seeme
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seeme
(Seema-ha)
Billaawe weyn oo lagu dagaallamo keliya; golxob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seeme
m.l (-mayaal, m.l/dh) Billaawe weyn oo lagu dagaallamo; golxob.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seeme
m. n. large combat dagger
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeme
-ha: (magac, lab, keli) billaawe weyn oo dagaallanka qudha loo haysto. Seemaha dagaal baa loo sitaa. Dh: billaawe, qolxob, golxad.
seeme -ha: (magac, lab, keli) galka toorreyda la geliyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
seeme
de: large combat dagger
initial: s
lx: seeme
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: seeme
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
seem
/siim/ seems;(v) u eg (la moodo, u san-saan eg).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seem
(fal) timaha ka dhammee. Seem timaha oo muldhi. Dh: dhukur.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
seem
v.., mood; it seems, waa la moodaa, waa muuqataa.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
séme
s.m. - abuur, iniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Reeme
(Reema-ha)
1. Durbaan yar oo cayaaraha lagu tunto.
2. Xuubka u dhexeeya dhegta soke iyo dhegta dhexe.
3. Wax kastoo reen ka yeero.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reeme
m.l (-mayaal, m.l/dh) 1. (muus.) Durbaan weyn. 2. (cilmiga naflayda) Xuub yar oo u dhexeeya dhegta qaybteeda sare iyo midda hoose.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
reeme
m.l (-mayaal, m.l/dh) 1. (muus.) Durbaan weyn. 2. (cilmiga naflayda) Xuub yar oo u dhexeeya dhegta qaybteeda sare iyo midda hoose.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
reeme
m. n. kind of small drum; eardrum
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reeme
-ha: (magac, lab, keli) durbaan yar oo ciyaaraha lagu tumo. Reeme u tuma dadku ha is wada ruxaane.
reeme-ha: (magac, lab, keli) wax kaste oo reen ka yeedho; wax kaste oo cod reen ka soo baxo.
reeme -ha: (magac, lab, keli) xuub qara yar oo u dhexeeya qaybta soke ee dhegta iyo qaybteeda dhexe. Dh: xuub, durbaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
reeme
de: kind of small drum; eardrum
lx: reeme
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: reeme
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seere
(Seera-ha)
Dalal isku qabsan oo qarammo kala lee yihiin ama gobollo ama beero, kd., xarriiqda u dhexaysa oo caddaynaysa meesha mid ku dhammaaday midna ka bilaabanayo; soohdin; xudduud; xad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seere
m.l (-rayaal, m.l/dh) 1. Dalal isku qabsan oo dawlado kala leeyihiin ama gobollo, beero iyo wixi lamida xarriiqda u dhexeysa oo caddaynaysa meesha mid ku dhammaado midna ka billaawdo; soohdin; xudduud; xad. 2. Dhul laga xayiro daaq-sinka xilliga doogga ah si loo daaqo jiilaalka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
seere
m.l (-rayaal, m.l/dh) 1. Dalal isku qabsan oo dawlado kala leeyihiin ama gobollo, beero iyo wixi lamida xarriiqda u dhexeysa oo caddaynaysa meesha mid ku dhammaado midna ka billaawdo; soohdin; xudduud; xad. 2. Dhul laga xayiro daaqsinka xilliga doogga ah si loo daaqo jiilaalka.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Seere
National park
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seere
m. n. boundary, limit; area restricted from grazing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
seere
seeraha: (n) enclosed range or land, especially land on which livestock wander and graze
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seere
-ha: (magac, lab, keli) dhul, aag iyo wixii la mid ah oo in muddo ah xooladdaaqidda laga joojiyay. Dh: soohdin, xuduud.
seere -ha: (magac, lab, keli) dalal isku qabsan oo qarammo kala leeyihiin ama gobollo ama beero, iyo wixii la mid ah; xarriiqda u dhexaysa oo caddaynaysa bedka ay cid waliba gaar u leedahay oo u xuduudda ah; soohdin; xuduud; xad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
seere
cf: seer, soohdin; antaro, xad
de: boundary, limit; area restricted from grazing
initial: s
lx: seere
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: seere
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sayngargoor
-ta: (magac, dhedig, keli) timaha ku baxa gammaanka siiba fardaha. Sayngargoorti baa dhulka gaadhay faraskeee waa in laga seeme. Dh: sayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aseebe
(Aseeba-ha)
Kalluun weyn oo xoog badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aseebe
m.l Nooc kalluunka ka mid ah oo jurmi weyn iyo xoog badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aseebe
m.l Nooc kalluunka ka mid ah oo jurmi weyn iyo xoog badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aseebe
n. fish species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aseebe
-ha: (magac, lab, keli) jaad kalluunka ka mid ah oo aad u xoog badan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aseebe
de: fish sp.
lx: aseebe
pd: (/ha)
ps: n -m
key: aseebe
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
oedème
oedème, n.m. - tulux; buro; barar.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
scheme
/skiim/ (n) 1. khiddad (nidaam isku dubbaridan) 2. mu'aamaro (qorshe qarsoodi ah oo wax lugu khiyaameeyo).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Scheme
Hab
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
secede
/sisidh/ (v) ka bixid (ka tegid urur, khilaaf darti).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sedére
v.intr. - fariisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seefle
(Seefla-ha)
Kalluun faras-badeedka u eg, guudse aan lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seefle
m.l (-layaal, m.l/dh) Nooc kalluunka badda ku nool ka mid ah oo u eg faras-badeedka, guudse aan lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seefle
m. n. sword-bearer, someone with a sword
seefle m. n. swordfish, Xiphias gladius
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Seefle
nickname-m sword-bearer; warrior; fighter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Seefle
magac loo baxsho wiil seef lagu metaalay dagaalyahannimo awgeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seefle
-ha: (magac, lab, keli) kalluun farasbadeedka u eg, aanse guudkiisa oo kale lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seemid
(Seemid-da)
1. Wax seemman ka dhigid.
2. (cayaar orod iyo istaabasho ku dhisan) taabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seemid
m.f.dh eeg seen².
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Seemid
Approximation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seemid
-da: (magac, dhedig, keli) cayaar inta goobaabin dhulka lagu sameeyo, oo labo kooxood laysu qaybiyo hadba qolo goobaabinta ilaaliso, co qofkii kusoo dhowaada ay madaxa ka taabtaan.
seemid -da: (magac, dhedig, keli) wax seemman ka dhigid; dhukurid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
seemly
/siimli/ (adj) hab-maamuus badan (anshax iyo is-aruuris badan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seeree
f.g2 (-reeyay, -reysay) 1. la-mid: seer 2. Dhul in muddo ah daaq ka xayirid. 2. Xabbad la riday meel la waayid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
seeree
f.g2 (-reeyay, -reysay) 1. la-mid: seer 2. Dhul in muddo ah daaq ka xayirid. 2. Xabbad la riday meel la waayid. m.f.dh, seerayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeree
(fal) seere u same; meegaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seetee
f.g2 (-teeyay, -taysay) Awr si uusan u fogaan labada addin oo hore xarig uga xirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seetee
v. hobble loosely
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
seetee
-yey seeteysay: (v) hobble an animal; shackle (shaakal) ~ dabar
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
seetee
de: hobble loosely
initial: s
lx: seetee
pd: (seeteeyey)
ps: v2b=tr
key: seetee
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
seethe
/siid/ (v) 1. kusoo fatahmid kasoo buuxsamid (dad ama biyo meel ka-soo buuxsama) 2. kacsan (caraysan).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
seethe
seether (see boil and boiler).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
séisme
séisme, n.m. - dhul gariir
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
serene
/sariin/ (adj) xasiloon oo nabad ah siiba cimilada degan).
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sesame
Sisin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sesame
/sesami/ (n) sin-sin (sisinta saliid macsarada laga sameeyo).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Sesame
Sisin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
severe
/seviir/ (adj) 1. daran (aad u daran); si adag. 2. iska-cad (aan sharaxaad lahayn).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sévère
sévère, adj. - si adag; xaal adag (gallafsan); xoog leh; (xaal) adag; wax adag oo aan la galoocin karo
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
severe
a., (nin) qadhaadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheemo
m.dh la-mid: shiimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheemo
-da: (magac, dhedig, keli) guulista laboodka nafleyda qaarkeed oo diida in raxantiisa laga soo dhex galo.
sheemo -da: (magac, dhedig, keli) xanuun lo'da dhogor badan u yeela oo ka dhasha cabbeebka. Dh: cabeebgasle.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sleeve
/sliiv/ (n) dharka inta gacmaha daboosha (qaybta gacmaha qarisa, sida gacmaha shaatiga).
have something up one's sleeve ~ xeelad ama qorshe qof u qarsoon, oo uu mar la soo bixi doono.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
sneeze
(v) to expel air forcibly from the mouth and nose in an explosive, spasmodic involuntary action.
hindhiso
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sneeze
/sniis/ (v) 1. hindhis (hindhisid) (n) 2. hindhiso.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
sneeze
v.i., hindhis.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sperme
sperme, n.m. - mini; shahwada labka; minida labka (shahwada)
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
stemme
qabsashada, hore isu laalaadin kor isu qaad toosan
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
septième
septième, adj. num. - toddobaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
see
fk.we la-mid: sidee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
see
question word: how?
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
see
/sii/ (v) 1. fiirin (arkid) (n) 2. fiiro (arag).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
see
(adv) how (haaw); in what manner or way ~ sidee. Ex: see baad u rabtaa? how do you want this?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
see
(falkaabe) erey su'aaleed u dhigma: side? Waar see leedahay?
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
see
v.tr., arag, eeg, day, dugo, jedaali; let him see, daa ha arkee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eege
-ha: (n) observer (observar); spectator; viewer; onlooker ~ daawade
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eeye
num.-suf: approximately, about, or so
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eeye
de: approximately, about, [NUMBER] or so
lx: eeye
pd: (/ha)
ps: num-m-suf
xe: approximately 50
xv: -eeyo {N & C}
key: eeye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeem
(fal) dubka sare ee jidhka, si farsamo ah in yar dusha uga xalleefi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
même
même, adj. et adv. - lamid.
moi-même (toi-même)... - Aniga laftayda (adiga laftaada, ...)
le même, la même, les mêmes - isku mid ah; isla mid ah; isku hal iskeed; oo kale.
revenir au même - isku hal.
de même - lamid ah.
tout de même - Siiba.
à même de - awood u leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
same
m. n. kindness, goodness; favors
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Same
name-m kindness, goodness; favors
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
same
/seym/ (adj) isku mid-ah.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
same
-samaha: (n) cooperation (kowo-pareey-shin); helpfulness (help-fuul-nes), rapport (ra-poor) ~ wanaag, samaan, sami-da
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
same
(tilmaame) nin wanaagsan oo samaha ka taliya ah.
same-ha: (magac, lab, keli) wanaag oo dhan. Dh: wanaag. Li: xumaan.
same-ha: (magac, lab, keli) qof qof la magac ah. Dh: magacwadaag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
same
a: samo
de: kindness, goodness; [pl] favors
initial: s
lx: same
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: same
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
same
a., is le'eg, oo kale, is la, isku mid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
seam
/siim/ (n) 1. xarriiqda tolmada (xarriiqda tolmo ee laba shay isku xirta) 2. xarriiqda laba qar ku kulmaan (meesha laba shay iska galaan) 3. xaleef macdan ah oo dhulka laga soo saaro.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
seam
n., tolniin, -ti.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sède
s.f. - xaruun, hoy.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seeb
(Seeb-ka)
Qori dheer oo af bagafsan oo gaadiid yaryar oo badda oo aan shiraac lahayn, lagu wado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seeb
seeb¹: m.l (-bab, m.l) Qori dheer oo afka hore u ballaaran oo bedenada iyo huuriyada lagu wado.
seeb²: f.g1 (-bay, -btay) Beden, huuri iyo wixi lamida seeb ku wadid. la-mid: seebi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seeb
m. n. oar
seeb v. row (a boat)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeb
-ka: (magac, lab, keli) qori dheer oo af bagafsan oo gaadiidka yaryar ee badda lagu wado; badda ayaa madaxa loo geliyaa oo si xoog leh loogu soo dhuftaa, taasoo dhinaca loo jeedo maahee dhinaca kale u harbiso huuriga la seebinayo. Dh: khalji.
seeb -ka: (magac, lab, keli) dhinaca iyo sinta. Illaa suuqiyo daartii, seebkaa laysu hayayoo, safkaa la isku cidhiidhyoo. Wa: seebab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seed
(Seed-da)
(oogo) dun ama sooh adag oo cad oo muruqyada madaxyadooda ku yaal oo muruqyada iyo lafaha isku xira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seed
seed¹: m.dh (-do, m.l) Sooh adag, cad oo muruqyada madaxooda ku yaal isuna haya muruqyada iyo lafaha.
seed²: m.dh (-do, m.l) (cilmiga naflayda) Koox nudo ah oo liilsami kara, kuwaasoo hal ama in ka badan oo lafo ah oo isu tagay, isuna haya kalagoosyo dhaqdhaqaaq. Seeduhu waxay xukumaan dhaqdhaqaaqa lafaha ee kalagoyska, sidaa awgeed waxay muhiim u tahay ka hortagga kala baxa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
seed
seed¹: m.dh (-do, m.l) Sooh adag, cad oo muruqyada madaxooda ku yaal isuna haya muruqyada iyo lafaha.
seed²: m.dh (-do, m.l) (cilmiga naflayda) Koox nudo ah oo liilsami kara, kuwaasoo hal ama in ka badan oo lafo ah oo isu tagay, isuna haya kalagoosyo dhaqdhaqaaq. Seeduhu waxay xukumaan dhaqdhaqaaqa lafaha ee kala-goyska, sidaa awgeed waxay muhiim u tahay ka hortagga kala baxa.