seegseegid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seegseegid
m.f.dh eeg seegseeg².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eegeegid
-da: (magac, dhedig, keli) eegid oo haddana eegid. Dh: fiirfiirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seegseeg
seegseeg¹: m.l (-gyo, m.dh) 1. Qof nolosha ku fashilay. 2. Qof aan waxba tacban karin; nacas; doqon. 3. Qof aan waxba haysan dhibaatana hayso.
seegseeg²: f.mg1 (-gay, -gtay) Nolol ku fashilid (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
seegseeg
m.l (-gyo, m.dh) 1. Qof nolosha ku fashilay. 2. Qof aan waxba tacban karin; nacas; doqon. 3. Qof aan waxba haysan dhibaatana hayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seegseeg
-ga: (magac, lab, keli) dhawr jeer la waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beensheegid
m.dh Ku hadlidda qof hadal been ah ku hadlo. la-mid: beensheeg (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beensheegid
-da: (magac, dhedig, keli) been ku warramid; hadal xaqiiqada ka duwan dhihid. Beensheegid ninka caado ka dhigtaa beenaale ayuu noqdaa. Dh: beensheegis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eegeegis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg eegeegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeseeji
(fal) gefsii oo haddana gefsii; dhaadhaafsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeseejin
-ta: (magac, dhedig, keli) dharw jeer gefsiin; dhaafsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leegleegad
-ka: (magac, lab, keli) lululashada uu sameeyo wax taagan oon dhulka saani ugu qotomin. Dh: nugnugasho.
leegleegad -ka: (magac, lab, keli) faramadhnaan, keli socod.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seexseexin
-ta: (magac, dhedig, keli) had ba dhinac dhul dhigid, wax badan jiifjiifin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leegleegsad
(Leegleegsad-ka)
Leegleegsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leegleegsad
m.l la-mid: leegleegsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leegleegsad
-ka: (magac, lab, keli) leegleegsasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eeg-eeg
-ay / -tay: (v) inspect something; look through something; observe casually; browse (baraws) ~ fiirfiiri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Engegid
(Engegid-da)
Qoyaan ka bi'id; qallalid; kafafid; kawrixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
engegid
m.f.dh eeg engeg².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
engegid
-da: (magac, dhedig, keli) wax hore u qoyanaa, qallalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheegid
(Sheegid-da)
Wax maanka lagu hayey, hadal (dhigan, ama aan dhignayn) ku caddayn, ku tilmaamid, ku dhihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheegid
m.f.dh eeg sheeg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sheegid
vl. n. telling, relating
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sheegid
-da: (n) the act of telling or mentioning ~ sheegis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheegid
-da: (magac, dhedig, keli) war ama sir laqarinayey, ku hadlid; wax maanka lagu hayey. hadal dhigan ama aan dhignayn oo la yidhi ku caddayn, ku tilmaamid, ku dhihid, sheegis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sheegid
de: telling, relating
initial: s
lx: sheegid
pd: (-da)
ps: vn1-f
xe: Mohammed is good at telling stories.
xv: Maxamed sheeko sheegidda wuu ku wanaagsanyahay.
key: sheegid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
sheegid
حكاية
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Degdegid
(Degdegid-da)
Degdeg wax u samayn; ku dhaqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degdegid
m.f.dh eeg degdeg². la-mid: deddegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
degdegid
vl. n. hurry, haste
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degdegid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqso wax u qabasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
degdegid
de: hurry, haste
lx: degdegid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: degdegid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seegeysi
m.l la-mid: seegeysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seelseel
-ka: (magac, lab, keli) wax faro badan oo degmadoodu aanay ka la go'nayn ee is dabo yaallaan. Meel barwaaqo ah oo seelseel loo deggen yahay. Dh: teelteel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seerseer
-ka: (magac, lab, keli) meerisyo isdulyaalla; garaaro isdulyaal; maraaryo isku dul yaalla. Dh: seerar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceegaagid
(Ceegaagid-da)
(biyo, kd.) warnaan; afka hayn; buuxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceegaagid
m.f.dh eeg ceegaag². la-mid: ceegaag¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceegaagid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo iyo wixii la mid ah, wadhnaan oo buuxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danseegid
m.f.dh eeg danseeg². la-mid: danseeg¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danseegid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan dani ku jirin, ku mashquulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedreebid
-da: (magac, dhedig, keli) denbi qof loo haystay ka beriyeelid. Eedreebid baa laga rabaa ehelladaadiiye. Dh: beriyeelid. Li: eedayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leegleego
(fal) hadba dhinac u ciirciir. Leegleego sida laan dabayleed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sagsaagid
m.f.dh eeg sagsaag².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagsaagid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl iyo wixii la mid ah, fulintooda iska dhawrid; u hagarbixid la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seegeysad
m.l la-mid: seegeysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seegeysad
-ka: (magac, lab, keli) siigaysad: siigaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhegdhegid
(Dhegdhegid-da)
Dhegdheg u yeelid; qabqabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegjeexid
m.f.dh eeg dhegjeex².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexbeegid
m.dh (xisaab) Habka laga qiyaaso qiimaha fansaar iyada oo la adeegsanayo qiimayaal la yaqaan ee ku yaalla labada dhinac ee fansaarka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhexbeegid
m.dh (xisaab) Habka laga qiyaaso qiimaha fansaar iyada oo la adeegsanayo qiimayaal la yaqaan ee ku yaalla labada dhinac ee fansaarka.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhexbeegid
Interpolation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feerfeerid
(Feerfeerid-da)
Wax feerfeeran ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feerfeerid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kala durdurugsan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeesjeesid
m.f.dh eeg jeejees². la-mid: jeesjees¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeexjeexid
(Jeexjeexid-da)
Jeexjeex badan u yeelid; dildillaacin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeexjeexid
-da: (magac, dhedig, keli) dildillacin maro ama wax kale oo la mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leefleefid
-da: (magac, dhedig, keli) leefid oo haddana leefid. Dh: leefleefis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leegleegsi
(Leegleegsi-ga)
Leegleegsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leegleegsi
m.l la-mid: leegleegsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leegleegsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg leegleegad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leegleegso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Qof fara marnaan socosho. 2. Hawl la'aan socosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
leegleegso
v. walk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leegleegso
(fal) adoo faramadhan oo keli ah, soco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leegleegso
de: walk
lx: leegleegso
nt: leegleegsad (ka) [vn-m], leegleegsasho (/da) [vn-f], leegleegsi (ga) [vn-m]
pd: (leegleegsaday)
ps: v3a=
key: leegleegso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leelleelid
m.f.dh eeg leelleel².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leelleelid
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato iyo darxumo la kulmid. Dh: eedaadid, carcaraafid, rafaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meermeerid
(Meermeerid-da)
1. Warwareegid.
2. (ka meermeerid) Wax aan fulintood ama waxkaqabadkood la dooneyn, ka leexleexasho, ka warwareegid, ka madax meerin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meermeerid
m.f.dh eeg meermeer². la-mid: meermeer¹ (2), meermeeris².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meermeerid
-da: (magac, dhedig, keli) socod aan ujeeddo lahayn socsocosho oo baashaalid. Meer meeridda macna la'aanta ahi waa wakhtumin Dh: duurduurid, meermeeris, warwareegid.
meermeerid -da: (magac, dhedig, keli) wax in la sameeyo la diiddan yahay ka dabashabeelin oo ka madax gadid. Ka meermeeridda hawl kuu taalla waa qalad. Dh: warwareegid, meeraalaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shigshigid
(Shigshigid-da)
Shigid badan shigid; haghago.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shigshigid
-da: (magac, dhedig, keli) shigid badan shigid; haghago; haghako; giingo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Teelteelid
(Teelteelid-da)
Teelteel ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
teelteelid
m.f.dh eeg teelteel². la-mid: talanteelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
teelteelid
-da: (magac, dhedig, keli) kala fogfogayn: teelteel ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yeelyeelid
m.f.dh eeg yeelyeel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeelyeelid
-da: (magac, dhedig, keli) kabo kakabid oo yeel ku xidhxidhid. Yeelyeeliddii kabta waan dhammeeyey.
yeelyeelid-da: (magac, dhedig, keli) wax aan dhab ahaan la ahyn iska dhigid oo isku ekeysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isyeelyeelid
(Isyeelyeelid-da)
Isyeelyeel ku kicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isyeelyeelid
m.f.dh eeg isyeelyeel². la-mid: iskayeelyeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheelsheelin
(Sheelsheelin-ta)
Celcelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheelsheelin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale koolkoolin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adeenbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) shakibeelid; muran beelis. Markay aad u kala miirantay wada adeenbeesho. Li: kalsooni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegabeelid
-da: (magac, dhedig, keli) dhegaha wax ka maqli waayid. Wiilka dhawaan ayaan dhegabeelidda ka dareennay. Dh: dhegabeelis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leegleegsho
-da: (magac, dhedig, keli) socosho, iyadoon waxba la sidan oo la fara madhan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saranseerid
m.f.dh eeg saranseer².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sheelsheeli
v. cause to repeat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheelsheeli
(fal) koolkooli cid kale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sheelsheeli
de: cause to repeat
initial: s
lx: sheelsheeli
pd: (sheelsheeliyey)
ps: v2a=tr
key: sheelsheeli
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheesheelin
-ta: (magac, dhedig, keli) celcelin, wax inuu soo socdo raba hahakin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wehelyeelid
(Wehelyeelid-da)
(u wehelyeelid) Wehel u ahaansho, u noqosho; wehel ahaan u raacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wehelyeelid
m.f.dh eeg wehelyeel². la-mid: wehelyeel¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wehelyeelid
-da: (magac, dhedig, keli) u cid wehel u baahan la joogid oo wehel u noqosho. Cid kaa itaal roon ayaa wehelyeelid loo kaxaystaa.