shafid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shafid
(Shafid-da)
(beer) sabuulka ama miraha ama wax kale ka jarid; goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shafid
m.dh eeg shaf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shafid
-da: (magac, dhedig, keli) beer sabuulka ama midhaha ama wax kale ka jarid; goyn Shafiddii beerta ayaa lagu jiraa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharfid
m.f.dh eeg sharaf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharfid
-da: (magac, dhedig, keli) muunayn; xurmayn: xushmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hafid
(Hafid-da)
1. Si kale u qaadasho; illaawid.
2. Si degdeg iyo boob ah wax u cunid, u qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hąfid
m.f.dh eeg hąf².
hafid²: m.f.dh eeg haf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafid
-da: (magac, dhedig, keli) si degdeg iyo boob ah wax kaga qaadasho. Dh: hafis, boobid.
hafid-da: (magac, dhedig, keli) si kale u qaadasho. Dh: illaabid, illaawid, hufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Safid
(Safid-da)
Saf saf ka dhigid; sarcid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
safid
m.f.dh eeg saf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safid
-da: (magac, dhedig, keli) faylin: rigayn; sarcid: safid.
safid-da: (magac, dhedig, keli) saf saf ka dhigid. Dh: sarbid, sarcid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhafid
(Dhafid-da)
Labo wax ama ka badan oo kala jaad ah isku dhexdarid oo mid ka dhigid; isku darid; isku dheehid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhafid
m.f.dh eeg dhaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhafid
-da: (magac, dhedig, keli) wax isku dardarid oo isku mulaaqid. Digirta iyo bariiska ayaa isku dhafidda ku macaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saafid
(Saafid-da)
Burunji hilib ama wax la mid ah, mindi ku dildillaacin taniyo intuu ka noqdo wax ballaaran oo xalleefsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saafid
m.f.dh eeg saaf². la-mid: saaf¹ (2).
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saafid
Analysis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saafid
-da: (magac, dhedig, keli) hilib jiidh ah iyo wax la mid ah, mindi ku dildilaacin ilaa uu noqonayo wax goglan ama bagafsan. Habartu wa ku ba'as tahay saafidda hilibka.
saafid-da: (magac, dhedig, keli) hadal iyo wax la mid ah, kala qalqalid, kala cadcaddayn, kala macnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharid
(Sharid-da)
Qof iin yeeshay, mas'uuliyad ka qaadid, ka wareejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharid
-da: (magac, dhedig, keli) qof iin yeeshay. mas'uuliyad ka qaadid, ka wareejin, ka casilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaxid
(Shaxid-da)
Shax cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaxid
m.f.dh eeg shax². la-mid: shixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaxid
-da: (magac, dhedig, keli) shax ciyaarid, dheelid; shixis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goyn
(Goyn-ta)
1. Wax is haystey, wax kala go'an ka dhigid; jarid.
2. (beer) miraha ka jarid; shafid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaf
shaf¹: m.l (-faf, m.l) 1. Meesha wareegsan oo geelu marka uu fadhiisanayo uu dhulka dhigto; leg. 2. Xabad; gaaddo.
shaf²: f.g1 (-fay, -ftay) Geedo iyo wixi lamida jarid. m.dh, shafid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
falciare
v.tr. - shafid, gurid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
miètere
v.tr. - shafid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
récolte
récolte, n.f. - shafidda (beer goyn).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
récolter
récolter, v. - shafid; gooyinta beerta
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaafid
(Dhaafid-da)
1. Gudbid; ka dheerayn; ka hormarid; ka tegid.
2. Iska deyn; dan u gelid la'aan; cafiyid; saamixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaafid
m.f.dh eeg dhaaf.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhaafid
Discount
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
dhaafid
take-over
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaafid
-da: (v) overtake (oowvar- teyk); the act of passing ka hor marid. Ex: baabuur dhaafid badnidaa; You are overtaking too many cars
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhaafid
Oltrepassare
To surpass
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaafid
-da: (magac, dhedig, keli) ka gudbidda ama waydaarashada wixii hore. Dh: ka gudbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhafmid
m.f.dh eeg dhafan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhafrid
(Dhafrid-da)
Inta la soojeedo in ka badan soo jeedid; seexasho la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhafrid
m.f.dh eeg dhafar³. la-mid: dhafar¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhafrid
-da: (magac, dhedig, keli) saamalleylid oo hurdo la'aan soo jeedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahayid
m.f.dh eeg sahay².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaacid
(Shaacid-da)
(war) dhul badan wada gaarid; caan noqosho; baahid, faafid; fidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaacid
m.f.dh eeg shaac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaacid
-da: (magac, dhedig, keli) war, arrin iyo wixii la mid ah, dhul badan wada gaadhid; caan noqosho. Dh: baahid, faafid, fidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaafic
-ha: (magac, lab, keli) ilmaha yaraanta ku dhinta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaafii
(Shaafii-da)
Duco Carabi iyo Soomaali isugu jirta oo ardada Quraanku Maqribkii qaadaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaafii
m.dh Duco carabi iyo Soomaali isugu jirta oo ardayda quraanku maqribkii akhriyaan. la-mid: shaafiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaafii
f. n. morning prayer recited by pupils in a Koranic school
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaafii
-da: (magac, dhedig, keli) duco Carabi iyo Soomaali isugu jirta oo ardayda Quraanku maqribkii wadajir u qaadi jireen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaafii
a: shaafiin (ta) [n-f]
de: morning prayer recited by pupils in a Koranic school
initial: s
lx: shaafii
pd: (-da)
ps: n-f
key: shaafii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaafin
-da: (magac, dhedig, keli) qof bukey caafimaad siin; ladnaysiin: bogsoodsiin; biskoodsiin. Dh: bogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaahid
1. (Shaahid-da) Shaah cabbid.
2. (Shaahid-ka) Marag; markhaati.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaahid
shaahid¹: m.l (-dyo, m.dh) Marqaati.
shaahid²: m.f.dh eeg shaah².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaahid
m. n. witness
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shaahid
name-m witness; one who upholds the faith
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaahid
-ka: (n) eyewitness (aay-wit-nes); spectator (ispak-teeyter) ~ markhaati
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaahid
-da: (magac, dhedig, keli) shaah cabbid shaahayn.
shaahid -ka: (magac, lab, keli) markhaati: shuhuud: marag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaahid
cf: marag, markhaati
de: witness
initial: s
lx: shaahid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: shaahid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaalid
(Shaalid-da)
(gaadiidka badda) mowjad duuban ka hortegid oo ka dhaadhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaalid
m.f.dh eeg shaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaalid
-da: (magac, dhedig, keli) 'markab' ka hor tagid mawjad oo ka dhaadhicid, mawjad duuban ka hortegid oo ka daaddegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaaxid
m.l Rooti iyo wixi lamida aad dab loogu bisleeyay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaaxid
(fal) wax duban oo qallalan noqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shadfad
(Shadfad-da)
1. Galka timirta lagu guro oo maran.
2. Gabal ama cad yar oo maro ama wax u eg ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shadfad
f. n. large sack for storing dates
shadfad [feminine] n. scrap, shred
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shadfad
-da: (magac, dhedig, keli) galka timirta lagu guro oo madhan.
shadfad-da: (magac, dhedig, keli) gabal ama cad yar oo maro ama wax u eg ah; hayl.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shahiid
shahiid¹: m.l 1. Sh. ah: qof dadaal badan oo aad isu tiilaya. 2. (-dyo/-diin, m.dh) Qof fidinta diinta u dhintay.
shahiid²: f.mg1 (-day, -dday) 1. Wax si aad ah ugu dadaalid. 2. Jahaad ku dhimasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shahiid
shahiid¹: m.l 1. Sh. ah: qof dadaal badan oo aad isu tiilaya. 2. (-dyo/-diin, m.dh) Qof fidinta diinta u dhintay.
shahiid²: f.mg1 (-day, -dday) 1. Wax si aad ah ugu dadaalid. 2. Jahaad ku dhimasho. m.f.dh, shahiidid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shahiid
m. n. martyr
shahiid v. be a martyr, choose martyrdom
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shahiid
-ka / da: (n) martyr (maar-ter); one who dies for his religious principles ~ shihiid —shahiid -ay / shahiidday: (v) suffer death for religious principles; become a martyr
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shahiid
-ka: (magac, lab, keli) qof dar Alle u dhinta; naftiihure.
shahiid -ka: (magac, lab, keli) dar Alle u dhimasho; shahiidid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shahiid
شهید
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shalfad
m.dh (-do, m.l) Cad yar oo maro ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shalwid
-da: (magac, dhedig, keli) meel taagan ka soo tuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanqid
m.dh eeg shanaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaqfad
(Shaqfad-da)
Laab; qalbi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqfad
m.dh (-do, m.l) Laab; qalbi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaqfad
f. n. center of one's emotions, 'heart'
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaqfad
-da: (n) heart (haart); mind (maayndh) ~ shakhfad. Ex: shaqfaduu la'yahay; he is absent-minded
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqfad
-da: (magac, dhedig, keli) qalbiga; laab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaqfad
cf: laab, qalbi
de: center of one's emotions, 'heart'
initial: s
lx: shaqfad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: shaqfad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaqlid
(Shaqlid-da)
Shaqal u yeelid; xarakayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqlid
m.f.dh eeg shaqal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqlid
-da: (magac, dhedig, keli) dusha maro iyo wax la mid ah kaga dahaadhid.
shaqlid-da: (magac, dhedig, keli) shaqal u yeelid; shaqlis; xarakayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shardid
(Shardid-da)
1. Shardi ku xirid.
2. Nidrid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shardid
m.f.dh eeg sharad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shardid
-da: (magac, dhedig, keli) shardi ku xidhid.
shardid -da: (magac, dhedig, keli) nidrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharxid
(Sharxid-da)
Sharax u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharxid
m.f.dh eeg sharrax². la-mid: sharaxid, sharixid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sharxid
-da: (n) the act of explaining, describing, defining
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharxid
-da: (magac, dhedig, keli) cashir iyo wixi la mid ah, sharxis.
sharxid -da: (magac, dhedig, keli) qurxin; bilid; sharraxis, sharax u yeelid; xardhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shawlid
(Shawlid-da)
Shawl siin, ku deyid; qulaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shawlid
m.f.dh eeg shawl². la-mid: kawl¹, kawlid, shawl¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shawlid
-da: (magac, dhedig, keli) shawl siin, ku deyid; qulaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shawrid
m.f.dh eeg shawr². la-mid: showrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shawrid
-da: (magac, dhedig, keli) kulmid; wadatashad; shawris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirfid
m.f.dh eeg shirif². la-mid: shurfid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shurfid
m.dh la-mid: shirfid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuufid
m.f.dh eeg shuuf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuufid
-da: (magac, dhedig, keli) sannifid; diidid.