shahay
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shahay
v., sg., present habitual: you are / she is
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shahay
de: you are / she is
initial: s
lx: shahay
ps: v5a-2sg/3f-prhb
xe: you like
xv: =-tahay
key: shahay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaahay
(fal) biyo karaya shaah ku dar, ranjiyey.
shaahay: (fal) shaah cab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sahay
(Sahay-da)
Cunnada loo qaato in lagu jidmaro; jicsin; sabbaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahay
sahay¹: m.dh Cunto loo qaato in lagu jidma-ro; jiscin.
sahay²: f.g1 (-yay, -yday) Cunto jidmar ahaan cid u siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sahay
m.dh Cunto loo qaato in lagu jid-maro; jiscin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sahay
f. n. provisions for a journey
sahay v. give provisions to someone who is traveling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sahay
-da: (n) materials or provisions made available for the use of travelers; supplies (sapa-laayis) . provisions (porovi-shinis)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Sahay
Viveri per viaggio
Travel ration
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahay
-da: (magac, dhedig, keli) cunnada loo qaato in lagu jidmaro; hantida socdaalka loo qato. Dh: jicsin, sabbaar, saad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shahar
(Shahar-ka)
Soddon maalmood; bil.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shahar
m. n. month, thirty-day period
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shahar
de: month, thirty-day period
initial: s
lx: shahar
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: bil
key: shahar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shalay
(Shalay-da)
Maanta maalintii ka horreysey, dorraadna ka danbeysey; (ama shalayto).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shalay
m.dh.fk Maanta maalintii ka horrey-say. la-mid: shalayto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shalay
m.dh.fk Maanta maalintii ka horreysay. la-mid: shalayto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shalay
f. n., adv-time: yesterday
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shalay
hier.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shalay
(falkaabe) maanta maalintii ka horraysey oo dorraatona ka soo danbaysey: shalayto, maalinta ka horraysa maanta. Dh: shalayto shalaytoole.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shalay
de: yesterday Alt sp: shaley
initial: s
lx: shalay
pd: (-da)
ps: n0-f, adv-time
key: shalay
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shalay
البارحة، أَمْس
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanay
(fal) wax afar ahaa, mid ku dar; shan ka dhig: shan gaadhsii; wax afar ahaa oo aad ku darto hal kale. Qoladaa adigu shanay. Dh: shanee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqay
(fal) shaqo qabo; xooji; shaqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaahayn
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo karaya shaah ku darid.
shaahayn-ta: (magac, dhedig, keli) shaah cabbid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaahays
-ka: (magac, lab, keli) shah cabbid.
shaahays-ka: (magac, lab, keli) shaah ku darid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaashay
(fal) 'ilmo dhashay' shaasho ku rid.
shaashay: (fal) wax godlan, cari: gaaggixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shacayn
m.f.dh eeg shacee. la-mid: shacays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shacays
(Shacays-ka)
Dab hore oo afka laga cabbayn jirey gadaalna ku lahaa meel baaruudda loogu shubo iyo liifad kolka la qarxinayo loo daaro; (ama shucays).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shacays
shacays¹: m.l (-syo, m.dh) 1. Qori xabbad-keliyaale ah oo waayadii hore lagu dagaallami jirey. 2. Wax si aan caadi ahayn u shaqeeya. la-mid: shucays.
shacays²: m.l la-mid: shacayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shacays
m. n. muzzle-loading rifle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shacays
-ka: (magac, lab, keli) buntukh afka laga cabbayn jirey gadaalna ku lahaa meel baaruudda loogu shubo iyo liifad kolka la qarxinayo laga daaro; shucay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shacays
a: shucays
de: muzzle-loading rifle
initial: s
lx: shacays
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: shacays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shahaad
shahaad¹: m.l Dadaal badan oo tacab loo galo.
shahaad²: f.mg1 (-day, -dday) Hawl qabashadeeda tacab badan u gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shahwad
m.dh la-mid: shahwo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shahwad
f. n., (mass n.): semen, sperm
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shahwad
-da: (n) sperm (ispeerm); semen (sii-man) ~ mino, shahwo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shahwad
-da: (magac, dhedig, keli) biyaha laboodka ka soo baxa markay galmoodaan; hammiga dadka iyo xayawaanka ku abuuran; rabitaanka nafta oo dhan. Dh: shahwo, mani, xawo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shahwad
a: shahwo
bw: Arabic
de: semen, sperm
initial: s
lx: shahwad
pd: (/da)
ps: n1-f-mass
key: shahwad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shallay
m.l Qoomamaynta laga qoomameeyo dhacdo hore. la-mid: shallayto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shallay
m.l Qoomamaynta laga qoomameeyo dhacdo hore. la-mid: shallayto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shallay
m. n. remorse, repentance, regret
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shallay
(fal) qoomammay. Dh: shallee.
shallay -ga: (magac, lab, keli) (ka ~) ka qoomamay wax aad fashay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shallay
de: remorse, repentance, regret
initial: s
lx: shallay
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: shallay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shanayn
(Shanayn-ta)
1. Shan ka dhigid, gaarsiin.
2. Shan ku noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanayn
m.f.dh eeg shanee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shan ka dhigid gaadhsiin: afar hore ku darsan oo shan noqda.
shanayn -ta: (magac, dhedig, keli) wax tiradiisu afar tahay mid shanaad ku darid. Afar jeer bay kooxdu ku guulaysatay koobka, haatan na shanayn bay rabtaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanays
-ka: (magac, lab, keli) shanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanlay
(fal) timo iyo wax la mid ah, feedh; fidh. U shanlay ilmaha yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaqayn
(Shaqayn-ta)
Shaqo qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqayn
m.f.dh eeg shaqee. la-mid: shaqays.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaqayn
vl. n. working, labor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shaqo qabasho, hawl hayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaqayn
de: working, labor Alt sp: shaqeyn
initial: s
lx: shaqayn
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: shaqayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqays
m.l la-mid: shaqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqays
-ka: (magac, lab, keli) eeg shaqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharays
-ka: (magac, lab, keli) wax shar ka dhigasho. Dh: sharaysad, sharaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shidhay
(fal) neef shidho ah qal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shishay
(Shishay-da)
Meel shishe; meel fog; meel durugsan; meel aan dhoweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shishay
s. Meel durugsan, meel aan dho-weyn. Tusaale: “Togga shishadiisa ayay deg-ganyihiin”. la-mid: shishe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shishay
f. n., loc. distant place
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shishay
(adj) farther (faar-ther); next to
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shishay
-da: (magac, dhedig, keli) meel shishe; meel fog; meel aan dhoweyn; meel durugsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shishay
cf: fog; durugsan
de: distant place
initial: s
lx: shishay
pd: (-da)
ps: n0-f-loc
key: shishay
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahay
v., sg., present habitual: I am
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ahay
(v) I am. Ex: Somaali baan ahay; I am a Somali. Ameerikaan baan ahay; I am an American
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ahay
(tilmaame) sidaas ayaan ku suganahay. Waxaan ahay waadiga dugsiyada, waxaan ahay waanada macallinka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ahay
de: I am
lx: ahay
ps: v5a-1sg-prhb
xe: Im fine'; Ardeyga cusub baan ahay. 'I am the new student.
xv: Waan fiicanahay.
key: ahay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shay
(Shay-ga)
Wax; geed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shay
m.l (xisaab) Shaygu waa wax leh qaab go'an oo aad taaban kartid, ama arki kartid oo aan nooleyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shay
m.l (xisaab) Shaygu waa wax leh qaab go'an oo aad taaban kartid, ama arki kartid oo aan nooleyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shay
m. n. thing, item
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shay
-ga: (n) [plural shayaal] item (aay-tem); thing (thing); unit (yunit) ~ shey, walax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shay
-ga: (magac, lab, keli) magaca guud ee waxyaabaha ma noolaha ah loo isticmaalo marka la tilmaamayo ee aan la garanayn magaciisa gaarka ah. Imisa shay ayaa miiska dul saran? Dh: wax, walax, geed, shey.
shay-ga: (magac, lab, keli) geed midho macaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dahay
v., sg., present habitual: you are / she is
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dahay
a: tahay
de: you are / she is
lx: dahay
ps: v5a-2sg/3f-prhb
key: dahay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaay
m.l la-mid: dhay².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaay
f. n., (mass n.): fresh milk
dhaay [feminine] n. eye; vision, sight; eyes
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaay
-da: (n) fresh milk ~ dhayda
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaay
(fal) meel bugta daawee. Dh: dhay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaha
imperative v., pl. you all say!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaha
de: you all say!
lx: dhaha
pd: (dheha)
ps: v4a-imp-pl
key: dhaha
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habay
(Habay-ga)
Weel cusub oo la tolay (gocoy), kolka biyo ama wax kale oo la mid ah lagu shubo, sii deynta uu sii daayo, oo dhibcuhu aayar aayar, daldaloollada tolmada uga soo baxbaxaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habay
habay¹: m.l 1. H. ah: weel cusub oo la tolay, markaa la agloolay oo hoorihii lagu shubo sii daaya. 2. la-mid: habyid. la-mid: habayo.
habay²: f.mg1 (-byay, -bayday; -byi) Weel dareere lagu shubay sii dayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habay
f.mg1 (-byay, -bayday; -byi) Weel dareere lagu shubay sii dayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habay
m. n. leak; condition of new woven vessel that leaks slightly; special utensil for feeding a baby
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habay
(fal) hannaani oo qurxi; nidaami oo hagaaji.
habay-ga: (magac, lab, keli) weel dhawaan la tolay oo cusayb ahaan wixii lagu shubo u sii daaya ama ay uga tiftifqaan. Habaygii biyaha qubay, miyuu dhibic hanbeeyaa. Dh: gocay, habayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habay
de: leak; condition of new woven vessel that leaks slightly; special utensil for feeding a baby
lx: habay
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: habay
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nahay
v., pl., present habitual: we are
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nahay
(v) we are. Ex: waxaan nahay Soomaali; we are Somalis
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nahay
de: we are
lx: nahay
ps: v5a-1pl-prhb
xe: We are good workers.
xv: Shaqaale wanaagsan baannu nahay.
key: nahay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safay
(fal) saafi ka dhig, wixii ku jiray ka saar oo ka dhig saafi. Safay biyaha inta aanad cabin. Dh: nadiifi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sahal
1. Aan dhib lahayn; fudud; jilicsan.
2. (Sahal-ka) Fudayd, jileec.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahal
sahal¹: m.l Wax aan dhib lahayn ama fudud.
sahal²: f.g1 (-hlay, -hashay; -hli) Wax fududayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sahal
sahal¹: m.l Wax aan dhib lahayn ama fudud.
sahal²: f.g1 (-hlay, -hashay; -hli) Wax fududayn. m.f.dh, sahlid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Sahal
name: Sahal
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sahal
m. n. (adj.): ease, easiness, simplicity; easy, simple, uncomplicated
sahal v. simplify, make something easy ~ simple
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sahal
name-m ease, easiness, simplicity; easy, simple, uncomplicated
name-m easy to deal with; easy-goer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sahal
-ah: (adj) easy (ii-zi); simple (sim-pal); effortless (efer-les); smooth (ismuuth); facile (faaself, light (laayt) ~ sahlan, fudud
sahal -ay / sahashay: (v) make easy; smooth the way; make possible; facilitate (fa-sili-teeyt) ~ u sahal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahal
(fal) fududay; ha adkayn; dhib ha u yeelin.
sahal -ka: (magac, lab, keli) wax aan adkayn, aan dhib lahayn, wixii dhibyar ee aan adkayn. Sahal Allaw nooga dhig umuuraha. Dh: fudud, jilicsan. Li: adag, dhib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sahan
(Sahan-ka)
Dad ama qof meel loo diro, inay soo arkaan oo war buuxa ka keenaan.