seddexqayd
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seddexqayd
-da: (magac, dhedig, keli) maro ay dumarka Soomaalidu waagii hore xidhan jireen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexqayd
-da: (magac, dhedig, keli) maro saddex qayd ah oo isku tolan oo haweenku xidhaan. Dh: hululuf, marsiino.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saddexqad
(Saddexqad-ka)
Saddex maalmood qada ama maqnaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexqad
saddexqad¹: m.l.kh 1. Kal saddex beri biyaha laga qado. 2. S. qad ah: xoolo nugul ah oo aan saddex beri biyo cabbin.
saddexqad²: f.mg1 (-day, -dday) Xoolo nugul ah saddex beri biyo moogaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saddexqad
m. n. livestock that has been absent ~ not eaten/drunk for three days; quartan fever
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexqad
-ka: (magac, lab, keli) neef ama xoolo saddex maalmood biyo ka qatan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saddexqad
de: livestock that has been absent ~ not eaten/drunk for three days; [ext.] quartan fever
initial: s
lx: saddexqad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: saddexqad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saddexqeyd
(Saddexqeyd-ka)
Maro haweenku marsado; marsiino; hululuf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexqeyd
m.l (-dyo, m.dh) Maro haweenku waayadii hore qaadan jireen oo saddex qeyd oo isku tolan ka samaysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saddexqeyd
m. n. Somali woman's clothing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saddexqeyd
cf: hululuf, marsiino
de: Somali woman's clothing
initial: s
lx: saddexqeyd
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: saddexqeyd
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saddex-qayb
Trisection
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexqadid
m.f.dh eeg saddexqad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexay
(fal) ku nogo saddex, labo hore, ku dar mid. Ii saddexay shaaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saddexaad
(Saddexaad-ka)
Tiro taxan oo isdabajoogta, kan saddexda jagadeeda ku abbaaran; kan labaadka iyo afraadka u dhexeeya; (3d.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexaad
m.dh.t.j Tirada jagaalaha ah, kan u dhigma saddexda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saddexaad
m.dh.t.j Tirada jagaalaha ah, kan u dhigma saddexda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saddexaad
numeral: third
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saddexaad
-ka: (n) third (theedh) ~ seddexaad. Ex: markii saddexaad; the third time
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Saddexaad
Terzo
Third
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexaad
-ka: (magac, lab, keli) tiro taxan oot isdabjoogta, kan saddexda jagadeeda ku abbaaran; kan labaad iyo afraad u dhexeeya. Dh: 3aad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saddexaad
de: third
initial: s
lx: saddexaad
pd: (-ka)
ps: num-ord-m
key: saddexaad
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Seddexaad-da
troisième.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexa
-da: (magac, dhedig, keli) dhirta biyaha ka dhex baxda jaad ka mid ah. Dh: saaruq, saddexo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SEDDEXO
(Sadeho) N, C Coelachyrum poaeflorum Chiov. Gramineae.
C Dactyloctenium aristatum Link. Gramineae.
S Dactyloctenium aegyptium (L) Willd. Gramineae.
N,C Dactyloctenium scindicum Boiss. Gramineae.
N Aristida somalensis Stapf. Gramineae.
N Ochthochloa compressa (Forsk) Hilu Gramineae.
C Sporobolus brockmanii Stapf. Gramineae.
C,S Sporobolus ruspolianus Chiov. Gramineae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saddexan
(Saddexan-ka)
Labo kale oo badanaa la dhalay weheliso oo saddex ku tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexan
saddexan¹: m.l 1. Nafley dheddig iyo labadeeda cunug oo wada jira. 2. Koox ka kooban saddex cunsur.
saddexan²: f.mg4 (-xnaa, -xnayd) Dheddig wax laba ilmood leh ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saddexan
m.l 1. Nafley dheddig iyo labadeeda cunug oo wada jira. 2. Koox ka kooban saddex cunsur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saddexan
m. n. trio, something that makes up three, comes third ~ is third
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexan
-ka: (magac, lab, keli) labo la dhalay oo ay hooyadood weheliso oo ay saddex ku tahay. wadata labo ay dhashay, labo iyo hooyadood. Saca saddexankii qaado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saddexan
de: trio, s.t. that makes up three, comes third ~ is third
initial: s
lx: saddexan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: saddexan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beddelaad
m.dh la-mid: beddelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beddelaad
vl. n. change; act of changing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beddelaad
-da: (v) the act or result of altering or modifying; change (janji)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Beddelaad
Cambiamento; trasferimento
Change; transfer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beddelaad
-da: (magac, dhedig, keli) qof, lacag, shey iyo wixii la mid ah, wax kale oo u dhigma ku doorsasho. Beddelaad bay ku kala qaateen labada shaati.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beddelaad
de: change; act of changing
lx: beddelaad
pd: (-da)
ps: vn-f
key: beddelaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddaqayn
m.dh la-mid: sadaqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddaqays
m.l la-mid: sadaqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saddexley
(Saddexley-da)
(cayaar) shirbada qaarkeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexley
m.dh Cayaar jiib iyo jaan leh oo saddex goor la gooyo kana mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka sooma-liyeed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saddexley
f. n. dance from the Borama area, performed by three couples
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexley
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar dhaqameed rag iyo dumar ba la wada ciyaaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saddexley
de: dance from the Borama area, performed by three couples
initial: s
lx: saddexley
pd: (-da)
ps: n1-f
key: saddexley
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Seddex-da
trois.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siddeysad
m.l la-mid: siddeysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexabyo
-da: (magac, dhedig, keli) laba waran iyo gaashaan oo dagaalka loo qaadan jiray. Dh: saddexanyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saddexanyo
(Saddexanya-da)
(hub) labada waran iyo gaashaanka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexanyo
m.dh 1. Nooc cawska ka mid ah. 2. Hub laba waran iyo gaashaan ka kooban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saddexanyo
f. n. equipment of two spears and shield
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexanyo
-da: (magac, dhedig, keli) hub ka kooban waran, billaawe iyo gaashaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saddexanyo
de: equipment of two spears and shield
initial: s
lx: saddexanyo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: saddexanyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saddexeeya
Kan labo hore saddex ku ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexeeye
m.l (-yayaal, m.l/dh) 1. Laba wiil oo isku hooyo iyo aabbe ah, wiil saddexaad oo waalidkood dhalay oo ku soo kordha. 2. Arrin, dood iyo wixi lamida oo laba qof isku hayaan qof aan loo baahnayn oo soo dhex gala siina fidneeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saddexeeye
m. n. anything making a third ~ bringing the total to three
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexeeye
-ha: (magac, lab, keli) mid labo saddex ka dhiga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saddexeeye
de: anything making a third ~ bringing the total to three
initial: s
lx: saddexeeye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: saddexeeye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexnaan
m.f.dh eeg saddexan². la-mid: saddexnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seddexagal
-ka: (magac, lab, keli) shaxan leh seddex dhinac oo xisaabta lagu barto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siddeedaad
(Siddeedaad-ka)
Tiro isdabajoogta, kan jagada siddeedda ku abbaaran oo u dhexeeya toddobaadka iyo sagaalaadka; (8d.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siddeedaad
m.l.t. j Tirada jagaalada ah, kan u dhigma siddeedda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siddeedaad
m.l.t.j Tirada jagaalada ah, kan u dhigma siddeedda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siddeedaad
numeral: eighth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siddeedaad
-ka: (n) eighth (ee-ytiyath); 8th
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siddeedaad
-ka: (magac, lab, keli) tiro taxan, tan jagada siddeeda ku abbaaran oo u dhexeeya toddobaadka iyo sagaalaadka; wax isdaba taxan kan siddeeda ku abaaran; 8aad. Kaalinta siddeedaad ayuu galay wiilku.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siddeedaad
de: eighth
initial: s
lx: siddeedaad
pd: (-ka)
ps: num-ord-m
key: siddeedaad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isbeddelaad
-da: (n) transformation (taraanis-foor meeyshen); change (jeenji)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexeysad
m.l la-mid: saddexeysasho.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Siddetanaad
quatre-vingtième.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saddexagalayn
Triangulation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexsaamood
m.l Ciddisiib.