shaah-a
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shaah-a
thé.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casmali
(Casmali-da)
1. Tarbuush guduudan.
2. Shaah aan caddays ahayn, ee guduudan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bigays
m.l 1. Shaah aan caano lahayn; rinji. 2. la-mid: bigayn.

casmali
casmali¹: m.l.kh C: ah: shaah aan caano lagu darin; bigays.
casmali²: m.dh Tarbuush guduudan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqan
laqan¹: m.l 1. Nin dhalinyaro ah oo qas badan. 2. Geerida ku timaad qof dhalinyaro ah. 3. Shaah ama kafee lagu daray cabbitaan kale oo adag.
laqan²: f.mg1 (-qmay, -qantay; -qmi) 1. Nin dhalinyaro ah oo qas badan noqosho. 2.Da' yaraan ku dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaxwe
m.l Cabbitaan bun la shiiday laga sameeyo oo shaah ahaan loo cabbo. la-mid: qahwe, qaxwo.

waarikow
m.l Shaah aan sonkor lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bigays
m.l 1. Shaah aan caano lahayn; rinji. 2. la-mid: bigayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
casmali
m.l.kh C: ah: shaah aan caano lagu darin; bigays.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laqan
laqan¹: m.l 1. Nin dhalinyaro ah oo qas badan. 2. Geerida ku timaad qof dhalinyaro ah. 3. Shaah ama kafee lagu daray cabbitaan kale oo adag.
laqan²: f.mg1 (-qmay, -qantay; -qmi) 1. Nin dhalinyaro ah oo qas badan noqosho. 2.Da' yaraan ku dhimasho. m.f.dh, laqmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaxwe
m.l Cabbitaan bun la shiiday laga sameeyo oo shaah ahaan loo cabbo. la-mid: qahwe, qaxwo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Shaadali
-ga: (magac, lab, keli) shaah Allabbari ah oo la karsho, shaah, qaxwe, bun iyo wixii la mid ah oo sadaqad loo buuxiyo. Shaadaliga soo shub waa Arbaca maantee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bekeeri
-ga: (magac, lab, keli) kubbaayad quruurad ah oo shaaha iyo wixii la mid ah lagu cabbo. Bekeeri shaah ah ii shub. Dh: kubaayad, burjuqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bigays
-ka: (magac, lab, keli) bigaynta shaaha. Bigays shah beri horaa iigu danbaysay.
bigays -ka: (magac, lab, keli) shaah aan caano lahayn. Laba koob oo bigaysaan cabbay: Dh: rinji, madow. Li: caddays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanee
(fal) cunto, shaah ama wax kale, caano ku dar. Waar! shaaha noo caanee. Dh: caanay, caddee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canjuul
(tilmaame) shaah aan sonkor lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casmali
-ga: (magac, lab, keli) shaah aan caddeys ahayn oo guduudan ama madaw. Dh: bigeys, bigays, cusmali. Li: caddays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daangawiis
-ka: (magac, lab, keli) shaah aan caleen lahayn ama aanay ku badnayn oo caano qudha lagu karshey. Daangawiis innoo kari haddayna biya jirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geeb
-ka: (magac, lab, keli) weel shaaha lagu cabbo. Geeb shaah ah ii keen. Dh: koob.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haalaati
(fal) wax aad caadaysatay, sida shaah ama sigaar iyo wixii la mid ah u baaho. Dh: hamuun, xaraaroo.
haalaati -ga: (magac, lab, keli) wareer qabta qofka isticmaala buuriga iyo wixii la mid ah kolka uu waayo. Dh: xaraaro, hamuun.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shaadh-ka
chemise.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shaag-ga
roue.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaahcab
-ka: (magac, lab, keli) qof cabbista shaaha ku dheereeya. Dh: shaahyacab.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shaahida
name-f witness; one who upholds the faith
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaahsan
(tilmaame) shaah cabbey.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shamac-a
cire.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaah
(Shaah-a)
1. Geed weligi cagaaran oo ubax cad leh oo ka baxa Shiina, Hindiya, Jabbaan iyo meelo kale.
2. Caleemihiisa oo la engejiyey oo laga shaqeeyey.
3. Wax la cabbo oo caleemahaas laga sameeyey; (ama shaahi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaah
shaah¹: m.l 1. Geedgaab weligii cagaaran oo ubax cad cad leh kana baxa dalalka Hindiya, Shiinaha, Sayloon iyo bariga Afrika. 2. Caleenta geedka shaaha oo la engejiyey loona diyaariyey in la isticmaalo. 3. Cabbitaan guduudan oo ka kooban caleenta shaaha, sonkor iyo dhir kale oo laysku kariyo. la-mid: shaahi.
shaah²: f.mg1 (-hay, -hday) Shaah cabbid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaah
shaah¹: m.l 1. Geedgaab weligii cagaaran oo ubax cad cad leh kana baxa dalalka Hindiya, Shiinaha, Sayloon iyo bariga Afrika. 2. Caleenta geedka shaaha oo la engejiyey loona diyaariyey in la isticmaalo. 3. Cabbitaan guduudan oo ka kooban caleenta shaaha, sonkor iyo dhir kale oo laysku kariyo. la-mid: shaahi.
shaah²: f.mg1 (-hay, -hday) Shaah cabbid. m.f.dh, shaahid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaah
m. n., (mass n.): tea
shaah v. drink tea
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaah
-a: (n) tea (tii) Ex: caleen shaah; tea leaves
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaah
(fal) shaah cab: shaahay; qaxway.
shaah -a: (magac, lab, keli) caleen geed ka baxa Siin iyo Hindiya oo inta biyo lagu karkariyo oo la sonkoreeyo la cabbo.
shaah-a: (magac, lab, keli) wax la cabbo oo caleemaha shaahha lagu kariyo; ranji.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Jaah-a
visage.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaahi
shaahi¹: m.l la-mid: shaah¹.
shaahi²: f.g2 (-iyay, -isay) Cid shaah siin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaahi
m. n., (mass n.): tea
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaahi
a: shaah
de: tea
initial: s
lx: shaahi
pd: (-ga)
ps: n2a-m-mass
key: shaahi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaah_1
de: tea
hm: 1
initial: s
lx: shaah
pd: (-a)
ps: n2a-m-mass
xe: Have some tea.
xv: Arabic
key: shaah_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaah_2
de: drink tea
hm: 2
initial: s
lx: shaah
nt: shaahid (da) [vn-f]
pd: (shaahay / shaahday)
ps: v1=intr
key: shaah_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaahay
(fal) biyo karaya shaah ku dar, ranjiyey.
shaahay: (fal) shaah cab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaahid
1. (Shaahid-da) Shaah cabbid.
2. (Shaahid-ka) Marag; markhaati.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaahid
shaahid¹: m.l (-dyo, m.dh) Marqaati.
shaahid²: m.f.dh eeg shaah².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaahid
m. n. witness
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shaahid
name-m witness; one who upholds the faith
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaahid
-ka: (n) eyewitness (aay-wit-nes); spectator (ispak-teeyter) ~ markhaati
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaahid
-da: (magac, dhedig, keli) shaah cabbid shaahayn.
shaahid -ka: (magac, lab, keli) markhaati: shuhuud: marag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaahid
cf: marag, markhaati
de: witness
initial: s
lx: shaahid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: shaahid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaahin
m.f.dh eeg shaahi². la-mid: shaahis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaahis
m.l la-mid: shaahin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaahis
-ta: (magac, dhedig, kell) shaahid.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shaabi-ga
récif.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shaati-ga
chemise.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shakal-ka
voyelle.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shaqad-da
travail.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sharad-ka
pari.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sharaf-ka
honneur.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shiraac-a
voile.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Khaas-ka
spécial.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaabbad
(Shaabbad-da)
Shabbad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaabbad
m.dh (-do, m.l) Shay dabo la qabsadana leh oo cijir ama bir ka samaysan oo hadal ama astaamo ku qoranyihiin oo dukumuntiga iyo warqadaha lagu dhufto. la-mid: shabbad, shabbo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaabbad
m.dh (-do, m.l) Shay dabo la qabsadana leh oo cijir ama bir ka samaysan oo hadal ama astaamo ku qoranyihiin oo dukumuntiga iyo warqadaha lagu dhufto. la-mid: shabbad, shabbo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaabbad
f. n. stamp
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaabbad
-da: (n) rubber stamp (istaamp); seal (siil) ~ tiimbare, shaambad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaabbad
-da: (magac, dhedig, keli) qalab yar o ka samaysan bir ama qori oo goobaaban oo inta khad lagu dhufto lagu daabaco warqadaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaabbad
de: stamp
initial: s
lx: shaabbad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: shabbad
key: shaabbad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shaabbad
ختم
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaabbah
shaabbah¹: m.l (-hyo, m.dh) U ekaanshaha wax, wax kale u ekaadaan. la-mid: shabbah¹.
shaabbah²: f.g1 (-hay, -hday; -bihi) Wax, wax kale u ekaansho. la-mid: shabbah².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaabbah
m. n. resemblance, similarity
shaabbah v. resemble, look like
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaabbah
-ay / day: (v) seem like; be similar to; resemble (ri-sam-bal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaabbah
-ha: (magac, lab, keli) labo waxyaabood ama ka badan isu ekaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaacbax
f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Soo sh.: wax la wada yaqaan noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaacbax
f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Soo sh.: wax la wada yaqaan noqosho. m.f.dh, shaacbixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaacbax
(fal) wixii cusub ee caan baxaya. Soo shaacbax horta intaanad garoonka wayn imaanin. Dh: Caan bax.
shaacbax -a: (magac, lab, keli) marka ugu horraysa ee wax la wada maqlo ee ay soo baxaan, marka ugu horraysa ee caan wax noqdaan.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shaaciya
nickname; name-f spread, diffuse, propagate; divulge; cause to glare; reveal, bring to light
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaacsan
(tilmaame) la shaaciyey; la baahiyey.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shaadiya
name-f praise, commend, exert; singer
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shaafiya
name-fhealer, mediator
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaahayn
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo karaya shaah ku darid.
shaahayn-ta: (magac, dhedig, keli) shaah cabbid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaahays
-ka: (magac, lab, keli) shah cabbid.
shaahays-ka: (magac, lab, keli) shaah ku darid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shaakira
name-f thankful, grateful
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaalcad
m.l Dharka aliindiga ah nooc darfaha ku leh daliig midab ah oo wada cad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaambad
-da: (n) rubber stamp (istaamp); seal (siil) ~ shaabbad, tiimbare
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaanbad
-da: (magac, dhedig, keli) cad yar oo wareegsan oo dabo la qabto leh, oo bir, cinjir ama wax kale ka samaysan oo hadal ama astaan ama magac gaar ihi ku qoran yahay oo warqadaha korkooda ayaa lagu dhufto; shaabad; tiinbaro.
shaanbad -da: (magac, dhedig. keli) iyadoo la dabbaalanayo oo inta la quuso qof kale lug xooggan lagu dhufto; laadbadeed; laagbadeed; huy.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaankax
f.g1 (-xay, -xday) Wax bir ku googoyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaash_1
de: married woman's headscarf, generally of red silk
hm: 1
initial: s
lx: shaash
pd: (-ka Pl: shaashash (ka))
ps: n4-m, n2a-m
key: shaash_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaash_2
de: mane
hm: 2
initial: s
lx: shaash
pd: (-ka)
ps: n4-m
key: shaash_2
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaashad
-da:(n) monitor (monitor); screen (iskiriin) ~ Ex: shaashadda kumbiyuutarka; the computer screen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaashaw
(fal) 'ilma yar' dadka urtooda ku bukoo.
shaashaw -ga: (magac, lab, kali) timaha jidhka oo badan. Dh: dhogor, idiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaashay
(fal) 'ilmo dhashay' shaasho ku rid.
shaashay: (fal) wax godlan, cari: gaaggixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaashee
f.g2 (-sheeyay, -sheysay) Ilmo markaa dhashay shaasho gayeeysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaashle
-ha: (magac, lab, keli) wax shaashle leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaashoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: shaashow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaashoo
(fal) shaasho yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaashow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax shaasho ku dhacday noqosho (carruur iyo haween). la-mid: shaashoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaashow
(fal) eeg shaashaw.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shabaaba
name-f young lady
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SHADHAAB
(Shadaap) N Thamnosma hirschii Schweinf. Rutaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shakhfad
-da: (n) heart (haart); mind (maayndh). Ex: shakhfaduu la' yahay; he is absent-minded ~ shaqfad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shakhfal
-shakhfasha: (n) armpit (aarm-pit) ~ shaqfal, kilkil
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shaki-ga
doute.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shalanba
-a: (magac, lab, keli) alanba'; dhibaato iyo hoogga uu xadhiggu leeyahay. Dh: alanbaqa'. Li: raaxo.