seef-bacaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seef-bacaad
m.l (jooloji) Nooc ka mid ah bataax bacaad, oo badanaa laga helo saxaaraha, taasoo ka kooban lafo dhaa-dheer oo af leh oo barbarro la ah dhinaca dabayshu ka soo dhacayso. Dhammaad-kana waxa kordha dhererka bacaadka, markaasoo dabaylaha gudbani ay kordhi-yaan dhererkeeda iyo ballaadhkeeda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
seefbacaad
m.l (jool.) Nooc ka mid ah bataax bacaad, oo badanaa laga helo saxaaraha, taasoo ka kooban lafo dhaadheer oo af leh oo barbarro la ah dhinaca dabayshu ka soo dhacayso. Dhammaadkana waxa kordha dhererka bacaadka, markaasoo dabaylaha gudbani ay kordhiyaan dhererkeeda iyo ballaadhkeeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seefbacaad
-ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah bataax bacaad, oo badanaa laga helo saxaaraha, taasoo ka kooban lafo dhaadheer oo af leh oo barbarro la ah dhinaca dabayshu ka soo dhacayso. Dhammaadkana waxa kordha dhererka bacaadka, markaasoo dabaylaha gudbani ay kordhiyaan dhererkeeda iyo ballaadhkeeda.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Seef bacaad
Seif dune

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-CAAD
(Ged-add) N Teucrium polium L. Labiatae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salbacaad
-ka: (magac, lab, keli) dhulka ciidda wacan ee la fadhiisan karo gogol la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surbacaad
surbacaad¹: m.l Rafaad; dhibaato.
surbacaad²: f.mg1 (-day, -dday) Rafaad la kulmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surbacaad
-ka: (magac, lab, keli) rafaad; dhibaato.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SEEYN-FARSAAD
(Sein-farsad) C Indigofera sp. Papilionaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-CADAADE
(Ged-adade) S Indigofera stobilifera (Hochst.)Bak.F. Papilionaceae.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
neef-wahsada
m.dh (-faf ..., m.l) (kiim.) Curiyayaasha ururka 0 ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Neefo hal atamlayaal ah oo leh heerkul kar oo hooseeya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anfacaad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg anfac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fajacaad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fajac.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
GEED-CAD
Clerodendron sp. 10, Corchorus bricchettii 10, Pavonia arabica 10, Psilotrichum tomentosum 10
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-CAD
(Ged-ad) N Matthiola dimolehensis Bak.F. Cruciferae.
S Pavetta sphaerobotrys K.Schum. Rubiaceae.
S Tennantia sennii (Chiov) Verdc. & Bridson. Rubiaceae.
S Atriplex griffithii Mog. Chenopodiaceae.
N Helianthemum somalense Gillett Cistaceae.
C Tephrosia obbiadensis Chiov. Papilionaceae.
S Tephrosia nubica (Boiss) Bak. Papilionaceae.
C Dicoma banueolensis Busc. Compositae.
N Primula verticillata Forsk. Primulaceae.
S Markhamia zanzibarica (DC) Engl. Bignoniaceae.
C Vernonia cinerascens Sch.Bip. Compositae.
C Dicoma gnaphaloides Mattei. Compositae.
S Indigofera spinosa Forsk. Papilionaceae.
S Aerva javanica (Burm.F.) Schultes Amaranthaceae.
Og,S Tephrosia polyphylla (Chiov.)Gillett. Papilionaceae.
C Psilotrichum tomentosum Chiov. Amaranthaceae.
N Dovyalis abyssinica (A. Rich) Warb. Pittosporaceae.
S Camptolepis ramiflora (Taub.) Radlk. Sapindaceae.
C Pavonia arabica Boiss. Malvaceae.
S Sericocomopsis pallida (S. Moore) Schinz. Amaranthaceae.
C Corchorus cinerascens Defl. Tiliaceae.
N Abutilon fruticosum Guill. & Perr. Malvaceae.
S Tribulus cistoides L. Zygophyllaceae.
N Tribulus mollis Schweinf. Zygophyllaceae.
S Barleria hildebrandtii S. Moore. Acanthaceae.
S Ruellia carnea Balf.F. Acanthaceae.
S Vitex negundo L. Verbenaceae.
S Erythrochlamys spectabilis Guerke. Labiatae.
S Ocimum tomentosum Bak. Labiatae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rafacaad
-da: (magac, dhedig, keli) shago wax raficid ah qabasho: raficid ku mashquulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surbacad
m.l la-mid: surbacasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabacaad
m.dh 1. Gelinta qoraal madbacad la geliyo. 2. Qoraal inta hal mar la daabaco. la-mid: daabicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daabacaad
m.dh 1. Gelinta qoraal madbacad la geliyo. 2. Qoraal inta hal mar la daabaco. la-mid: daabicid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daabacaad
-da: (n) edition (idhishan); printing (piriint-ing); publishing (pab-liishing). Ex: daabacaaddii kowaad ee qaamuuskan; the first edition of this dictionary
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabacaad
-da: (magac, dhedig, keli) wargeysyada, qoridda buugaagta iyo wixii la mid ah iyada oo la adeegsanayo warshad wax lagu daabaco. Daabacaaddaa buuggii loo diray. Dh: daabac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daafacaad
m.dh Ka hortagidda laga hortago halis cid ku soo fool leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daafacaad
m.dh Ka hortagidda laga hortago halis cid ku soo fool leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daafacaad
-da: (magac, dhedig, keli) iska caabbin xoog kale oo kaa soo horjeeda. Daafacaad adag ayaa cadawgii lagu sameeyey. Dh: difaac. Li: weerar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambacaad
f.mg1 (-day, -dday) Calool u jiifid (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dambacaad
f.mg1 (-day, -dday) Calool u jiifid (qof).
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-CAAN
(Ged-an) N Jatropha brockmanii Hutch. Euphorbiaceae.
N Jatropha palmatifida Bak. Euphorbiaceae.
N Jatropha phillipsiae Rendle Euphorbiaceae.
N Jstropha spinosa (Forsk) Vahl. Euphorbiaceae.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
JAMBACAAD
Sericocomopsis pallida 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JAMBACAAD
(Jambad) C Sericocomopsis pallida (S. Moore) Schinz. Amaranthaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefqabad
-ka: (magac, lab, keli) naqaska oo si fiican u soo bixi waaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raabacaad
-da: (magac, dhedig, keli) afar ka dhigid. Dh: raabacayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarracaad
-da: (magac, dhedig, keli) cirta leh caanaha weliba sida beerayada, maydiga, oo inta birta wax lagu sarco lagu dhufto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeradaaq
-ka: (magac, lab, keli) neef dhul seera daaq ah. Farasku waa seeradaaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seetaysad
m.l la-mid: seetaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seexaarad
m.dh (-do, m.l) la-mid: saxaarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seexaarad
-da: (magac, dhedig, keli) santuuq qori ka samaysan oo wax lagu gurto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beendabaad
m.l Beenlow; beenley. la-mid: beendadaab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beendabaad
-ka: (magac, lab, keli) qof aad u been badan oo caado beenta ka dhigta. Dh: beenaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhambacaad
dhambacaad¹: m.l la-mid: dhambacaadid.
dhambacaad²: f.mg1 (-day, -dday) Seexasho qof caloosha hoos marsado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhambacaad
f.mg1 (-day, -dday) Seexasho qof caloosha hoos marsado. m.f.dh, dhambacaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhambacaad
v. lie in a prone position (face down)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhambacaad
-ka: (n) prone (parown) position ~ dhanbacaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhambacaad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dhabbac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhambacaad
a: dhanbacaad
de: lie in a prone position (face down)
lx: dhambacaad
pd: (dhambacaaday)
ps: v1=intr
key: dhambacaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhanbacaad
(Dhanbacaad-ka)
Dhabbac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhanbacaad
vl. n. lying prone ~ on the front of the body
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhanbacaad
-ka: (n) prone (parown) position ~ dhambacaad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhanbacaad
bw: dhabbac
de: lying prone ~ on the front of the body
lx: dhanbacaad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
see: dhambacaad
key: dhanbacaad
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-BAHAL
(Ged-bahl) May Aerva javanica (Brum.F.) Schultes Amaranthaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geedsaraad
m.l.u Geedaha intooda dhulka aad uga sara-kacda, oo aan saar ahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geedsaraad
m.l.u Geedaha intooda dhulka aad uga sara-kacda, oo aan saar ahayn.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEEL-BADAR
(Gel-badaro) N Cadia purpurea (Picc.)Ait. Papilionaceae.
N Rhyncosia sublobata (Schumach.) Meikle Papilionaceae.
N Rhyncosia valutina Wight & Arn. Papilionaceae.
N Tephrosia uniflora Pers. Papilionaceae.
N, Og Diceratella elliptica (DC) Jonsell. Crucifrae.
N Convolvulus hystrix Vahl. Convulvulaceae.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geeskalaad
m. n., [compound] corner-kick {sports}
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geeskalaad
de: corner-kick {sports}
lx: geeskalaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: geeskalaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhbacaad
-ka: (magac, lab, keli) waa geedka aan hadhka weyn lahayn ee cadceeddu ka soo dusto. Li: damal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reebbanaan
m.f.dh eeg reebban. la-mid: reebbanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reebbanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la reebay ahaan; reebnaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Seeb ahaan
Approximately
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeflabood
-ka: (magac, lab, keli) qofka aan waxba hubsan; aan karti wax lagu hubsado lahayn, aan dulqaad lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seemmanaan
m.f.dh eeg seemman. la-mid: seemmanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seemmanaan
-ta: (magac, dhediq, keli) mid aan geeso lahayn ahaan. Dh: garoomanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seexsanaan
m.f.dh eeg seexsan. la-mid: seexsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seexsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid seexday ahaan.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-GOBAAD
(Ged-gobad) S Turraea nilotica Hotschy & Peyr. Meliaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-QARAAR
(Ged-garar) C Oxygonum sp. Polygonaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-YAXAAS
(Ged-yahas) S Lindauea speciosa Rendle. Acanthaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geesabaraar
-ka: (magac, lab, keli) saca geesihiisu liiqliiqasho dhalan ah leeyihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heer-badeed
m.l (-dyo, m.dh) (juqraafi) Heerka baddu haddii aaney jirin mowjado, hirar ama haraaci.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seef-cireed
m.l Walxo ku wareega qorraxda, raacana meeris qaabkiisu yahay qabaal. Seef-cireedyada, badankoodu, waxa ay leeyihiin daba dheer oo aad noogu muuqa-ta marka uu qorraxda u soo dhawaado.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Seef-cireed
Comet