se
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
se
se-
(weligeed erey kale gadaal kaga dhegsan; sida: anigu-se, Warsame-se, mase; illow-se, hase, ...) laakiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
se
xi. Erey kala xiriir fura laba tixood, wuxuuna gadaal uga nudmi karaa xiriiriyaal kale sida “amase”, “laakiinse”, iyo wixi lamida. Tusaale: “Adigu bax aniguse waan joogayaa”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
se
xi. Erey kala xiriir fura laba tixood, wuxuuna gadaal uga nudmi karaa xiriiriyaal kale sida 'amase', 'laakiinse', iyo wixi lamida. Tusaale: Adigu bax aniguse waan joogayaa.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Se
mais.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
se
cong. - haddii.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sé
pron. - is (isaga, iyada, iyaga).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
se
(falkaabe) erey xidhiidhiye ah.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
se
se, pron.pers. reflexif - isaga; marka laga hadlayo qofka sadexaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abxad
(Abxad-da)
Weel laysku aabburo oo wax lagu gurto; sexaarad; santuuq; safad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afjuxuunsi
(Afjuxuunsi-ga)
Qof laga hadal badan yahay, oo inta iintaas u lee yahay lagu haadsado, xaq uu lee yahay lagu seejiyo ama wax uusan yeeleen lagu yeelsiiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ammaan
1. (-) (Ammaan-ka) a) Nabad; nabadgelyo; badbaado; colaad la'aan. b) Kuruska geela meel ka mid ah oo ceeriinka lagu cuno.
2. (Ammaan-ta) a) Ereyo loo bogo oo kulul oo wanaagsan; faan. b) Xoolo madaxda,, lagu muuneeyo; sedo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Antaro
(Antara-da)
Xad; seere; soohdin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ardaa
(Ardaa-ga)
Dhul bannaan oo guryaha ka horreeya oo derbi ama teed ku wareegsan yahay; meel duggaal laga dhigo oo kor ka furan oo la fariisto ama la seexdo ama dano kale lagu qabsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baad
1. (Baad-da) Xoolo qofkii ama dadkii laga adkaado baxsho; sedo (sado); ammaan; canshuur.
2. (Baad-ka) a) Waxa dhulka ka baxa oo nafleyda daaqdaa, cunto; cunno. b) Labada garab oo haadka iyo dayuuraduhu ku duulaan; baal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barkimo
(Barkima-da)
Gal maro ama wax kale ah, oo inta cudbi ama baal ama wax kaloo jilicsan laga buuxsho, kolka la seexana hayo, madaxa hoostiisa la dhigto; (ama barkin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beri
(Beri-ga)
1. Waa; jeer; seben.
2. Afar iyo labaatan saac; dharaar; maalin; casho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beynaad
* (Beynaad-da)
Seef gaaban oo buntukha wehelisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bijaama
* (Bijaama-da, Bijaama-ha)
Iskujoog (surweel iyo gashi) ka samaysan dhar jilicsan, oo guriga gudihiisa lagu qaato ama lagu seexdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bootin
(Bootin-ta)
1. Sid degdeg iyo xoog leh, qof ama wax kale, labo meelood isaga seeraarin, dhul taabad la'aan.
2. Booddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boqon
1. (Boqon-ka) Xarigga, seedda boqonta laga sameeyo, oo qaansada.
2. (Boqon-ta) Seedda ciribta iyo muruqa kubka isu haysa; faysha shanshada iyo dhudhunka isu haysa; fayl.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calaf
1. (Calaf-ka) Dheef xag Ilaah ka qoran: risiq; sed.
2. (Calaf-ta) Kab xun; jaqaaf; jaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canshuur
(Canshuur-ta)
Lacag, boqolkiiba in, hantida laga baxsho oo dowladda la siiyo, danaha guud oo tolka (qaranka) dartood; ammaan; sedo; (ama cashuur).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Curuq
(Curuq-a)
Daal laga garto muruqyada iyo seedaha kolka fadhi lagu raago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabacadde
(Dabacadda-ha)
1. Bahal dhirxagatada kamid ah: wuxuu u eg yahay xoorka, dabada bulkeedana waa cad yahay; (ama dabacaddeeye).
2. Bahal safanta badda la jaad ah, ka se weyn; ganacsi buu galaa oo waa la dhoofiyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabar
(Dabar-ka)
1. Xarig gaaban oo xoolaha addimmada lagaga xiro kolka la lisa hayo (sida lo'da) ama la doona hayo inayan fogaan ama baxsan (sida geela); seeto.
2. Midab cawl ah oo ilkaha ku samaysma.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabbaal
1. (Dabbaal-ka) a) (xoolo, kd.) dib u soo rogid; celin; waabin. b) Qof aan caqli badnayn: nacas; doqon; seegseeg.
2. (Dabbaa-sha) Dabaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabran
Dabar ku xiran yahay; seetaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabrid
(Dabrid-da)
Dabar ku xirid; seetayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-se
de: but, and; how about? Contrasts previous clause
lx: -se
ps: conj-suf
xe: My name is Ali, how about yours?
xv: Magacaygu waa Cali, kaaguse?
key: -se
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
osé
osé, adj. - samayn kara; fali kara; ka suuro gali karto.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sea
Bad
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sea
/sii/ (n) bad.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
sea
n., bad, -di.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sec
sec, adj. - aan qoyanayn; la qalajiyey; la engejiyey; qallajin; engejin; gallalan ama engegan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sed
(Sed-ka)
1. Wax la wadaago qaybta qof waliba gooni uga hela hayo.
2. (cunno) qayb go'an oo dowlad (ama maamul kale) cid ku masruufto; (ama sad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sed
m.l (-dad, m.l) Qayb cunto ah oo Ilaah nafley calaf uga dhigo. la-mid: sad¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sed
m.l (-dad, m.l) Qayb cunto ah oo Ilaah nafley calaf uga dhigo. la-mid: sad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sed
m. n. share, allotted portion, allotment; provisions
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sed
-ka: (n) 1. fate (feyt); luck (lak) ~ calaf, sad. 2. share (sheer); dividend (di-vi-dhend) ~ sad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sed
-ka: (magac, lab, keli) 'cunto' qayb go'an oo maammul ama dawladi cid ku masruufto. Sed ku filan dadka lama siinin. Dh: sad.
sed -ka: (magac, lab, keli) wax la wadaago, qaybta uu qof waliba goonni uga helo. Dh: saami, sad, qurus, calaf, kimis, qayb.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sed
a: sad
bw: Arabic
de: share, allotted portion, allotment; [pl] provisions
initial: s
lx: sed
pd: (-ka Pl: sedad (ka))
ps: n4-m
key: sed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
see
fk.we la-mid: sidee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
see
question word: how?
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
see
/sii/ (v) 1. fiirin (arkid) (n) 2. fiiro (arag).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
see
(adv) how (haaw); in what manner or way ~ sidee. Ex: see baad u rabtaa? how do you want this?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
see
(falkaabe) erey su'aaleed u dhigma: side? Waar see leedahay?
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
see
v.tr., arag, eeg, day, dugo, jedaali; let him see, daa ha arkee.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sèi
agg. - lix.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sel
sel, n.m. - milix
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ses
ses, adj. poss. - waxeeda; wixiisa; kiisa
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Set
Urur
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
set
nidaam, diyaargarow
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
set
/set/ (v) 1. diyaarin (isku-nidaamin si diyaar looga dhigo) 2. meel-dhigid (meelayn) 3. gooyn (xad u gooyn, sida sicir gooynta iwm); go'an 4. dhicista cad-ceedda 5. bilaabid (daarid) 6. isku-hagaajin (isku- toosin) (n) 7. xirmo qalab ah ama wax la mid ah.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Set
Koox
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
set
v.tr., dhig, saar, ku deji; set in order, hagaaji, wanaaji; set a fine, qasir; set a price, qiimad ku sheeg; set on shore, deji, rog; set aside, gees u dhig; set pen to paper, set down, qor, warqadda ku dhig; set the house on fire, aqalka dab geli; he cannot set one foot before another, socon kari maayo; set a time, ballan; set the bone, lafta toosi; set abroad, ogaysii; he had my mind set against you, isagu waa igu kaa cadaysi; set apart, gooni u dhig; set aside, daq, doqo; set at work, shaqaysii; set away, la tag;
set forward, horo u kaxay, horo u riix, horo u wad; set on, saar; (fix) dhab, cas; (fall below the horizon) v.i., the sun sets, qoraxdu waa dhacaysa; set out, bax; set upside down, rog; be set upside down, rogan, rogmo; a., saaran.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sew
/sow/ (v) tolid (tolis).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
sew
v.tr., tol; sew slowly, gatanur; sew the sandal ties, yeel.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sex
Jinsi
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
sex
(n) the condition or character of being male or female; the physiological, functional, and psychological differences that distinguish the male and the female; sexual intercourse.
galmo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sex
/seks/ (n) 1. jinsi (labood ama dheddig jaadka uu yahay qof ama noole kale) 2. galmo ~ wasmo (isu-taga labka iyo dheddiga).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sey
conj., vl. pron. the way she; how she ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sey
see [eeg] say
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
she
/shii/ (pron) ayada (magac-u-yaal dheddiga loo adeegsado).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
she
pers. prn. (see Grammar).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sue
/suu/ (v) dacwayn (maxkamad la korid).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
use
/yuus/ (n) 1. isticmaal (adeegsi) (v) 2. isticmaalid (adeegsasho).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
usé
usé, adj. - qashin; dayacid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
use
n., waxtar, -ki; be of use, wax tar; of no use, ma taro.