shaanbin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaanbin
-ta: (magac, dhedig, keli) si xarrago leh u socod; xarragood. Dh: tamashlayn, tamashle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaanbi
(Shaanbi-da)
Aashuun, ballaas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaanbi
(fal) u soco si xarrago leh. Hagaag u shaanbi. Dh: laafyood, xarragoo, saqaaf.
shaanbi: (fal) si xarrago leh u soco; xarragood.
shaanbi -ga: (magac, lab, keli) aashuun; ballaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaambin
m.f.dh eeg shaambi². la-mid: shaambis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaambin
-ta: (magac, dhedig, keli) xarrago iyo miyir u socod. Inan shaadir jiidaysa oo shaambin soconaysa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaanbis
-ka: (magac, lab, keli) shaanbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaanbayn
(Shaanbayn-ta)
Shaanbo ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saabin
(Saabin-ta)
Saab u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabin
m.f.dh eeg saabi. la-mid: saabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax saab u yeelid, saab u samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaani
-ga: (magac, lab, keli) shacni iyo qurux.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shabin
m.f.dh eeg shabi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shabin
-ta: (magac, dhedig, keli) wadaalinta xoolaha meel loo geeddigeliyo. Dh: kaxayn.
shabin -ta: (magac, dhedig, keli) deddejin; dhakhso u samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaanbin
-ta: (magac, dhedig, keli) qun yar socosho. Gaanbinta waa lagu guryo gaadhaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaacin
m.f.dh eeg shaaci. la-mid: shaacis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaacin
-ta: (magac, dhedig, keli) war sheeko ama wax la mid ah dad ka gaadhsiin. Dh: faafin: baahin; fidin, baahin. Li: qarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaafin
-da: (magac, dhedig, keli) qof bukey caafimaad siin; ladnaysiin: bogsoodsiin; biskoodsiin. Dh: bogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaahin
m.f.dh eeg shaahi². la-mid: shaahis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaambi
shaambi¹: m.dh (-iyo, m.l) Weel weyn oo dhoob ka samaysan qaab ukumeedna leh iyo dabo dhuuban oo biyaha lagu shubto; aashuun. la-mid: shaambaay.
shaambi²: f.g2 (-iyay, -isay) Si aayar ah oo xarrago ku jirto u socosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaambi
m.dh (-iyo, m.l) Weel weyn oo dhoob ka samaysan qaab ukumeedna leh iyo dabo dhuuban oo biyaha lagu shubto; aashuun. la-mid: shaambaay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaambi
f. n. water jar
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaambi
de: water jar Alt sp: shaanbi
initial: s
lx: shaambi
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: shaambi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaanbo
(Shaanba-da)
1. Libaaxa badda iyo wixii la mid ah, dhufashada ay dabada wax ku dhuftaan.
2. Kolka biyaha gudohooda lagu cayaarayo, oo inta si gaar ah oo xoog leh la isu geddiyo, lugaha la isla dhaco; huy.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaanbo
-da: (magac, dhedig, keli) libaaxbadeedka iyo wixii la halmaala, dhufashada ay dabada wax ku dhuftaan.
shaanbo -da: (magac, dhedig, keli) dadka dabaalanayaa ciyaar ay isku dhuftaan lugaha. Shaambo culus baan ku dhuftay: Dh: laagbadeed.
shaanbo -da: (magac, dhedig, keli) libaaxa badda iwim ahi sida ay dabada wax uugu dhuftaan. Iska jir shaanboda yaxaaska.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaanis
(Shaanis-ka)
Cayaaraha turubka mid ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaanis
m.l Nooc ka mid ah siyaalaha turubka loo cayaaro. la-mid: shaanus.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaanis
m. n. playing card game
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaanis
-ka: (magac, lab, keli) ciyaaraha turubka mid ka mid ah, noocyada turubka midkood, badanaa habluhu ciyaaraan. Dh: raanbe, khamaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaanis
cf: turub
de: playing card game
initial: s
lx: shaanis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: shaanis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaniin
m.l Nooc qaraha ka mid ah oo macaan, biyo badanna leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahaannin
v., neg., opt. form: may [someone.] not be ...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ahaannin
de: may [someone] not be ...
lx: ahaannin
ps: v5a-neg-opt
xe: May we not be his enemies!
xv: Cadowgiisa yaannu ahaannin!
key: ahaannin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaafiin
m.dh la-mid: shaafii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaambis
m.l la-mid: shaambin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaambis
-ka: (magac, lad, keli) eeg shaambin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaanbad
-da: (magac, dhedig, keli) cad yar oo wareegsan oo dabo la qabto leh, oo bir, cinjir ama wax kale ka samaysan oo hadal ama astaan ama magac gaar ihi ku qoran yahay oo warqadaha korkooda ayaa lagu dhufto; shaabad; tiinbaro.
shaanbad -da: (magac, dhedig. keli) iyadoo la dabbaalanayo oo inta la quuso qof kale lug xooggan lagu dhufto; laadbadeed; laagbadeed; huy.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaanbee
v. thrash with the tail; kick one's legs in swimming
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaanbee
de: thrash with the tail; kick one's legs in swimming Alt sp: shaambee
initial: s
lx: shaanbee
pd: (shaanbeeyey)
ps: v2b=intr
see: shaambo
key: shaanbee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaanboo
-ga: (magac, lab, keli) saabuun u gaar ah maydhista madaxa iyo timaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaxniin
-ka: (magac, lab, keli) shixidda lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaacbixin
m.f.dh eeg shaacbixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kharaabin
(Kharaabin-ta)
Kharaab ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kharaabin
m.f.dh eeg kharaabi. la-mid: khar-raabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kharaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) kharaab ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lahaannin
v., neg., opt. form: may [someone.] not have ...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lahaannin
de: may [someone] not have ...
lx: lahaannin
ps: v5b-neg-opt
xe: May we not have many enemies!
xv: Yaannan lahaannin cadowyo badan!
key: lahaannin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaacbixi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax la wada yaqaan ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaacbixi
v. reveal, make something public
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaacbixi
de: reveal, make s.t. public
initial: s
lx: shaacbixi
pd: (shaacbixiyey)
ps: v2a=tr
key: shaacbixi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaambayn
m.f.dh eeg shaambee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaambayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shaanbo ku dhufasho; shaanbayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaaxidin
m.f.dh eeg shaaxidi. la-mid: shaaxidis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaaxidin
-ta: (magac, dhedig, keli) bisayl ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharaabid
m.f.dh eeg sharaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharaabid
-da: (magac, dhedig, keli) sharaab, cabbid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shawrniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg shawrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaanbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shaanbad ku dhufasho; shaanbadays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharafjebin
m.f.dh eeg sharafjebi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Anbin
(Anbin-ta)
Jid ama meel ka habaabin; dhumin; lumin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anbin
-ta: (magac, dhedig, keli) jidkii qummanaa ka leexin. Dh: ambin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabi
f.g2 (-iyay, -isay) Weel saab u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saabi
v. carry in a wicker ~ leather frame
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabi
(fal) 'weel, iyo wixii la mid ah' qoryo ama laamo uu dhexgalo, u samay; saab u yeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saabi
de: carry in a wicker ~ leather frame
initial: s
lx: saabi
pd: (saabiyey)
ps: v2a=tr
key: saabi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saani
1. Leexleexad la'aan; toos.
2. (Saani-ga) Dhillay; macsilow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saani
m.l (-iyo, m.dh) Macsilow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saani
m.l (-iyo, m.dh) Macsilow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saani
m. n. (adj.): straightness; straight, not crooked; correct
saani m. n. adulterer
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Saani
directement.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saani
-ah: (adj) straight (istareeyt); direct (di-rekt)
saani -ga: (n) man who commits adultery; adulterer (a-dhal-tarer)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saani
-ga: (magac, lab, keli) qof sino laasima, qof macsi badan oo galamoodka xaaraanta ah sameeyey. Dh: dhillay, sharmuud, qarraafe.
saani -ga: (magac, lab, keli) leexleexad la'aan; si toos ah. Saani u soco, maxaad la baydhbaydhaysaa? Dh: toos, qummaati.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanin
(Sanin-ta)
Sanuun ama ur kale urin; saadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanin
m.f.dh eeg sani.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sanin
f. n., (mass n.): smell ~ aroma (not necessarily pleasant)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanin
-ta: (magac, dhedig, keli) sanuun ama ur kale urin; saadin.
sanin-ta: (magac, dhedig, keli) urinta sanuun ama ur kale. Sanin baa inna saaqday. Dh: ur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sanin
cf: sanuun, ur
de: smell ~ aroma (not necessarily pleasant)
initial: s
lx: sanin
pd: (-ta)
ps: n2-f-mass
key: sanin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaab
(Shaab-ka)
Wiil dhallinyar; barbaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaab
m.l (-bab, m.l) 1. Nin dhallin yar oo xoog leh. 2. Sh. ah: dukaan badeeco ka buuxdo oo cammiran.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaab
m.l (-bab, m.l) 1. Nin dhallin yar oo xoog leh. 2. Sh. ah: dukaan badeeco ka buuxdo oo cammiran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaab
m. n. young man, youth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaab
-ka: (magac, lab, keli) dukaan weyn oo cammiran; dukaan.
shaab -ka: (magac, lab, keli) wiil dhalliinyaro ah; barbaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaab
bw: Arabic
de: young man, youth
initial: s
lx: shaab
pd: (-ka Pl: shaabab (ka))
ps: n4-m
see: shabaab
key: shaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shabi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax eryid. 2. Lacag iyo wixi lamida ururin. 3. Geed iyo wixi lamida ul ku garaacid si wax ku jira uga baxaan ama miro uga daataan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shabi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax eryid. 2. Lacag iyo wixi lamida ururin. 3. Geed iyo wixi lamida ul ku garaacid si wax ku jira uga baxaan ama miro uga daataan. m.f.dh, shabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shabi
(fal) deddeji; ku dhaqso, gacanta fudaydi. Dh: dadeji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baanin
(Baanin-ta)
Baan siin; baanasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baanin
m.f.dh eeg baani.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baanin
-ta: (magac, dhedig, keli) siinta cunto nafaqo leh, si qofku uga kabto bugtaan iyo dhaawac soo gaadhay. Baanin buu ku jiraa weli bukaanku.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
caabin
resistance
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faanbi
(Faanbi-ga)
1. Baaris ama faaqidid aan turaal ku jirin ee silcis iyo tuurtuur ah.
2. Si foolxun oo wax loo dhaco oo loo boobo.
3. Baaris maskaxeed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faanbi
vl. n. rummaging through, thorough search; ransacking; robbery
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faanbi
(fal) qof ama wax aanad aqoon hore u lahayn aad wax uga ogow; si xoog leh wax u baadh. Dh: baadh.
faanbi: (fal) boob ama xoog wax ku dhac.
faanbi -ga: (magac, lab, keli) si foolxun oo wax loo boobo. Dh: dhac, boob.
faanbi -ga: (magac, lab, keli) baadhis ama faaqidid aad u adag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faanbi
de: rummaging through, thorough search; ransacking; robbery
lx: faanbi
pd: (-ga)
ps: vn-m
see: faambi
key: faanbi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faanin
(Faanin-ta)
Qof ama wax kale, wax faan ah, ku sheegid; ammaanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faanin
m.f.dh eeg faani. la-mid: faanis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faanin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, wanaag ka sheegid; aad u ammaanid. Li: xaqirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaabin
(Gaabin-ta)
1. Wax dheer qaar ka qoyn; wax gaaban ka dhigid.
2. Orodka yarayn; gaabis noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaabin
m.f.dh eeg gaabi². la-mid: gaabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dheer in ka jarid; badh ka jaritaanka wax dherer leh.
gaabin -ta: (magac, dhedig, keli) wax sare u taagnaa sida dhisme, dhimis ama hoos u dhigis.
gaabin-ta: (magac, dhedig, keli) socod ama orad yarayn, daal awgii socodka ama oradka oo is dhima.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haadin
(Haadin-ta)
Badarka la tumay, kd., oo inti kor la geeyo ama loo sayro hoos loo soo daadsho ama loo soo qubo si neecawdu u dhexmarto oo buunshaha u bitiso; duulin; buubin; (ama haatin).