shaashood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaashood
m.l la-mid: shaashoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaashood
-ka: (magac, lab, keli) shaashoobid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaashood
a: shaashow
de: get sick, catch the disease affecting the young
initial: s
lx: shaashood
pd: (shaashooday)
ps: v3a=pat
key: shaashood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaashoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: shaashow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaashoo
(fal) shaasho yeelo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaashoob
inch. v. get sick, catch the disease affecting the young
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaashoobid
(Shaashoobid-da)
Shaasho ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaashoobid
m.f.dh eeg shaashow. la-mid: shaashood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaashoobid
-da: (magac, dhedig, keli) shaasho yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaasho
(Shaasha-da)
Cudur faddarada ama urka darani keeno oo badanaa carruurta iyo ubadka ku dhaca ama xoolaha dhalay la banmaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaasho
m.dh Cudur ka yimaad nadaafad xumada oo waxyeeleeya carruurta iyo naagaha ummulaha ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaasho
f. n. disease affecting children ~ young animals
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaasho
-da: (magac, dhedig, keli) cudur faddarada ama urka darani keeno oo badanaa carruurta iyo ubadka ku dhaca ama xoolaha dhalay la banmaraan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaasho
de: disease affecting children ~ young animals
initial: s
lx: shaasho
pd: (/da)
ps: n0-f
key: shaasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawshood
(Hawshood-ka)
Hawl adag qabasho: shaqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawshood
m.f.l eeg hawshoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawshood
m.f.l eeg hawshoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawshood
v. work hard, be occupied ~ very busy
hawshood vl. n. state of being busy; difficulty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawshood
-ka: (magac, lab, keli) hawl badan qabasho. Dh: shaqayn.
hawshood -ka: (magac, lab, keli) shiddaysan ama dhibi soo gaadhay. Dh: dhibban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maashood
m.f.l eeg maashoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maashood
m.f.l eeg maashoo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaashad
-da:(n) monitor (monitor); screen (iskiriin) ~ Ex: shaashadda kumbiyuutarka; the computer screen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaashow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax shaasho ku dhacday noqosho (carruur iyo haween). la-mid: shaashoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaashow
(fal) eeg shaashaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaakhood
-ka: (magac, lab, keli) khaakhato iska keenid. Dh: xookood.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SHALANSHOOL
(Shalanshol) May, S Acalypha fruticosa Forsk. Euphorbiaceae.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shansho-da
cuisse.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaash
(Shaash-ka)
1. Timo dheer oo ka baxa surka docdiisa kore iyo dhinacyadiisa (sida kuwa aarka libaaxa, gisida Ameerika dibideeda, ...).
2. Masar badanaa xariir ah oo midabyo badan oo dumarku madaxa ku xirto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaash
m.l (-shash, m.l) 1. Timo dhaadheer oo ka baxa qoorta libaaxa lab iyo wixi lamida. 2. Masar sida badan xariir ah, midabbo badan leh oo dumarku madaxa ku xirtaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaash
m.l (-shash, m.l) 1. Timo dhaadheer oo ka baxa qoorta libaaxa lab iyo wixi lamida. 2. Masar sida badan xariir ah, midabbo badan leh oo dumarku madaxa ku xirtaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaash
m. n. married woman's headscarf, generally of red silk
shaash m. n. mane
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaash
-ka: (n) 1. women's headdress; usually a married women. 2. mane of a male lion ~ shaashka libaaxa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaash
-ka: (magac, lab, keli) timo dheer oo ka baxa surka docdiisa kore iyo dhinacyadiisa.
shaash -ka: (magac, lab, keli) masar badanaa xariir ah oo midabyo badan oo dumarku madaxa ku xirto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baahood
v.pat: get hungry; starve
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baahood
-ay/baahootay: (v) have a need or desire for food; become hungry
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baahood
de: get hungry; starve
lx: baahood
pd: (baahooday)
ps: v1=pat
key: baahood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaasho
f.g3 (-shaday, -shatay) Dhaashi marcasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaasho
f.g3 (-shaday, -shatay) Dhaashi marcasho. m.f.l, dhaashasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaasho
v. grease, lubricate, spread, smear, daub
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaasho
-dhaashaday / dhaashatay: (v) put cream on one's face
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaasho
(fal) basaasta iska bi'i oo subko. Cadowgaaga dhuux sagaara loogu dhaashadaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaasho
de: grease, lubricate, spread, smear, daub
lx: dhaasho
pd: (dhaashaday)
ps: v3a=
key: dhaasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawshoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Hawl ku mashquulid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawshoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Hawl ku mashquulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawshoo
(fal) hawl qabo; hawl adag qabo. Dh: shaqay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maashoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Biyo, hadal iyo wixi lamida ku harqasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maashoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Biyo, hadal iyo wixi lamida ku harqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maashoo
(fal) «ku biyo, hadal iyo wixii la mid ah, ku harqasho.
maashoo -ga: (magac, lab, keli) faanuus faanuusyada caadiga ah ka weyn oo aad u iftiin badan oo nakhas lagu buufiyo oo dibaarad cad oo xoog u iftiinta lagu xidho. Maashooga waxa lagu shitaa hayjadaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mashood
m.l Roob aad u weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saalood
(Saalood-ka)
Saalo dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saalood
m.f.l eeg saloo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saalood
m.f.l eeg saloo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saalood
v. defecate, excrete dung (of animal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saalood
(fal) saalo dhig. Marka geelu cokanyahay buu aad u saaloodaa.
saalood -ka: (magac, lab, keli) saalo dhigid. Dh: saalayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saalood
de: defecate, excrete dung (of animal)
initial: s
lx: saalood
nt: saalood (ka) [vn-m]
pd: (saalooday)
ps: v3a=
key: saalood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaahid
1. (Shaahid-da) Shaah cabbid.
2. (Shaahid-ka) Marag; markhaati.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaahid
shaahid¹: m.l (-dyo, m.dh) Marqaati.
shaahid²: m.f.dh eeg shaah².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaahid
m. n. witness
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shaahid
name-m witness; one who upholds the faith
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaahid
-ka: (n) eyewitness (aay-wit-nes); spectator (ispak-teeyter) ~ markhaati
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaahid
-da: (magac, dhedig, keli) shaah cabbid shaahayn.
shaahid -ka: (magac, lab, keli) markhaati: shuhuud: marag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaahid
cf: marag, markhaati
de: witness
initial: s
lx: shaahid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: shaahid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shansho
(Shansha-da)
Nafleyda qaarkeed, xubinta bowdada iyo dhudhunka u dhexaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shansho
m.dh (-ooyin, m.l) Xubinta u dhexeysa bowdada iyo majinta nafleyda qaarkeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shansho
m.dh (-ooyin, m.l) Xubinta u dhexeysa bowdada iyo majinta nafleyda qaarkeed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shansho
f. n. tibia, shank of the rear leg (of animal, e.g., horse)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shansho
-shanshada: (n) shinbone (shin-boon)-, tibia
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shansho
-da: (magac, dhedig, keli) nafleyda qaarkeed, lafta dheer ee jilibka ama xagasha iyo misigta isku xidha. Shanshda ayey laxdu ka jabtay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shansho
cf: tagoog
de: tibia, shank of the rear leg (of animal, e.g., horse)
initial: s
lx: shansho
pd: (/da)
ps: n6-f
key: shansho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shansho
قَصَبَةُ السَّاقِ ظُنُّبُوبِ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaahood
-ka: (magac, lab, keli) abaahinta lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaashad
(Dhaashad-ka)
Dhaashi ismarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaashad
m.f.l eeg dhaasho. la-mid: dhaashi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaashad
-ka: (magac, lab, keli) sudag si fiican u marsasho oo barwaaqo in la joogo ka markhaati kicid. Dh: subkad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabshood
m.f.l eeg gabshoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haanyood
m.f.l eeg haanyoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haanyood
m.f.l eeg haanyoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haanyood
v. hug, embrace
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haanyood
-ka: (magac, lab, keli) xiisayn iyo soo dhoweyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haanyood
a: haanyow
de: hug, embrace
lx: haanyood
pd: (haanyooday)
ps: v1=
key: haanyood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawshoon
Hawl haya; shiidaadsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawshoon
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: hawllan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawshoon
der. [adjective] busy; overworked
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawshoon
(tilmaame) shiidaadsan oo dhibban. Dh: hawlaysan.
hawshoon: (tilmaame) mashquulsan oo hawl faraha ku haya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawshoon
bw: hawllan
cf: shiidaadsan
de: busy; overworked
lx: hawshoon
pd: (hawshoonaa)
ps: adj-der
key: hawshoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khaashid
(Khaashid-da)
Khaash noqday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaashid
m.f.dh eeg khaash².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saanyood
(Saanyood-ka)
Xoolo saami ku qaybsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saanyood
m.l la-mid: saanyasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saanyood
vl. n. act of sharing livestock
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saanyood
-ka: (magac, lab, keli) xoolo, saami ku qaybsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saanyood
de: act of sharing livestock
initial: s
lx: saanyood
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: saanyood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaanboo
-ga: (magac, lab, keli) saabuun u gaar ah maydhista madaxa iyo timaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaash_1
de: married woman's headscarf, generally of red silk
hm: 1
initial: s
lx: shaash
pd: (-ka Pl: shaashash (ka))
ps: n4-m, n2a-m
key: shaash_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaash_2
de: mane
hm: 2
initial: s
lx: shaash
pd: (-ka)
ps: n4-m
key: shaash_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaashaw
(fal) 'ilma yar' dadka urtooda ku bukoo.
shaashaw -ga: (magac, lab, kali) timaha jidhka oo badan. Dh: dhogor, idiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaashay
(fal) 'ilmo dhashay' shaasho ku rid.
shaashay: (fal) wax godlan, cari: gaaggixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaashee
f.g2 (-sheeyay, -sheysay) Ilmo markaa dhashay shaasho gayeeysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaashle
-ha: (magac, lab, keli) wax shaashle leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
umashood
m.f.l la-mid: umlid.