shabeellada dhexe
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Shabeellada Dhexe
pr. n., loc. Inner Shabelle [region in south Somalia.]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Shabeellada_Dhexe
cf: Jowhar
de: Inner Shabellee [region in south Somalia]
initial: s
lx: Shabeellada Dhexe
ps: n0-loc
key: Shabeellada_Dhexe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerrey
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar si aad ah looga qaddariyo gobollo badan oo Soomaaliya ah sida; Shabeellada Dhexe, Shabeellada Hoose, Banaadir iyo Bay. Waxaa lagu ciyaaraa qalabka ay ka mid yihiin: sharaqa, toorreyda, qardhaasta raggu isku qurxiyo iyo kabo sandaal ah oo maqaar laga sameeyay. Dh: beerreey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawladamiin
-ta: (magac, dhedig, keli) ciyaar ay wada dheelaan ragga iyo dumarku oo isugu jirta jiib, jaan iyo sacab. Ciyaartani waxay caan ku tahay gobollada Shabeellada Dhexe iyo Banaadir, qalabka loo qaato na waxaa ka mid ah: lix birood oo labolaba ah, billaawe, ulo bakoorado ah iyo kabo maas ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fargaad
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar cod iyo jiib keliya leh, waana ciyaar saarka la isaga saaro waxay na u gaar tahay haweenka. Ciyaartan, waxaa laga dheelaa gobolka Shabeellada dhexe qalabka lagu tumo na, waxaa ka mid ah: durbaan weyn oo haan ah iyo ulo. Haweenku waxay xidhaan maro cad, garbasaar, shaash, tusbax yusur ah iyo kabo janbal ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gableyshinbir
-ta: (magac, dhedig, keli) ciyaar da'weyn oo caan ku ah gobollada Banaadir iyo Shabeellada dhexe oo ay wada dheelaan ragga iyo haweenku oo leh gabay iyo shirib la isku ammaano, layskuna caayo. Qalabka lagu tumo amaba lagu ciyaaro waxaa ka mid ah, sharaq, sacab, jiib, jaan iyo billaawe gees dheer leh oo madaxa qalin ku leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurbaan
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar dhex marta ragga iyo haweenkaba oo la ciyaaro habeenkii oo kaliya, waxayna caan ku tahay gobolka Shabeellada dhexe ee Soomaaliya iyo meelo kale. Qalabka lagu gu tumo ama lagu ciyaaro, waxaa ka midah maqaar la jilciyey lana taagay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humowheelley
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar si wadajir ah ay u dheelaan ragga iyo haweeku oo gabay iyo geeraar leh, waxayna caan ku tahay gobollada Bay iyo Shabeellada dhexe ee Soomaaliya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdadiid
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar gabay leh oo lagu ciyaaro fadhiga oo keliya, waxayna caan ku tahay gobollada Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose. Qalabka lagu tumo waxaa ka mid ah shareero iyo daf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makay'aramaw
ciyaar Soomaaliyeed da' weyn oo leh luuq, jiib, jaan iyo sacab waa ciyaar rag iyo dumar la wada ciyaaro oo ku caan ah gobolka Shabeellada Dhexe iyo meelo kale qalabka lagu ciyaaro waxa ka mid ah durbaan dheer oo la yidhaahdo Nasar iyo mid gaaban oo la yidhaahdo Muqdan iyo Shanbal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mariino
ciyaar da' weyn oo ka mid ah ciyaaraha durbaannada keliya iyo codka lagu qaado oo laga ciyaaro gobollada Shabeellada Dhexe iyo Bay ee Soomaaliya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shir
(fal) isu imaad: kulan.
shir -ka: (magac, lab, keli) kulan dad badan ay isugu yimaaddaan oo arrimo dano u ah oo waaweyn ka wada hadlaa oo wax ka qabraan.
shir -ka: (magac, lab, keli) banbax; isu'imaad.
shir-ka: (magac, lab, keli) goor; wakhti; had; shin.
shir-ka: (magac, lab, keli) ciyaar dagaaleed ka mid ah ciyaaraha aan sacabka iyo durbaanka midna lahayn waxaana dheela ragga oo keliya, waxaana lagu ciyaaraa warmo iyo gaashaamo, waxayna caan ku tahay gobollada Shabeellada Dhexe iyo Banaadir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shub
(fal) xoolo' biyo sii; waraabi.
shub: (fal) 'dhismo' sibidh ku sabbadee.
shub: (fal) 'bir, iyo wixii la mid ah, dhalaali; dhaqaaji.
shub: (fal) (ku ~) 'dareere' meel ku gembi.
shub: (fal) u shaah iyo wixii la mid ah, dad sii oo kharashkiisa adu bixi.
shub-ka: (magac, lab, keli) dhis ka samaysan bir iyo ciid iyo shamiinto isku dhafan oo isku malaasan.
shub -ka: (magac, lab, keli) jawaan badar ah iyo, wixii la mid ah, oo labo qaybood laga dhigay. Dh: midkood, qayb, nus, badh, bar.
shub -ka: (magac, lab, keli) ciyaar ka dhaxaysa ragga iyo haweenka ba, waana ciyaar leh jiib iyo sacab oo caan ku ah gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surow
-ga: (magac, lab, keli) ciyaar da weyn oo ka mid ah ciyaaraha leh jiibta, jaanta iyo sacabka oo shirib leh, waxayna caan ku tahay gobollada Shabeellada Dhexe iyo Banaadir. Qalabka loo qaato ama tumo waa labo birood oo la isku garaaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareegto
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo nool oo ciidammada duullaanka ahi ay sahay ahaan u kaxaystaan.
wareegto -da: (magac, dhedig, keli) warqad dawladeed oo inta la badiyo xafiisyo badan loo qaybiyo oo xambaarsan amar ka soo baxa qof masuul ah oo cid xil lagaga qaadayo ama cid xil loogu magacaabayo. Wareegto ayuu madaxwaynuhu soo saaray uu ku magacaabay taliye cusub. Dh: go'aan, qaraar.
wareegto: mid ka mid ah ciyaaraha Soomaalida oo caan ka ah gobollada Shabeellada Dhexe iyo Banaadir; ciyaartan waxa lagu ciyaaraa qalabka shambal iyo kooro miraayo ah oo geedo laga qoray, gaashaan, waran, toorrey saddex gees ah, tusbax yusur ah oo urfo leh, kabo saan ah, cabaadhyo ama kuul la shakaasho, jijimo ama jililiqyo iyo xirsi makaraana ah oo aleelo lagu sharraxay.
wareegto-da: (magac, dhedig, keli) kaalaysi kolba qof u wareega oo ah dhib ama dheef la qaybsado. Ilaalinta xaafaddu waa wareegto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Jowhar_2
a: sp: Jawhar
cf: caasimad
de: Jouhar [city in south Somalia] Capital of Shabeellada Dhexe region
hm: 2
lx: Jowhar
ps: n0-loc
key: Jowhar_2
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Shabeellada Hoose
pr. n., loc. Lower Shabelle [region in south Somalia.]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Shabeellada_Hoose
cf: Marka
de: Lower Shabellee [region in south Somalia]
initial: s
lx: Shabeellada Hoose
ps: n0-loc
key: Shabeellada_Hoose
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabaqadda dhexe
(n) the middle class (midhal kalaas)
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Marxaladda dhexe
Middle course
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Baadka badda dhexe
Chaparral
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shabeelnaagood
-ka: (n) womanizer (waman-aazer) ~ shaxaari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shabeelnaagood
-ka: (magac, lab, keli) ninka ku ba'an dumarka, ee ku dheeraya la macaamilkooda. Dh: orginnaagood.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
xarriiqda dhexe
centre line, centreline
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maxkamadda dhexe
n. phr. central court