sedbursad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sedbursad
m.f.l la-mid: sedbursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sedbursad
-ka: (magac, lab, keli) dheeri qaadad. Dh: sedbursi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laba'eef
(fal) laba saami si aan xaq ahayn u qaado. Dh: labacanlee, lammado, sedbursade.
laba'eef -ka: (magac, lab, keli) intii aad saamiga u lahayd labanlaabasho
laba'eef -ka: (magac, lab, keli) qof labawejiile ah oo labada garba daaqa. Dh: labawejiile, labacanleeye. Li: daacad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laba'eefid
-da: (magac, dhedig, keli) labo saami qadasho; labo jeer qaadasho. Dh: sedbursasho, sedbursad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sedbursi
m.l la-mid: sedbursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sedbursi
-ga: (magac, lab, keli) intii sed kuu ahayd ka badsasho, qaybtaada ka biirso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sedburso
f.g3 (-saday, -satay) Wax la wada leeyahay qaybtii aad ku lahyd ka badan qaadasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sedburso
f.g3 (-saday, -satay) Wax la wada leeyahay qaybtii aad ku lahyd ka badan qaadasho. m.f.dh, sedbursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sedburso
(fal) «ka intii sedkaagu ahaa, ka badsa; dheeri qaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sedbursasho
m.f.dh eeg sedburso. la-mid: sedbursad, sedbursi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sedbursasho
-da: (magac, dhedig, keli) dheeri qaadasho; sedbursi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bursad
m.l la-mid: bursasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bursad
-ka: (n) pursuing (peer-suuing); chasing (jeeysing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bursad
-ka: (magac, lab, keli) inta badan qaadasho; dheeraad ku darsasho. Bursad baad ku heshaa waxaad doonto adiguye. Dh: badsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mudursad
m.l la-mid: murudsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadbursi
-ga: (magac, lab, keli) sed ka dhexeeya tiro dad ah inta badan qaadasashadiisa. Inta badan qaadad. Sadbursi waa damac sokeeyan isku naco. Dh: burso, biirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burbursad
m.l la-mid: burbursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burbursad
-ka: (magac, lab, keli) burbursashada wax adke ah oo afka kuugu jira. Burbursadka nacnacu kuma macaana ee muudmuudsigaa la qaatay. Dh: jajabsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jacbursad
m.l la-mid: jacburasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunbursad
-ka: (magac, lab, keli) eeg yumbudhsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sedbursiimo
-da: (magac, dhedig, keli) wax la qaybsanayo oo qof loo badiyo. Dh: sedbursi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hundhursad
m.l la-mid: hundhursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barsad
m.dh la-mid: bersed.

bersad
m.dh la-mid: bersed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bersad
-da: (magac, dhedig, keli) qolka fadhiga; qolka lagu sheekaysto ee lagu nasto ee martida la fadhiisiyo. Bersadda fadhiisi martidada. Dh: fadhi.
bersad -da: (magac, dhedig, keli) shir madaxdii maamullada gumaysigu miyiga ku qaban jireen, oo lagu gorfeyn jirey arrimaha amniga iyo is dhex marka bulshooyinka reer guuraaga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Burcad
1. (Burcad-da) Urur tuugo; qowle.
2. (Burcad-ka) a) caanaha la lulo subagga ka baxa oo aan weli la shiilin. b) Subag dhirta laga liso oo kan caanaha laga lulo u eg. c) Bocorka caanaha geela.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burcad
burcad¹: m.l Subagga caanaha la lulay laga soo saaro inta aan weli la shiilin. la-mid: bocor¹ (1).
burcad²: m.dh.u Koox tuugo ah, hubeysan oo dadka laaya, dhacana.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
burcad
burcad¹: m.l Subagga caanaha la lulay laga soo saaro inta aan weli la shiilin.
burcad²: m.dh.u Koox tuugo ah, hubeysan oo dadka laaya, dhacana.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
burcad
m. n., (mass n.): butter, margarine, camel-milk ghee
burcad m. n. bandit; gang of thieves
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
burcad
-da: (n) 1. gangster (gaangister); bandit (baan dit) ~ tuug, dooxato. 2. gang (gaang) ~ budhcad, qawleysato
burcad: -ka: (n) butter (bater); ghee (gii) ~ budhead
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burcad
-da: (magacwadareed) eeg budhcad.
burcad -ka: (magac, lab, keli) subagga darayga ah ee caanaha la lulo laga saaro; subagga aan weli la shiilin. Basadu way ku basaastaye burcad mari.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
burcad
قاطعُ طَرِيقَ، زَبْدَة، زَبْد
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burdad
m.l la-mid: burdaddo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burdad
-ka: (magac, lab, keli) geednagaadh dooxooyinka ka baxa marka roobku da'o. Burdad ubax leh baar iyo uneex baqas ku fuuraaga. Intay dooxadu, bur dureemiyo, burdad leedahay, kuu barbaariyo, kuu bulshaan ahay. Dh: rahan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burmad
m.dh (-do, m.l) Digsi yar oo hal qof wax loogu kariyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burmad
-da: (magac, dhedig, keli) dhuunta dheer ee matoorka qiiqa ka saarta ama qiiqu ka baxo. Burmadda qiiqa saartiyo baabuurka xiinkiisa, dhuuntayda baarqab golongolay la moodaaye. Dh: qaacwada.
burmad-da: (magac, dhedig, keli) walax baaruudi ka buuxdo oo qaraxda. Burmad baa ku qaraxday reerka dhexdiisa. Dh: bambo.
burmad -ka: (magac, lab, keli) cunto si gaar ah dheriga loogu bisleeyo.
burmad -ka: (magac, lab, keli) gurmasho gelid; cidh dhib haysato u ciidamid. Burmadkii ma idin soo gaadhay. Dh: birmad, gurmad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burqad
m.l la-mid: burqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burqad
-ka: (magac, lab, keli) butaacid xoog ah oo meel ka soo baxda. Burqadka biyaha jooji. Dh: burqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darsad
(Darsad-ka)
Darsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darsad
m.l la-mid: tarsad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darsad
vl. n. act of scooping up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darsad
-ka: (magac, lab, keli) fandhaal, malqaacad, qude iyo wixii la mid ah, wax meel ku jira, in kaga qaadasho. Dh: qaadasho.
darsad -ka: (magac, lab, keli) wax horay loo haystay oo muddo laga maqnaa u baahasho oo heliddiisa u hiloobid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darsad
de: act of scooping up
lx: darsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: darsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dugsad
(Dugsad-ka)
Dugsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dugsad
m.l la-mid: dugsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugsad
-ka: (magac, lab, keli) dhaxan kaga gabbasho oo dugsi ka dhigasho. Dh: dugaalsad, dugsash.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durmad
m.dh (-do, m.l) la-mid: dummad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durmad
-da: (magac, dhedig, keli) birta xakamaha ku xidhan ee faraska afka laga geliyo marka la xakamaynayo. Doogna waa ka nijaasoo, durmaddaanu ku aasnay. Dh: birxakame.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duxsad
m.l la-mid: duxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eersad
(Eersad-ka)
Eersasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eersad
m.l la-mid: eersasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eersad
vl. n. cause, reason
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eersad
-ka: (magac, lab, keli) wax dhacay oo aan wanaagsanayn wax u sababsasho ama u aanayn. Ayaad eersanaysaa, adigaa iska baaqdee. Dh: aanayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eersad
a: eersasho
de: cause, reason
lx: eersad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: eersad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fursad
(Fursad-da)
Kansho, waqti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fursad
m.dh (-do, m.l) 1. Xaalaad ku habboon in wax la qabsado. 2. Waqti wax la qabto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fursad
m.dh (-do, m.l) 1. Xaalaad ku habboon in wax la qabsado. 2. Waqti wax la qabto.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
fursad
chance
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fursad
f. n. chance, opportunity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fursad
-da: (n) opportunity (appartuniti); occasion (okeey-shin); chance (jaans); opening, break ~ munaasabad. Ex: fursad dahab ah; golden opportunity.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fursad
-da: (magac, dhedig, keli) munaasabad faa'iido lagu helayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fursad
de: chance, opportunity
lx: fursad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: fursad
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Medusa
Medhuusa
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
seduta
s.f. - fadhi, shir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sidbad
-ka: (magac, lab, keli) sibiibixad; sinbiriirixasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Surrad
(Surrad-da)
Guriga inta la duubo; duubashi; gogol (raro, kebdo, kd.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surrad
m.dh Alaabta guriga inta duubmi karta sida dermooyinka, rarada, kebdaha iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
surrad
f. n. thatch mats (used for various purposes in rural huts)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Surrad
(magac, dhedig, keli) buurta ugu dheer dhulka Soomaalida. Waxay ardaydii dalxiis u tageen buurta Surrad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surrad
-da: (magac, dhedig, keli) aqalka intiisa duubabka ah sida: cawska, kebdaha, aloolka, iyo wixii la mid ah. Surrad badan reerku malaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
surrad
cf: gogol, kebed ~ kebdo
de: thatch mats (used for various purposes in rural huts)
initial: s
lx: surrad
pd: (-da)
ps: n-f
key: surrad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suurad
(Suurad-da)
1. 114ka qaybood oo Quraanku u qaybsan yahay, qaybtiiba.
2. Muuqaal; tilmaan; qaab; baxaalli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suurad
m.dh 1. Muuqaal ama qaab qof leeyahay. 2. (-do, m.l) 114 qaybood oo quraanku u qaybsamo mid ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suurad
m.dh 1. Muuqaal ama qaab qof leeyahay. 2. (-do, m.l) 114 qaybood oo quraanku u qaybsamo mid ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Suurad
f. n. Sura (any chapter of the Koran's 114 chapters)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suurad
f. n. appearance, aspect, looks
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Suurad
-da: (n) chapter of the Qu'ran; Koranic chapter
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suurad
-da: (n) image (i-meej); picture (pik-jar); appearance (a-piiran-si)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suurad
-da: (magac, dhedig, keli) boqol iyo afar iyo tobanka qaybood ee uu Quraanku u gaybsan yahay, qaybtiiba. Suurad waliba bisin leh Bara bisinla' mooyaane.
suurad -da: (magac, dhedig, keli) muuqaal; tilmaan; qaab.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
suurad
سُورَةٌ (مِنَ الْقُرْآنِ الْكَرِيمِ)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceyrsad
m.l la-mid: cayrsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayrsad
m.l la-mid: dayrsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayrsad
-ka: (magac, lab, keli) eeg dayrsi. dayrsan: (tilmaame) wax dayacan ama la nacay. Wax dayrsan door lama moodo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhufsad
(Dhufsad-ka)
Dhufsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhufsad
m.l la-mid: dhifsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhufsad
-ka: (magac, lab, keli) eeg dhufad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirsad
(Diirsad-ka)
Diirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirsad
m.l la-mid: diirsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirsad
-ka: (magac, lab, keli) wax qaboobay in yar kulaylsasho.
diirsad -ka: (magac, lab, keli) (ku ~) ku farxid oo fal la sameeyey ka ralli noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doorsad
(Doorsad-ka)
Doorsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorsad
m.l la-mid: doorasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doorsad
vl. n. exchange (as of money); healing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorsad
-ka: (magac, lab, keli) shey aad haysatay, wax kale ku beddelasho. Dh: doorsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doorsad
a: doorsasho [vn6-f]
de: exchange (as of money); healing
lx: doorsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: doorsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudsad
m.l la-mid: duudsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duufsad
(Duufsad-ka)
Duufsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duufsad
duufsad: m.l la-mid: duufsasho.
dųufsad: m.l la-mid: dįifsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duufsad
vl. n. blowing one's nose
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duufsad
a: duufsasho
de: blowing one's nose
lx: duufsad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: duufsad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
edebsad
-ka: (magac, lab, keli) dhaqan iyo anshax suubban yeelasho. Inaad edebsataa kuu habboon ina Amiirow e. Dh: edebsasho, edebsi.