shaadhgaamin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaadhgaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) iska dabajoogid oo ka daalid la'aan; shaadhgaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaadhgaami
(fal) iska daba joog oo ha ka daalin.
shaadhgaami -ga: (magac, lab, keli) iska dabajoogid aan la daalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaadhgaamis
-ka: (magac, lab, keli) eeg shaadhgaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaadhgaan
-ka: (magac, lab, keli) qori inta badan xabad keli ah ka dhacdo oo shimbiraha lagu laayo ama lagu ugaadhsado. Dh: faraggoo, shaargaan. Li: boobe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaandhaamin
m.f.dh eeg dhaandhaami. la-mid: dhaandhaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaadhaan
-ka: (magac, lab, keli) qof maskaxdiisu aanay ku fillayn. Dhaadhaan dhul kuuma dhiciyo. Dh: doqon, nacas, caran, coon, sacsac. Li: fariid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhadhamin
(Dhadhamin-ta)
Carrabka gaarsiin, si dhadhanku jaadka uu yahay, lagu hubiyo; (ama dhedhemin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhamin
m.f.dh eeg dhadhami. la-mid: dhadhamis, dhadhemin, dhadhemis, dhandhamin, dhand
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhadhamin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax, carrabka saarid oo sida uu dhandhankiisu yahay eegid. Dhadhamiyaa waalan dhergaana kaba daran. Dh: dhandhamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaamin
m.f.dh eeg gaadaami. la-mid: gaadaamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haldhamin
m.f.dh eeg haldhami. la-mid: haldhamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saadaalin
m.f.dh eeg saadaali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saadaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) 'wax aan weli dhicin' sii sheegis, sii malayn. Dh: mala'awaalid, saadin, saadaalis.
saadaalin -ta: (magac, dhedig, keli) wax dhici doona sii sheegid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
saadaalin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadhaamin
-ta: (magac, dheddig, keli) dhiil caano lagu lulayo, kodhe iyo wixii la mid ah, si aan xoog ahayn u walhin oo kolba dhinac u yara lulid. Dh: weedhaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhandhamin
m.dh la-mid: dhadhamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhandhamin
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto ama cabbitaan, carrabkaaga ku dareemid dhandhanka ay leeyihiin. Dh: dhadhamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maydhaamin
m.f.dh eeg maydhaami. la-mid: maydhaamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sakhraamin
(Sakhraamin-ta)
Sakhraan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sakhraamin
m.f.dh eeg sakhraami. la-mid: sakhraamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakhraamin
-ta: (magac, dhedig, keli) sakhraan ka dhigid; khamri cabsiin si maanku u doorsamo. Dh: maandoorin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waydhaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) isku ururin dareere ama adke la iskugu soo ururiyo xuddundhexaad marka xoog loo wareejiyo ama loo goolabo. Dh: goolabid.
waydhaamin -ta: (magac, dhedig, keli) winiinin ama wareejin dacallada u kala didisa marka la wareejiyo dareere, hoore ama adke.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyadhaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) raridda iyo dhaaminta biyaha. Dh: warraad, biyadhaamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaandhaami
f.g2 (-iyay, -isay) Qof, dhaandhaan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maradhaamin
m.f.dh eeg maradhaami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shuushaamin
(Shuushaamin-ta)
(xoolo) si gaar ah oo lexejeclo badani ku jirto u koolkoolin, u ilaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuushaamin
m.f.dh eeg shuushaami. la-mid: shuushaamis, shuushin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuushaamin
wax si gaar u xannaanay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaradhaamin
m.f.dh eeg xaradhaami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaradhaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) baaqbaaqid oo biyuhu meelo ay ku joogsadaan u samayn. Dh: baaqbaaqid.
xaradhaamin -ta: (magac, dhedig, keli) xanaanayn dheeraad ah oo loo sameeyo wax lexejeclo loo leeyahay. Dh: dhaqaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaafdhaafin
m.f.dh eeg dhaafdhaafi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaandhaamid
m.f.dh eeg dhaandhaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaandhaamid
-da: (magac, dhedig, keli) jahawareerid wax kala garanwaasho. Shaqala'aantu waa dhaandhaamid. Dh: jahawareerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaandhaamis
m.l la-mid: dhaandhaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaashsaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Gabadh la aroosay oo la shaash saaray ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaashsaarid
m.f.dh eeg shaashsaar². la-mid: shaashsaaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaashsaaris
m.dh la-mid: shaashsaarid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Shaadi taagan
Raised beach
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhtamin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg badhtamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) miisaan saarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) marka meel si filiqsan wax loogu saydhsaydhiyo, si tashiil laaan ah u adeegsasho. Ka daa cuntada daadaadinta. daadaadsan: (tilmaame) wax filiqsan oo yaalla meel kasta si tartiib la'aan ah. Alaabtaydii oo kala daadaadsan baa guriggii ugu tagey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddaamin
m.dh la-mid: dandaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dandaamin
(Dandaamin-ta)
Dandaan qaadid; wax sida dandaanka u culus qaadid; walwaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dandaamin
m.f.dh eeg dandaami. la-mid: daddaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dandaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) marka wax culus oo aan la sidi karin qof walwaalayo. Dh: dandaamis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaadhaaf
-ay/tay: (v) 1. cross from one side to the other, again and again; zig zag. 2. is dhaadhaafi -ay / -say: (v) ignore (ignoor); pay no attention to; disregard (dis-ri- gaardh) iska dhegatir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaadnaan
m.f.dh eeg dhaadan. la-mid: dhaadnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaadnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaadka ka xidhnaan. Dh: dabranaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhadhajin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax keliya meelo badan ku nanabid. Dh: dhedhejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhadhamid
(Dhadhamid-da)
Dhadhan yeelasho; dhadhan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhamid
m.f.dh eeg dhadhan². la-mid: dhadhemid, dhandhamid, dhandhemid, dhedhemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhadhamid
-da: (magac, dhedig, keli) dhandhan yeelasho oo macaan ama qadhaadh mid ahaan. Dh: dhandhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhamis
m.l la-mid: dhadhamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhemin
m.dh la-mid: dhadhamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhandhami
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: dhadhami.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhandhami
-yey / say: (v) taste (teeyst); have a taste for! savor (seey-ver); find palatable (paali-tibol) ~ dhandhami. Ex: sidee u dhandhamaysaa? how does it taste?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhandhami
(fal) cunto ama cabbitaan, carrabkaaga ku dareen dhandhanka ay leedahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaamid
m.f.dh eeg gaadaan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaamis
m.l la-mid: gaadaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaditaan
-ka: (magac, lab, keli) duulitaanka hawada. Dh: haadid, lalitaan, duulitaan.
haaditaan -ka: (magac, lab, keli) «ka naf, noole, ka bixitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haaraamid
(Haaraamid-da)
Wax sidii la rabey si aan ahayn u dhacay, dad kale ku eedayn, ku dagaalid, wax kaga sheegid; hiilid; canaanasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haaraamid
m.f.dh eeg haaraan². la-mid: haa-raan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaraamid
-da: (magac, dhedig, keli) canaan iyo foolxagad tiro badan oo hiif ah cid kale u geysasho. Meel balaayo heeryaha dhigtoo, la isku haaraamey. Dh: guulguulid, hiifid, haaramid, eedayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haasaawin
(Haasaawin-ta)
(cid) haasaawe u sheegid; u qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haasaawin
m.dh la-mid: haasaaweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haasaawin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, haasaawe ku madaddaalin oo u sheegid.
haasaawin -ta: (magac, dhedig, keli) cid kale sheekooyin maaweelo ah uga sheekayn… Goluhuu ku haasaawin jiray gocanayaa mooyi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhgalid
-da: (magac, dhedig, keli) meel hadh leh tegid. Kolka kulayl jiro xooluhu hadhgalidda way yagaanniin. Dh: hadhsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haldhamis
m.l la-mid: haldhamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
handaafin
-ta: (magac, dhedig, keli) «isla ~» qof kale wax wada qaadid oo dhinacyada qabasho. Dh: wandaafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoggaamin
(Hoggaamin-ta)
Hoggaan ku qabasho, ku wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoggaamin
m.f.dh eeg hoggaami. la-mid: hoggaamis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoggaamin
vl. n. leading, guiding; leadership
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoggaamin
-ta: (n) the act of leading, guiding, or conducting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoggaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) hoggaanka qabasho oo horkicid; hogaanka u qabad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoggaamin
de: leading, guiding; leadership
lx: hoggaamin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: hoggaamin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoogaamin
m.f.dh eeg hoogaami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maydhaami
f.g2 (-iyay, -isay) Xoolo la xaday, xoolo kale ku beddelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raadgamid
m.dh la-mid: raadqaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadgamid
-da: (magac, dhedig, keli) raadka si farsamo ah u qarsoomid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saadaalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax sii sheegid, wax soo fool leh ka sii warramid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saadaalis
-ka: (magac, lab, keli) eeg saadaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saangaman
f.mg4 (-mnaa, -mnayd) la-mid: saangan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saangamid
m.f.dh eeg saangan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sakhraami
f.g2 (-iyay, -isay) Cid sakhraan ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sakhraami
f.g2 (-iyay, -isay) Cid sakhraan ka dhigid. m.f.dh, sakhraamin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sakhraami
v. intoxicate, make someone drunk
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sakhraami
-yey / say: (v) make someone drunk ; stupefy or excite with alcohol ~ sarkhaami
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakhraami
(fal) khamri cabsii si uu maankiisu u doorsamo; sakhraan ka dhig. Sakhraami oo ka qaado waxa uu sito.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sakhraami
de: intoxicate, make s.o. drunk
initial: s
lx: sakhraami
pd: (sakhraamiyey)
ps: v2a=tr
key: sakhraami
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saylaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel galay ama qabsaday ka soo dhiraandhirin.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shaadh-ka
chemise.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaashayn
-ta: (magac, dhedig, keli) carin; gaggixin; shaashays.
shaashayn-ta: (magac, dhedig, keli) shaasho ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shahaadid
m.f.dh eeg shahaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharqamin
(Sharqamin-ta)
Shanqarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharqamin
m.dh la-mid: sanqarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharqamin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka sanqadhin; ka dhawaajin; ka sanqadhis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shayddaan
(Shayddaan-ka)
Ibliis; jinni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shayddaan
m.l 1. Uun aan muuqan oo dadka xumaha ku boorriya. 2. (-nno/-mmo,mdh) Qof xumaha ka taliya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shayddaan
m.l 1. Uun aan muuqan oo dadka xumaha ku boorriya. 2. (-nno/-mmo/-yaaddiin, mdh) Qof xumaha ka taliya. m.dh.w, shayaaddiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Shayddaan
name: Satan (the Devil)