shacays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shacays
(Shacays-ka)
Dab hore oo afka laga cabbayn jirey gadaalna ku lahaa meel baaruudda loogu shubo iyo liifad kolka la qarxinayo loo daaro; (ama shucays).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shacays
shacays¹: m.l (-syo, m.dh) 1. Qori xabbad-keliyaale ah oo waayadii hore lagu dagaallami jirey. 2. Wax si aan caadi ahayn u shaqeeya. la-mid: shucays.
shacays²: m.l la-mid: shacayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shacays
m. n. muzzle-loading rifle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shacays
-ka: (magac, lab, keli) buntukh afka laga cabbayn jirey gadaalna ku lahaa meel baaruudda loogu shubo iyo liifad kolka la qarxinayo laga daaro; shucay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shacays
a: shucays
de: muzzle-loading rifle
initial: s
lx: shacays
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: shacays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaacays
m.l (-syo, m.dh) 1. Qori xabbad keliyaale ah oo waayadii hore lagu dagaallami jiray. 2. Wax si aan caadi ahayn u shaqeeya. 3. la-mid: shaacayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shacayn
m.f.dh eeg shacee. la-mid: shacays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanays
-ka: (magac, lab, keli) shanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqays
m.l la-mid: shaqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqays
-ka: (magac, lab, keli) eeg shaqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharays
-ka: (magac, lab, keli) wax shar ka dhigasho. Dh: sharaysad, sharaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shucays
m.l la-mid: shacays¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shucays
m. n. muzzle-loading rifle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shucays
-ka: (magac, lab, keli) dhibsasho iyo karaahiyaysasho. Arrin shucays leh ayaad meesha keentay. Dh: shu'ays.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shucays
a: shacays
de: muzzle-loading rifle
initial: s
lx: shucays
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: shucays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaahays
-ka: (magac, lab, keli) shah cabbid.
shaahays-ka: (magac, lab, keli) shaah ku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shabbays
m.l la-mid: shaabbadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shallays
-ka: (magac, lab, keli) shallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanaysi
-ga: (magac, lab, keli) shanaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanayso
(fal) wax la cabbayo ama la ciyaarayo oo afar joogey, shan ka dhigo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanlays
-ka: (magac, lab, keli) shanlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaqaysi
(Shaqaysi-ga)
Shaqaysasho; xoogsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqaysi
m.l la-mid: shaqaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqaysi
-ga: (magac, lab, keli) shaqaysasho: xoogsasho; shaqaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqayso
f.mg3 (-stay, -satay) Shaqo qabsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaqayso
v.auto: work for oneself; earn; make an effort
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaqayso
-shaqaystay / shaqaysatay: (v) have a job; work for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqayso
(fal) shaqo qabso; xoojiso; hedlo, tabco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaqayso
bw: sp: shaqeeyso ~ shaqeyso
de: work for oneself; earn; [ext.] make an effort
initial: s
lx: shaqayso
nt: shaqaysad (ka) [vn-m], shaqaysasho (/da) [vn-f], shaqaysi (ga) [vn-m]
pd: (shaqaystay)
ps: v3b=auto
key: shaqayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharaysi
(Sharaysi-ga)
Sharaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharaysi
m.l la-mid: sharaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharaysi
-ga: (magac, lab, keli) sharaysasho: sharaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax inuu baas leeyahay u qaadasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sharayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax inuu baas leeyahay u qaadasho. m.f.dh, sharaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sharayso
v. loathe, reject, consider bad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharayso
(fal) shar ka dhigo; baasayso; dhib ka dhigo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sharayso
de: loathe, reject, consider bad
initial: s
lx: sharayso
nt: sharaysad (ka) [vn-m], sharaysasho (/da) [vn-f], sharaysi (ga) [vn-m]
pd: (sharaystay)
ps: v3b=tr
key: sharayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sacas
(ereydhawaaq) waxaraha loogu yeedhyeedho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaas
deictic, suf. that, those
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaas
a: =-taas after -l
de: that, those
initial: s
lx: shaas
pd: (shaasi)
ps: deic-f-suf
xe: that place
xv: meeshaas
key: shaas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacays
-ka: (magac, lab, keli) bac ku ridis. Bacays la'aan alaabta ha soo rarina.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habays
(Habays-ka)
Habayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habays
m.l la-mid: habayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habays
vl. n. act of ordering, arranging
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habays
-ka: (n) the act of organizing; arrangement (a-reenjiment), organization (orgizaayshen)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habays
-ka: (magac, lab, keli) qaab wax loo dhigo ama loo qorsheeyo laftiisa. Habayska ayaa markii hore idinka xumaaday. Dh: qaabays.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habays
de: act of ordering, arranging
lx: habays
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: habays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macays
m.l la-mid: macaaneyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg macayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safays
-ka: (magac, lab, keli) eeg safayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salays
m.l la-mid: salayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salays
-ka: (magac, lab, keli) sal u yeelid; salayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Samays
(Samays-ka)
1. Wax qabashada wax la qabanayo.
2. Meelaha wax lagu sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samays
m.l (-syo, m.dh) 1. Nooc dermooyinka ka mid ah. 2. la-mid: samayn¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samays
-ka: (magac, lab, keli) eeg samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shacab
(Shacab-ka)
Dad; tol; ummad; (ama shicib).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shacab
m.l (shucuub, m.dh) 1. Dadweyne; ummad. 2. Qar badda dhexdeeda ku yaal. la-mid: shacbi, shicib.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shacab
m.l (shucuub, m.dh) 1. Dadweyne; ummad. 2. Qar badda dhexdeeda ku yaal. la-mid: shacbi, shicib.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shacab
m. n., [collective] people, populace, citizens
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shacab
-ka: (n) the civilian population; citizen (sitizen) ~ shacbi, shicbi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shacab
-ka: (magac, lab, keli) dadwaynaha, bulsho. Dh: ummad, shicib.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shacab
a: shacbi, shicbi, shicib
bw: Arabic
de: people, populace, citizens
initial: s
lx: shacab
pd: (-ka Pl: shucuub (ta))
ps: n8-m-col
key: shacab
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shahay
v., sg., present habitual: you are / she is
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shahay
de: you are / she is
initial: s
lx: shahay
ps: v5a-2sg/3f-prhb
xe: you like
xv: =-tahay
key: shahay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shalay
(Shalay-da)
Maanta maalintii ka horreysey, dorraadna ka danbeysey; (ama shalayto).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shalay
m.dh.fk Maanta maalintii ka horrey-say. la-mid: shalayto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shalay
m.dh.fk Maanta maalintii ka horreysay. la-mid: shalayto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shalay
f. n., adv-time: yesterday
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shalay
hier.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shalay
(falkaabe) maanta maalintii ka horraysey oo dorraatona ka soo danbaysey: shalayto, maalinta ka horraysa maanta. Dh: shalayto shalaytoole.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shalay
de: yesterday Alt sp: shaley
initial: s
lx: shalay
pd: (-da)
ps: n0-f, adv-time
key: shalay
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shalay
البارحة، أَمْس
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanay
(fal) wax afar ahaa, mid ku dar; shan ka dhig: shan gaadhsii; wax afar ahaa oo aad ku darto hal kale. Qoladaa adigu shanay. Dh: shanee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqay
(fal) shaqo qabo; xooji; shaqee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wacays
(Wacays-ta)
Duco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wacays
m.l Samaan; wanaag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wacays
f. n. blessing
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Wacays
name-m blessing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Wacays
magac loo bixiyo wiil xilli barwaaqo ah dhashay ama la rajaynayo in uu noqdo mid barakaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wacays
-ta: (magac, dhedig, keli) duco. Wacays baan soo sidaa waa wiil, badhaadhaan daba wadaa waa gabadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wacays
cf: duco {N & W}
de: blessing
initial: w
lx: wacays
pd: (-ta)
ps: n-f
key: wacays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhamays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dhamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqays
(Dhaqays-ta)
Meel astaysan oo lagu barto waxa la rida hayo ama la gana hayo, sida nabarkooda loo toosiyo oo meesha la asteeyey loogu abbaaro; riddada iyo gantaasha toosintooda iyo wax la heliddooda; abbaar; toog; nishaab; liishaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqays
m.dh Toogashada bar astaysan la toogto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaqays
f. n. target; target practice
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqays
-ka: (magac, lab, keli) liishaaminta waxa la ridayo. Dhaqaysku waa cilmi askartu barato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaqays
de: target; target practice
lx: dhaqays
pd: (-ta)
ps: n-f
key: dhaqays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saalays
-ka: (magac, lab, keli) saalo dhigis xoolaad. Geel ban jooga oo yamaarug daaqay, saalays badanaa.
saalays -ka: (magac, lab, keli) eeg saalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saamays
(Saamays-ka)
1. Wax qof ama wax ku yimaada oo raad xoog leh, oo oogada iyo maanku iska gartaan oo wax ku qaybsadaan, ku reeba.
2. Karti wax kale sabab u noqon karta, ama keeni karta, ama abuuri karta ama beddeli karta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saamays
m.l la-mid: saamayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saamays
m. n. effect, impression
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saamays
-ka: (n) effect (i-fakt) ~ see [eeg] saamayn-ta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamays
-ka: (magac, lab, keli) karti wax kale u noqota sabab ku keenta isbeddel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saamays
de: effect, impression
initial: s
lx: saamays
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: saamays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sancays
m.l la-mid: sancayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sancays
-ka: (magac, lab, keli) eeg sancayn. sancee: (fal) si sanco ah wax u samee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shacaab
(Shacaab-ka)
Goomaha badda ku yaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shacaab
m.l (-bab, m.l) (jooloji) Dhadhaabo is haysta, oo ku dhaw dusha biyaha, oo ay suurtoggal tahay in la arko marka hirku gaabanyahay, laakiin sida badan waxaa daboola biyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shacaab
m.l (-bab, m.l) (jool.) Dhadhaabo is haysta, oo ku dhaw dusha biyaha, oo ay suurtoggal tahay in la arko marka hirku gaabanyahay, laakiin sida badan waxaa daboola biyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shacaab
m. n. coral; coral reef