shabaash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shabaash
shabaash! (ereydhawaaq) lagu yidhaahdo qofka wax loo bogayo sameeya. Dh: mood, woof.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaybaadh
-ka: (magac, lab, keli) meesha cudurrada iyo wixii la mid ah lagu baadho shaybaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaas
(Habaas-ka)
1. Ciidda budada ah oo waddooyinka, kd., ka kacda; boor; siigo; awaare; bus.
2. (xoolo) Jimic.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaas
m.l 1. Ciid budo ah oo dabayshu kiciso. 2. H. ah: jimic (xoolo).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habaas
m. n., (mass n.): dust
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habaas
-ka: (n) dust (dhast) ~ boor, firo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaas
-ka: (magac, lab, keli) ciid iyo boodh cawlan oo budo ah kana kaca meelaha banka iyo waddooyinka xilliyada dabayluhu dhacayaan. Carruuri habaas gashoo hooyadeed ku reebtay. Dh: boodh, siigo, awaare, bus.
habaas -ka: (magac, lab, keli) marka neefka sidkiisu dhammaado ee dhalmo qarka u saaran yahay. Habaasku si fiican buu candhada rida uga muuqdaa. Dh: jimic, dhays, caris.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habaas
cf: boor, bus, siigo, sufur
de: dust
lx: habaas
pd: (-ka)
ps: n2a-m-mass
key: habaas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaash
(Shaash-ka)
1. Timo dheer oo ka baxa surka docdiisa kore iyo dhinacyadiisa (sida kuwa aarka libaaxa, gisida Ameerika dibideeda, ...).
2. Masar badanaa xariir ah oo midabyo badan oo dumarku madaxa ku xirto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaash
m.l (-shash, m.l) 1. Timo dhaadheer oo ka baxa qoorta libaaxa lab iyo wixi lamida. 2. Masar sida badan xariir ah, midabbo badan leh oo dumarku madaxa ku xirtaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaash
m.l (-shash, m.l) 1. Timo dhaadheer oo ka baxa qoorta libaaxa lab iyo wixi lamida. 2. Masar sida badan xariir ah, midabbo badan leh oo dumarku madaxa ku xirtaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaash
m. n. married woman's headscarf, generally of red silk
shaash m. n. mane
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaash
-ka: (n) 1. women's headdress; usually a married women. 2. mane of a male lion ~ shaashka libaaxa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaash
-ka: (magac, lab, keli) timo dheer oo ka baxa surka docdiisa kore iyo dhinacyadiisa.
shaash -ka: (magac, lab, keli) masar badanaa xariir ah oo midabyo badan oo dumarku madaxa ku xirto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaasi
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Boor kicin. 2. Neef riman candho keenid; carin; gorin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habaasi
v. blow dust
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaasi
(fal) siigo kici, awaaree. Dh: siigay, siigee, awaaree.
habaasi: (fal) neef rimman, muuji calaamadihii dhalitaanka oo gor yeelo; candhada weynee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habaasi
de: blow dust
lx: habaasi
pd: (habaasiyey)
ps: v2a=
key: habaasi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shabaab
(Shabaab-ka)
Dhallin yar; barbaar; shaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shabaab
m.l.kh S. ah: nin dhallinyaro ah; barbaar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shabaab
m.l.kh S. ah: nin dhallinyaro ah; barbaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shabaab
n. youth, young person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shabaab
-ka: (n) young people; youth (yuuth)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shabaab
bw: shaab
de: youth, young person
initial: s
lx: shabaab
pd: (-ka)
ps: n2(a)-m
syn: barbaar, dhallinyaro
xv: Arabic
key: shabaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shabaag
(Shabaag-ta)
Alaabada kalluunka lagu qabto mid ka mid ah oo ka samaysan xargo dun ah oo laysku saabcaareeyey oo wada il ah; (ama shamaag).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shabaag
m.dh.u Aaladaha kallunka lagu dabto nooc ka mid ah oo ka samaysan xarko dun ah oo laysku saabcaareeyey oo wada ilo ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shabaag
m.dh.u Aaladaha kallunka lagu dabto nooc ka mid ah oo ka samaysan xarko dun ah oo laysku saabcaareeyey oo wada ilo ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shabaag
f. n., pl. nets
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shabaag
-ta: (n) a net for capturing fish ~ shabag, shebeg
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shabaag
-ga: (magac, lab, keli) alaabada kalluunka lagu qabto mid ka mid ah oo ka samaysan xadhko dun, caag ama bir ah oo laysku saabcaareeyey oo wada il ah; shamaag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shabaag
a: shamaag
bw: Arabic
de: nets Sg: shabag
initial: s
lx: shabaag
pd: (-ta)
ps: n8-f-pl
key: shabaag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shabbah
shabbah¹: m.l (-hyo, m.dh) la-mid: shaabbah¹.
shabbah²: f.g1 (-hay, -hday) la-mid: shaabbah².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shabbah
m. n. resemblance, similarity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shabbah
-ha: (magac, lab, keli) iisu ekaansho; shaabbahaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shabbah
bw: Arabic
de: resemblance, similarity
initial: s
lx: shabbah
pd: (-a)
ps: n0-m
see: shaabbah
key: shabbah
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shabaaba
name-f young lady
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shabaako
(Shabaaka-da)
Khalfad; daaqad; dariishad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shabaako
m.dh (-ooyin, m.l) Dalool albaabka ka yar oo lagu sameeyo dhismooyinka, maraakiibta, dayuuradaha, baabuurta iyo wixi lamida, la xiri karo lana furi karo oo loogu talaggalay in ay hawada iyo ilaysku ka soo galaan. la-mid: shubaako.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shabaako
f. n. window
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shabaako
-shabaakada: (n) window (win-dhaw) ~ dariishad, daaqad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shabaako
-da: (magac, dhedig, keli) khalfad; daaqad; dariishad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shabaako
bw: shubaako
de: window
initial: s
lx: shabaako
pd: (-da)
ps: n6-f
syn: daaqad, dariishad, khalfad
key: shabaako
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabacasho
-da: (magac, dhedig, keli) beerka oo dhulka la saaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaybaadhe
-ha: (magac, lab, keli) qofka shaybaadhka ka shaqeeya; shaybaare.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khabaarsi
m.l Dhibaato ay dhaliyeen col iyo abaar. la-mid: khabarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khabaarso
f.g3 (-saday, -satay) War raadsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khabaarso
v. obtain information from someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khabaarso
(fal) cid kale, war ka raadi. Dh: warayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khabaarso
de: obtain information from s.o.
lx: khabaarso
pd: (khabaarsaday)
ps: v3a=tr
key: khabaarso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabsasho
m.dh la-mid: saabasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaabuush
m. n. whip, lash, (riding) crop
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaabuush
de: whip, lash, (riding) crop
initial: s
lx: shaabuush
pd: (-ka)
ps: n2a-m
see: shaabuug
key: shaabuush
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shabbayso
f.mg3 (-saday, -satay) la-mid: shaabbadayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shalwasho
m.f.dh eeg shalwo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Shalwasho
Talus creep
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shalwasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhagax ama wax kale, meel cirriiri ah gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharraakh
(Sharraakh-a)
1. Shukaanta garangarteeda gaadiidka badda lagu duwduwo.
2. Makiinad dhagax lool ah oo wareegaya leh, oo birta lagu afeeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sharraakh
m. n. ship's wheel; grindstone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharraakh
-a: (magac, lab, keli) makiinad lool wareegaya leh oo wax lagu afeeyo. Dh: moolgacmeed.
sharraakh -a: (magac, lab, keli) giraangirta shukaanta ee gaadiidka badda lagu du'duwo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sharraakh
de: ship's wheel; grindstone
initial: s
lx: sharraakh
pd: (-a)
ps: n-m
key: sharraakh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaybaare
-ha: (magac, lab, keli) eeg shaybaadhe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheybaadh
-ka: (magac, lab, keli) eeg shaybaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabaqsasho
m.f.dh eeg dhabaqso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) carrabka biyo ama cunto ku qaadqaadsho. Aygii dhabaqsasho aayuu caanihii ku dhammeeyey. Dh: dharqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabbacasho
(Dhabbacasha-da)
Dhabbac u jiifsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabbacasho
m.f.dh eeg dhabbaco. la-mid: dhambacaadsad, dhambacaadsasho, dhambacaadsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabbacasho
vl. n. act of lying on one's front ~ stomach
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabbacasho
-da: (magac, dhedig, keli) si dhabbac ah u jiifsasho; bogga dhulka saarid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabbacasho
de: act of lying on one's front ~ stomach
lx: dhabbacasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: dhabbacasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabnaansho
m.l/dh la-mid: dhabnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabnaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg dhabnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhambalasho
m.f.dh eeg dhambalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhambalasho
-da: (magac, dhedig, keli) walax, labo u kala falliidhasho. Dh: falliidhasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhanbalasho
(Dhanbalasha-da)
(ka dhanbalasho) ka dheegasho; u ekayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhanbalasho
vl. n. act of cracking, crushing (grain), splitting
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhanbalasho
de: act of cracking, crushing (grain), splitting
lx: dhanbalasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
see: dhambalo
key: dhanbalasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khabarsasho
m.f.dh eeg khabarso. la-mid: khabarsad, khabarsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabbilaash
m.l Saab weyn oo alaabta lagu rito.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabbilaash
-ka: (magac, lab, keli) saab weyn oo alaabta lagu rito.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabnaansho
m.l/dh la-mid: saabnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabnaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax la saabay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaaraqasho
m.f.dh eeg shaaraqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shabbadayso
f.mg3 (-stay, -satay) la-mid: shaabbadayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) shan ka dhigad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaqaysasho
(Shaqaysasha-da)
Shaqo qabsasho; xoogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqaysasho
m.f.dh eeg shaqayso. la-mid: shaqaysad, shaqaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoogsasho; hedlasho; shaqaysi; shaqo aad leedahay qabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharaysasho
(Sharaysasha-da)
Shar ka dhigasho; baasaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharaysasho
m.f.dh eeg sharayso. la-mid: sharay-sad, sharaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shubaanshub
-ka: (magac, lab, keli) raashin miisan oo kala shubshuban; shushub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shubnaansho
m.l/dh la-mid: shubnaan.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
abash
v.tr., rog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baash
m.l la-mid: baashi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haash
(Haash-ka)
Jaadadka warmaha mid kamid ah; qaash.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haash
m.l (-shash, m.l) 1. Sigaar la cabbay inta ugu dambaysa; gumud. 2. la-mid: qaash.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haash
m.l (-shash, m.l) 1. Sigaar la cabbay inta ugu dambaysa; gumud. 2. la-mid: qaash.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haash
m. n. lance, long spear
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haash
-ka: (magac, lab, keli) kolka sigaarka la fuudo inta ugu danbaysa ee la iska tuuro.
haash-ka: (magac, lab, keli) jaadadka warmaha midkood oo aad u weyn. Dh: qaash. Wa: haashyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haash
a: qaash
de: lance, long spear
lx: haash
pd: (-ka Pl: haashash (ka))
ps: n4-m
key: haash