scudo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
scudo
s.m. - gaashaan.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
scud
v.i., (run away) carar.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
scuro
agg. - madow, mugdi.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
oscuro
agg. - mugdi ah, dahsoon, aan la garanayn.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
psèudo
pref. - hor kabe tilmaama beenaad.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sicuro
agg. - la hubo; badbaadsan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
studio
s.m. - barasho (-da).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
studio
studio, n.m. - aqal yar
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
cud
n., (of ruminants) calalnaqsi, -gi, calyacelis, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sud
m.dh 1. Waddo yar oo dhex marta geedo bahalla galeen ah. 2. Dhul dhir dhaadheer oo ciriiri ah leh oo aan la geli karin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sud
Sudd
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sud
s.m. - koonfur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sud
-da: (magac, dhedig, keli) buur soo oodan co aan waddo lahayn.
sud-da: (magac, dhedig, keli) meel sare dhulka uga yara kacsan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sud
sud, n.m. - koonfur (jiho)
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
suo
agg. e pron. - kiisa; (sua: teeda).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
udo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Saxaro. 2. Cudur geela dhabxanagga kaga dhaca.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udo
-da: (magac, dhedig, keli) saxarada dadka. Ka bi'i udaha qofka buka. Dh: xaar.
udo -da: (magac, dhedig, keli) xanuun geelu ka qaado dhirta dacawadu ku kaadiday markuu daaqo.
udo-ha: (magac, lab, keli) saxarada dadka. Ka bil udaha qofka buka. Dh: xaar, sindho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Budo
(Buda-da)
Iniino badar ama wax kale oo inta aad loo tumo laga dhigo bito ama habaas aan jiriir lahayn; budul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
budo
m.dh Wax aad loo daqiiqay oo bito laga dhigay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
budo
m.dh Wax aad loo daqiiqay oo bito laga dhigay.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Budo
Powder
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
budo
f. n., (mass n.): flour, powder
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
budo
-budada: (n) powder (pawdher) ~ boodhar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
budo
-da: (magacwadareed) adkaha marka la ridgo sida uu noqdo ee daqiiqda ah. Shuurada waxa laga sameeyaa budo arabikhiyeed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
budo
de: flour, powder
lx: budo
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
key: budo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cado
-ha: (magacwadareed) hilbo googa'an oo aan badnayn oo la isku keeno. Wallee culimo sheekheed wataan cado la siin waayin. Cado keliya waataan ka dhigay currubtii reerkaase. Dh: hilbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
codo
f.g3 (-otay, -odatay) Wax si xushmad iyo qaddarin leh u weyddiisasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
codo
f.g3 (-otay, -odatay) Wax si xushmad iyo qaddarin leh u weyddiisasho. m.f.dh, codasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
codo
v. request, ask for something, appeal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
codo
(fal) wax weydiiso; wax aad u baahan tahay cid kale ka dalab. Dh: weydiiso, codso. codsad -ka: (magac, lab, keli) cid kale, wax weydiisad; codsi gudbisasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
codo
a: codso
de: request, ask for s.t., appeal With preposition ka
lx: codo
pd: (cotay / codatay)
ps: v3b=
key: codo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cubo
f.g3 (-btay, -batay) Ciyaar qofka ugu habboon xulasho. la-mid: cugo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
cubo
s.m. - saddex jibaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cudh
(fal) kaadi, mantag iyo wax la mid ah, afka hore soo joogso. Matag baa i soo cudhay markaan, ciirtii fuuqsadaye.
cudh-ka: (magac, lab, keli) inta hore ee wax dhuun leh, sida bunduq iyo wixii la mid ah. Dh: cur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cugo
f.g3 (-gtay, -gatay) la-mid: cubo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cugo
(fal) qof kale la cubtan oo ciyaartoydaada xulo.
cugo: (fal) weel caano lagu maalo ama lagu shubto, gori dab iyo qiiq leh ku xurbi si aad u nadiifiso. Sacaagii xay wuu dhalee, dhiilaha u cugo. Dh: culo, hogayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curo
f.mg3 (-rtay, -ratay) 1. Dad ama xoolo ilmihii ugu horreeyey dhalid. 2. Cir, di'id billaabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
curo
f.mg3 (-rtay, -ratay) 1. Dad ama xoolo ilmihii ugu horreeyey dhalid. 2. Cir, di'id billaabid. m.f.dh, curasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
curo
v. become initiated; be created; give birth for the time; be born; start raining
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
curo
-curtay I curatay: (v) have a first child or baby
curo -curtay / curatay: (v) start raining. Ex: Gu 'gii baa curtay; the raining season has started
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curo
(fal) roob, darroor oo da'. Dh: darroor. Li: qaad.
curo: (fal) ilmihii u horreeyay dhal.
curo: (fal) bil cusub, soo bax. Dh: bilo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
curo
de: become initiated; be created; give birth for the first time; be born; start raining
lx: curo
pd: (curtay)
ps: v3b=
key: curo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gudo
(Guda-ha)
Weel ama guri ama ceel ama wax la mid ah dhexdiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudo
gudo¹: m.l.fk Wax mug leh dhexdiisa.
gudo²: f.g3 (-dday, -datay) 1. Waajib oofin. 2. Wax cid lagu lahaa ama laga tirsanayey ka goosasho. 3. Caruur buuryo ka goyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gudo
gudo¹: m.l.fk Wax mug leh dhexdiisa.
gudo²: f.g3 (-dday, -datay) 1. Waajib oofin. 2. Wax cid lagu lahaa ama laga tirsanayey ka goosasho. 3. Caruur buuryo ka goyn. m.f.dh, gudasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gudo
m. n., loc. inside, inner, interior; local
gudo v. meet, fulfill ~ discharge one's duties and obligations
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gudo
-ha I gudaha: (n) 1. inside (insaaydh); indoors (indhooris), inner area (inar eeriya) ~ daakhil. Ex: gudaha ha soo galinin; don't let him inside. 2. (n) local (lookal). Ex: arrimaha gudaha; local affairs
gudo -gutay / gudatay: (n) carry out [an order, duty or obligation, for example]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gudo
(fal) hawl laguu diray, ka soo bax; qabo waajibkaaga. Gudo waajibkaaga had iyo jeer.
gudo -ha: (magac, lab, keli) wixii aan dibadda ahayn. Dh: dhex. Li: dibad.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gudo
داخل
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hudo
f.g3 (-oday, -otay) Dhar dillacsan tolasho.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Judo
Juudo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mudo
mudo: f.g3 (-utay, -udatay) 1. Abaalgud istaahilid. 2. Cid u baahasho.
mųdo: f.g3 (-ųtay, -ųdatay) Wax meel ku turqasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mudo
mųdo: f.g3 (-ųtay, -ųdatay) Wax meel ku turqasho. m.f.dh, mųdasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mudo
v. deserve, merit, be worthy of
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudo
(fal) baahiyi ha kuu geyso; Alle ha ku bado. Haddii ad awr kale weyday awrkaaga garboole mudo.
mudo: (fal) turqo oo iska irbad ugu duro. Dibiga mudo oo fiinyada ku xidho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mudo
de: deserve, merit, be worthy of
lx: mudo
nt: mudasho (/da) [vn-f]
pd: (mutay / mudatay)
ps: v3b=tr
key: mudo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
nudo
agg. - qaawan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sado
° (Sada-da)
Sedo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sado
m.dh Canshuur la siiyo boqorrada. la-mid: sedo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sado
f. n. praise, tribute
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Sado
magac loo baxsho gabadh nasiib iyo liibaan ku dhalatay ama xilli barwaaqo horseedday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sado
-da: (magac, dhedig, keli) nimco; barwaaqe: guul. Sado Eebbe ku siiyay saacad layska ma qaado. Dh: barwaaqo. Li: saranseer.
sado -da: (magac, dhedig, keli) deeq ama hadiyad la siiyo boqor ama cid madax ah.
sado -da: (magac, dhedig, keli) suldad ama awood iyo xukun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sado
a: sedo
de: praise, tribute
initial: s
lx: sado
pd: (/da)
ps: n6-f
key: sado
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
scum
/skam/ (n) 1. xumbo-wasakhaysan (xoorta dareeraha dusha ka fuusha, siiba midda wasakhda leh) 2. dad xun (akhasu-naas).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sedo
(Seda-da)
Ammaan; (ama sado).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sedo
m.dh (-ooyin, m.l) la-mid: sado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sedo
f. n. praise
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sedo
-da: (magac, dhedig, keli) ammaan; sado.
sedo -da: (magac, dhedig, keli) xoolo la silyo madaxda. Dh: sareedo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sedo
de: praise
initial: s
lx: sedo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: sado
key: sedo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sido
f.g3 (sitay, sidatay) 1. Wax qaadasho. 2. Wax xirasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sido
f.g3 (-itay, -idatay) 1. Wax qaadasho. 2. Wax xirasho. m.f.dh, sidasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sido
v. wear, have for oneself; carry on one's person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sido
sitay/sidatay: (v) carry (keeri); bear (beer) qaad. Ex: dabarkay ilmihii ku sidatay; she was carrying the baby on her back
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sido
(fal) dhar iyo wax la mid ah, gashanaw.
sido: (fal) wax aad gacanta ku haysato ama aad ku wadato, sil hayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sido
de: wear, have for oneself; carry on one's person
initial: s
lx: sido
pd: (sitay / sidatay)
ps: v3b=tr
xe: I dont have anything expensive.
xv: Wax qaali ah maan sito.
key: sido
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sòdo
agg. - adag.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
spud
/spadh/ (infl)(n) baradho (bataato).
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
stud
taagan (qalalan)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
stud
/stadh/ (n) 1. musbaar (siiba mid sal ballaaran leh) (n) 2. xayawaan lab ah (siiba faras si gaar ah loo koriyo).
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sudd
Sud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sudh
(fal) meel ganto leh wax ka soo laalaadi. Gantada yar ee gurada guriga ku taal sudh dhiisha.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
suds
/sadhz/ (n) xumbada saabuunta (xoorta saabuunta).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sugo
s.m. - sanuunad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suro
f.g3 (-rtay, -ratay) Wax meel ka soo laalaadsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suro
f.g3 (-rtay, -ratay) Wax meel ka soo laalaadsasho. m.f.dh, surasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suro
v. hang something up for oneself
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suro
de: hang s.t. up for oneself
initial: s
lx: suro
pd: (surtay)
ps: v3b=tr
key: suro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suud
(Suud-da)
Ciidda qaarkeed midabka ay dharka u yeesho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suud
m.dh 1. Wasaq badanaa isugu jirta maduul iyo dufan oo dharka iyo jirka dadku yeeshaan. 2. Naqa ugu horreeya ee roob soo saaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suud
f. n. stain on cloth from dust ~ grease
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suud
-ka: (n) suit (suut); business suit or leisure suit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suud
-da: (magac, dhedig, keli) ciidda qaarkeed midabka ay dharka u yeesho.
suud -da: (magac, dhedig, keli) midab ay ciiddu dharka u yeesho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suud
de: stain on cloth from dust ~ grease (usually reddish)
initial: s
lx: suud
pd: (-da)
ps: n-f
key: suud
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
àcido
agg. - dhanaan. s.m. asid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
acuto
agg. - dhuuban; xagal 90° ka yar.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
crudo
agg. - ceerin ah, qeeriin ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuddo
m.dh la-mid: ciddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuqdo
m.dh la-mid: cuqdad².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cuqdo
-cuqdada: (n) paranoid (paara nooyd) ~ see [eeg] also cuqdad