shaahsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaahsan
(tilmaame) shaah cabbey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaacsan
(tilmaame) la shaaciyey; la baahiyey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaahaysan
(tilmaame) ranjiyaysan.
shaahaysan: (tilmaame) shaah cabbay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baahsan
bąahsan: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la baahiyay ahaansho (war).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baahsan
bąahsan: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la baahiyay ahaansho (war). m.f.dh, bąahsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahsan
(tilmaame) aad u baahay oo faafay; dhul badan gaadhay. Dh: fidsan, firidhsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daahsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax daahay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daahsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax daahay ahaansho. m.f.dh, daahsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daahsan
der. [adjective] late, not on time, tardy
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Daahsan
name-flate, not on time, tardy. Lit: she who was born over-due
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daahsan
-aa / ayd: (adj) late (Zeeyt); delayed (di-leeyidh) unpunctual; overdue (over-dhuu); behind schedule; not on time
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Daahsan
magac loo baxsho gabadh uurka ku raagtay oo aan shinkeedii dhalan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daahsan
(tilmaame) wax xilligii la sugayay aan joogin oo dib uga dhacsan.
daahsan: (tilmaame) hallawsan oo wax daahay ah. Geel daahsan ayaa na waydaartay: Dh: hallawsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daahsan
de: late, not on time, tardy
lx: daahsan
pd: (daahsanaa)
ps: adj-der
key: daahsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhsan
(tilmaame) wax baaqi ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maahsan
(qof) Aan dhugmo iyo fiiro u lahayn waxa uu qabanayo oo caqligiisu meel kale jiro; aan baraarugsaneyn; maqan; khafsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maahsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof aan fiiro iyo feejegnaan u lahayn goobta uu joogo wax ka dhacaya oo qalbigiisu ku hawlanyahay meel kale ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maahsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof aan fiiro iyo feejegnaan u lahayn goobta uu joogo wax ka dhacaya oo qalbigiisu ku hawlanyahay meel kale ahaansho. m.f.dh, maahsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maahsan
der. [adjective] deficient, absent-minded
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maahsan
-maahsanaa: (adj) absent minded; preoccupied (pirioki-paaydh). distracted (distarak-tidh) incautious (inkoo-shas) ~ aan digtoonayn, maqane-jooge, baxsan, qalbi la'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maahsan
(tilmaame) maankiisu magan yahay muuqaalkiisuna joogoo waxa socda aan fiiro iyo dhugmo toona u lahayn ah; aan sheekada la socon ah. Nin maahsan malo lagama sugo. Dh: magan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maahsan
de: deficient, absent-minded
lx: maahsan
pd: (maahsanaa)
ps: adj-der
syn: khaafsan
key: maahsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saabsan
1. Saab leh, loo yeelay.
2. (ku saabsan) ku jeedda, danaysa, lug ku leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax saab loo yeelay ahaansho. 2. Ku s.: arrin iyo wixi lamida wax la xiriira ahaansho. 3. la-mid: saaban.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saabsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax saab loo yeelay ahaansho. 2. Ku s.: arrin iyo wixi lamida wax la xiriira ahaansho. 3. la-mid: saaban. m.f.dh, saabsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saabsan
der. [adjective] having ~ carrying a wicker basket frame
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saabsan
-aa/ayd: (adv) [with preposition ku] relating to; concerning; regarding ku saabsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabsan
(tilmaame) mid saab leh, mid saab loo yeelay.
saabsan: (tilmaame) kuujeedda, wax ka hadlaysa. Maxaa dooddu ku saabsan tahay. Dh: mawduuc.
saabsan: (tilmaame) «ku ku jeeda, danaysa, ku lug leh. Cashar ku saabsan degaanka iyo ilaalintiisa ayaannu maanta soo dhigannay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saabsan
de: having ~ carrying a wicker basket frame
initial: s
lx: saabsan
pd: (saabsanaa)
ps: adj-der
key: saabsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: saaqan².
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shaah-a
thé.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaahay
(fal) biyo karaya shaah ku dar, ranjiyey.
shaahay: (fal) shaah cab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaahin
m.f.dh eeg shaahi². la-mid: shaahis.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhaadsan
name-f tied up; noticed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaadsan
(tilmaame) mid dabran oo dhaadka ka xidhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaafsan
f.g4 (-naa, -nayd) 1. Meel, wax meel kale ka shisheeya ahaansho. 2. Is dh.: qof dhuglaawe ah ama maahsan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaafsan
f.g4 (-naa, -nayd) 1. Meel, wax meel kale ka shisheeya ahaansho. 2. Is dh.: qof dhuglaawe ah ama maahsan ahaansho. m.f.dh, dhaafsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaafsan
der. [adjective] located ~ standing beyond; beyond (one's competence, possibility)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaafsan
(tilmaame) wax intii la filayay ka badan; ka siyaado ah. Dh: siyaadsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaafsan
de: located ~ standing beyond; beyond (one's competence, possibility)
lx: dhaafsan
pd: (dhaafsanaa)
ps: adj-der
key: dhaafsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Weel wax buuxa ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaansan
der. [adjective] filled, full (of liquid)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaansan
(tilmaame) weel ama wax kale oo buuxa oo daf ah. Dh: buuxsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaansan
de: filled, full (of liquid)
lx: dhaansan
pd: (dhaansanaa)
ps: adj-der
key: dhaansan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaarsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof, wax dhaartay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaarsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof, wax dhaartay ahaansho. m.f.dh, dhaarsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaarsan
der. [adjective] sworn-in, under oath; determined, resolute (person)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaarsan
-aa / ayd: (adj) sworn in (swoorn in); under oath
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaarsan
(tilmaame) qof ama in ka badan oo Eebbe lagu dhaarshay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaarsan
de: sworn-in, under oath; [ext.] determined, resolute (person)
lx: dhaarsan
pd: (dhaarsanaa)
ps: adj-der
key: dhaarsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khaafsan
(qof) caqligiisu meel kale jiro u eg; maahsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaafsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dareenkiisa garasho feker awgiis la maqan yahay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khaafsan
der. [adjective] absent-minded
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khaafsan
-aa: (adj) absent-minded; preoccupied; distracted
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaafsan
(tilmaame) ruux caqligiisu meel kale jiro; qof maahsan. Dh: maqan, dhoofsan, didsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khaafsan
de: absent-minded
lx: khaafsan
pd: (khaafsanaa)
ps: adj-der
syn: maahsan
key: khaafsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaahayn
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo karaya shaah ku darid.
shaahayn-ta: (magac, dhedig, keli) shaah cabbid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaahcab
-ka: (magac, lab, keli) qof cabbista shaaha ku dheereeya. Dh: shaahyacab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shakisan
Shaki ku jiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shakisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax shaki ku jiro ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shakisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax shaki ku jiro ahaansho. m.f.dh, shakisnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shakisan
der. [adjective] doubtful, suspicious
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shakisan
-aa / ayd: (adj) doubtful (dhaawt-fuul); dubious (dhu-biyas); sceptical (iskep-tikal) also skeptical
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakisan
(tilmaame) mid shaki ku jiro, qof aan kalsooni qabin. Dh: shakis; shakiyid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shakisan
de: doubtful, suspicious
initial: s
lx: shakisan
pd: (shakisnaa)
ps: adj-der
key: shakisan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shawrsan
(tilmaame) kulansan; shirsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isdhaafsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax la sixray ahaansho. 2. Wax la khalday ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isdhaafsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1 . Wax la sixray ahaansho. 2. Wax la khalday ahaansho. m.f.dh, isdhaafsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaadhgaan
-ka: (magac, lab, keli) qori inta badan xabad keli ah ka dhacdo oo shimbiraha lagu laayo ama lagu ugaadhsado. Dh: faraggoo, shaargaan. Li: boobe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaanshaan
-ta: (magac, dhedig, keli) meel aad u fog. Iyaga maxaa shaan shaan geeyay haday sidan u jilicsan yihiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaanshayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xanuun shaashada ee ku dhaca umusha iyo ilmaha qaadsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaashsaar
shaashsaar¹: m.l Xaflad la sameeyo toddabaadka arooska dhammaadkiisa oo gabadha, shaash muujinaya inay gabarnimadii ka baxday loogu saaro.
shaashsaar²: f.g1 (-ray, -rtay) Gabar la aroosay markii ugu horreysay shaash u saarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaashsaar
m.l Xaflad la sameeyo toddabaadka arooska dhammaadkiisa oo gabadha, shaash muujinaya inay gabarnimadii ka baxday loogu saaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shabbaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: shaabbaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakhsiyan
(tilmaame) qof ahaan; kali ahaan; ruux ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanlaysan
(tilmaame) la fidhay; feedhan; fidhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aslaaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Islaax ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aslaaxsan
der. [adjective] settled, put in order; prepared (for cultivation)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aslaaxsan
(tilmaame) mid hagaagsan; mid suubban ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aslaaxsan
de: settled, put in order; prepared (for cultivation)
lx: aslaaxsan
pd: (aslaaxsanaa)
ps: adj-der
key: aslaaxsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaadhaan
-ka: (magac, lab, keli) qof maskaxdiisu aanay ku fillayn. Dhaadhaan dhul kuuma dhiciyo. Dh: doqon, nacas, caran, coon, sacsac. Li: fariid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaansani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dhaansanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabaqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la dhabqiyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabaqsan
der. [adjective] out of time, out of turn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaqsan
(tilmaame) sacab ama ciyaar habdhaceeda isla heliwaayid. Dh: badhqan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabaqsan
de: out of time, out of turn
lx: dhabaqsan
ps: adj-der
key: dhabaqsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhafarsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax dhafar hayo ahaansho (qof). 2. Wax dhafar lagu xiray ahaansho (awr).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhafarsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax dhafar hayo ahaansho (qof). 2. Wax dhafar lagu xiray ahaansho (awr). m.f.dh, dhafarsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhahaqsan
(sacab; hees; kd.) dhabaq galay oo aan laysla helin; la qasay; la dhabqiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharabsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax qoyaan yar gaaray ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dharabsan
der. [adjective] wet, covered with dew
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharabsan
(tilmaame) meel dharab qoyan leh. Doogga oo dharabsan ayaan dhex maray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dharabsan
de: wet, covered with dew
lx: dharabsan
pd: (dharabsanaa)
ps: adj-der
key: dharabsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharagsan
(tilmaame) mid calooshu buuxdo. Dh: dibbirsan, dheregsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhararsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dhararay ahaansho (nafley).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhararsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dhararay ahaansho (nafley). m.f.dh, dhararsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaakhsad
-ka: (magac, lab, keli) khaakhato iska keenid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khasaysan
der. [adjective] ashamed, embarrassed
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khasaysan
cf: khaso
de: ashamed, embarrassed
lx: khasaysan
pd: (khasaysnaa)
ps: adj-der
key: khasaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaambayn
m.f.dh eeg shaambee.