seedaxanuun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seedaxanuun
(Seedaxanuun-ka)
Seedaha oo xanuuna.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seedaxanuun
m. n., [compound] pain in a tendon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seedaxanuun
-ka: (magac, lab, keli) xanuun seedaha gala.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
seedaxanuun
de: pain in a tendon
initial: s
lx: seedaxanuun
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: seedaxanuun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerxanuun
-ka: (magac, lab, keli) cudur beerka ku dhaca. Beerxanuun baa ku dhacay kuwii khamrida biishan jireye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madaxanuun
m.l (daaw.) Xanuun madaxa ku dhaca; madax-wareer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxanuun
-ka: (magac, lab, keli) bugtaan uu qofka madaxu xanuuno. Aabbo madaxanuun baa haya. Dh: madax-xanuun, madax-wareer, madaxfarad, madaxfered.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegaxanuun
-ka: (magac, lab, keli) cudur dhegaha ku dhaca oo dartii dadka ku dhego cuslaadaan ama ku dhego beelaan haddii aan la iska daaweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhaxanuun
-ka: (magac, lab, keli) xanuunka mastitiska loo yaqaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibaxanuun
-ka: (magac, lab, keli) xanuun haweenka naasaha kaga dhaca oo ibaha bukaysiiya oo haddii uu ku xumaado naasatira.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilkaxanuun
-ka: (magac, lab, keli) xanuun ilkaha laga dareemo kolka uu suus galo ama nabarba ku dhaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caadoxanuun
m.l Caadada dumarka oo la timaadda dhib iyo xanuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madaxxanuun
(Madaxxanuun-ka)
Madaxwareer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadnaxanuun
-ka: (magac, lab, keli) xanuun wadnaha ku dhaca oo inta badan ka yimaadda halbawlayaasha oo cilladaysta ama xidhma.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareen-xanuun
m.l (-eemo ..., m.l) (daawo) Xanuun aad u daran oo gubasho ah ama mudid ah oo badanaa raaca lareemayaasha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dareen-xanuun
m.l (-eemo ..., m.l) (daaw.) Xanuun aad u daran oo gubasho ah ama mudid ah oo badanaa raaca lareemayaasha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beertaxaniin
-ta: (magac, dhedig, keli) cad beerka ku dhejisan oo ay shqadiisu tahay shiididda wixi dufan ah isaga oo ku sii daaya dheecaan huruud ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dareenxanuun
-ka: (magac, lab, keli) xanuun aad u daran oo gubasho ah ama mudid ah oo badanaa raaca lareemayaasha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabarxanuun
m.l Xanuun dhabarka ku dhaca.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhabarxanuun
m.l Xanuun dhabarka ku dhaca.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabarxanuun
-ka: (magac, lab, keli) dhabarka oo xanuuna; xanuun dhabarka ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madax-xanuun
m.l (daawo) Xanuun madaxa ku dhaca; madax-wareer. la-mid: madaxwareer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madax-xanuun
m. n., [compound] headache
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madax-xanuun
-ka: (n) headache (heedh-ek) ~ madax-wareer
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
madax-xanuun
وَجَعُ الرَّأْسِ صُدَاع
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aamanuun
-ka: (magac, lab, keli) xilli aad u horreeya; wakhti aad u fog oo la soo jiray; inta la xusuusan yahay. Sheekadani waa mid soo jirtay tan iyo aamanuun. Dh: aaman, aamanuu, weligeed, abidkeed. Li: amminkan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beedalan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: beeddalan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beedalan
(tilmaame) neef oofanaya oo saarasho u diyaar ah. Qaalin beedalan ayaa xerada ku jirta. Dh: lugadegsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daanduun
daanduun¹: m.l la-mid: daadduun¹.
daanduun²: f.mg1 (-uumay, -uuntay) la-mid: daadduun².
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eedaan_1
de: cry with pain (of an animal)
hm: 1
lx: eedaan
pd: (eedaamay)
ps: v1=
key: eedaan_1
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feedagan
(tilmaame) hadhuudh buushibaxsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jafanuun
-ka: (magac, lab, keli) oon badan oo aad u qallajiya ciddii uu helo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masanuun
-ka: (magac, lab, keli) ur yar oo silloon oo aan la jeclaysan. Noolaa'uruhu masanuun qadhmuun ayuu leeyahay. Dh: siniin, ur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yafanuun
-ka: (magac, lab, keli) xilli aad u adag oo dhibaato iyo rafaad badan. Dh: dhib.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedaadsan
(tilmaame) qof saxariirsan oo rafaad qaba; qof silicsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeedaalin
(Jeedaalin-ta)
Wax durugsan, indhaha ku raadin; fiirin; eegid; ilaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeedaalin
m.f.dh eeg jeedaali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) dib u eegis, dhan fiiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seeraarin
(Seeraarin-ta)
Tuuryo wax soke oo dheer (daar, buur) korka ka marin, oo meel shishe oo aan muuqan ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seeraarin
m.f.dh eeg seeraari. la-mid: seeraaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeraarin
-ta: (magac, dhedig, keli) tuuryo wax soke oo dheer 'daar, buur' kor ka marin oo meel shishe oo dhanka kale ah, gaadhsiin; seeraaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seexanwaa
-ga: (magac, lab, keli) hurdo iska waayid; hurdo la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beedalnaan
m.dh la-mid: beeddalnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beedalnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax beedalaya ahaan. Rabku waxay sugaan beedalnaanta neefka rimaya. Dh: lugadegsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceelyunuun
-ka: (magac, lab, keli) ceel si dhuuban oo qoto dheer loo qodo. Dh: ganuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedaysnaan
m.f.dh eeg eedaysan. la-mid: eedaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof eed qaba ahaan; qof denbi loo haysto ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geedxajiin
m.l.u Dhirta inta xajiinta leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geedxajiin
m.l.u Dhirta inta xajiinta leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedxajiin
-ta: (magacwadareed) geedaha inta leh caleemo haddii la taabto lagu caaroodo ama lagu xajiimoodo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leeddafuul
leeddafuul¹: m.l Fuulidda la fuulo faras aan koore lahayn. la-mid: leeddafuulid.
leeddafuul²: f.g1 (-uulay, -uushay) Faras aan koore saarnayn fuulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leeddafuul
-ka: (magac, lab, keli) faras aan koore. sarnayn fuulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seemmanaan
m.f.dh eeg seemman. la-mid: seemmanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seemmanaan
-ta: (magac, dhediq, keli) mid aan geeso lahayn ahaan. Dh: garoomanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seexsanaan
m.f.dh eeg seexsan. la-mid: seexsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seexsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid seexday ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheedaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) sheedda ka eegid; meel fog wax ka eegid. Dh: jeedaalin, sheedaalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shidaalcun
-ka: (magac, lab, keli) shidaalka aad u badsadka injiinka; shidaalcunis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Teedsanaan
(Teedsanaan-ta)
Wax teedsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
teedsanaan
m.f.dh eeg teedsan. la-mid: teedsanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
teedsanaan
f. n., [abstract] state of being lined up ~ put in a row
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
teedsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax safan ahaan. Teedsanaan ayaa loo dhigay jirikannada. teedsanaansho -ha: (magac, lab, keli) wax meel girgir ah, isku daba taxan ahaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
teedsanaan
de: state of being lined up ~ put in a row
initial: t
lx: teedsanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: teedsanaan
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-XAJIIN
(Ged-hajin) S Farsetia sp. Cruciferae.
N Indigofera intricata Boiss. Papilionaceae.
S Indigofera insularis Chiov. Papilionaceae.
S Indigofera coerulea Roxb. Papilionaceae.
C Indigofera trita L.F. Papilionaceae.
S Indigofera spinosa Forsk. Papilionaceae.
C Crotalaria dumosa Franch. Papilionaceae.
N Tephrosia obbiadensis Chiov. Papilionaceae.
S Tephrosia villosa (L) Pers. Papilionaceae.
S Indigofera phillipsiae Bak.F. Papilionaceae.
S Indigofera schimperi Jaub. & Spach. Papilionaceae.
S Pleuropterantha revoilii Franch. Amaranthaceae.
S Ipomoe hotschyana Choisy. Convolvulaceae.
S Tephrosia pumila (Lam) Pers. Papilionaceae.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilig-xanuun
n. phr. toothache
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilig-xanuun
de: toothache
lx: ilig-xanuun
ps: np
key: ilig-xanuun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muruqxanuun
m.l (-qyo ..., m.dh) (daawo) Iskuroorid muruq iyo xanuun muddo dheer socda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muruqxanuun
m.l (-qyo ..., m.dh) (daaw.) Iskuroorid muruq iyo xanuun muddo dheer socda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muruqxanuun
-ka: (magac, lab, keli) iskuroorid muruq iyo xanuun muddo dheer socda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seetaysnaan
m.f.dh eeg seetaysan. la-mid: seetaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) seeto ku xidhnaan, seeto ku dhaadnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xididxanuun
(Xididxanuun-ka)
1. Xanuun xididdada qabta.
2. Xanuun, kan ugu yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xididxanuun
m.l Xanuun yar oo meel jirka ka mid ah si dabacsan u haya. Tusaale: “Jaamac waa isjirrisiinayaa ee xididxanuun ma hayo”.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xididxanuun
m. n., [compound] nervous pain; small pain; minor aches and pains
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xididxanuun
-ka: (magac, lab, keli) xanuunka ku dhaca halbowlayaasha dhiigga kala hora.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xididxanuun
de: nervous pain; small pain; [col] minor aches and pains
initial: x
lx: xididxanuun
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: xididxanuun
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhabar xanuun
-ka: (n) backache (baak-eyk); back pain (baakpeeyri)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sergedaysnaan
m.dh la-mid: sargadaysnaan.