig qoorta suran.
shakaal²: m.l (xisaab) Dhinaca ka soo horjeeda xagasha qumman ee saddex-xagal qumman. Saamiyada dhererka shakaalka iyo dhererrada dhinacyada kale waxa lagu adeegsadaa tirignoometerega si loo helo fansaarada saynka iyo koosaynka ee xaglaha.
shakaal³: f.g/mg1 (-aalay, -aashay) 1. (f.g) Faras, geel, iyo baqal laba lugood oo isku dhan ah xarig uga xirid. 2. (f.mg) Xarig qoorta surid si gacan dhaawac ah loogu celiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shakaal
shakaal¹: m.l (-llo, m.dh) 1. Summad alif gudban ah oo xoolaha looga sunto addinka hore. 2. Xiridda faras, geel, iyo baqal laba lugood oo isku dhan ah xarig iyo wixi lamida looga xiro. 3. Celinta gacan jaban ama dhaawacan lagu celiyo xarig qoorta suran.
shakaal²: m.l (xisaab) Dhinaca ka soo horjeeda xagasha qumman ee saddex-xagal qumman. Saamiyada dhererka shakaalka iyo dhererrada dhinacyada kale waxa lagu adeegsadaa tirignoometerega si loo helo fansaarada saynka iyo koosaynka ee xaglaha. m.f.dh, shakaalid.
shakaal³: f.g/mg1 (-aalay, -aashay) 1. (f.g) Faras, geel, iyo baqal laba lugood oo isku dhan ah xarig uga xirid. 2. (f.mg) Xarig qoorta surid si gacan dhaawac ah loogu celiyo. m.f.dh, shakaalid.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Shakaal
Hypotenuse
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shakaal
m. n. hobbling-rope, tether, hobble cord
shakaal v. hobble, tie up (an animal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakaal
-ka: (magac, lab, keli) xarig tidcan ama dhaaclaysan oo labada afba ilo ku leh oo fardaha jeeni iyo lug isxiga laysaga xiro, si aysan u fogaan ama u cararin. Dh: qoofal.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Shakaal
Sida birshakaasha, wixii wax halkooda ku kala xanniba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakaar
-ka: (magac, lab, keli) eeg shakar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shakaal_1
cf: dabar, qoofal
de: hobbling-rope, tether, hobble cord
hm: 1
initial: s
lx: shakaal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: shakaal_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shakaal_2
de: hobble, tie up (an animal)
hm: 2
initial: s
lx: shakaal
pd: (shakaalay)
ps: v1=tr
key: shakaal_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shakaalan
Qoofalan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shakaalan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la shakaalay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shakaalan
der. [adjective] hobbled, tied up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakaalan
(tilmaame) shakaal ku xidhan yahay Dh: dabran, qoofalan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shakaalan
de: hobbled, tied up
initial: s
lx: shakaalan
pd: (shakaalnaa)
ps: adj-der
key: shakaalan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shakaalid
(Shakaalid-da)
Shakaal ku xirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shakaalid
m.f.dh eeg shakaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakaalid
-da: (magac, dhedig, keli) shakaal ku xidhid; qoofalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakaalni
-da: (magac, dhedig, keli) wax shakaalan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shakaalnaan
m.f.dh eeg shakaalan. la-mid: shakaalnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakaalnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax shakaalan noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akaakur
-ta: (magac, dhedig, keli) dadka aadamaha ugu gaagaaban oo dunida meelo gaar ah uun ku nool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhakaar
m.l 1. Madaxa. 2. Dhafoor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shadaaf
m.dh (-fo, m.l) 1. Galka timirta lagu guro. 2. Gogol yar iyo wixi lamida oo qof leeyahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shadaaf
-ka: (magac, lab, keli) gabal ama cad yar oo maro ama wax u eq ah; shadfad.
shadaaf -ka: (magac, lab, keli) galka timirta lagu guro oo maran: shadfad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shagaaf
-ka: (magac, lab, keli) rarada dameeraha; shadaaf. Dh: heeryo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shagaar
-ka: (magac, lab, keli) midabbo isku badhxan, sida kuwa baalasha balanbaalista; xaradh oo alaabada qaarkeed lagu qurxiyo. Gogol shagaar leh ayay hooyo soo iibsatay. Dh: xaradh, saafi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakali
-ga: (magac, lab, keli) soo leexinta gaadiidka. Dh: duubid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shakuur
name-m Grateful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shalaal
-ka: (magac, lab, keli) marshada oo dhulka qodi weyda oo dul marta. Dh: shubad.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shamaal
name-m wind that comes from the North
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shataar
(Shataar-ka)
Qof arrimihiisa (wax ganacsi, kd.) fulin og oo xirrib iyo baraarugsanaan daran wax meel ku marsada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shataar
shataar¹: m.l.kh (-rro, m.dh) Sh. ah: qof arrimihiisa ganacsi fulin og oo xeelad iyo baraarugsanaan daran wax ku meel marsada. la-mid: shitaar¹.
shataar²: f.g1 (-ray, -rtay) Arrin si shataaradi ku jirto u fulin. la-mid: shitaar².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shataar
m.l.kh (-rro, m.dh) Sh. ah: qof arrimihiisa ganacsi fulin og oo xeelad iyo baraarugsanaan daran wax ku meel marsada. la-mid: shitaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shataar
m. n., [abstract] cunning ~ astute person; cunning, astuteness
shataar v. out-wit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shataar
-ka: (magac, lab, keli) qof arrimihiisa ganacsi iyo wixii la mid ah fulin og oo xirrib iyo baraarugsanaan isku darsaday; qof arrimihiisa maahir ku ah; qof ku baraarugsan meheraddisa. Dh: shidaari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shawaal
(Shawaal-ka, Shawaa-sha)
Bilaha dayaxa oo Muslinku tirsado, tooda tobnaad oo u dhexaysa bisha Soonqaad iyo tan Sidataal; Soonfur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shawaal
m.l/dh Bilaha dayaxa oo muslinku tirsado tooda tobnaad oo u dhexeysa soonqaad iyo sidataal; soonfur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shawaal
m.l/dh Bilaha dayaxa oo Muslinku tirsado tooda tobnaad oo u dhexeysa soonqaad iyo sidataal; soonfur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Shawaal
m. n.-time: tenth month of the Muslim lunar calendar, following Ramadan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Shawaal
-ka: (magac, lab, keli) bilaha dayaxa ee muslimiintu tirsato ta ciidda soon ku dhacdo. Dh: Soonfur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Shawaal
bw: Arabic
de: tenth month of the Muslim lunar calendar, following Ramadan
initial: s
lx: Shawaal
pd: (-ka ~ /sha)
ps: n0-m/f-time
syn: Soonfur
key: Shawaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaafur
masaafur¹: m.l la-mid: masaafir¹.
masaafur²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: masaafir².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masaafur
v. travel, go far away
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masaafur
-ka: (n) traveler or traveller; wayfarer (weey feerar) ~ masaafir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafur
(fal) safar u bax. Reerka magaalada ugu masaafur. Dh: safar.
masaafur-ka: (magac, lab, keli) qof socoto ku jira oo lug ama gaadiid ku socdaalaya. Dh: safar, musaafir, masaafir, marti, socoto. Wa: masaafiriin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masaafur
de: travel, go far away
lx: masaafur
pd: (masaafuray)
ps: v1=intr
see: masaafir (and related forms)
key: masaafur
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SAAN-FUR
(San-fur) May Endostemon ctenoneurus R. Harley. Labiatae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakaaki
-ga: (magac, lab, keli) qof shaki miidhan ah; aad u tuhmaad badan, had iyo goor wax tuhma, qof aan waxna kalsooni ku qabin oo shaki badan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shakalid
m.dh la-mid: sakalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakalid
-da: (magac, dhedig, keli) shakal ku xidhid; shakalid; shakaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaqaale
(Shaqaala-ha)
Qof shaqo haya; shaaqi; xoogsato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqaale
m.l.u 1. Qof cid ama hay'ad u shaqeeya oo mushaar ka qaata. 2. Qof muruqmaal ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaqaale
m.l.u 1. Qof cid ama hay'ad u shaqeeya oo mushaar ka qaata. 2. Qof muruqmaal ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaqaale
m. n. worker, employee, laborer, workman; personnel, staff
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaqaale
-shaqaalaha: (n) worker (woorkar); employee (im-polooyii); staff (istaaf)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqaale
-ha: (magacwadareed) qof ama dad shaqo cid u haya, qof shaqo haya. Beerta waxaa ka shaqeeya nin shaqaale ah. Dh: ciidan, shaaqi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaqaale
bw: Arabic
de: worker, employee, laborer, workman; personnel, staff
initial: s
lx: shaqaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: shaqaale
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shaqaale
مُوَظَّفَعَامِل
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakaarid
-da: (magac, dhedig, koli) meel cidhiidhiya ku khasbid aad shay kale xoog ku galiso. Dh: nefis, jujuubid.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shakal-ka
voyelle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqaalay
(fal) shaqo qor, sii shaqo oo shaqaale ka dhig, qor shaqo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaqaalee
-yey / shaqaaleysay: (v) give employment; hire (haayer); recruit (rikuruut); employ (im-plooy)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaqaalayn
-ta: (n) hiring (haayar-ing); recruiting (rikruuting); employing (im-polooying) ~ shaqaalaysiin, shaqo u qorid, shaqoqorid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shaqo qorid: shaqo siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqaalays
-ka: (magac, lab, keli) shaqaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shidaalcun
-ka: (magac, lab, keli) shidaalka aad u badsadka injiinka; shidaalcunis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabaalfure
m.l Dugaagga intooda xabaalaha qodda oo meydka la soo baxa.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isha kaahfal
Radioactive Source
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shahaadosuur
m.l Marqaati-beenaale.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shahaadosuur
m.l Marqaati-beenaale.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shahaadosuur
m. n., [compound] false testimony
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shahaadosuur
-ka: (n) one who lies under oath
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shahaadosuur
-ka: (magac, lab, keli) markhaati been ah sheegid; marag been ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shahaadosuur
bw: Arabic
de: false testimony
initial: s
lx: shahaadosuur
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: shahaadosuur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhakhaatiir
m.dh la-mid: takhaatiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shakamadayn
(Shakamadayn-ta)
Shakamad u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shakamadayn
m.f.dh eeg shakamadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakamadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shakamad u yeelid; shakamadays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakamadays
-ka: (magac, lab, keli) shakamayn.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shaqaale-ha
:travailleur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saadaal-cudur
m.dh (daawo) Saadaasha socodka cudurka iyo xaaladda mustaqbalka ee bukaanka iyadoo la tixraacayo aqoonta socodka cudurka oo horay loo lahaa, lana tixgelinayo caafi-maadka guud ee bukaanka, da'da iyo jin-siga bukaanka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saadaal-cudur
m.dh (daaw.) Saadaasha socodka cudurka iyo xaaladda mustaqbalka ee bukaanka iyadoo la tixraacayo aqoonta socodka cudurka oo horay loo lahaa, lana tixgelinayo caafimaadka guud ee bukaanka, da'da iyo jinsiga bukaanka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakaatulfitri
-da: (magac, dhedig, keli) sadaqad ku waajibta cid walba oo la bixiyo bisha Ramadaan dhammaadkeeda. Waxa la bixiyaa inta ka horraysa salaadda ciidda.