shaahyacab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaahyacab
-ka: (magac, lab, keli) qof aad shaaha u cabba. Dadkii wada shaahyacab buu noqday. Dh: shaahcab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaahcab
-ka: (magac, lab, keli) qof cabbista shaaha ku dheereeya. Dh: shaahyacab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sigaaryacab
m.l (sigaaryacabyo, m.dh) Qof sigaarka qiijiya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sigaaryacab
m. n., [compound] cigarette smoker
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sigaaryacab
-ka: (magac, lab, keli) qofka sigaarka aadka u cabba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sigaaryacab
de: cigarette smoker
initial: s
lx: sigaaryacab
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: sigaaryacab
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SHADHAAB
(Shadaap) N Thamnosma hirschii Schweinf. Rutaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sigaar-yacab
-ka: (n) smoker (is-mookar)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khamriyacab
(Khamriyacab-ka)
Aan khamrada afka ka qaadin; khamro dilootey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khamriyacab
m.l (-byo, m.dh) Qofka khamriga cabba.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khamriyacab
m. n., [compound] drunkard, alcoholic; liquor drinker
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khamriyacab
-ka: (n) drinker (dirin ker), drunk (dharangk); alcoholic (alkal hoolik); drunkard (daraangkadh) ~ sakhraan, sarkhaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khamriyacab
-ka: (magac, lab, keli) qof aan khamrada afka ka qaadin; khamro dilootey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khamriyacab
de: drunkard, alcoholic; liquor drinker
lx: khamriyacab
pd: (-ka Pl: khamriyacabyo)
ps: n2-m-cmp
key: khamriyacab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daayaca
(magac, lab, keli) wax aan loo ilaalin sidii mudnayd. Dh: baylah, dayac, laayac, banyaal. Li: daryeel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhaca
(magac, lab, keli) hadhka ama hooska walxaha aanay fallaadhaha iftiinku ka tabin. Hadhac iyo goblaa lagu ogaa haadhibiin tubane. Dh: harac, har.
hadhaca: (magac, lab, keli) wax qaro weyn leh ama cumudh ah, hooska ay leeyihiin ama ay bixiyaan; hoos aan qorraxood ahayn; hoos weyn oo qabow. Dh: harac, hoosin.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shaah-a
thé.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaahay
(fal) biyo karaya shaah ku dar, ranjiyey.
shaahay: (fal) shaah cab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaajac
(Shaajac-a)
Shajaac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaajac
m.l (-cyo, m.dh) Nin geesi ah oo aan baqin. la-mid: shajaac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaajac
m. n. brave man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaajac
-a: (magac, lab, keli) qofka aan cabsoonin ee geesiga ah. Dh: geesi. Li: fuley.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaajac
bw: shajaac
de: brave man
initial: s
lx: shaajac
pd: (-a)
ps: n2a-m
syn: geesi
key: shaajac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaarac
-a: (magac, lab, keli) meel suuq dhexdilah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaayad
(Shaayad-da)
1. Jubbad yar oo aan gacno lahayn.
2. Idaad xoog badan oo doonyaha dhoofsan lagu xiro oo kalluunka iyo libaaxa yaryar lagu qabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaayad
m.dh (-do, m.l) 1. Jubbad yar oo aan gacmo lahayn oo shaatiga laga dul qaato. 2. Idaad xoog badan oo doonyaha lagu xiro, laguna dabto kalluunka iyo libaax-badeedka yaryar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaayad
f. n. pullover, sleeveless sweater
shaayad [feminine] n. drag net (attached to a fishing boat)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaayad
-da: (magac, dhedig, keli) jubbad yar oo shaadhka laga kor gashado oo aan gacmo lahayn. Dh: sangadhaydh.
shaayad -da: (magac, dhedig, keli) idaad xoog badan oo doonyaha dhoofsan lagu xidho oo kalluunka iyo libaaxa yaryar qabata.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shabaab
(Shabaab-ka)
Dhallin yar; barbaar; shaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shabaab
m.l.kh S. ah: nin dhallinyaro ah; barbaar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shabaab
m.l.kh S. ah: nin dhallinyaro ah; barbaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shabaab
n. youth, young person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shabaab
-ka: (n) young people; youth (yuuth)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shabaab
bw: shaab
de: youth, young person
initial: s
lx: shabaab
pd: (-ka)
ps: n2(a)-m
syn: barbaar, dhallinyaro
xv: Arabic
key: shabaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shacaab
(Shacaab-ka)
Goomaha badda ku yaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shacaab
m.l (-bab, m.l) (jooloji) Dhadhaabo is haysta, oo ku dhaw dusha biyaha, oo ay suurtoggal tahay in la arko marka hirku gaabanyahay, laakiin sida badan waxaa daboola biyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shacaab
m.l (-bab, m.l) (jool.) Dhadhaabo is haysta, oo ku dhaw dusha biyaha, oo ay suurtoggal tahay in la arko marka hirku gaabanyahay, laakiin sida badan waxaa daboola biyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shacaab
m. n. coral; coral reef
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shacaab
-ka: (magac, lab, keli) goomo badda ku yaal; shacaabi, dhagax xarsho ah oo badda ku yaal. Dh: dhagax biyood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shacaab
de: coral; coral reef
initial: s
lx: shacaab
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: shacaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shadaab
-ka: (magac, lab, keli) geed yar oo caleen cawlan leh oo udgoon. Dh: talantaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shahaad
shahaad¹: m.l Dadaal badan oo tacab loo galo.
shahaad²: f.mg1 (-day, -dday) Hawl qabashadeeda tacab badan u gelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqaab
-ka: (magac, lab, keli) nin nuxuus ah, nin dumar biiye ah ama khasiis ah. Dh: dhillow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharaab
sharaab¹: m.l Hoore la cabbo; cabbitaan.
sharaab²: f.mg1 (-bay, -btay) Hoore cabbid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sharaab
m.l Hoore la cabbo; cabbitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharaab
-ka: (magac, lab, keli) waxa la cabbo oo dhan. Dh: cabbitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baayacad
m.l Weyddiinta qiimaha wax ganacsi u yaal. la-mid: baayacasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daayacan
(tilmaame) wax aan helin ilaalintii uu mudnaa. Alaabtu waa ay daayacan tahay. Dh: baylahsan, laayacan, dayacan. Li: daryeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhadhaab
(Dhadhaab-ta)
Dhagax kankoonsan oo aad u weyn una adag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhaab
dhadhaab¹: m.l (-bbo, m.dh) Jaad geedaha ka mid ah oo xididkiisa laysku daweeyo.
dhadhaab²: m.dh (-bo, m.l) 1. Meel leh dhagax fidsan oo is haysta. 2. Meel maydka lagu dhaqo.
dhadhaab³: m.dh (-bo, m.l) (jooloji) Walax adag ee qolofta dhulku ay si weyn uga samaysantahay; walaxdaas oo ka kooban macaadin; mararka qaarkood waxay ka koobantahay hal macdan oo kaliya, laakin sida badan waxay ka koobantahay dhawr macdannod.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhadhaab
dhadhaab¹: m.dh (-bo, m.l) 1. Meel leh dhagax fidsan oo is haysta. 2. Meel maydka lagu dhaqo.
dhadhaab²: m.dh (-bo, m.l) (jool.) Walax adag ee qolofta dhulku ay si weyn uga samaysantahay; walaxdaas oo ka kooban macaadin; mararka qaarkood waxay ka koobantahay hal macdan oo kaliya, laakin sida badan waxay ka koobantahay dhawr macdannod.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhadhaab
Rock
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhadhaab
m. n. boulder, large heavy rock
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhadhaab
-ka:: (n) large rock (laarj rook), boulder (bool-dhar) ~ dandaan, dhagax weyn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhadhaab
-ta: (magac, dhedig, keli) dhagxaanta waaweyn ee qolofta dhulku ay ka sameynsan tahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhadhaab
cf: dhagax
de: boulder, large heavy rock
lx: dhadhaab
pd: (-ta)
ps: n1-m
key: dhadhaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haandaab
(tilmaame) hal aad u caano badan. Hal haandaab ah oo carruurta korisa ayaan leenahay. Dh: madi. Wa: haandaabyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laayacan
laayacan¹: f.mg1 (-cmay, -cantay; -cmi) Wax aan la ilaalinayn noqosho. la-mid: layacan¹.
laayacan²: f.mg4 (-cnaa, -cnayd) Wax la layacay ahaansho. la-mid: layacan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laayacan
laayacan¹: f.mg1 (-cmay, -cantay; -cmi) Wax aan la ilaalinayn noqosho. m.f.dh, laayacmid. la-mid: layacan.
laayacan²: f.mg4 (-cnaa, -cnayd) Wax la layacay ahaansho. m.f.dh, laayacnaan. la-mid: layacan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laayacan
der. [adjective] neglected
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laayacan
(tilmaame) wax dayacan; wax baylahsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laayacan
de: neglected
lx: laayacan
pd: (laayacnaa)
ps: adj-der
key: laayacan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaahayn
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo karaya shaah ku darid.
shaahayn-ta: (magac, dhedig, keli) shaah cabbid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaahays
-ka: (magac, lab, keli) shah cabbid.
shaahays-ka: (magac, lab, keli) shaah ku darid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shaahida
name-f witness; one who upholds the faith
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaahsan
(tilmaame) shaah cabbey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaalcad
m.l Dharka aliindiga ah nooc darfaha ku leh daliig midab ah oo wada cad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shahmaad
(Shahmaad-ka)
Yaab lala wareero; shaamarreer; irkig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shahmaad
shahmaad¹: m.l Amakaag.
shahmaad²: f.mg1 (-day, -dday) Ka sh.: wax aad ula yaabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Shahmaad
pr. n., [feminine] Shahmad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shahmaad
m. n. amazement, admiration
shahmaad [inchoative] v. be amazed, get struck dumb
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shahmaad
name-f amazement, admiration
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Shahmaad
magac loo baxsho gabadh habdhaqankeeda ama muuqeeda lala dhacay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shahmaad
-ka: (magac, lab, keli) yaab lala wareero. Dh: ashqaraar, amankaag, irkig, shaamarreer.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shahwaad
-ka: (n) passions (paashi-nis); desires (di-saayeisr); sexual appetite
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shashafa
-da: (magac, dhedig, keli) xaydh wax lagu dhayo sida haamaha ama nabarrada iyo wixii la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaxgaab
m.l Qof aan shaxda si fiican u aqoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaxgaab
-ka: (magac, lab, keli) qof aan shaxda si wanaagsan u aqoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaawacan
Dhaawac ku yaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaawacan
dhaawacan¹: f.mg1 (-cmay, -cantay; -cmi) Wax dhaawac gaarey noqosho.
dhaawacan²: f.mg4 (-cnaa, -cnayd) Wax dhaawac gaarey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaawacan
dhaawacan¹: f.mg1 (-cmay, -cantay; -cmi) Wax dhaawac gaarey noqosho. m.f.dh, dhaawacmid.
dhaawacan²: f.mg4 (-cnaa, -cnayd) Wax dhaawac gaarey ahaansho. m.f.dh, dhaawacnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaawacan
der. [adjective] injured, wounded
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaawacan
-dhaawacnaa / dhaawacnayd: (adj) wounded (wuundidh); injured (injaridh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaawacan
(tilmaame) noole dhaawac qaba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaawacan
de: injured, wounded
lx: dhaawacan
pd: (dhaawacnaa)
ps: adj-der
key: dhaawacan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaambaay
m.dh la-mid: shaambi¹.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaayad_1
de: pullover, sleeveless sweater
hm: 1
initial: s
lx: shaayad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: shaayad_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaayad_2
de: drag net (attached to a fishing boat)
hm: 2
initial: s
lx: shaayad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: shaayad_2
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shahaadad
f. n. certificate, degree, diploma
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shahaadad
a: shahaado
de: certificate, degree, diploma
initial: s
lx: shahaadad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: shahaadad
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shahrazad
name-f princess
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shajaacad
-da: (magac, dhedig, keli) geesinnime waracnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiigyacab
(Dhiigyacab-ka)
(qof) dhiig uu daadsho iyo wax uu dilo, harraad u qaba; dilaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigyacab
m.l (-byo, m.dh) Qof dadka laaya; dilaa. la-mid: dhiigcab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiigyacab
m.l (-byo, m.dh) Qof dadka laaya; dilaa. la-mid: dhiigcab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigyacab
m. n., [compound] blood-thirsty man; murderer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiigyacab
-ka: (n) bloodsucker (balaadh-sa-ker)-, an extortionist, a blackmailer or murderer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigyacab
-ka: (magac, lab, keli) nin dadka aad u laaya oo gacankudhiigle ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigyacab
de: blood-thirsty man; murderer
lx: dhiigyacab
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
syn: dilaa
key: dhiigyacab
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaacbaxay
(v) become popular, public or celebrity ~ caan noqday.