shabeellada hoose
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Shabeellada Hoose
pr. n., loc. Lower Shabelle [region in south Somalia.]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Shabeellada_Hoose
cf: Marka
de: Lower Shabellee [region in south Somalia]
initial: s
lx: Shabeellada Hoose
ps: n0-loc
key: Shabeellada_Hoose
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerrey
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar si aad ah looga qaddariyo gobollo badan oo Soomaaliya ah sida; Shabeellada Dhexe, Shabeellada Hoose, Banaadir iyo Bay. Waxaa lagu ciyaaraa qalabka ay ka mid yihiin: sharaqa, toorreyda, qardhaasta raggu isku qurxiyo iyo kabo sandaal ah oo maqaar laga sameeyay. Dh: beerreey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamaanyo
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar ay wada dheelaan ragga iyo haweenku oo caan ku ah gobolka Shabeellada hoose iyo meelo kale. Qalabka loo qaato ama lagu ciyaaro waxaa ka mid ah durbaan weyn oo la yiraahdo Yoome, durbaan yar oo la yiraahdo Jabuu iyo teneg.
gamaanyo -da: (magac, dhedig, keli) hurdada ka hor, caajiska iyo hamaansiga la yeesho; dareenka lagu garto in ay qof hurdo hayso. Gamaanyo ayaa haysa cunugee seexi. Dh: hurdo, lulmo, lulo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heelley
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar da' weyn oo dhex marta ragga iyo haweenka, waxaana sida badan lagu ciyaaraa geedaha waaweyn hooskooda, waxaana ciyaartan laga dheelaa gobolka Shabeellada hoose iyo meelo kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdadiid
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar gabay leh oo lagu ciyaaro fadhiga oo keliya, waxayna caan ku tahay gobollada Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose. Qalabka lagu tumo waxaa ka mid ah shareero iyo daf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seyle
-ha: (magac, lab, keli) ciyaar aad u da' weyn oo laga ciyaaro Gobolka Shabeellada Hoose ee Soomaaliya. Xilliyada ay barwaaqadu aaranka tahay ee ay beeruhu baxaan ayay ragga iyo haweenku wada ciyaaraan iyaga oo adeegsanaya qalabka ay ka midka yihiin: durbaan weyn, teneg bilaabo gees dheer leh oo madaxiisu qalin yahay gardhaas iyo kabo maqaar ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tur
(fal) u cees oo qalad uu galay yari darteed ugu saamax. Dh: tudh.
tur: (tilmaame) qabo; tudh.
tur: ciyaar gaar u ah geeljirka oo laga ciyaaro gobollada Shabeellada Hoose iyo meelo kale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Marka_3
cf: caasimad
de: Marka [coastal city in south Somalia] Capital of Shabeellada Hoose region;
hm: 3
lx: Marka
ps: n0-loc
key: Marka_3
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Shabeellada Dhexe
pr. n., loc. Inner Shabelle [region in south Somalia.]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Shabeellada_Dhexe
cf: Jowhar
de: Inner Shabellee [region in south Somalia]
initial: s
lx: Shabeellada Dhexe
ps: n0-loc
key: Shabeellada_Dhexe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shabeelnaagood
-ka: (n) womanizer (waman-aazer) ~ shaxaari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shabeelnaagood
-ka: (magac, lab, keli) ninka ku ba'an dumarka, ee ku dheeraya la macaamilkooda. Dh: orginnaagood.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
magaalada hoose
(n) downtown (dhaawntawn)
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
booddada hoose
long jump
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dawladda hoose
(n) municipal (munisapal) government; local government
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabaqadda hoose
(n) lower class (loower-kalaas) ~ dadka danyarta ah
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabakhadda hoose
(n) the lower class (loower-kalaas) ~ dadka danyarta ah
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
calaamad hoose
to undermark
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dowladda hoose
(n) municipal (miyu-nisapal) government; local government
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Stallion Horse
(I) Cavallo stallone;
(S) SANGAY (S. c. s.: Sangài, Sanga)
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Halbeegyada MKS
MKS Units
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Halbeegyada MKSA
MKSA Units