seefi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seefi
-ga: (magac, lab, keli) qof hunguri ku dagaallama.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seef
(Seef-ta)
Qalab lagu dagaallamo oo leh: bir dheer (birlab) oo xalleefsan oo dhuuban oo toosan ama qalloocan; caarad wax mudda; af ama labo af oo wax gooya iyo daab gaaban oo la qabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seef
m.dh (-fo, m.l) Qalab lagu dagaallamo, gadaal daab la qabsado ku leh oo ka samaysan bir xalleefsan, dhuuban, dheer, toosan ama qalloocan, leh caarad wax mudda iyo af wax gooya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seef
f. n. sword, saber, scimitar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
seef
-ta: (n) sword (soordh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seef
-ka: (magac, lab, keli) wax badan oo dhinaca is ku haya. Dh: dhinac, fay, gefti.
seef -ta: (magac, dhedig, keli) qalab lagu dagaallamo oo ka samayn bir, xalleefsan oo toosan ama soo yara xoodan, caarad wax mudda leh, af ama labo af oo wax gooya iyo daab gaaban oo la qabto leh, gal la geliyana leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
seef
bw: Arabic
de: sword, saber, scimitar
initial: s
lx: seef
pd: (-ta Pl: seefaf (ka))
ps: n4-f, n1-f
key: seef
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
seef
سيف
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leefi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: leefsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
leefi
v. cause to lick
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leefi
a: leefsii (leefsiiyey) [v2a=caus]
de: cause to lick
lx: leefi
pd: (leefiyey)
ps: v2a=tr
key: leefi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neefi
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Wax neefta ku jirta ka saarid. 2. (f.mg) Ka n.: cid hawl ku daashay ka nasin. 3. (f.mg) Ka n.: cid hadal u ciil qabta dhageysad. 4. (f.mg) Ku n.: neefta lo'da cid ku daaweyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
neefi
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Wax neefta ku jirta ka saarid. 2. (f.mg) Ka n.: cid hawl ku daashay ka nasin. 3. (f.mg) Ka n.: cid hadal u ciil qabta dhageysad. 4. (f.mg) Ku n.: neefta lo'da cid ku daaweyn. m.f.dh, neefin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
neefi
v. let air out of, deflate; relieve
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
neefi
-yey -say: (v) deflate (di-faleeyt)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
neefi
de: let air out of, deflate; [fig.] relieve
lx: neefi
pd: (neefiyey)
ps: v2a=
key: neefi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seebi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: seeb².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seebi
(fal) loox balbaleexsan ku kaxay, seeb ku kaxee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seeji
lg2 (-iyay, -isay) Cid wax gefsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
seeji
f.lg2 (-iyay, -isay) Cid wax gefsiin. m.f.dh, seejin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seeji
v. cause to miss, make someone lose (out on)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
seeji
-yey -say: (v) make someone miss a chance; miss an opportunity ~ gafi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeji
(fal) haleel waa'sii. Seeji fursadda nacaska. Dh: gefsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
seeji
de: cause to miss, make s.o. lose (out on)
initial: s
lx: seeji
pd: (seejiyey)
ps: v2b=tr
key: seeji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seeri
(Seeri-ga)
Firinbi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seeri
m.l (-iyo, m.dh) 1. Firimbi. 2. Dhul ka fog biyaha oo oomane ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
seeri
m.l (-iyo, m.dh) 1. Firimbi. 2. Dhul ka fog biyaha oo oomane ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seeri
m. n. whistle, siren
seeri m. n., loc. pasture area far removed from the settlement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
seeri
-ga: (n) whistle (wisel) ~ firinbi, siidhi
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Seeri
Confine
Border
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeri
-ga: (magac, lab, keli) firinbi; siidhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seexi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid hurdisiin. 2. Dab iyo wixi lamida damin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
seexi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid hurdisiin. 2. Dab iyo wixi lamida damin. m.f.dh, seexin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seexi
v. put to bed, send (off) to sleep; extinguish (fire), turn off (light)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
seexi
-yey/say: (v) put or send someone to bed or to sleep; bed down
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seexi
(fal) gama' sii ama jiifi.
seexi: (fal) dab, kooraan iyo wixii la mid ah, demi; bakhtii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
seexi
de: put to bed, send (off) to sleep; [ext.] extinguish (fire), turn off (light)
initial: s
lx: seexi
nt: seexin (ta) [vn-f], seexis (ka) [vn-m]
pd: (seexiyey)
ps: v2a=tr
key: seexi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheefi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax waxtar iyo dheef leh siin; cunto siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dheefi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax waxtar iyo dheef leh siin; cunto siin. m.f.dh, dheefin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheefi
v. feed, nourish; benefit someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dheefi
-yey / say: (v) supply with nourishment; nourish (noorish); feed with food ~ nafaqee
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheefi
de: feed, nourish; benefit s.o.
lx: dheefi
pd: (dheefiyey)
ps: v2a=tr
key: dheefi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leefid
(Leefid-da)
Carrabka wax ku tirid, ama ku tirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leefid
m.f.dh eeg leef.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Leefid
Corrosion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leefid
-da: (magac, dhedig, keli) carrabka wax ku tirid; wax ama meel, carrabka dul marin. Dh: leefis. Wa: leefleefid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leefin
(Leefin-ka)
Wax la leefo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leefin
m.f.dh eeg leefi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
leefin
vl. n. something that is licked
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leefin
-ka: (magac, lab, keli) wax yar oo la leefo.
leefin-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale wax leefsiin. Leefinta xabasuudda ha ka daynin carruurta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leefin
de: something that is licked
lx: leefin
pd: (-ka)
ps: vn1-m
key: leefin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leefis
-ta: (magac, dhedig, keli) carrab ku tiris ama dul marin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefid
-da: (magac, dhedig, keli) soo urid oo hawe qudhmuun soo dayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Neefin
(Neefin-ta)
Neef meel ku jirta, kurteed ama qaarkeed sii deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neefin
m.f.dh eeg neefi. la-mid: neefis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefin
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) nagas in yar ka sii deyn. Dhiishu neefin ayay u baahan tahay kolka la lulayo.
neefin-ta: (magac, dhedig, keli) naqas ku afuufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neefis
m.l la-mid: neefin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg neefin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Neefsi
(Neefsi-ga)
Neefsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neefsi
m.l la-mid: neefsasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
neefsi
-ga: (n) respiration (res-pa-reey-shin); inhaling and exhaling ~ neefsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seebid
m.f.dh eeg seeb². la-mid: seebin.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Seebid
Approximation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seebid
-da: (magac, dhedig, keli) seeb ku wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seebin
m.dh la-mid: seebid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seebin
-ta: (magac, dhedig, keli) seeb huuri ku kaxayn. Dh: seebis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seebis
-ka: (magac, lab, keli) seebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seeddi
(Seeddi-ga)
Afada la qabo walaalkeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seeddi
m.l (-iyaal, m.l/dh) Naag la qabo walaalkeed iyo ninkeedu waxa ay isu yihiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
seeddi
m.l (-iyaal, m.l/dh) Naag la qabo walaalkeed iyo ninkeedu waxa ay isu yihiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seeddi
m. n. brother-in-law (of a man), sister's husband, wife's brother
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
seeddi
-ga: (n) brother-in-law (baraather-in-loo); the brother of one's wife
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeddi
-ga: (magac, lab, keli) afada aad qabto walaalkeed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
seeddi
de: brother-in-law (of a man), sister's husband, wife's brother Contrast: dumaashi
initial: s
lx: seeddi
pd: (-ga)
ps: n7-m, n2a-m
key: seeddi
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
seeddi
زوج الأخت
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seefle
(Seefla-ha)
Kalluun faras-badeedka u eg, guudse aan lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seefle
m.l (-layaal, m.l/dh) Nooc kalluunka badda ku nool ka mid ah oo u eg faras-badeedka, guudse aan lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seefle
m. n. sword-bearer, someone with a sword
seefle m. n. swordfish, Xiphias gladius
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Seefle
nickname-m sword-bearer; warrior; fighter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Seefle
magac loo baxsho wiil seef lagu metaalay dagaalyahannimo awgeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seefle
-ha: (magac, lab, keli) kalluun farasbadeedka u eg, aanse guudkiisa oo kale lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seegid
(Seegid-da)
Haleeli waayid; gefid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seegid
m.f.dh eeg seeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seegid
-da: (magac, dhedig, keli) la gefid haleeliwaayid; seegis, waayitaanka waxaad rabtay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seegis
-ta: (magac, dhedig, keli) seegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seejin
(Seejin-ta)
Gefsiin, dhaafsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seejin
m.f.dh eeg seeji. la-mid: seejis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seejin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof wuxuu heli lahaa gefsiin, dhaafsiin, waasiin.
seejin -ta: (magac, dhedig, keli) haleel waasiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seejis
m.l la-mid: seejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seejis
-ta: (magac, dhedig, keli) seejin; dhaafsiin; gefsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seemid
(Seemid-da)
1. Wax seemman ka dhigid.
2. (cayaar orod iyo istaabasho ku dhisan) taabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seemid
m.f.dh eeg seen².
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Seemid
Approximation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seemid
-da: (magac, dhedig, keli) cayaar inta goobaabin dhulka lagu sameeyo, oo labo kooxood laysu qaybiyo hadba qolo goobaabinta ilaaliso, co qofkii kusoo dhowaada ay madaxa ka taabtaan.
seemid -da: (magac, dhedig, keli) wax seemman ka dhigid; dhukurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seerid
m.f.dh eeg seer. la-mid: seerayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seerid
-da: (magac, dhedig, keli) xeerid; soohdin u yeelid; meegaarid; seeris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeris
-ta: (magac, dhedig, keli) seerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seesid
(Seesid-da)
Sees u yeelid, ku xirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seesid
m.f.dh eeg sees².