ereyga

sebenxumaad

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

sebenxumaad

DHAN

-ka: (magac, lab, keli) xilli abaar iyo roob la'aani jirto. Dh: Sabanxumaad.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

sabanxumaad

DHAFAN

(magac, lab, keli) waqti la tabaalaysnaa, waqti dhib xumi jirtey ama ay jirto. Sabanxumaad saco kama saco hadhaan. Dh: abaar, macaluul. Li: samoloho, berisamaad, barwaaqo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

sabamxumaad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) xilliyada qaarkood oo qofka ku xumaada ama ay abaar ku dhacdo; sabanxumaad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]

benumbed

DHAFANDHAAF
1

(person), n., damad, -ki.

2

benumbed, a., damadsan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]

Seben-ka

DHAFANDHAAF

période.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

habxumaan

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg habxun. la-mid: habxumaansho, habxumi, habxumo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

habxumaan

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) mi qaab iyo hannaan wanaagsan aan lahayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jeeniqaad

DHAFANDHAAF

(fal) salaan oo sacabka gacanta midig u dhiib sacabkiis midig. Sidow jeeni-qaadaa waq baan jaaxid leenahay -e jaahaba miyaan siin karaa intaan guriga uu joogo. Dh: gacan-qaad, salaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

seexaarad

DHAFANDHAAF

m.dh (-do, m.l) la-mid: saxaarad.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

seexaarad

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) santuuq qori ka samaysan oo wax lagu gurto.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

beendabaad

DHAFANDHAAF

m.l Beenlow; beenley. la-mid: beendadaab.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

beendabaad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) qof aad u been badan oo caado beenta ka dhigta. Dh: beenaale.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhegxumaan

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg dhegxun. la-mid: dhegxumaansho, dhegxumi, dhegxumo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhegxumaan

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) magacxumo dadka ku dhex faafta. Dh: magacxumaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

geelxeraad

DHAFANDHAAF

m.l.u Geel loo xerageeyey meel reerka ka fog.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

geelxeraad

DHAFANDHAAF

m. n., [collective] camels that have been taken into pastures far from the encampment for the entire dry season

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

geelxeraad

DHAFANDHAAF
1

de: camels that have been taken into pastures far from the encampment for the entire dry season

2

lx: geelxeraad

3

pd: (-ka)

4

ps: n-m-col

5

key: geelxeraad

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

heerrimaad

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) colaad aad u fogaatay oo aan la is bixin.

2

heerrimaad -da: (magac, dhedig, keli) dad heerrimaadi dhextaal oo isku cadow ah.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

sebenqaaqo

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) noole yar oo walada le'eg oo dabada bulcad ku leh. Dh: bawne.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

seefbacaad

DHAFANDHAAF

m.l (jool.) Nooc ka mid ah bataax bacaad, oo badanaa laga helo saxaaraha, taasoo ka kooban lafo dhaadheer oo af leh oo barbarro la ah dhinaca dabayshu ka soo dhacayso. Dhammaadkana waxa kordha dhererka bacaadka, markaasoo dabaylaha gudbani ay kordhiyaan dhererkeeda iyo ballaadhkeeda.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

seefbacaad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah bataax bacaad, oo badanaa laga helo saxaaraha, taasoo ka kooban lafo dhaadheer oo af leh oo barbarro la ah dhinaca dabayshu ka soo dhacayso. Dhammaadkana waxa kordha dhererka bacaadka, markaasoo dabaylaha gudbani ay kordhiyaan dhererkeeda iyo ballaadhkeeda.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xeroxumaan

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) xerada oo salabaha laga daayo oo digadu ku qoydo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

aqoonxumaan

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg aqoonxun. la-mid: aqoonxumaansho, aqoonxumi, aqoonxumo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

aqoonxumaan

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) cilmila'aan; garashadarro.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ayaanxumaan

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg ayaanxun. la-mid: ayaanxumaansho, ayaanxumi, ayaanxumo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ayaanxumaan

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) nasiibxumi iyo ayaandarnaan.

waa la naqliyay ✓