seetadheeree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seetadheeree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) 1. U s.: awr dabar u dheerayn. 2. U s.: cid muddo dheer u samrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetadheeree
(fal) xorriyad uu wax ku qabsado sii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetadheeray
(fal) «u ~» neef, seetada ha u gaabine, u dheeree.
seetadheeray: (fal) «u ~» in muddo ah daa; u si laan daa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seetadheerayn
m.f.dh eeg seetadheeree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetadheerayn
-ka: (magac, lab, keli) gaabin la'aanta seetada neefka lagu xidho.
seetadheerayn-ta: (magac, dhedig, keli) in muddo ah deyn; siiddeyn; seetadheerays.
seetadheerayn -ta: (magac, dhedig, keli) xorriyad uu ku socdo oo uu wax ku maamusho siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetadheerays
-ka: (magac, lab, keli) neef geel ah u seeta-dheerayn.
seetadheerays -ka: (magac, lab, keli) qof u seetadheerayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xeeldheere
* (Xeeldheera-ha)
Wax aqoon gaar ah, oo ballaaran, u leh; waxyaqaan; waxgarad; khabiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeeldheere
m.l.kh (-rayaal, m.l/dh) Qof aqoon iyo waaya-aragnimo dheeraad ah u leh qayb cilmiga ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xeeldheere
m. n., [compound] expert, person with expertise
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeeldheere
-ha: (magac, lab, keli) khabiir aqoon badan leh. Dh: waxyaqaan, khabiir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xeeldheere
cf: aqoonyahan, isbeerti, khabiir
de: expert, person with expertise
initial: x
lx: xeeldheere
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: xeeldheere
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meelaheer
(adv) nearly (niyarli)-, around (a-rawn-dhi) ~ meelahaas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xeeldheer
1. Aan guntiisu dhoweyn; dheer; weyn; badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeeldheer
f.mg4 (-raa, -rayd) Ku x.: cid aqoon dheeraad ah wax u leh ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xeeldheer
f.mg4 (-raa, -rayd) Ku x.: cid aqoon dheeraad ah wax u leh ahaansho. m.f.dh, xeeldheeraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xeeldheer
Comp. adj., (ie. n., adj.): expert, having deep ~ profound knowledge of something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xeeldheer
-aa / ayd: (n) deep (dhiip)-, deep-seated (dhiip-siitidh)-, profound (poro-faawndh)-, sophisticated (so-fis-ti-keeytidh)-, complicated (kom-pili-keeytidh) ~ qotodheer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeeldheer
(tilmaame) xeelad badan oo fiiro dheer ah; xirrib leh; aragti fog leh. Nin xeeldheerayaad tahay. Dh: maangaban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xeeldheer
de: expert, having deep ~ profound knowledge of s.t.
initial: x
lx: xeeldheer
pd: (xeeldheeraa)
ps: adj-cmp
key: xeeldheer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faradheere
(Faradheera-ha)
Geed xoolaha loo qodo oo ay ku dhacartaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faradheere
m.l Geed xididkiisa xoolaha loo qodo oo ay ku dhacarsadaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faradheere
m. n., [collective] plant species, used for grazing livestock
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faradheere
-ha: (magac, lab, keli) geed xoolaha loo qodo oo ay ku dhacartaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faradheere
de: plant sp., used for grazing livestock
lx: faradheere
pd: (/ha)
ps: n7-m-col
key: faradheere
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Meeldheexe
Intermedio
In between
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaxdheere
-ha: (magac, lab, keli) shax dhammaystirin. Li: shaxgaab, shaxyare.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooldheere
-ha: (magac, lab, keli) jiilaal dheere oo waqtigiisii dhaafay. Dh: jilaal xun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soondheere
(Soondheera-ha)
Shacbaan; gasayar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soondheere
m.l Bilaha dayaxa ee Soomaalidu tirsato tooda siddeedaad oo u dhexeysa rajab iyo soonqaad; gasyar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soondheere
m.l Bilaha dayaxa ee Soomaalidu tirsato tooda siddeedaad oo u dhexeysa rajab iyo soonqaad; gasyar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Soondheere
m. n. eighth month of the Somali lunar calendar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soondheere
-ha: (magac, lab, keli) shacbaan; gasayar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Soondheere
de: eighth month of the Somali lunar calendar (coming just before Ramadan)
initial: s
lx: Soondheere
pd: (/ha)
ps: n7-m-time
syn: Gasayar, Shacbaan, Waabberiis
key: Soondheere
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xeeldheeri
(Xeeldheeri-da)
Wax xeeldheer ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeeldheeri
m.dh la-mid: xeeldheeraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xeeldheeri
f. n. expertise, depth of experience, profundity of knowledge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xeeldheeri
-da: (n) not easily understood; profundity (poro-foon-dheti)-, ambiguity (aam-bigu-wati)-, abstruseness (a-bisturuus-nes), opacity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeeldheeri
-da: (magac, dhedig, keli) aqoon miisaaman iyo cilmi lagu talax tegey Dh: fiira'dheeri, waaya'aragnimo.
xeeldheeri -da: (magac, dhedig, keli) qotodheeri dhexgalkeedu imkaaniyaad badan uu u baahan yahay. Dh: qutodheeri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xeeldheeri
de: expertise, depth of experience, profundity of knowledge
initial: x
lx: xeeldheeri
pd: (-da)
ps: n-f
key: xeeldheeri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeerayeere
-ha: (magac, lab, keli) eeg yeedhe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheerdheere
m.l la-mid: dheerdheero.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegadhegee
(fal) wardhegoodka meel kuu dhow, ururi. Dh: dhegdhegeyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gacmadheere
(Gacmadheera-ha)
Geed xoolaha lagu dhacariyo: wuxuu lee yahay laamo geedaha kale fuula iyo xididdo biyo ka buuxaan oo xoolaha loo jarjaro oo laga waraabsho; faradheere.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacmadheere
m.l Geed faalala oo leh bari wayn oo xooluhu ku harraadbeelaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gacmadheere
m. n. long-handed; long arm (nickname for a man)
gacmadheere m. n. climbing plant species, with roots rich in a liquid that quenches the thirst of animals; also used a medicine for
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacmadheere
-ha: (magac, lab, keli) geed dhirta isku mara sida saarka, xididkiisuna yahay buruq biyo leh kana baxa hawdka iyo dhulka togagga ah. Xididkiisa ayaa xoolaha loo qodaa si ay ugu kaldheeraystaan. Dh: faradheere.
gacmadheere: (tilmaame) qof ama shaadh gacmo dhaadheer. Li: gacmagaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garbadheere
m.l (-rayaal, m.l/dh) Biicid lab oo aan weyneyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooradheere
m.l Shumbul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sadacdheere
m.l Ciyaar dhaqameed laga yaqaan degaanka Afgooye oo leh sacab iyo biro layska garaaco.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHEER-DHEERE
(Dar-dera) N Kalanchoe bentii Hook.F. Crassulaceae.
S, C Acacia humifusa Chiov. Mimosaceae.
S Acacia edgeworthii T. Anders. Mimosaceae.
S, C Grewia thempensis Fres. Tiliaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geelkadheera
-ha: (magac, lab, keli) geedmidhood la jaad ah gomoshka kase dheer oo ay midhihiisa dad iyo duunyaba cunaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegadhegeeye
-ha: (magac, lab, keli) qof wararka ururiya oo raadiya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gacmadheere_1
de: long-handed; long arm (nickname for a man)
hm: 1
lx: gacmadheere
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: gacmadheere_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gacmadheere_2
de: climbing plant sp., with roots rich in a liquid that quenches the thirst of animals; also used a medicine for livestock Alt sp: gacnadheere
hm: 2
lx: gacmadheere
pd: (/ha)
ps: n7-m-enum
key: gacmadheere_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meertammeerto
m.dh la-mid: meermeerto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meertammeerto
-da: (magac, dhedig, keli) meerin oo kolba qof u tebin. Wadaaggu waa meertameerto
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
second-degree
/ (adj) heerka ku xiga (heerka labaad).
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xeeb dhereran
Longitudinal coast