sedbursiimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sedbursiimo
-da: (magac, dhedig, keli) wax la qaybsanayo oo qof loo badiyo. Dh: sedbursi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadbursiiyo
-da: (magac, dhedig, keli) sad korodhdsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bursiimo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg bursi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sedbursi
m.l la-mid: sedbursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sedbursi
-ga: (magac, lab, keli) intii sed kuu ahayd ka badsasho, qaybtaada ka biirso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sedburso
f.g3 (-saday, -satay) Wax la wada leeyahay qaybtii aad ku lahyd ka badan qaadasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sedburso
f.g3 (-saday, -satay) Wax la wada leeyahay qaybtii aad ku lahyd ka badan qaadasho. m.f.dh, sedbursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sedburso
(fal) «ka intii sedkaagu ahaa, ka badsa; dheeri qaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sedbursasho
m.f.dh eeg sedburso. la-mid: sedbursad, sedbursi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sedbursasho
-da: (magac, dhedig, keli) dheeri qaadasho; sedbursi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bursiino
m.dh Sed dheeraad ah oo laga qaato wax la qaybsanayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bursiino
m.dh Sed dheeraad ah oo laga qaato wax la qaybsanayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bursiino
f. n., [collective] quantity in addition, excess, extra
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bursiino
de: quantity in addition, excess, extra
lx: bursiino
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: bursiino
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durriimo
-da: (magac, dhedig, keli) mudniin ku samayn. Dh: turqin, mudniin, irbadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadbursi
-ga: (magac, lab, keli) sed ka dhexeeya tiro dad ah inta badan qaadasashadiisa. Inta badan qaadad. Sadbursi waa damac sokeeyan isku naco. Dh: burso, biirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sedbursad
m.f.l la-mid: sedbursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sedbursad
-ka: (magac, lab, keli) dheeri qaadad. Dh: sedbursi.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sedicésimo
agg. lix iyo tobanaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bogsiimo
-ha: (magac, lab, keli) caafimaadid; bogsasho. Nabarkii wiilka lagu dhiftay haddeed waa bogsiimo. Dh: caafimaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayrsimo
m.dh 1. Qof dayrsan ahaansho. 2. Roob xilliga dayrta horteeda da'a.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Degsiimo
(Degsiima-da)
Degmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degsiimo
m.dh Meel la degganyahay. la-mid: degmo (3).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
degsiimo
f. n. settlement; camp; community
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degsiimo
-da: (magac, dhedig, keli) meel laga helayo baahida aasaasiga u ah dadka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
degsiimo
de: settlement; camp; community
lx: degsiimo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: degsiimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guursimo
m.dh.kh G. ah: naag ku jirta ayaamihii hore ee guurka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harsiimo
m.dh la-mid: harsimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harsiimo
-da: (magac, dhedig, keli) cuntada maalinta badhtamaheega la cuno. Dh: hadhimo, qado.
harsiimo -da: (magac, dhedig, keli) maalinta inteeda kulul. Dh: yoomeyoome, baaxadsoore.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubsiimo
m.dh U kuurgelidda wax xaqiiqdooda loo kuur galo. la-mid: hubsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hubsiimo
m.dh U kuurgelidda wax xaqiiqdooda loo kuur galo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubsiimo
-da: (magac, dhedig, keli) wax hubsasho. Hubsiimo hal baa la siistaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jebsiino
m.dh Xannuun haweenka qabta marka ay foolanayaan; jajab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jebsiino
m.dh Xannuun haweenka qabta marka ay foolanayaan; jajab.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
medèsimo
agg. e pron. - isla (kii, tii).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabarsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: samirsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabarsii
(fal) sabir ku waani; samirsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tirsiimo
m.l.u (-ooyin, m.l) Abyooneyaasha togan ee 1 ,2 ,3... ayaa lagu magacaabaa tirooyinka tirsiimo, waxa kale oo la yiraahdaa tirooyinka wax lagu tirsado ama abyooneyaasha togan (eeg abyoone).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tirsiimo
m.l.u (-ooyin, m.l) (xisaab) Abyooneyaasha togan ee 1 ,2 ,3... ayaa lagu magacaabaa tirooyinka tirsiimo, waxa kale oo la yiraahdaa tirooyinka wax lagu tirsado ama abyooneyaasha togan (eeg abyoone).
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tirsiimo
Natural numbers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirsiimo
-da: (magac, dhedig, keli) tirada wax lagu tirsado ka hor ilbaxa sayniska waana 1, 2, 3, 4...
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
turniimo
m.dh la-mid: turaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turniimo
-da: (magac, dhedig, keli) turriinsho; tudhaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Turriimo
(Turriima-da)
Wax dhib ama waxyeello cid u keeni kara, oo jacayl ama kalgacal loo qabo darteed looga daayo, looga ilaaliyo, looga dhawro; turaal; turriin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
turriimo
f. n. leniency, clemency, indulgence; protection, care
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turriimo
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhib ama waxyeello cid u keeni kara, oo jacayl ama kalgacayl loo qabo darteed looga tudho, looga daayo, loo dhawro. Dh: tudhaal, turriin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
turriimo
a: turniimo
cf: turniin
de: leniency, clemency, indulgence; [ext.] protection, care
initial: t
lx: turriimo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: turriimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhsiimo
-da: (magac, dhedig, keli) maalinta badhtankeeda ee kulaylka ah. Dh: harsiimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lebernimo
m.dh Leber ahaansho (waxar).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabarsiin
m.dh la-mid: samirsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabarsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) sabir ku adkayn; sabir ku waanin. Dh: samrin, samirsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabarsiis
m.l la-mid: samirsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabarsiis
-ka: (magac, lab, keli) sabirsiin; samirsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sebinnimo
(Sebinnima-da)
Sebi ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sebinnimo
m.dh Sebi ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sebinnimo
m. n. babyhood, infancy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sebinnimo
-sebinnimada: (n) infancy (in-fansi); chidhood (jaayl-huudh) ~ sabinimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sebinnimo
-da: (magac, dhedig, keli) ilmo carruur ah ahaan, sebi ahaan. Dh: dhallaalnimo, carruurnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sebinnimo
de: babyhood, infancy
initial: s
lx: sebinnimo
pd: (/da)
ps: n6-m
key: sebinnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abtirsiimo
m.dh la-mid: abtirsiinyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abtirsiimo
-da: (magac, dhedig, keli) taxanaha magacda dad nasab ahaan isku dhalay oo la garanayo. Abtirsiimadaydiyo, asalkaan ku dhaati na, waa Aadan iyo Nuux. Dh: abtirsiino, abtirsiinyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adkaysiimo
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaatooyinka, samir iyo dulqaad u yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kororsiimo
m.dh Waxa ku siyaada wax horay u jiray
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kororsiimo
m.dh Waxa ku siyaada wax horay u jiray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kororsiimo
-da: (magac, dhedig, keli) wax biirsi oo korodhsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degdegsiimo
-da: (magac, dhedig, keli) kolka aan wax la hubsan waxna la sugin, dhakhsaha wax loo qabto ama loo socdo. Dh: degdegsiinyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirtirsiimo
-da: (magac, dhedig, keli) wax sheeg iyo ficil lagu dhiirigeliyo qof. Dh: guubaabo.