shaayad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaayad
(Shaayad-da)
1. Jubbad yar oo aan gacno lahayn.
2. Idaad xoog badan oo doonyaha dhoofsan lagu xiro oo kalluunka iyo libaaxa yaryar lagu qabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaayad
m.dh (-do, m.l) 1. Jubbad yar oo aan gacmo lahayn oo shaatiga laga dul qaato. 2. Idaad xoog badan oo doonyaha lagu xiro, laguna dabto kalluunka iyo libaax-badeedka yaryar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaayad
f. n. pullover, sleeveless sweater
shaayad [feminine] n. drag net (attached to a fishing boat)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaayad
-da: (magac, dhedig, keli) jubbad yar oo shaadhka laga kor gashado oo aan gacmo lahayn. Dh: sangadhaydh.
shaayad -da: (magac, dhedig, keli) idaad xoog badan oo doonyaha dhoofsan lagu xidho oo kalluunka iyo libaaxa yaryar qabata.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haayad
-da: (magac dhedig, keli) urur samafal ama adeeg guud ka shaqeeya. Dh: hay'ad, hey'ad, munadamo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
trois-pièces
trois-pièces, n.m. - agal ka kooban saddex qol; isku joog ka kooban saddex shay (jubad, shaayad ka hoosaysa iyo surwaal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaaqiyad
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh cid ushaqaysa oo mushqaayad qaadata. Shaaqiyadiibaa dharka maydhaysa. Dh: jaariyad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaayad_1
de: pullover, sleeveless sweater
hm: 1
initial: s
lx: shaayad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: shaayad_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaayad_2
de: drag net (attached to a fishing boat)
hm: 2
initial: s
lx: shaayad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: shaayad_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanaysad
-ka: (magac, lab, keli) shanaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaqaysad
(Shaqaysad-ka)
Shaqaysasho; xoogsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqaysad
m.l la-mid: shaqaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqaysad
-ka: (magac, lab, keli) shaqaysasho; xoogsad; hedlad; tabcad; shaqaysad; shaqaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharaysad
(Sharaysad-ka)
Sharaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharaysad
m.l la-mid: sharaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharaysad
-ka: (magac, lab, keli) sharaysi, wax dareen shar ah aad ka qabtid oo aad dhibsanayso sharaysasho -da: (magac, dhedig, keli) shar ka dhigad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabaayad
(Sabaayad-da)
Kimis balballaaran oo si gaar ah loo dubo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabaayad
m.dh (-do, m.l) Kimis balballaaran oo si gaar ah looga dubo bur; burkaaki jabbaati.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sabaayad
m.dh (-do, m.l) Kimis balballaaran oo si gaar ah looga dubo bur; burkaaki jabbaati.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sabaayad
f. n. fritter, wide flat-bread
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sabaayad
-da: (n) Somali style pancake; thin baked pancake ~ kibis, jabaati
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabaayad
-da: (magac, dhedig, keli) kimis balballaaran oo si gaar ah loo dubo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sabaayad
de: fritter, wide flat-bread
initial: s
lx: sabaayad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: sabaayad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safaayad
-da: (magac dhedig keli) marka la ka la saaro maydiga iyo beeyada inta aadka u safaysan ee soo hadha. Maydiga safaayadda ah i keen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sajaayad
m.dh (-do, m.l) Salli yar oo lagu tukado. la-mid: sijaayad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sajaayad
m.dh (-do, m.l) Salli yar oo lagu tukado. la-mid: sijaayad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sajaayad
f. n. prayer mat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sajaayad
-da: (n) prayer rug (pareey-er raag); mat (maat) ~ masalle, katiifad, salli
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sajaayad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg sijaadad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sajaayad
bw: Arabic
de: prayer mat
initial: s
lx: sajaayad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: sajaayad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaabbad
(Shaabbad-da)
Shabbad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaabbad
m.dh (-do, m.l) Shay dabo la qabsadana leh oo cijir ama bir ka samaysan oo hadal ama astaamo ku qoranyihiin oo dukumuntiga iyo warqadaha lagu dhufto. la-mid: shabbad, shabbo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaabbad
m.dh (-do, m.l) Shay dabo la qabsadana leh oo cijir ama bir ka samaysan oo hadal ama astaamo ku qoranyihiin oo dukumuntiga iyo warqadaha lagu dhufto. la-mid: shabbad, shabbo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaabbad
f. n. stamp
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaabbad
-da: (n) rubber stamp (istaamp); seal (siil) ~ tiimbare, shaambad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaabbad
-da: (magac, dhedig, keli) qalab yar o ka samaysan bir ama qori oo goobaaban oo inta khad lagu dhufto lagu daabaco warqadaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaabbad
de: stamp
initial: s
lx: shaabbad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: shabbad
key: shaabbad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shaabbad
ختم
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaalcad
m.l Dharka aliindiga ah nooc darfaha ku leh daliig midab ah oo wada cad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaambad
-da: (n) rubber stamp (istaamp); seal (siil) ~ shaabbad, tiimbare
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaanbad
-da: (magac, dhedig, keli) cad yar oo wareegsan oo dabo la qabto leh, oo bir, cinjir ama wax kale ka samaysan oo hadal ama astaan ama magac gaar ihi ku qoran yahay oo warqadaha korkooda ayaa lagu dhufto; shaabad; tiinbaro.
shaanbad -da: (magac, dhedig. keli) iyadoo la dabbaalanayo oo inta la quuso qof kale lug xooggan lagu dhufto; laadbadeed; laagbadeed; huy.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaashad
-da:(n) monitor (monitor); screen (iskiriin) ~ Ex: shaashadda kumbiyuutarka; the computer screen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shabakad
-da: (magac, dhedig, keli) isku xir qarsoodi ah oo ay dad ku shaqaystaan si sir ah; shabako.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shakamad
(Shakamad-da)
Suun dumaysan oo fardaha luqunta looga lulo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shakamad
m.dh (-do, m.l) Suun dun bulush ah leh oo fardaha madaxa loogu xiro qurux awgeed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shakamad
f. n. decorative halter for a horse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakamad
-da: (magac, dhedig, keli) suun dumaysan oo fardaha luqunta looga lulo; shay fardaha qoorta looga lulo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shakamad
de: decorative halter for a horse
initial: s
lx: shakamad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: shakamad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shalamad
m.dh (-do, m.l) 1. Calaamad madow oo candhada idaha ku taal. 2. Gar-basaar yar oo gabdhuhu luqunta ku xirtaan. 3. Maro yar, bul jilicsan leh oo kooraha fardaha la dulsaaro. 4. Qalab yar oo qof socod ku jiro qaato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shalamad
m.dh (-do, m.l) 1. Calaamad madow oo candhada idaha ku taal. 2. Garbasaar yar oo gabdhuhu luqunta ku xirtaan. 3. Maro yar, bul jilicsan leh oo kooraha fardaha la dulsaaro. 4. Qalab yar oo qof socod ku jiro qaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sijaayad
m.dh la-mid: sajaayad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sijaayad
-da: (magac, dhedig, keli) darmo yaro oo maro, saan ama wax kale ka samaysan oo lagu tukado. Sijaayad ayaan hadyad ugu keenay shalay Dh: sijaadad, sajaayad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayad
(Aayad-da)
1. Suurad quraan, tixaha ay ka kooban tahay, middiiba.
2. Wax aan hor loo arki jirin oo yaab leh.
3. Mucjiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aayad
m.dh (-do, m.l) 1. Akhriska ama qoridda quraanka inta u dhexeysa laba joogsi. 2. Wax aan hore loo arki jirin oo yaab leh; mucjiso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aayad
m.dh (-do, m.l) 1. Akhriska ama qoridda quraanka inta u dhexeysa laba joogsi. 2. Wax aan hore loo arki jirin oo yaab leh; mucjiso. aayakatalin m.dh Ka tashiga cidi ka tashato mustaqbalkeeda wixii ay ka yeeli lahayd. la-mid: aayakatashi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aayad
f. n. Koranic verse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aayad
-da: (n) koranic verse; an individual verse in the Quran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aayad
-da: (magac, dhedig, keli) qaybta ugu gaaban ee suurad Quraan ah. Sida badan waa lagu hakadaa way na tirsan tahay. Kitaabka kariimka ah Suuradda ugu yari waa saddex aayadood. Dh: hooris, tix.
aayad-da: (magac, dhedig, keli) wax mucjiso ah oo lala yaabo oo Ilaahay lagu garto. Kala duwanaanta afafku waa aayad aayadaha Ilaahay ka mid ah. Dh: mucjiso.
aayad -da: (magac, dhedig, keli) gabadh guryaha iyo xafiisyada ka adeegta. Dh: shaaqiyad, jaariyad.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
aayad
آيَة مُعْجِزَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haabad
(Haabad-ka)
Haabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haabad
m.l la-mid: haabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haabad
-ka: (magac, lab, keli) hiigsashada wax aan gacantaada ku jirin ama kaa fog. Dh: hiigsad, haabasho, gacantogaaleyn, tiigsad.
haabad -ka: (magac, lab, keli) wax aan la arkayn, indhaha ku raadin. Dh: haabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haarad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg haar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haawad
(Haawad-ka)
Haawasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haawad
m.l la-mid: haawasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haawad
-ka: (magac, lab, keli) afbannaanida shey ay dabayshu ku dhacayso.
haawad -ka: (magac, lab, keli) iska hadlid aan milgo lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haayid
(Haayid-da)
Niyo; dan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haayid
m.dh.u (-dyo, m.l) Nooc kalluunka ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haayid
f. n. intention, aim, objective
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haayid
-da: (magac, hedig, keli) jaad kalluunka ka mid ah.
haayid-da: (magac, dhedig, keli) hammi iyo dareen, doonis xoog badani ku jiraan. Haayidda badan waa lagu horumaraa. Dh: dan, niyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haayid
de: intention, aim, objective
lx: haayid
pd: (-da)
ps: n-f
syn: dan, niyo
key: haayid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadyad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hadiyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maayad
(Maayad-da)
Orodka biyaha badda; xiis; xiisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maayad
m.dh (-do, m.l) Qulqulka biyaha badda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maayad
f. n. tide; flood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maayad
-da: (magac, dhedig, keli) mawjado biyo ama daruuro ah oo kolka roobabbawga ah aad u madaw oo horseeda roobab lixaad leh iyo mawjado itaal waaweyn oo meel dheer ka muuqda. Mahiigaan sidiisii haddaan maayad soo kiciyo. Dh: mawjad.
maayad-da: (magac, dhedig, keli) orodka biyaha badda. Maayadda baddu mawjaday kicisaa. Dh: xiisxiisad.
maayad-da: (magac, dhedig, keli) hees ugaadha loo qaado oo midhaheeda ay ka mid yihiin: wallee wiil madow iyo tukuhu kugu madiixeeney hee!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maayad
cf: xiis
de: tide; flood
lx: maayad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: maayad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saacad
(Saacad-da)
1. Qalab kasta oo waqtiga lagu cabbiro oo saacadaha sheega, siiba kan leh weji wareegsan oo lambarro ku yaalliin iyo labo irbadood oo kala dheer oo midi saacadaha sheegto midina daqiiqadaha oo uurka ku leh biro iyo siligyo isku qoofalan oo hadba la buuxiyo.
2. Hal saac ama 60 daqiiqadood.
3. Uraad; urshi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saacad
m.dh (-do, m.l) 1. Qalab waqtiga lagu cabbiro oo leh meel wareegsan oo lambaro ku yaalliin iyo laba irbadood oo kala dheer oo mid saacadda muujiso midda kalena daqiiqadaha muujiso. 2. Maalinta oo 24 meelood loo qaybiyey meesheed. 3. Wakhti.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saacad
m.dh (-do, m.l) 1. Qalab waqtiga lagu cabbiro oo leh meel wareegsan oo lambaro ku yaalliin iyo laba irbadood oo kala dheer oo mid saacadda muujiso midda kalena daqiiqadaha muujiso. 2. Maalinta oo 24 meelood loo qaybiyey meesheed. 3. Wakhti.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saacad
Hour; Watch
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saacad
f. n. hour; time; clock, watch
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saacad
-da: (n) 1. watch (waaj), clock (kalaak); wristwatch; alarm clock. 2. hour (a-war); time (taaym) Ex: saacadda ma ii sheegi kartaa? can you tell me the time?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saacad
-da: (magac, dhedig, keli) qalab kasta co wakhtiga lagu cabbiro oo saacadaha sheega, siiba kan leh weji wareegsan oo lanbarro tilmaama saacadda, minitku iyo ilbidhiqsiga ay ku yaalliin ka muuqdaan; qalab wareegsan oo leh qory yaryar oo irbado mooddid oo mid ilbidhigsiga tilaamo oo ka ugu socodka badan uguna dheer midna miridhidhka oo kann hore ka gaaban midna saacadda tilmaamo oo ah kann ugu gaaban uguna socodka yar ugu gaaban. Siciidow saacaddu meeqa saac bay sheegaysaa. Dh: goorsheeg.
saacad -da: (magac, dhedig, keli) waqti le'eg maalin iyo habeenkeed oo afar iyo labaatan meelood loo qaybiyay; waqti dhan lixdan daqiiqo. Nimaanad saacad ku baran sannad kuma baratid. Wa: saacado.
saacad -da: (magac, dhedig, keli) dharaarta adduunyadu rogman doonto. Saacaddu markay dhacdo cidna salaad, soon iyo wixii la mid ah laga aqbali maayo. Dh: qiyaame, joogdheer, rogmad.
saacad -da: (magac, dhedig, keli) qalabka korontada lagaga shaqeeyo mid ka mid ah oo xiiska, xiisadda, caabbiska, iyo wixii la mid ah, lagu cabbiro. Saacadda korontadu lacag badan bay bishan soo qortay tii biyahana weli maba eegine.
saacad -da: (magac, dhedig, keli) midab gaar ah oo cunnada iyo daaqu yeeshaan. Dh: uraad, urshi, saac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saacad
de: hour; time; clock, watch
initial: s
lx: saacad
pd: (-da)
ps: n1-f-time
xe: Arabic
xv: daqiiqad ~ daqiiqo 'minute'
key: saacad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
saacad
ستُونَ دَقِيقَة، آلَةً يُعْرَفُ بِهَا الْوَقْتُ سَاعَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saanad
(Saanad-da)
Xabbadaha laga rido qalabka dabka ah oo lagu dagaallamo; rasaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saanad
m.dh.u (-do, m.dh) Xabbadaha buntuqa laga rido oo lagu dagaalamo; rasaas.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saanad
m.dh.u (-do, m.dh) Xabbadaha buntuqa laga rido oo lagu dagaalamo; rasaas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saanad
f. n., [collective] cartridge, ammunition
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saanad
-da: (n) 1. ammunition (am-yuni-shin); bullets (bulitis) ~ xabado, rasaas 2. weapons ~ hub
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saanad
-da: (magac, dhadig, keli) xabbadaha iyo jaliiladaha lagu rido qoriga iyo madfaca. Dh: rasaas, hub.
saanad -da: (magac, dhedig, keli) qalabka dabka ah ee lagu dagaallamo: wixii agab ah ee la xiriira ciidan. Saanad ciidan oo badan baa waddadan la mariyey. Dh: hub, rasaas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saanad
de: cartridge, ammunition
initial: s
lx: saanad
pd: (-da)
ps: n1-f-col
key: saanad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saarad
-ka: (magac, lab, keli) wax dhacay eeddooda ama sababtooda, wax kale ama cid kale korka ka saarid, ku malayn. Dh: halrarasho, saarasho.
saarad-ka: (magac, lab, keli) kudidda wanka, orgiga, dibiga iyo dameerka dheddigga ay isku nooca yihiin. Dh: saarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saayaq
m.l (-qiin, m.dh) Nin qalinka, dahabka iyo wixi lamida ka sameeya waxyaalaha lagu xarragooda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saayaq
-a: (magac, lab, keli) nin qalinka, dahabka iyo wixii la mid ah, ka sameeya waxyaalaha lagu xarragooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saayid
(Saayid-ka)
Siyaado la socoto; intuu noqon lahaa ka batay; dheeri; buro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saayid
saayid¹: m.l S. ah: wax dheeraad ah. la-mid: saa'id¹.
saayid²: f.mg1 (-day, -dday) Wax kordhid. la-mid: saa'id².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saayid
m. n. extra, excess load
saayid v. become extra, increase
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saayid
(tilmaame) si badan oo xad dhaaf ah. Ma sifaynin maasooyinkaan saayidka u helaye. Dh: siyaado. Li: naaqus.
saayid -ka: (magac, lab, keli) inta siyaadada ah. Saayid baan kuu raaciyey sonkorta. Dh: dheeri.
saayid -ka: (magac, lab, keli) siyaado la socoto; dheeri; buro.