shactiroole
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shactiroole
m.l la-mid: shaaciroole.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shactiroole
-ha: (magac, lab, keli) qofka dadka ka qosliya. Aw Kuukuu wuxuu ah shactiroole weyn. Dh: maadeeye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaaciroole
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof dadka ka qosliya. la-mid: shactiroole.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaaciroole
m. n. comedian, amusing person, comic, buffoon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaaciroole
-shaaciroolaha: (n) funny person; comic (koomik); comedian (ko-meediyaan) ~ shaactiroole, taltaliini
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaaciroole
de: comedian, amusing person, comic, buffoon
initial: s
lx: shaaciroole
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: shaaciroole
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
comedian
/komidiyan/ (n) shactiroole (majaajilleeye). e.g. Aw-koonbe is a great comedian.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
comic
/komik/ (adj) 1. shactiro ah (n) 2. majaajilleeye (shactiroole).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaacirroole
-a: (magac, lab, keli) jaajaaleh hadalkiisu meel kastaba gaadho ama uu tisqaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shactiro
m.dh la-mid: shaaciro.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shactiro
-shactirada: (n) comedy (komo-di); humor (hiyuumar) ~ shaactiro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shactiro
-da: (magac, dhedig, keli) ka qoslinta dadka kale, Dh: maad, majaajillo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shactiree
f.mg2 (-reeyay, -reysay) la-mid: shaaciree.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaactiro
-shaactirada: (n) comedy (komo-di); humor (hiyuumar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Shaadirle
magac loo baxsho wiil dhashay isaga oo uu xuub ku duuban yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shactiray
(fal) cid kale, ka qoslisii; maadee; shactiray, majaajillay. Dh: maadey, dhactiree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sixiroole
m.l la-mid: sixirrow.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sixiroole
-sixiroolaha: (n) magician (ma-ji-shin); sorcerer (soor-sasar); wise man; wizard (wizadh) ~ saaxir, sixirrow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sixiroole
-ha: (magac, lab, keli) qofka dadka baaba. Dh: falalow, sixirrow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saacadoole
-ha: (magac, lab, keli) kan farsameeya saacadaha; farsamayaqaan saacadeed.
saacadoole -ha: (magac, lab, keli) dukaanka saacadaha iibsha ama lagu sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shactirayn
m.dh la-mid: shaacirayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shactirayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid ka qoslisiin; maadayn; majaajillayn: shactirays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shactirays
-ka: (magac, lab, keli) shactirayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shalaytoole
(falkaabe) eeg shalay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daancirroole
-ha: (magac, lab, keli) nin da' weyn oo gadhku cirroobay. Li: gadhmadoobe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diraddiroole
m.l la-mid: diraddiraale.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CIINOOLE
(Ennole) S, N? Achyranthes aspera L. Amaranthaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirroole
(Cirroola-ha)
(qof) cirro leh; madaxu caddaaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirroole
m.l (-layaal m.l/dh) Qof gaboobay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirroole
m.l (-layaal m.l/dh) Qof gaboobay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirroole
m. n. old man, gray-haired man
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cirroole
-cirroolaha: (n) white-haired or grey-haired person, especially an old man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirroole
-ha: (magac, dhedig, keli) qof cirro leh oo ay timaha madaxu cad yihiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cirroole
de: old man, gray-haired man
lx: cirroole
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: cirroole
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagoole
-ha: (magac, lab, keli) qof dareenka maqalku aanu shaqaynaynin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHALOOLE
(Dalol) N Chascanum sessilifolium (Vatke) Moldenke. Verbenaceae.
N Clerodendrum myricoides (Hochst) Vatke. Verbenaceae.
N Plectranthus barbatus Andrews. Labiatae.
N Plectranthus cicatricosus (Hutch & Bruce)? Labiatae.
May, S Plectranthus igniarius (Schweinf) Agnew. Labiatae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhartole
m.l la-mid: dhartol.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhartole
m. n. tailor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhartole
-dhartolaha: (n) tailor (teey-lor) ~ dawaare, harqaanle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhartole
-ha: (magac, lab, keli) qofka dharka u tola kolba sida loo dalbado. Dh: dawaarle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhartole
de: tailor
lx: dhartole
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dhartole
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhutoole
-ha: (magac, lab, keli) geedka meel bannaan ka baxa keligii ee aan laamo kale yeelan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
factirso
(fal) «u»u facayso; faciisa oo kale sheego.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantiile
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Qof hanti leh. 2. Qof maaliyad badan leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hantiile
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Qof hanti leh. 2. Qof maaliyad badan leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantiile
-ha: (magac, lab, keli) qof leh hanti la isla ogyahay. Dh: maalqabeen, qabeen, hantiqabeen, xaqle, yadle, deni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabtoole
-ha: (magac, lab, keli) qofka jabtida qaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miiroole
m.l (-layaal, m.l/dh) la-mid: miiraale.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
salicole
salicole, adj. - milix soo saara
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanqoole
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof daloolada sanqada iin ku leh oo aan coodkiisu bayaan ahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sanqoole
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof daloolada sanqada iin ku leh oo aan coodkiisu bayaan ahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanqoole
(tilmaame) qof sanqo leh, qof codkiisu xidhan yahay, sanqo cidhiidhyoon awgeed.
sanqoole -ha: (magac, lab, keli) qofka dhalan ahaan uu hadalkiisu sanqada ka soo baxo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
satirize
/saatarays/ (v) dacaayadayn (foor-jayn).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaaciro
m.dh Hadal iyo dhaqdhaqaaq loola jeedo in cid looga qosliyo. la-mid: shactiro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaaciro
m.dh Hadal iyo dhaqdhaqaaq loola jeedo in cid looga qosliyo. la-mid: shactiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Shaadiro
magac loo baxsho gabadh loo rajaynayo in ay noqoto sheekhad diinta ku toosan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanfool
-ka: (magac, lab, kali) qofka khaayinka ee dadka qaarba weji kula socda. Shanfool waa sharka reeraha. Dh: shanwejule.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharoobo
m.dh Daawo qasan oo afka laga cabbo. la-mid: shiroobo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sharoobo
m.dh Daawo qasan oo afka laga cabbo. la-mid: shiroobo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sharoobo
f. n., (mass n.): syrup
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sharoobo
-sharoobada: (n) medicinal syrup (siirap) ~ daawooyinka dareeraha ah
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sharoobo
de: syrup {It}
initial: s
lx: sharoobo
pd: (/da)
ps: n-f-mass
key: sharoobo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharookh
(Sharookh-a)
Kalluun magaci.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharookh
m.l Nooc aragoostaga ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sharookh
m. n. small shrimp ~ crustacean species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharookh
-ka: (magac, lab, keli) kalluun magacii. Dh: gaxash.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sharookh
de: small shrimp ~ crustacean sp.
initial: s
lx: sharookh
pd: (-a)
ps: n-m
key: sharookh
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sharooto
f. n. bandaid, adhesive bandage; tape
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sharooto
-sharootada: (n) adhesive tape; sticky tape; Scotch tape; Band-Aid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharooto
-da: (magac, dhedig, keli) cad yar oo maro ama wax kale ah oo inta dawo la marsho, la dul saaro nabarrada oogada ku dhaca. Dh: baasmaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sharooto
cf: gaarso, kaarso {It}
de: bandaid, adhesive bandage; tape
initial: s
lx: sharooto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: sharooto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiroobo
m.dh la-mid: sharoobo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shirqool
(Shirqool-ka)
Tashi qarsoodi ah oo loola jeedo in cid lagu dilo ama lagu qabto iyo dhagarta iyo dabinka la qoolo; dabinqool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirqool
shirqool¹: m.l (-llo, m.dh) Tashi qarsoodi ah oo loola jeedo in cid lagu dilo ama lagu waxyeelleeyo.
shirqool²: f.g1 (-oolay, -ooshay) Cid shirqool u samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shirqool
shirqool¹: m.l (-llo, m.dh) Tashi qarsoodi ah oo loola jeedo in cid lagu dilo ama lagu waxyeelleeyo.
shirqool²: f.g1 (-oolay, -ooshay) Cid shirqool u samayn. m.f.dh, shirqoolid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shirqool
m. n. conspiracy, plot, intrigue; trap
shirqool v. conspire ~ plot against; trap, ambush
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shirqool
-ka: (n) conspiracy (konis-piirisi); plot (paloot); machination, collusion, intrigue, cabal ~ mu'aamaraad
shirqool: -ay shirqooshay: (v) conspire (konis-paayr); plot (paloot); trap (taraap); intrigue
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirqool
-ka: (magac, lab, keli) tashi qarsoodi ah oo loola jeedo in cid lagu dilo, lagu qabto iyo dhagarta iyo dabinka la qoolo. Dh: dabingool; gabbaan.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shirqool
مُؤَامَرَة
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
spartire
v.tr. - kala qaybin, kala qaybsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alfiyoole
m.l (-layaalyo, m.l/dh) (cilmiga naflayda) Kiish yar oo ka samaysan xuub khafiif ah, oo ay ku daboolanyihiin tintaafyo wada shaqaynaya oo ku yaalla dhammaadka faracyaraha hunguriga oo neefsashada sambabadu ka dhacdo dushiisa. Sambabku waxa uu leeyahay alfiyoole fara badan. Alfiyoolayaasha ku jira sambabka aadanaha waxa bedkiisa lagu qiyaasay inuu yahay 100 mm.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
alfiyoole
m.l (-layaalyo, m.l/dh) (cilmiga naflayda) Kiish yar oo ka samaysan xuub khafiif ah, oo ay ku daboolanyihiin tintaafyo wada shaqaynaya oo ku yaalla dhammaadka faracyaraha hunguriga oo neefsashada sambabadu ka dhacdo dushiisa. Sambabku waxa uu leeyahay alfiyoole fara badan. Alfiyoolayaasha ku jira sambabka aadanaha waxa bedkiisa lagu qiyaasay inuu yahay 100 mm.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Arteriole
Halbowle yare
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaatiroob
inch. v. become hardened, horny ~ calloused
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaatiroob
a: gaatirow
cf: gumaar
de: become hardened, horny ~ calloused
lx: gaatiroob
pd: (gaatiroobay)
ps: v1=inch
key: gaatiroob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haltiirle
m.l (-layaal, m.l/dh) Wax sida dhisme iyo wixi lamida oo hal tiir kaliya leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haltiirle
-ha: (magac, lab, keli) dhisme ama wax kale oo ku taagan haltiir.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
horticole
horticole, adj. - abuurka jardiinooyinka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maantoole
m.l Sheekooyin (hore) aan dhicin oo carruurta lagu maaweeliyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maantoole
m.l Sheekooyin (hore) aan dhicin oo carruurta lagu maaweeliyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saawiroob
inch. v. become blunt
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saawiroob
de: become blunt
initial: s
lx: saawiroob
pd: (saawiroobay)
ps: v1=inch
key: saawiroob
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sacerdote
s.m. - wadaad Masiixi ah.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
saturable
saturable, adj. - la buuxin karo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sawiraale
-ha: (magac, lab, keli) qof sawirrada qaada ama duuba ama meesha lagu qaado ama lagu duubo lafteeda. Dh: sawirle, taswiiraale, taswiirle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaaciree
f.mg2 (-reeyay, -reysay) Shaaciro samayn. la-mid: shactiree.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shakiloow
(n) skeptic (iskep-tik) also sceptic
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakitire
-ha: (magac, lab, keli) wax qof shakiga uu qabo ka baabi'iya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanboolo
m.dh Nooc ka mid ah siyaabaha turubka loo cayaaro oo afar nin ku dheelaan hal turub oo biigga laga saaray.