shactiray
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shactiray
(fal) cid kale, ka qoslisii; maadee; shactiray, majaajillay. Dh: maadey, dhactiree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shactirayn
m.dh la-mid: shaacirayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shactirayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid ka qoslisiin; maadayn; majaajillayn: shactirays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shactirays
-ka: (magac, lab, keli) shactirayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
comical
/komikal/ (adj) lugu shactiraysto (wax lugu qoslo ah).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shactiro
m.dh la-mid: shaaciro.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shactiro
-shactirada: (n) comedy (komo-di); humor (hiyuumar) ~ shaactiro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shactiro
-da: (magac, dhedig, keli) ka qoslinta dadka kale, Dh: maad, majaajillo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shactiree
f.mg2 (-reeyay, -reysay) la-mid: shaaciree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaacirayn
m.f.dh eeg shaaciree. la-mid: shaa-cirays, shactirayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaacirays
m.l la-mid: shaacirayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiray
(fal) u neef shidho ah u qal; u shidhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saciira
m.dh Naar ka mid ah toddobada naarood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saciira
m.dh Naar ka mid ah toddobada naarood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saciira
-da: (magac, dhedig, keli) naar ka mid ah toddobada naarood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
satiyay
(fal) sati u yeel, u samee, geer uu ku fadhiisto u yeel. Dh: satiyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaatir
-ka: (magac, lab, keli) qof fariidnimada ay xeelado u raaceen. Dh: gadac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bartiray
(fal) dhig wax ka duwan waxa badka yaalla, dhig waxa aan la nooc ahayn inta kale oo ka duwan turub. Bartireeyey turubkii haddaad baabsan garanaysid. Dh: bartee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaciiray
-da: (magac, dhedig, kali) qof lagu yaqaano fadhi xum oo laga naxo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shaakira
name-f thankful, grateful
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shicirad
-da: (n) pubic hair; pubic (pyuubik) ~ bisqin, shuun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shicirad
-da: (magac, dhedig, keli) timo ka soo baxa cawrada dadka, rag iyo dumar ba kolkay qaan gaadhaan. Dh: nabas, shuun, bisqin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaactiro
-shaactirada: (n) comedy (komo-di); humor (hiyuumar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shacbiyad
-da: (magac, dhedig, keli) taageerada dadweyne ee qof ama dawladi haysato. Dh: taageero.
shacbiyad -da: (magac, dhedig, keli) sumcad; caanbax; caan ah; magac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shamiitay
(fal) shamiito mari, dhexgeli, sibdhi sibidhay guriga, sibidh mari, ku samee sibidh. Dh: shamiitee, sibidhee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shammiran
(tilmaame) mid cammiran ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shantarad
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar 25 hog ah oo labo qof wada ciyaarto oo goobo dhexe 'soddoh' leh; bub.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shariirad
-da: (magac, dhedig, keli) loox yar oo xalleefsan oo dhismaha guryaha iyo wixii la mid ah, lagu qurxiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shactiroole
m.l la-mid: shaaciroole.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shactiroole
-ha: (magac, lab, keli) qofka dadka ka qosliya. Aw Kuukuu wuxuu ah shactiroole weyn. Dh: maadeeye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayactiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la dayactiray ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dayactiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la dayactiray ahaansho. m.f.dh, dayactirnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dayactiran
der. [adjective] maintained, repaired, reconditioned
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dayactiran
-an: (adj) maintained (meeyn-taynidh); repaired (ri-peeridh) ~ haggaajisan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayactiran
(tilmaame) wax baylah iyo dayacaad haysatay laga hagaajiyay oo la baylahtiray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dayactiran
de: maintained, repaired, reconditioned
lx: dayactiran
pd: (dayactirnaa)
ps: adj-der
key: dayactiran
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaacbaxay
(v) become popular, public or celebrity ~ caan noqday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shamiitayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sibidh marin, dhexgelin; sibidhays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shamiitays
-ka: (magac, lab, keli) shamiitayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shammiraad
-da: (magac, dhedig, keli) 'gole' cammiraad; soo buuxin. Dh: cammiraad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharciyayn
m.f.dh eeg sharciyee. la-mid: sharciyays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sharciyayn
-ta: (n) legalization (lii-gaa-li-zeey-shin); validation (yaali-dheey-shiri)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharciyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sharci ka dhigasho, ansixin si ay u sharciyowdo. Sharciyaynta qodobkan ha loo codeeyo. Dh: xeerin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharciyays
m.l la-mid: sharciyayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharqantirad
m.l la-mid: shanqartirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharqartirad
m.l la-mid: shanqartirasho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
astray
/astrey/ (adv) marin habaabsan, waddada saxda ah ka weecsan. e.g. He is my best friend; he won't lead me astray.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
astray
/astyrey/ (adv) baathy eh, dhungsyng. My cat had gone astray.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
astray
ad., qallooc; go astray, ambo, habaab; lead astray, ambi, habaabi; they were led astray from the right worship of God, caabudniinti Ilaahay ee toosnayd baa iyaga laga ambiyay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaray
(fal) cid kale, haar iyo calaamad nabar ah u yeel ama ku dhifo. Dh: calaamadee, haaree, qoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harray
m.l Orgi markaas hooyadii goysay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saatir
m.l (-rro, m.dh) Magacyada Ilaahay mid ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saatir
m.l (-rro, m.dh) Magacyada Ilaahay mid ka mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saatir
-ka: (magac, lab, keli) Ilaaha Weyn ee ceebaha addoomihiisa astura. Saatirow ceebtayda astur. Dh: Rabbi, Eebbe, Ilaah, Weyne.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sactar
(Sactar-ka)
Geed yar oo udgoon oo ubaxiisa dhawr waxyaalood laga sameeyo (cunnada oo lagu geedeeyo; daawo; ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sactar
m.l 1. Geed yar, udgoon oo ubaxiisa wax lagu daaweeyo, cuntadana lagu darsado. 2. Sagxad weyn oo alaabta culus maraakiibta looga soo qaado ama loogu geeyo oo matoor jiido.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sactar
m.l 1. Geed yar, udgoon oo ubaxiisa wax lagu daaweeyo, cuntadana lagu darsado. 2. Sagxad weyn oo alaabta culus maraakiibta looga soo qaado ama loogu geeyo oo matoor jiido.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sactar
m. n. sweet-smelling herb species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sactar
-ka: (magac, lab, keli) geed yar oo udgoon oo daawo laga dhigto, ubaxiisana cunnada lagu geedeeyo.
sactar-ka: (magac, lab, keli) markab yar oo si toos ah xeebta wax ugu dejiya; wuxuu leeyahay kiil hore oo u qaabaysan inuu xaaxiga dulfadhiisto oo xammuulkuu siday ku rogo. Sactar saabaanka uu wado is buu isaga dejiyaa. Dh: dejiye, raaf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sactar
de: sweet-smelling herb sp.
initial: s
lx: sactar
pd: (-ka)
ps: n-m
key: sactar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarray
(fal) meel sare joog: kor mar. Dh: korree, sarree.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
satire
/saatayar/ (n) dacaayad (foorjo laga saaro qof, oo doqoniimadiisa muujinaysa).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
satrad
-da: (magac, dhedig, keli) cawro qarin; asturaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaati
(Shaati-ga)
Gashi; garbaggale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaati
m.l (-iyo, m.dh) la-mid: shaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaati
m. n. shirt
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaati
-ga: (n) shirt (sheert) ~ shaadh, shaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaati
-ga: (magac, lab, keli) eeg shaadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaati
bw: shaadh ~ shaar
de: shirt
initial: s
lx: shaati
pd: (-ga)
ps: n2a-m, n7-m
syn: garbaggale, garbaggashi, gashi
key: shaati
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shaati
قميص
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shacab
(Shacab-ka)
Dad; tol; ummad; (ama shicib).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shacab
m.l (shucuub, m.dh) 1. Dadweyne; ummad. 2. Qar badda dhexdeeda ku yaal. la-mid: shacbi, shicib.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shacab
m.l (shucuub, m.dh) 1. Dadweyne; ummad. 2. Qar badda dhexdeeda ku yaal. la-mid: shacbi, shicib.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shacab
m. n., [collective] people, populace, citizens
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shacab
-ka: (n) the civilian population; citizen (sitizen) ~ shacbi, shicbi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shacab
-ka: (magac, lab, keli) dadwaynaha, bulsho. Dh: ummad, shicib.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shacab
a: shacbi, shicbi, shicib
bw: Arabic
de: people, populace, citizens
initial: s
lx: shacab
pd: (-ka Pl: shucuub (ta))
ps: n8-m-col
key: shacab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shacbi
m.l la-mid: shacab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shacbi
m. n., [collective] people, public, populace, population
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shacbi
-ga: (n) the civilian population; citizen (sitizen) ~ shacab, shicbi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shacbi
-ga: (magac, lab, keli) dadweynaha ay dawladi xukunto inta dawlada hoos timaada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shacbi
a: shacab
de: people, public, populace, population
initial: s
lx: shacbi
pd: (-ga)
ps: n2a-m-col
key: shacbi
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shacni
name-f beautiful, adorable
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Shacni
magac loo baxsho gabadh muuqaal qurxoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shacni
-ga: (magac, lab, keli) bilic ama qurux, habboonaan; fiicnaan. Dh: bilic. Li: foolxumo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shahay
v., sg., present habitual: you are / she is
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shahay
de: you are / she is
initial: s
lx: shahay
ps: v5a-2sg/3f-prhb
xe: you like
xv: =-tahay
key: shahay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shalay
(Shalay-da)
Maanta maalintii ka horreysey, dorraadna ka danbeysey; (ama shalayto).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shalay
m.dh.fk Maanta maalintii ka horrey-say. la-mid: shalayto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shalay
m.dh.fk Maanta maalintii ka horreysay. la-mid: shalayto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shalay
f. n., adv-time: yesterday
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shalay
hier.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shalay
(falkaabe) maanta maalintii ka horraysey oo dorraatona ka soo danbaysey: shalayto, maalinta ka horraysa maanta. Dh: shalayto shalaytoole.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shalay
de: yesterday Alt sp: shaley
initial: s
lx: shalay
pd: (-da)
ps: n0-f, adv-time
key: shalay
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shalay
البارحة، أَمْس
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanay
(fal) wax afar ahaa, mid ku dar; shan ka dhig: shan gaadhsii; wax afar ahaa oo aad ku darto hal kale. Qoladaa adigu shanay. Dh: shanee.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shanty
/shaanti/ (n) buul (guri buul ah).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqay
(fal) shaqo qabo; xooji; shaqee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharad
(Sharad-ka)
1. Qodob wax lagu heshiiyey la dhex geliyo oo lagu xiro, sida: haddii arrintu sidaas noqoto heshiisku waa taagan yahay oo waa lagu dhaqmayaa, haddiise wax iska beddelaan oo arrintu ayan sidii laysku ogaa noqon, heshiisku waa jabayaa ama waa burayaa; shardi.
2. Heshiis lacag ama wax kale loo dhigto oo guushu raacdo qofka waxa uu yiri ama uu maleeyey ay rumoobaan.
3. Nidar.
4. Xargaha doonyaha oo waaweyn mid ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharad
sharad¹: m.l 1. Nidar. 2. Xargaha waaweyn ee doonyaha mid ka mid ah. 3. (-dyo/shuruud, m.dh) Heshiis lacag ama wax kale ah oo laba qofood oo wax ku murmay isu dhigtaan. la-mid: shardi, shirad.
sharad²: f.g1 (-rday, -radday; -rdi) Nidar gelid.