sebbene
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sebbène
cong. - inkasta.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ebbène
cong. - haddaba.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ébène
ébène, n.m. - geed adag oo madaw oo laga helo Afrika.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seben
(Seben-ka)
Semen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seben
m.l la-mid: saman.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seben
m. n. time, period, era
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
seben
-ka: (n) time (taaym); epoch (epek); particular period of time or a season ~ sabaan, wakhti, samaan, seman, waa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seben
-ka: (magac, lab, keli) waqti ama sannad. Dh: saban, sano, gu', goor.
seben -ta: (magac, dhedig, keli) qori qarxa oo baabuurta iyo kaaraha lagu gubo. Dh: baasuuke, saban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
seben
a: sabaan ~ samaan ~ saman ~ semen
bw: Arabic
de: time, period, era
initial: s
lx: seben
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: seben
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabbee
f.mg2 (-beeyay, -baysay) Biyo, hawo iyo wixi lamida dul heehaabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sabbee
f.mg2 (-beeyay, -baysay) Biyo, hawo iyo wixi lamida dul heehaabid. m.f.dh, sabbayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sabbee
v. float
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sabbee
-yey / sabbysay: (v) float (fa-lowt)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sabbee
de: float
initial: s
lx: sabbee
pd: (sabbeeyey)
ps: v2b=
key: sabbee
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
serene
/sariin/ (adj) xasiloon oo nabad ah siiba cimilada degan).
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sentence
Weedh
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sentence
/sentans/ (n) 1. jumlad (weedh) 2. xukumid (dambi ku xukumid).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Sentence
Xukun, gar
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sentence
sentence, n.f. - xukun maxkamadeed
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
sentence
n., (judgment) arin, -ti, gar, -ti.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sequence
Susun
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sequence
/siikwans/ (n) 1. isku-xigxiga (isku-xiriirsan) 2. nidaam isku-xig ah (nidaamsan).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
séquence
séquence, n.f. - isku xigxiga; is daba-jooga; isku xiriirsan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sergènte
s.m. - laba ama saddex alifle.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
serpènte
s.m. - mas, halaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shibbane
(Shibbana-ha)
1. Xaraf aan keligi lagu dhawaaqi karin; waxaa la maqli karaa kolka shaqal weheliyo; xaraf kasta oo aan shaqal ahayn.
2. Aammusane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shibbane
m.l (-nayaal, m.l/dh) (naxwe) Xaraf aan kaligii lagu dhawaaqi karin in shaqal lagu daro ma ahee; waxaa la maqli karaa kolka uu shaqal weheliyo. Tusaale: “b(a), t(a), j(a) iyo wixi lamida”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shibbane
m.l (-nayaal, m.l/dh) (naxwe) Xaraf aan kaligii lagu dhawaaqi karin in shaqal lagu daro ma ahee; waxaa la maqli karaa kolka uu shaqal weheliyo. Tusaale: b(a), t(a), j(a) iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shibbane
m. n. silent person, quiet thing
shibbane m. n. consonant {grammar} b, c, d, dh, f (etc.)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shibbane
nickname; name-m silent, mum, not talking, quite
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shibbane
-shibbanaha: (n) [plural shibbanayaal -sha] 1. a consonant (kon-se-nant); [as distinct from a vowel] a letter such as b, kh, 1, m... 2. one who does not speak
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shibbane
-ha: (magac, lab, keli) alifba'da farta inta neg oo aamusan oo aan keli ahaan loogu dhawaaqi karin, midkood; shibbanaha waxa codkiisa haga ku xidhiidhinta shaqalka oo marba docda uu ka raaco ama caynta uu yahay ku hoggaamiya ku codayntiisa; waxa ka mid ah shibbanayaasha far Soomaaliga: b, c, d, f, g iyo wixii la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suubbane
m.l Magacyada Soomaalidu Nabi Maxamed (N.K.H.A.) u taqaan mid kamid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suubbane
m.l Magacyada Soomaalidu Nabi Maxamed (N.K.H.A.) u taqaan mid kamid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Suubbane
m. n. Good One, the Just One (one of the names of the Prophet)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Suubbane
name-m good, nice; fair, righteous. Syn: Suubban
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Suubbane
magac loo baxsho wiil looga jeedo toosane oo aan qalad iyo xadgudub lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suubbane
-ha: (magac, lab, keli) hagaagsane: wanaagsane. Suubbane nebigeenni Maxamed SCW.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Suubbane
bw: Arabic
de: Good One, the Just One (one of the names of the Prophet)
initial: s
lx: Suubbane
pd: (/ha)
ps: n0-m
key: Suubbane
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bène
avv. fiican, hagaag, wanaag.
s.m. - wanaag; (beni: hanti).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seen
seen¹: m.l 1. Kabaha la tolay jaanta ugu horraysa ee qofka cagtiisa lagu cabbiro. 2. S. ah: koombo iyo wixi lamida oo waxa ku jiraa afka la siman yihiin.
seen²: f.g1 (-eemay, -eentay; -eemi) 1. Cayaar carruureed qof, wax la taabtay noqosho. 2. Madax, wax timaha laga xiiray noqosho. 3. Dhir laamaheeda la simay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
seen
f.g1 (-eemay, -eentay; -eemi) 1. Cayaar carruureed qof, wax la taabtay noqosho. 2. Madax, wax timaha laga xiiray noqosho. 3. Dhir laamaheeda la simay ahaansho. m.f.dh, seemid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seen
v. remove the horns of an animal; shave the head of a person
seen [conjunction], vl. pron. how I / we ...; so I / we ...
seen v., neg. condition: you [sg / pl.] / she would not have done (X)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seen
(fal) qof madaxa ka taabo ama neef geesihii ka goo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eebbe
(Eebba-ha)
Kan wax walba abuura oo u taliya oo weligi jirey weligina jiri doona; Ilaah; Rabbi; Guulle; Madhinte; Weyne; Baahilaawe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eebbe
m.l Sarreeyaha awoodda leh oo wax kasta abuura oo weligiis jirey, jirina doona; Ilaah; Rabbi, Guulle, waaq, madhinte, weyne.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
eebbe
m.l Sarreeyaha awoodda leh oo wax kasta abuura oo weligiis jirey, jirina doona; Ilaah; Rabbi, Guulle, waaq, madhinte, weyne.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Eebbe
m. n. / name: God
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Eebbe
-Eebbaha: (n) God (gaadh); creator Rabbi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Eebbe
mid ka mid ah magacda Ilaahay; kan wax walba abuura oo u taliya oo weligii soo jirey haddana jira, weligiina sii jiri doona. Eebboow mahaddaa. Dh: Rabbi, Ilaah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Eebbe
bw: Eebbow
de: God
lx: Eebbe
pd: (/ha)
ps: n0-m / name-m
syn: Alla, Daa'in
xv: oh God!
key: Eebbe
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
Eebbe
الله
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
keene
-da: (magac, dhedig, keli) xadhig inta la sooryeeyo oo awrka gafuurka loo sudho oo lagu wado. Keene la'aan awr hoggaan laguma wadi karo. Dh: keeno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leben
(Leben-ta)
1. Caano.
2. Dhoobo si gaar ah loo dubo oo qaabab badan loo yeelyeelo oo sida dhagaxa wax lagu dhiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leben
m.l 1. Dhoobo si gaar ah loo dubo oo qaabab badan loo yeelyeelo oo sida dhagaxa wax lagu dhiso. 2. Caano.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
leben
m.l 1. Dhoobo si gaar ah loo dubo oo qaabab badan loo yeelyeelo oo sida dhagaxa wax lagu dhiso. 2. Caano.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
leben
m. n., (mass n.): milk
leben m. n., [collective] bricks ~ brick (formerly made of camel milk)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
leben
-ka: (n) brick (biriik)-, shingle (shing-gal) ~ laben, bulukeeti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leben
-ka: (magac, lab, keli) dhoobo sida dhagaxa wax lagu dhisto oo si gaar ah loo dubo, qaabab badan na loo yeelyeelo. Dh: jaajuur, laban.
leben-ka: (magac, lab, keli) eeg caano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saben
m.l (-nno, m.dh) la-mid: saman.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
scene
/siin/ (n) 1. meel (siiba goob wax ka dhacaan) 2. dhacdo (sida arin ama dagaal dhacdadiis) 3. fagaare (sida masraxa; madal) 4. muuqaal (aragti dabiici ah, sida buuraha, dhirta iwm) 5. xanaaqid (dagaal kicin).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
scène
scène, n.f. - meesha wax ka dhacaan; heedadow; majaajilo; sharax jil ama qayb kamid ah qof noloshii; dhacdhacid (sida qofka, sikhraansan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seeme
(Seema-ha)
Billaawe weyn oo lagu dagaallamo keliya; golxob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seeme
m.l (-mayaal, m.l/dh) Billaawe weyn oo lagu dagaallamo; golxob.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seeme
m. n. large combat dagger
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeme
-ha: (magac, lab, keli) billaawe weyn oo dagaallanka qudha loo haysto. Seemaha dagaal baa loo sitaa. Dh: billaawe, qolxob, golxad.
seeme -ha: (magac, lab, keli) galka toorreyda la geliyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
seeme
de: large combat dagger
initial: s
lx: seeme
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: seeme
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seere
(Seera-ha)
Dalal isku qabsan oo qarammo kala lee yihiin ama gobollo ama beero, kd., xarriiqda u dhexaysa oo caddaynaysa meesha mid ku dhammaaday midna ka bilaabanayo; soohdin; xudduud; xad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seere
m.l (-rayaal, m.l/dh) 1. Dalal isku qabsan oo dawlado kala leeyihiin ama gobollo, beero iyo wixi lamida xarriiqda u dhexeysa oo caddaynaysa meesha mid ku dhammaado midna ka billaawdo; soohdin; xudduud; xad. 2. Dhul laga xayiro daaq-sinka xilliga doogga ah si loo daaqo jiilaalka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
seere
m.l (-rayaal, m.l/dh) 1. Dalal isku qabsan oo dawlado kala leeyihiin ama gobollo, beero iyo wixi lamida xarriiqda u dhexeysa oo caddaynaysa meesha mid ku dhammaado midna ka billaawdo; soohdin; xudduud; xad. 2. Dhul laga xayiro daaqsinka xilliga doogga ah si loo daaqo jiilaalka.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Seere
National park
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seere
m. n. boundary, limit; area restricted from grazing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
seere
seeraha: (n) enclosed range or land, especially land on which livestock wander and graze
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seere
-ha: (magac, lab, keli) dhul, aag iyo wixii la mid ah oo in muddo ah xooladdaaqidda laga joojiyay. Dh: soohdin, xuduud.
seere -ha: (magac, lab, keli) dalal isku qabsan oo qarammo kala leeyihiin ama gobollo ama beero, iyo wixii la mid ah; xarriiqda u dhexaysa oo caddaynaysa bedka ay cid waliba gaar u leedahay oo u xuduudda ah; soohdin; xuduud; xad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
seere
cf: seer, soohdin; antaro, xad
de: boundary, limit; area restricted from grazing
initial: s
lx: seere
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: seere
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seken
m.l (-nno, m.dh) la-mid: sekan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Semen
(Semen-ka)
Waqti; waa; jeer; goor; (ama saman, seben).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
semen
m.l (-nno, m.dh) la-mid: saman.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Semen
Mani
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
semen
m. n. time, period, era
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
semen
(n) a whitish secretion of the male reproductive organs, the transporting medium for spermatozoa or sperm.
shahwo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
semen
/siiman/ (n) shahwo ~ minada labka.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
semen
-ka: (n) time (taaym); epoch (epek); particular period of time or a season sabaan, wakhti, samaan, seben
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
semen
-ka: (magac, lab, keli) wakhti; waa; jeer; goor; seman: seben; waqti.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
semen
a: saman, seben
de: time, period, era
initial: s
lx: semen
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: semen
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
semen
n., qorudh, -ki, biya bax, -i.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Senen
(Senen-ka)
Sanan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
senen
m.l la-mid: sanan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
senen
m. n., [abstract] superstition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
senen
-ka: (magac, lab, keli) waxyaalo an cilmi iyo aqoon ku dhisnayn oo hadda na maangaabtu ka baqato. Dh: sanan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
senen
a: sanan
de: superstition
initial: s
lx: senen
pd: (-ka)
ps: n0-m-abs
key: senen
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
seven
/sevan/ (n) toddoba. seventeen/sevantiin/ (n) toddoba-iyo-toban.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
seven
num., todoba, -di.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabbee
f.g2 (-beeyay, -baysay) 1. Jawaan, sanduuq iyo wixi lamida suuf, dhar iyo wixi lamida ku cidid. 2. Buntukh dhuunta xabbad u dhigid si ay dhicid diyaar ugu noqoto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cabbee
f.g2 (-beeyay, -baysay) 1. Jawaan, sanduuq iyo wixi lamida suuf, dhar iyo wixi lamida ku cidid. 2. Buntukh dhuunta xabbad u dhigid si ay dhicid diyaar ugu noqoto. m.f.dh, cabbayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabbee
v. fill up, load, charge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabbee
-yay cabbaysay: (v) load (lowdh); stuff (staaf); fill up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbee
(fal) buntukh iyo wax la mid ah, rasaas dhuunta u gee oo ridis u diyaari.
cabbee: (fal) meel ama weel, wax ku gur; buuxi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabbee
de: fill up, load, charge
lx: cabbee
pd: (cabbeeyey)
ps: v2b=
key: cabbee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceebee
f.g2 (-beeyay, -baysay) Wax ceeb u yeelid.