seetays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetays
-ka: (magac, lab, keli) seetayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seetaysi
m.l la-mid: seetaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seetayso
f.mg3 (-stay, -satay) Awr seeto ku xirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetay
(fal) seeto ku xidh, u yeel; dabar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seetayn
(Seetayn-ta)
Seeto ku xirid, u yeelid; dabrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seetayn
m.f.dh eeg seetee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetayn
-ta: (magac, dhedig, keli) seeto ku xidhid u yeelid, dabrid; seetays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabran
Dabar ku xiran yahay; seetaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seetaysasho
m.f.dh eeg seetayso. la-mid: seetay-sad, seetaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seetaysnaan
m.f.dh eeg seetaysan. la-mid: seetaysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seetaysnaansho
m.l/dh la-mid: seetaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siligle
m.l Hab geelu u socdo marka uu seetaysan yahay; sulsul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhaansad
-ka: (magac, lab, keli) sheed ka aragga wax kuu muuqda. Bidhaansadka geeluu eeganayaa awrka seetaysani. Dh: bildhaansad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetaysnaanshiiyo
-ha: (magac, lab, keli) eeg seetaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinniqsi
-ga: (magac, lab, keli) socod inta labada jilbood la siku qabto cagaha dhulka la jiido iyadoon la tallaabsanayn. Dh: kuurkuursi.
sinniqsi -ka: (magac, lab, keli) socodka awr seetaysan ama gabadh la guday oo loo diidayo inay tallaabo dardarle qaadaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetagoys
-ka: (magac, lab, keli) seetaggoosad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seetaysad
m.l la-mid: seetaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seetaysan
Seeto ku xiran tahay; la seeteeyey; dabran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seetaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la seeteeyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seetaysan
der. [adjective] loosely hobbled, tied with a long slack rope ~ cord
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetaysan
(tilmaame) seeto ku xidhan tahay seet ku dhaadan tahay. Waa seetaysan tahay awrtu. Dh: dabran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
seetaysan
de: loosely hobbled, tied with a long slack rope ~ cord
initial: s
lx: seetaysan
pd: (seetaysnaa)
ps: adj-der
key: seetaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seerayso
f.g3 (-stay, -satay) la-mid: seero.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seerayso
(fal) seere u samayso; meegaarayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheekays
m.l la-mid: sheekayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheekays
-ka: (magac, lab, keli) eeg sheekayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eedays
(Eedays-ka)
Eed la isa saaro; gar la isu qabsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedays
m.l la-mid: eedayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eedays
vl. n. dispute, mutual accusations
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eedays
-ka: (n) allegation (ala geey-shin); blame (baleeym) ~ eed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedays
-ka: (magac, lab, keli) eeg eedayn. eedaysan: (tilmaame) qof denbi loo haysto oo la eedeeyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eedays
de: dispute, mutual accusations
lx: eedays
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: eedays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beelays
-ka: (magac, lab, keli) dad beelbeel u dejin, dad ururin oo beelbeel u qaybin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenays
-ka: (magac, lab, keli) been ka dhigis. War aan beenays lahayn baan soo maqla. Dh: beenis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceebays
-ka: (magac, lab, keli) eeg ceebayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heecays
-ka: (magac, lab, keli) eeg heecayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heetayn
m.f.dh eeg heetee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg meelayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg neefayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seegayn
-ta: (magac, dhedig, keli) seego samayn, shahwad gacanta iskaga keenid. Dh: siigayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seegeys
-ka: (magac, lab, keli) seegaysi; seegaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seerayn
m.dh la-mid: seerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seerayn
-ta: (magac, dhedig, keli) seere ka dhigid Seerayntu nabaadguurkana wax bay ka tartaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weesays
-ka: (magac, lab, keli) weyso qaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeelays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xeeladays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetaggoys
-ka: (magac, lab, keli) neef aan seetadu hayn karin ee iska jara ama goosta, qofka farabbax ah ee had iyo jeer baxsada ee an loo taag helin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetaysnaw
(fal) seeto ku xidhnaw. Awr waa ama seetaysnaw ama dabranaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meertaysi
(Meertaysi-ga)
Meertaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meertaysi
m.l la-mid: meertaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meertaysi
-ga: (magac, lab, keli) wax la wadaagayo ama la wada leeyahay kolba qof siin oo wareejin. Beeraha meertaysi ayaa lagu qodaa. Dh: tare, kaalaysi, kaayaysi.
meertaysi -ga: (magac, lab, keli) qarafaysi xaafadaha kolba xaafad wax la weydiisto. Meertaysi ayuu ku maganyahay Dh: dhawrtaysi, qarafaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meertayso
f.g3 (-stay, -satay) Si meerto ah wax u qaybsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meertayso
v.auto: share something by passing it around
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meertayso
(fal) qarafayso oo wareeg baryo ah same. Orod xaafadaha ka meertayso. Dh: dhawrtayso.
meertayso: (fal): si meerto ah wax ula wadaag cid kale. Si fiican dadka ula meertayso oo boobka daa. Dh: wadaag, meeri.
meertayso: (fal) socod macno daro ah socsoco oo xaafadaha dhexdooda ku duur. Waligaaba meertayso imtixaanka uun ha dhicin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meertayso
de: share s.t. by passing it around
lx: meertayso
pd: (meertaystay)
ps: v3b=auto
key: meertayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetagoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) seetaggoosi seetaggoys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheekaysi
(Sheekaysi-ga)
Sheekaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheekaysi
m.l la-mid: sheekaysasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sheekaysi
-ga: (n) chatting (jaating)-, casual conversation (kon-verseey-shin); gossip ~ sheekeysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheekaysi
-ga: (magac, lab, keli) wada hadal laba qof ama in kabadan dhexmara oo waxyaalo tagay. jooga, soo socda la isaga warramo. Dh: haasaawe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheekayso
f.mg3 (-stay, -satay) Cid sheeko la yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sheekayso
f.mg3 (-stay, -satay) Cid sheeko la yeelasho. m.f.dh, sheekaysasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sheekayso
-sheekaystay / sheekaysatay: (v) engage [someone] in light, casual conversation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheekayso
(fal) wada sheeko isu sheegsheega.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aleelays
-ka: (magac, lab, keli) eeg aleelayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beelaysi
(Beelaysi-ga)
Gumeysi, isticmaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beelaysi
m.l la-mid: beelaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beelaysi
vl. n. community, settlement; colonization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beelaysi
-ga: (magac, lab, keli) beelbeel isu raacis, isbahaysi samaysasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beelaysi
de: community, settlement; colonization
lx: beelaysi
pd: (-ga)
ps: vn-m
key: beelaysi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beelayso
f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Qolo kale xoog ku qabsasho oo beel ka dhigasho; gumaysasho. 2. (f.mg) Dad kala firirsanaa si ay isu kaashadaan meel wada degsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beelayso
f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Qolo kale xoog ku qabsasho oo beel ka dhigasho; gumaysasho. 2. (f.mg) Dad kala firirsanaa si ay isu kaashadaan meel wada degsasho. m.f.dh, beelaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beelayso
v.auto: colonize, settle (down in an area)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beelayso
(fal) beel ahaan isku xigsii; qolonimo uu u dhawayso. Ninkii walaalkaa ah beeleso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beelayso
de: colonize, settle (down in an area)
lx: beelayso
pd: (beelaystay)
ps: v3b=auto
key: beelayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenaysi
-ga: (magac, lab, keli) wax laguu sheegay beenaysasho. Beenaysiga maxaa keenay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenayso
(fal) run haw qaadan, ha rumaysan, wax been ah ka soo qaad.dodara
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beestayn
m.l (-nno, m.dh) Lacag bir ah oo ka mid ah sarifka rubiyadda oo u dhiganta hal santi, dhuruuruq. la-mid: beesteen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beestayn
-ka: (magac, lab, keli) lacag qaddaadiic yar yar ah oo shilinka ka sii yar oo waayadii hore wax lagu iibsan jiray. Dh: beesteen, beesteyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheerays
m.l la-mid: dheerayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feestayn
-ta: (magac, dhedig, keli) farxad daraaddeed, ciyaarid. Dh: feetayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leexaysi
(Leexaysi-ga)
Leexaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leexaysi
m.l la-mid: leexaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg leexaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leexayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Leexo samaysasho. 2. Leexo isku ruxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
leexayso
v.auto: swing, play on a swing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexayso
(fal) leexaysi samee; adoo laadlaada, marba dhinac u walho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leexayso
de: swing, play on a swing
lx: leexayso
nt: leexaysad (ka) [vn-m], leexaysasho (/da) [vn-f], leexaysi (ga) [vn-m]
pd: (leexaystay)
ps: v3b=auto
key: leexayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meelayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax meel dhigasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meelayso
v.auto: put something in a place
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelayso
(fal) hanti meel kuu gaar ah ood ku ogaato dhigo. Intaada horta meelayso inta dadka waad u soo noqone. Dh: xaslado, meeldhigo.
meelayso: (fal) meel yeelo oo guur ama shaqo diyaarso. Intaad yartahay meelayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meelayso
de: put s.t. in a place
lx: meelayso
nt: meelaysasho (/da) [vn-f]
pd: (meelaystay)
ps: v3b=auto
key: meelayso
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meeraysi
-ga: (n) the act of revolving; orbital motion; circling; rotation (rooteeyshan)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meeraysi
-ga: (magac, lab, keli) wareegaysi; meertaysi. Meeraalaysiga waa lagu wareeraa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meerayso
(fal) wareego oo adu isku meerayso. Dh: wareegayso, meertayso
meerayso: (fal) socsoco oo magaalada kolba dhinac u soco adoon meelna ku hakan. Kolkaad boolis shaqaynaya tahay iska meerayso oo ammaanka sug. Dh: socsoco, duurduur.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Seegayya
rater.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seegeysi
m.l la-mid: seegeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seegeyso
f.mg3 (-stay, -satay) Shahwo iska keenid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seegeyso
(fal) siigaysi samee.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Seepages
Darroor, Daxis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheekayn
(Sheekayn-ta)
Sheeko sheegid.