seetadheerays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetadheerays
-ka: (magac, lab, keli) neef geel ah u seeta-dheerayn.
seetadheerays -ka: (magac, lab, keli) qof u seetadheerayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetadheeray
(fal) «u ~» neef, seetada ha u gaabine, u dheeree.
seetadheeray: (fal) «u ~» in muddo ah daa; u si laan daa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seetadheerayn
m.f.dh eeg seetadheeree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetadheerayn
-ka: (magac, lab, keli) gaabin la'aanta seetada neefka lagu xidho.
seetadheerayn-ta: (magac, dhedig, keli) in muddo ah deyn; siiddeyn; seetadheerays.
seetadheerayn -ta: (magac, dhedig, keli) xorriyad uu ku socdo oo uu wax ku maamusho siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seetadheeree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) 1. U s.: awr dabar u dheerayn. 2. U s.: cid muddo dheer u samrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetadheeree
(fal) xorriyad uu wax ku qabsado sii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geelkadheera
-ha: (magac, lab, keli) geedmidhood la jaad ah gomoshka kase dheer oo ay midhihiisa dad iyo duunyaba cunaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeeldheeraan
m.f.dh eeg xeeldheer. la-mid: xeeldheeraansho, xeeldheeri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeeldheeraan
-ta: (magac, dhedig, keli) xirrib fogaan; fiira'dheeri; aragti dheeraan. Dh: xeeldheeri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetafurad
-ka: (magac, lab, keli) seetada oo furata.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetaggoys
-ka: (magac, lab, keli) neef aan seetadu hayn karin ee iska jara ama goosta, qofka farabbax ah ee had iyo jeer baxsada ee an loo taag helin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xeeldheere
* (Xeeldheera-ha)
Wax aqoon gaar ah, oo ballaaran, u leh; waxyaqaan; waxgarad; khabiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeeldheere
m.l.kh (-rayaal, m.l/dh) Qof aqoon iyo waaya-aragnimo dheeraad ah u leh qayb cilmiga ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xeeldheere
m. n., [compound] expert, person with expertise
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeeldheere
-ha: (magac, lab, keli) khabiir aqoon badan leh. Dh: waxyaqaan, khabiir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xeeldheere
cf: aqoonyahan, isbeerti, khabiir
de: expert, person with expertise
initial: x
lx: xeeldheere
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: xeeldheere
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xeeldheeri
(Xeeldheeri-da)
Wax xeeldheer ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeeldheeri
m.dh la-mid: xeeldheeraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xeeldheeri
f. n. expertise, depth of experience, profundity of knowledge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xeeldheeri
-da: (n) not easily understood; profundity (poro-foon-dheti)-, ambiguity (aam-bigu-wati)-, abstruseness (a-bisturuus-nes), opacity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeeldheeri
-da: (magac, dhedig, keli) aqoon miisaaman iyo cilmi lagu talax tegey Dh: fiira'dheeri, waaya'aragnimo.
xeeldheeri -da: (magac, dhedig, keli) qotodheeri dhexgalkeedu imkaaniyaad badan uu u baahan yahay. Dh: qutodheeri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xeeldheeri
de: expertise, depth of experience, profundity of knowledge
initial: x
lx: xeeldheeri
pd: (-da)
ps: n-f
key: xeeldheeri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geelcadhays
-ta: (magac, dhedig, keli) geed yar oo baarka iyo badhida basasha oo kale leh oo ka baxa bannaanada ka baxa.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Heptahedral
Toddobasalxaale ah
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabadheeraan
m.f.dh eeg dabadheer. la-mid: dabadheeraansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabadheeraan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax intii inay ku dhammaato ay ahayd in ka badan sii jirid oo sii socosho. Dh: dabadheeraansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegadhegayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhegdhegeysi wax laga sheekaysanayo dhegaha lala raacraaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiradheeraan
m.f.dh eeg fiiradheer. la-mid: fiiradheeraansho, fiiradheeri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiradheeraan
-ta: (magac, dhedig, keli) indheergaradnimo iyo garaadbadni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhadheeraan
m.f.dh eeg indhadheer. la-mid: indhadheeraansho, indhadeeri.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xeeb dhereran
Longitudinal coast
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
welwel-dheeraad
m.l (c.naf.) Welwel ka qabid shaqada jirka iyo caafimaad darro la mala awaaley. Waxay keeni kartaa cudur maskaxeed qofka naftiisa naafeeya. Noocyada khatarta ah waxa jira himadjab caafimaad darro, oo sida badan ay sabab u tahay qalbi jabka joogtada ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
welwel-dheeraad
m.l (c.naf.) Welwel ka qabid shaqada jirka iyo caafimaad darro la mala awaaley. Waxay keeni kartaa cudur maskaxeed qofka naftiisa naafeeya. Noocyada khatarta ah waxa jira himadjab caafimaad darro, oo sida badan ay sabab u tahay qalbi jabka joogtada ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeeldheeraansho
m.l/dh la-mid: xeeldheeraan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeeldheeraansho
-da: (magac, dhedig, keli) fiira'dheeri; xirrib fogaan; aragti dheeraan. Dh: xeeldheeri.