seetayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seetayn
(Seetayn-ta)
Seeto ku xirid, u yeelid; dabrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seetayn
m.f.dh eeg seetee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetayn
-ta: (magac, dhedig, keli) seeto ku xidhid u yeelid, dabrid; seetays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetay
(fal) seeto ku xidh, u yeel; dabar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heetayn
m.f.dh eeg heetee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seegayn
-ta: (magac, dhedig, keli) seego samayn, shahwad gacanta iskaga keenid. Dh: siigayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seerayn
m.dh la-mid: seerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seerayn
-ta: (magac, dhedig, keli) seere ka dhigid Seerayntu nabaadguurkana wax bay ka tartaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetays
-ka: (magac, lab, keli) seetayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabrid
(Dabrid-da)
Dabar ku xirid; seetayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shackle
/shaakal/ (n) 1. dabar (seeto, xariga xoolaha lugaha looga xiro) (v) 2. seetayn (dabrid).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetagoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) seetaggoosi seetaggoys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seetaysan
Seeto ku xiran tahay; la seeteeyey; dabran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seetaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la seeteeyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seetaysan
der. [adjective] loosely hobbled, tied with a long slack rope ~ cord
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetaysan
(tilmaame) seeto ku xidhan tahay seet ku dhaadan tahay. Waa seetaysan tahay awrtu. Dh: dabran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
seetaysan
de: loosely hobbled, tied with a long slack rope ~ cord
initial: s
lx: seetaysan
pd: (seetaysnaa)
ps: adj-der
key: seetaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beestayn
m.l (-nno, m.dh) Lacag bir ah oo ka mid ah sarifka rubiyadda oo u dhiganta hal santi, dhuruuruq. la-mid: beesteen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beestayn
-ka: (magac, lab, keli) lacag qaddaadiic yar yar ah oo shilinka ka sii yar oo waayadii hore wax lagu iibsan jiray. Dh: beesteen, beesteyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feestayn
-ta: (magac, dhedig, keli) farxad daraaddeed, ciyaarid. Dh: feetayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seetaysi
m.l la-mid: seetaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seetayso
f.mg3 (-stay, -satay) Awr seeto ku xirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheekayn
(Sheekayn-ta)
Sheeko sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheekayn
m.f.dh eeg sheekee. la-mid: sheekays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheekayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sheeko sheegid, war bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eedayn
(Eedayn-ta)
Xaal u qabsasho; eed saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedayn
m.f.dh eeg eedee. la-mid: eedays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eedayn
-ta: (n) blaming; accusation (akiyu-seey-shin) ~ eedays
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Eedayn
Accusare
Accusation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, denbi ku soo oogid; cid kale, eed u qabsasho. Eedaynta ay maxkamaddu u soo jeedisay Dharaar waa xatooyo. Dh: tuhmid, eedays, canbaarayn. Wa: eedeymo.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
eedayn
تُهْمَة، إِنَّهَام
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eexayn
m.dh eeg eexee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eexayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax cid xannaanaynteed ah, cid kalena lurkeed ku jiro yeelid; kan kula mudan ahmiyad siin. Eexaynta ubadkaa sidkaha loo ajalayaaye. Dh: xannaanin, naasnuujin, gacanbidixeedin, eexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meetan
Meeshatan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meetan
fk. Meesha tan; halkan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meetan
n. phr., loc. here
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meetan
(adv) here (hiyer); hither (hith 'er); this plac ~ halkan, meeshatan, meeshaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meetan
(falkaabe) meesha tan; halkan.
meetan -ka: (magac, lab, keli) su'aalo badin xog raadin ah. Dh: wardoon.
meetan-ka: (magac, lab, keli) si isle'eg wax u kala qaadasho. Meetan wax u qaybsada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meetan
a: meeshatan
de: here
lx: meetan
ps: np-loc
key: meetan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seeran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Dhul iyo wixi lamida wax xuduud leh ahaansho. 2. Dhul wax xirmaysan ahaansho. 3. Cid wax mingis, boorane iyo wixi lamida laga tumay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
seeran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Dhul iyo wixi lamida wax xuduud leh ahaansho. 2. Dhul wax xirmaysan ahaansho. 3. Cid wax mingis, boorane iyo wixi lamida laga tumay ahaansho. m.f.dh, seernaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seeran
der. [adjective] delineated, confined, marked by a boundary
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeran
(tilmaame) seere la marshey, meegaaran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
seeran
de: delineated, confined, marked by a boundary
initial: s
lx: seeran
pd: (seernaa)
ps: adj-der
key: seeran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wetayn
-ta: (magac, dhedig, keli) celcelin dhinac walba aad wax ka soo celiso. Wanaag uma oggola oo, waddani nacabku weeteeye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beelayn
-ta: (magac, dhedig, keli) beel ka dhigitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beenayn
(Beenayn-ta)
Been ka dhigid; beenin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beenayn
m.f.dh eeg beenee. la-mid: beenin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beenayn
-ta: (n) the act of rebutting; rebuttal (ribatel); disproof (dis-buruuf) ~ beenin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenayn
-ta: (magac, dhedig, keli) been ka dhigid, wax la sheegay run ma ah dhehid. Dh: beenin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceebayn
(Ceebayn-ta)
Ceeb ka sheegid ama ku sheegid; ceeb u yeelid; canbaarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceebayn
m.f.dh eeg ceebee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceebayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, ceeb ka sheegid ama ku sheegid, xumaan ka sheegid. Dh: cambaarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geesayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax geeso aanu lahayn u yeelid; geeso u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heecayn
(Heecayn-ta)
Ilmo rajo ah, habar kale oo nuujisa, u yeelid, u dhiibid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heecayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ilmo ama neef rajo ah oo hooyadii dhimatay hooyo nuujisa u samayn. Dh: heecays, nuujin, barbaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeebayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhar jeeb u yeelid.
jeebayn-ta: (magac, dhedig, keli) mid la jeebay oo gacmaha ka xidhan, ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeegayn
(Jeegayn-ta)
Biyaha korkooda jirjir u jiifsasho, u dabaalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeegayn
m.f.dh eeg jeegee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeegayn
-ka: (magac, lab, keli) biyaha korkooda jirjir u jiifsasho o u dabbaalasho. Dh: dabbaaljirijir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Keenayn
(Keenayn-ta)
Keeno u yeelid, gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
keenayn
m.f.dh eeg keenee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexayn
-ta: (magac, dhedig, keli) socod meel dheer gaadhid. Dh: dheerayn, siibasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meelayn
(Meelayn-ta)
(wax, qof) Meel dhigid, u yeelid, ku ogaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meelayn
m.f.dh eeg meelee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meelayn
-ta: (n) placement (paleeys mant)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
MEELAYN
Da archiviare
To file away
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Meelayn
Archiviazione; conservazione
Filing; conservation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel lagu ogaado u samayn oo u diyaarin. Dh: meelays.
meelayn-ta: (magac, dhedig, keli) xil ama shaqo qof u diyaarin. Dh: balaasayn, meelays, shaqaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Neefayn
(Neefayn-ta)
Neef gelin; afuufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neefayn
m.f.dh eeg neefee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
neefayn
vl. n. inflating, blowing air into
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefayn
-ta: (magac, dhedig, keli) naqas ku afuufid Neefaynta shaaggu wakhti badan ma qaadato
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
neefayn
de: inflating, blowing air into
lx: neefayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: neefayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reerayn
-ta: (magac, dhedig, keli) guursasho oo qoys oday iyo islaan ah samayn.
reerayn-ta: (magac, dhedig, keli) inan gudniin fircooni ah qudan furid oo dadabgal u diyaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seegaan
m.dh (-nno, m.dh) la-mid: jeegaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seeqaan
m.dh la-mid: jeegaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weelayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si fiican u fahmid; dhegaysi iyo u dhug-yeelad waxa la baranayo ama laga xogwarramayo. Weelaynta casharkaaga ku dadaal.
weelayn -ta: (magac, dhedig, keli) weel iyo maacuun dhigid. Weelaynta madbakhu waa masuuliyadda dumarka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weesayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid u weysayn. Weesaynta carruurta ha ku raagin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weeteyn
m.f.dh eeg weetee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weeteyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax socda joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xeelayn
(Xeelayn-ta)
Xeeladayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeelayn
m.f.dh eeg xeelee. la-mid: xeeladayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeelayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tab iyo xeelad ku samayn. Raggu xeelayn bay isku dhaafaan. Dh: xeeladayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetaggoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) goosashada seetada, seeto jarid oo baxsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetaysnaw
(fal) seeto ku xidhnaw. Awr waa ama seetaysnaw ama dabranaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naseexayn
(Naseexayn-ta)
Hadal naseexo ah, cid kula talin, (ama nasteexayn).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naseexayn
m.f.dh eeg naseexee. la-mid: nasteexayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naseexayn
-ta: (magac, dhedig, keli) waano iyo waxsheeg cid ku gargaarid. Dh: nasteexayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sareedayn
m.f.dh eeg sareedee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sareedayn
-ta: (magac, dhedig, keli) barwaago ka dhigid; baraarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seegitaan
-ta: (magac, dhedig, keli) gefid; haleeliwaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeritaan
-ka: (magac, lab, keli) soohdin u yeelitaan; xeeritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetagoys
-ka: (magac, lab, keli) seetaggoosad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seetaysad
m.l la-mid: seetaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sergedayn
m.dh la-mid: sargadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sergedayn
-ta: (magac, dhedig, keli) serged la dhicid; sargadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aleelayn
(Aleelayn-ta)
Aleel ku samayn, qurxin darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aleelayn
m.f.dh eeg aleelee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aleelayn
-ta: (magac, dhedig, keli) aleel ku qurxin; aleel ku kor samayn. Aleelaynta weelashu waa farshaxan ay Soomaalidu hidde u leedahay.