seetaysnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seetaysnaan
m.f.dh eeg seetaysan. la-mid: seetaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) seeto ku xidhnaan, seeto ku dhaadnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seetaysan
Seeto ku xiran tahay; la seeteeyey; dabran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seetaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la seeteeyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seetaysan
der. [adjective] loosely hobbled, tied with a long slack rope ~ cord
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetaysan
(tilmaame) seeto ku xidhan tahay seet ku dhaadan tahay. Waa seetaysan tahay awrtu. Dh: dabran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
seetaysan
de: loosely hobbled, tied with a long slack rope ~ cord
initial: s
lx: seetaysan
pd: (seetaysnaa)
ps: adj-der
key: seetaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedaysnaan
m.f.dh eeg eedaysan. la-mid: eedaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof eed qaba ahaan; qof denbi loo haysto ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetaysnaw
(fal) seeto ku xidhnaw. Awr waa ama seetaysnaw ama dabranaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beelaysnaan
m.f.dh eeg beelaysan. la-mid: beelaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beelaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax beeleysi lagu sameeyey ahaan. Xeerka beeleysnaanta ka daaya oo qarameeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meelaysnaan
(Meelaysnaan-ta)
Wax meelaysan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meelaysnaan
m.f.dh eeg meelaysan. la-mid: meelaysnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meelaysnaan
f. n., [abstract] state of being placed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel lagu ogyahay ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meelaysnaan
de: state of being placed
lx: meelaysnaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: meelaysnaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetaysnaanshiiyo
-ha: (magac, lab, keli) eeg seetaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seetaysnaansho
m.l/dh la-mid: seetaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetaysnaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax la seeteeyey ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sergedaysnaan
m.dh la-mid: sargadaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aleelaysnaan
m.f.dh eeg aleelaysan. la-mid: aleelaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aleelaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aleel lagu qurxiyay ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heensaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) faras la heenseeyay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seetaysad
m.l la-mid: seetaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
astaysnaan
m.f.dh la-mid: astaamaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
astaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) amaarad iyo astaan lahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
safaysnaan
m.dh la-mid: sifaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax safaysan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salaysnaan
m.f.dh eeg salaysan. la-mid: salaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax salaysan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Samaysnaan
(Samaysnaan-ta)
Wax samaysan ahaan; waxaysnaan; suubsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samaysnaan
m.f.dh eeg samaysan². la-mid: samaysnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
samaysnaan
f. n., [abstract] state of being done ~ made
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
samaysnaan
-ta: (n) formation (foor-meey-shin); creation (kiri-yeey-shiri)-,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax samaysan ahaan; waxaysnaan; suubbisnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
samaysnaan
de: state of being done ~ made
initial: s
lx: samaysnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: samaysnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sifaysnaan
m.f.dh eeg sifaysan². la-mid: safaysnaa, safaysnaansho, sifaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sifaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax safaysan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sumaysnaan
m.f.dh eeg sumaysan. la-mid: sumaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sumaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) sun cabsanaan, la siiyey sun. Sumaysnaanta dacawooyinka ayaa lagu yaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xeraysnaan
(Xeraysnaan-ta)
Wax xeraysan ama xero ku jira ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeraysnaan
m.f.dh eeg xeraysan. la-mid: xeraysnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xeraysnaan
f. n., [abstract] state of being penned ~ enclosed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeraysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax xeraysan ama xero ku jira ahaan. Dh: xeraysni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xeraysnaan
de: state of being penned ~ enclosed
initial: x
lx: xeraysnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: xeraysnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caataysnaan
m.f.dh eeg caataysan. la-mid: caataysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caataysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof caato ah ahaan; weyd ahaan.
caataysnaan -ta: (magac, dhedig, keli) qof daalan ahaan; daalanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geedeysnaan
m.f.dh eeg geedeysan. la-mid: geedeysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedeysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) meel geedo loo yeelay ahaan.
geedeysnaan -ta: (magac, dhedig, keli) dheri ama cunto, geedo udgoon lagu daray ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meereysnaan
m.f.dh eeg meereysan. la-mid: meereysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mergaysnaan
m.dh la-mid: margaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shukaysnaan
m.f.dh eeg shukaysan. la-mid: shukaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shukaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) shuko huwanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siddaysnaan
m.f.dh eeg siddaysan. la-mid: siddaysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soofaysnaan
m.f.dh eeg soofaysan. la-mid: soofaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soofaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la soofeeyey ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suryaysnaan
m.f.dh eeg suryaysan. la-mid: suryaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suryaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax suryaysan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heenseysnaan
m.f.dh eeg heenseysan. la-mid: heenseysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heeryeysnaan
m.f.dh eeg heeryeysan. la-mid: heeryeysnaansho, reeryeysnaan, reeryeysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reeryeysnaan
m.dh la-mid: heeryeysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salabaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax salabaysan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
satiyaysnaan
m.f.dh eeg satiyaysan. la-mid: satiyaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
satiyaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax sati loo yeelay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shabbaysnaan
m.dh la-mid: shaabbadaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheekayaqaan
-ka: (magac, lab, keli) qofka sheekooyinka sida fiican u sheega.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilaysnaan
m.f.dh la-mid: shiilnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sikilaysnaan
m.f.dh eeg sikilaysan. la-mid: sikilaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sumadaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax summad leh aahan; calaamadaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beelaysnaansho
m.l/dh la-mid: beelaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beelaysnaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg beeleysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meelaysnaansho
m.l/dh la-mid: meelaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelaysnaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax meel lagu og yahay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax dembi loo haysto ahaansho; eed saarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
eedaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax dembi loo haysto ahaansho; eed saarid. m.f.dh, eedaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sayrnaan
m.f.dh eeg sayran. la-mid: sayrnaan-sho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sayrnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la sayray ahaan; saydhnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seernaan
m.f.dh eeg seeran. la-mid: seernaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seetaysi
m.l la-mid: seetaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seetayso
f.mg3 (-stay, -satay) Awr seeto ku xirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afaysnaan
m.f.dh eeg afaysan². la-mid: afaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax afbadan oo aad wax u gooya ahaan. Middidu afaysnaan bay wax ku goysaa. Dh: soofaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beelaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la beeleeyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beelaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la beeleeyey ahaansho. m.f.dh, beelaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beelaysan
(tilmaame) beelbeel u samaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceebaysan
(tilmaame) mid canbaaraysan; mid ceeb weyni dusha ka saaran tahay.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geedaysan
-aa: (adj) having the flavor, aroma, or quality of spice: spicy (ispaaysi) ~ (dhiraysan)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Heeganaan
Prontezza
Readiness
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meelaysan
Meel la dhigay; meel lagu ogaadey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meelaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la meeleeyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meelaysan
der. [adjective] placed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelaysan
(tilmaame) wax meel lagu og yahay ah. Gabadh iska meelaysan ayay rag ku duurduuraan. meelaysasho -da: (magac, dhedig, keli) eeg meelasayd.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meelaysan
de: placed
lx: meelaysan
pd: (meelaysnaa)
ps: adj-der
key: meelaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefaysan
(tilmaame) naqas ka buuxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suntanaan
m.f.dh eeg suntan. la-mid: suntanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suntanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ahaan wax suntan. Suntanaan la'aan soomaalidu xoolaha ma siidaydayso. Dh: sumadaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aafaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ibtilo iyo aafo qabitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqsaysnaan
m.f.dh la-mid: asqaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqsaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) xoog u oommanaan.
aqsaysnaan -ta: (magac, dhedig, keli) mid jahadu ka lunsantahay oo wareersan ahaan.