sh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sh
-(sha'): cod ka mid ah codadka Alifba'da Far Soomaaliga; waa shibbane u qorma: Sh, sh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
A
a: (a')
Xarafka koowaad oo Alifka Soomaalida. Waa shaqal.
-a: (naxwe) qodob raaca ereyada lab oo kelida ah oo 6 shibbane ku dhammaada (c, h, kh, q, x iyo hamsa, sida: magac-a, daah-a, jookh-a, maraq-a, madax-a iyo go'-a).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aad
aad: 1. (⁰) Dhab; si daran.
2. Adigu.
-aad: Tiraab lagu dabakaro tirada oo muujiya jagada tiradaasi ku abbaaran tahay, saddex-aad (3d.); shan-aad (5d.); sagaal-aad (9d.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aammus
(Aammus-ka)
Hadal la'aan; shib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aammusan
Aan hadla hayn; shib ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aammusnaan
(Aammusnaan-ta)
Hadlid la'aan; shib ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aashuun
(Aashuun-ka)
Weel biyaha lagu shubto oo laga sameeyey dhoobo; malbo; jalxad; shaanbi; ballaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayo
1. (Aaya-da) (waa shedan tahay) Carruurta hooyadood maahee, oorida kale, oo aabbahood qabo.
2. (Aaya-ha) Waxtar waa danbe wax laga dheefo; ciribdanbeed; aayatiin; meecaad; liil danbe; (ama aaye).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abtirsasho
(Abtirsasha-da)
Aabbeyaal iyo awooweyaal badan oo isku xiga magacyadood sheegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adeegid
(Adeegid-da)
Hawl cid u qabasho; midiidimid; qabbaanid; xoojin; shaqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afaggaal
(Afaggaal-ka, Afaggaa-sha)
Toddobada xiddigood oo raqaha, tan ugu danbaysa; waxay u dhexaysaa nuguushi-cad tyo naafcadde.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afar
(Afar-ta)
Tirada saddexda iyo shanta u dhexaysa (4).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afarrey
(Afarrey-da)
1. Gabay yar, shanley.
2. (shax) afar iska soo horjeedda oo hogi u dhexayso, oo ka samaysan labo jare oo taagan (isku dhici kara).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afgarooc
(Afgarooc-a)
Aan hadalka si wanaagsan u sheegi karin, u jeedin karin; aan codkar ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afyuun
(Afyuun-ka)
Geed-ubax la beero oo waxtar (dawo) iyo dhibaato weyn labadaba leh, oo dhulka kulul ka baxa; wuxuu lee yahay dhacaan sida caanaha u cad oo la engejiyo, oo dabadeed la cuno ama sida sigaarka loo shito; kartida iyo maanka qofkaba habbisuu saaraa, haddaan degdeg la isaga qabanna waa lala doorsoomaa oo lala dufoobaa (sida xashiishka, qaadka ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aglool
(Aglool-ka, Agloo-sha)
1. Hab weelka la xoolayna hayo, gocoyonnimada looga ba'sho: asal, dufan, laysku karshey baa lagu rogrogaa.
2. Wax la dhisa hayo ama la samayna hayo, qaabintiisa iyo jaangooyadiisa hore; bilaw; unug. 3.* Aqal, la dhisi doono, astaanti iyo muuqaalki warqad, ku muujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ahmin
(Ahmin-ka)
Ishkinka iyo ariga shilis; jar; (ama ahmi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ajal
(Aja-sha)
1. Waqti dhammaadki.
2. Waqtiga dhimashada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ajnebi
(Ajnebi-ga)
Tol kale ah; shisheeye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Alab
(Alab-ka)
Ged; caado; falaad; sha'ni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Alcood
(Alcood-ka)
(bad) jaadadka shiraaca kan ugu weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ash
Si wanaagsan ku sugan; (maanta Guuleed ash ma aha).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ash
fk. A. ma aha: ma fiicna.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ash
[adjective] in a good mood ~ condition
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ash
/aash/ (n) dambas, bambas (budada cad ama beeyga ah oo dabka ka harta) xaabo ama sigaar basay ka harta. e.g. cigarette ash.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ash
(adj) good (guudh); Ok. Ex: sow ash ma ahid? aren 'tyou fine?
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
ash
/aash/ (n) 1. bembed. 2. geed billeering.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ash
(tilmaame) si wanaagsan ku sugan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ash
de: in a good mood ~ condition Only used with a negative
lx: ash
pd: (ma aha)
ps: adj-neg
xe: I am not in a good mood today.
xv: Ash ma ahi maanta.
key: ash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ish
(tilmaame) wax la necbaysto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sah
(Sah-a)
Hadba xaalka kolkaas lagu sugan yahay; si; waayo; tabaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sah
m.l (-ho, m.dh) Hadba xaalka markaas lagu sugan yahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sah
m. n. condition ~ situation (that one is in)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sah
-a: (magac, lab, keli) waxaan dhab ahayn. Ilayn way ka simanyiin saha iyo saarka. Dh: isyeelyeel.
sah-ha: (magac, lab, keli) hadba xaalka kolkaas lagu sugan yahay; waayaha iyo xaaladda markaa lagu jiro. Dh: si, waayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sah
de: condition ~ situation (that one is in)
initial: s
lx: sah
pd: (-a)
ps: n0-m
key: sah
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
sha
-sha
(naxwe) qodob raaca ereyada dheddigga u dhawaaqa oo l ku dhammaada, sida il (isha), bil (bisha), ceelal (ceela-sha), odayaal (odayaa-sha).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sha
-da: (n) a letter of the Somali alphabet, pronounced as (sha') as in the word [shame]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sha
(qodob) ku dabakarma ereyada dhedig oo ku dhammaada shibbanaha 'L', sida: ulusha: odayaal - odayaasha; iyo wixii la mid ah. shaa: eray loogu dhawaaqo dameeraha, kolka la joojinayo. Dameerta shaa dhe. Dh: shug. Li: hag.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
she
/shii/ (pron) ayada (magac-u-yaal dheddiga loo adeegsado).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
she
pers. prn. (see Grammar).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shy
/shay/ (adj) 1. xishoonaya, sheexaya, qajilsan (v) 2. ka baqasho.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
shy
a., xil badan; be shy, xishoo.