seeflabood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeflabood
-ka: (magac, lab, keli) qofka aan waxba hubsan; aan karti wax lagu hubsado lahayn, aan dulqaad lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seeflabbood
(Seeflabbood-ka)
Karti wax lagu hubsado oo lagu sugo la'aan; kaadsiinyo la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seeflabbood
m.l 1. Karti wax lagu hubsado oo lagu sugo la'aan; kadsiinyo la'aan. 2. S. ah: qof samir daran oo aan wax hubsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seeflabbood
m. n. (adj.): impetuous person; impatient
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
seeflabbood
-ka: (n) sharp temper; hot blood; violent person.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeflabbood
-ka: (magac, lab, keli) qof fudud oo isaga oon wax hubsanin fal gaysta, qof aan kaadsiinyo lahayn, qof aan dulqaad lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
seeflabbood
de: impetuous person; [atr.] impatient
initial: s
lx: seeflabbood
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: seeflabbood
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
seeflaboodnimo
-seeflaboodnimada: (n) impetuosity (imbeshuwasati)
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fanatismo
s.m. - mitidnimo, seeflaboodnimo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fanàtico
agg. e s.m. mitid, seeflabood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahbood
-ka: (magac, lab, keli) qof cadhadisu dhaqso ay tahay. Dh: seeflabood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salaaf
-ka: (magac, lab, keli) miyirdarro keenta in ka hor hubsiimo iyo fiiro la'aan la iska kaco. Dh: seeflaboodnimo, salfudayd. Li: kaadsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeflabboodid
-da: (magac, dhedig, keli) dagaalamid aan wax ba hubsan, dagaal iyo dirir ku degdegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeerkabood
-ka: (magac, lab, keli) nin uu xeer soo dhaadhicyay oo ku gacansaydha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheelabiyood
-da: (magac, dhedig, keli) biyo ku ururka kiishka xiniinyaha.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
GEED ABOODI
Tribulus cistoides 10
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-ABOODI
(Ged-aboti) C Kelleronia gilletii Bak.F. Zygophyllaceae.
C Kelleronia obbiadensis Chiov. Zygophyllaceae.
C Tribulus cistoides L. Zygophyllaceae.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
seafood
(n) any food products that come from the water including shellfish, sea mammals, and fish.
cuntada badda laga soo saaro
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
seafood
/sii fuudh/ (n) cunto-badeed (sida kalluunka, carsaanyada iwm).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalabood
m. n., [compound] contrast; disagreement, discord
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabood
-ka: (magac, lab, keli) arrin isku fahmi waayid; kala xanaaqid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalabood
de: contrast; disagreement, discord
lx: kalabood
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: kalabood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duflaxood
-ka: (magac, lab, keli) waqtiga sumalka lagu daro idiha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lallabood
m.f.l eeg lallaboo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lallabood
m.f.l eeg lallaboo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lallabood
-ka: (magac, lab, keli) lallabo dareen; yaqyaqsood; laqanyood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefqabad
-ka: (magac, lab, keli) naqaska oo si fiican u soo bixi waaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safradood
(fal) dhibta oogada kaga timaadda cunis la'aanta aroornimada; safrati.
safradood: (fal) noqo qof safradi hayso oo sidii uu u soo toosay aan afka weli wax gelinin, gaajood aroortii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiblabood
m.l Qarnugeyl.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
GEEDABOODE
Kelleronia gillettiae 10
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
GEEDABOODI
Kelleronia gillettiae 10
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
seefbacaad
m.l (jool.) Nooc ka mid ah bataax bacaad, oo badanaa laga helo saxaaraha, taasoo ka kooban lafo dhaadheer oo af leh oo barbarro la ah dhinaca dabayshu ka soo dhacayso. Dhammaadkana waxa kordha dhererka bacaadka, markaasoo dabaylaha gudbani ay kordhiyaan dhererkeeda iyo ballaadhkeeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seefbacaad
-ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah bataax bacaad, oo badanaa laga helo saxaaraha, taasoo ka kooban lafo dhaadheer oo af leh oo barbarro la ah dhinaca dabayshu ka soo dhacayso. Dhammaadkana waxa kordha dhererka bacaadka, markaasoo dabaylaha gudbani ay kordhiyaan dhererkeeda iyo ballaadhkeeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shankabood
-ka: (magac, lab, keli) tuugta wax xadda ee is gedgediya hadba si iska dhiga. Waa tuug shankabood le ah. Dh: raadgadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeerlajoog
-ga: (magac, lab, keli) garyaqaan xeer'ilaaliye ah oo gardarrada la dagaallama. Xeerlajoog ahaw ama xoololajoog. Dh: xeerilaaliye.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DEELAB-DOOY
(Delab-doi) S Strychnos spinosa Lam. Loganiaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-HAROOD
(ged-hrot) N Clitoria ternatea L. Papilionaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-MAGOOD
(Ged-magot) May Elaeodendron aquifolium (Fiori) Chiov. Celastraceae.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Seef bacaad
Seif dune
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seef-bacaad
m.l (jooloji) Nooc ka mid ah bataax bacaad, oo badanaa laga helo saxaaraha, taasoo ka kooban lafo dhaa-dheer oo af leh oo barbarro la ah dhinaca dabayshu ka soo dhacayso. Dhammaad-kana waxa kordha dhererka bacaadka, markaasoo dabaylaha gudbani ay kordhi-yaan dhererkeeda iyo ballaadhkeeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerfadhaqood
-ka: (magac, lab, keli) orod badan, qosol ama oohin la beerxanuunsad.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-GEGABOOD
(Ged-gegebot) C Iphionopsis rotundifolia (Oliv & Hiern) Auderberg. Compositae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meerkacbiyood
-ka: (magac, lab, keli) juqraafi ahaan, wareeg goobeed biyaha badda dhexdeeda ama webiga dhexdiisa oo ka dhashay kala sarraynta kanaalka, ama kulanka laba maayadood ma sababo la mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seenyalatoore
-ha: (magac, lab, keli) qofka kala haga garoomada ee calan wale ka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheelo-biyood
m.l (daawo) Biyo ku ururka kiishka xiniinyaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sheelo-biyood
m.l (daaw.) Biyo ku ururka kiishka xiniinyaha.