scalo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
scalo
s.m. - hakad (markab ama dayuurad).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
scalzo
agg. - kabo la'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saalo
(Saala-da)
Saxaro engegan oo iniino ah oo xoolaha iyo nafleyda kale qaarkeed dhigaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saalo
m.dh Saxaro kuuskuusan oo geela, ariga iyo ugaarta qaarkeed dhigaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saalo
f. n., (mass n.): dung (of animals)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saalo
-saalada: (n) dung (doong); manure (ma-nuur); muck (mak) ~ digo
saalo -saalada: (n) salon (sa-luun); a room or hall for receptions ~ qolka soo dhaweynta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saalo
-da: (magac, dhedig, keli) xaar adag oo malmalaasan oo adhiga, geela iyo ugaadha lagu yaqaanno. Saalo geel baa surinkan daadsan. Dh: digo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saalo
cf: digo, saxaro, xaar
de: dung (of animals)
initial: s
lx: saalo
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
key: saalo
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Scala
Jaranjaro, sallaan
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
scala
s.f. - jaranjàro, sallaan.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
scald
(v) to bum with or as if with hot liquid or steam
gubasho
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
scald
/skooldh/ (v) 1. biyo ku gubasho (dareere ku gubasho) 2. karin (kululayn).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
scald
n., (burning) gubniin, -ti; scald head, madax caday.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Scale
Iskeel
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
scale
qiyaas
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
scale
Qiyaas
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Scale
Jidhif
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
scale
(n) a dry, thin flake of shedding skin.
qolof
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
scale
/skeyl/ (n) 1. miisaan (kafado) 2. cabbir (qiyaas-cabbireed; qiyaas ka qaadasho) 3. maqaarka kalluunka, ama maska. (v) 4. tafid (fuulid) 5. kordhin ama dhimid, qaririd (siiba xad go'an).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Scale
Darajo
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
scale
n., (balance) miisaan, -ki.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
scalp
(n) the skin covering the top of the human head.
maqaarka ku dahaadhan madaxa dadka
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
scalp
/skaalp/ (n) madaxa (basadda); maqaarka basada.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
scalp
scalp, n.m. - madaxa intiisa kale marka laga reebo wejiga, ama inta timaha leh.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
scaly
/skeyli/ scaliness; (adj) maqaar leh (harag saaran yahay).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
scavo
s.m. - qoditaan, god.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
scalino
s.m. - xatabad, xatab.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
scaltro
agg. - basarrow ah, dhagarrow ah.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
scàpolo
agg. e s.m. doob (ah), soolane.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
escale
escale, n.f. - meelaha dayuuraduhu ku hakadaan si ay bansiin uga qataan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gacalo
(Gacala-da)
1. Jacaylka la isu qabo.
2. Qof dumar ah oo la jecel yahay; gacaliso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacalo
m.dh la-mid: Gacaliso; gacaltooyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gacalo
f. n., [abstract] love, affection between relatives
gacalo: [feminine] n. beloved female relative
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gacalo
- gacalada: (expression) honey (hani); dear (dhiyar); sweetheart, an expression of affection [for women only]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacalo
-da: (magac, dhedig, keli) erey loogu dhawaaqo qof dumar ah oo la jecelahay; erey dabacsan oo ruux dumar ah oo la jecel yahay loogu yeedho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saalbo
-da: (magac, dhedig, keli) xabbado wada socda oo hal mar ka baxa qori afkii. Labo saalbo ayaa cadawgii nagu soo riday markii aannu is waajahnay.
saalbo -da: (magac, dhedig, keli) hormo xoolo ah oo kol la soo daayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaloo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Geel, ari iyo ugaarta qaarkeed saalo dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saaloo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Geel, ari iyo ugaarta qaarkeed saalo dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaloo
(fal) saalo dhig.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
scacco
(scacchi) s.m. - shadhranji.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Scalar
Foolwaa
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Scalar
Foolwaa
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Scalds
Qoyaangubad
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Scales
Qiyaaskoob
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
scampo
s.m. - fakasho (da), caymasho (da), baxsasho (da).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
scarso
agg. - gabaabsi ah, yaraaday.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
scarto
s.m. - wax la qubay ama la tuuray.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
scatto
s.m. - booddo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sècolo
s.m. - qarni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shalfo
(Shalfa-da)
(geel) tagoogta afkeeda iyo shafka oo isxoqa oo meeshu nabar noqoto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shalfo
m.dh Nabar ku samaysma tagoogta geela afkeeda kore marka shafku xoqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shalfo
f. n. abrasion on camel's underside caused by scratching itself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shalfo
-da: (magac, dhedig, keli) 'geel' nabar ka dhasha tagoogta afkeeda iyo shafka oo isxoqa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shalfo
de: abrasion on camel's underside caused by scratching itself
initial: s
lx: shalfo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: shalfo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shallo
f. n. comb
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shallo
-shallada: (n) comb (koomb) ~ shanlo, saqaf
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shallo
de: comb
initial: s
lx: shallo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: shanlo
key: shallo
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Shalow
Talus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shalow
-ga: (magac, lab, keli) meesha jarka ah ee quluusha ah. Shalow ayay ka lulataa haantaasi. Dh: jar, Li: banaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shalwo
f.mg3 (-waday, -watay) Ku sh.: meel hoos u dheer oo ciriiri ah ku dhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shalwo
(fal) sida shalawga meel sare ka soo dhac: meel hoobad ah iska soo shalwi.
shalwo: (ereycodeed) dhawaaq fardaha loogu yeedhyeedho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanlo
m.dh (-ooyin, m.l) Qalab caag, bir ama qori ka samaysan oo meel la qabsado iyo ilko dhaadheer oo isu dhawdhaw leh oo timaha lagu feerto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shanlo
m.dh (-ooyin, m.l) Qalab caag, bir ama qori ka samaysan oo meel la qabsado iyo ilko dhaadheer oo isu dhawdhaw leh oo timaha lagu feerto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shanlo
f. n. comb
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shanlo
-shanlada: (n) comb (koom)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanlo
-da: (magac, dhedig, keli) saqaf; gadhfeedh; garfeer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shanlo
de: comb
initial: s
lx: shanlo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: garfeer, saqaf
key: shanlo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shanlo
ممشط، مشط، مُشط
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
smalto
s.m. - dheeh.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
escalope
escalope, n, f. - cad yar oo hilibka aalada ah.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
scandalo
s.m. - fadeexo, fadeexeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cal
(Cal-ka, Ca-sha)
1. Buur weyn oo dhagax ah; qar weyn.
2. Dhagax; shiid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cal
cal¹: m.l Baadiye jiq ah.
cal²: m.dh (-lo, m.l) 1. Buur aad u dheer. 2. Buur taxane ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cal
cal¹: m.l Baadiye jiq ah.
cal²: m.dh (-lo, m.l) 1. Buur aad u dheer. 2. Buur taxane ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cal
f. n./m: rocky mountain; stone, rock
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cal
-ka: (magac, lab, keli) dhagax cad. Dhul uu cal ka buuxo ayaan soo maray. Dh: dhagaxshiil.
cal-sha: (magac, dhedig, keli) buur weyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cal
de: rocky mountain; stone, rock
lx: cal
pd: (-ka ~ /sha)
ps: n1-f/m
key: cal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sal
(Sal-ka)
1. Jirridda wax lee yihiin; gun.
2. Kolka la fadhiyo kobta dhulka la dhigo; bari.
3. Fadhi; saldhig, xasil; degganaan.
4. Meel la isugu soo hagaago; guurguurid iyo is bedbeddel la'aan; hal'adayg; mabda'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sal
sal¹: m.l (-lal, m.l) 1. Jirrid, gun. 2. Marka la fadhiyo meesha dhulka la dhigo, bari.
sal²: m.l (-lal, m.l) 1. (naxwe) Qaybta ereyga ee aan laga sii yarayn karin, kaddib marka laga gooyo dibkabayaasha, dhammaadyada iyo wixi lamida waa qaybta xambaarsan micnaha aasaasiga ah ee ereyga (tus.: cun, fur, bar). 2. (xisaab) Dhinaca hoose ee shaxan sallax ah ama wejiga hoose ee shaxan adke ah.
sal³: f.g1 (-alay, -ashay) 1. Hilib saafid. 2. Biyo ku oon beelid. la-mid: sol.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sal
sal¹: m.l (-lal, m.l) 1. Jirrid, gun. 2. Marka la fadhiyo meesha dhulka la dhigo, bari.
sal²: m.l (-lal, m.l) 1. (naxwe) Qaybta ereyga ee aan laga sii yarayn karin, kaddib marka laga gooyo dibkabayaasha, dhammaadyada iyo wixi lamida waa qaybta xambaarsan micnaha aasaasiga ah ee ereyga (Tusaale: cun, fur, bar). 2. (xisaab) Dhinaca hoose ee shaxan sallax ah ama wejiga hoose ee shaxan adke ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sal
Base
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sal
Base
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sal
m. n. base, foundation, background; bottom; buttocks, hindside; root {grammar}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sal
-ka: (n) 1. base (beeys); basis (beeys is); foundation (faawn-deey-shin) ~ aasaas-ka. 2. bottom (badhamf ass (aas); butt (bat) ~ dabo. Ex: qoriga salkiisa; the butt of a rifle. —sal guur -ay / tay: (v) become extinct (ekis-tingt)-, go away forever
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sal
-ka: (magac, lab, keli) qaybta uu shey ama qof ku fadhiisto; kolka la fadhiyo halka dhulka la dhigo. In halkii sal hayn waayda laga sabarogtaa door ah. Dh: badhi, bari.
sal -ka: (magac, lab, keli) wax jirriddii, halka wax ku fadhiyo. Sal iyo baar geedkii waa la cunay. Dh: gun. Li: baar.
sal -ka: (magac, lab, keli) fadhi; saldhig.
sal -ka: (magac, lab, keli) meel la isugu soo hagaago; guurid iyo isbedbeddel la'aan; hal'adayg; mabda'. Sal loogu hagaago ma leh wiilku.
sal -ka: (magac, lab, keli) halka weelku ku fadhiisto. Xeedhada salka dhukha u dhig. Dh: daar, gun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sal
de: base, foundation, background; bottom; buttocks, hindside; [ext.] root {grammar}
initial: s
lx: sal
pd: (-ka Pl: salal (ka))
ps: n4-m
key: sal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aalo
(Aala-da)
Qaalmaha yaryar oo lo'da.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aalo
m.dh.u Lo'da inteeda aan weli gaarin da'dii ay rimi ama wax rimin lahayd.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aalo
f. n., [collective] heifer, young female cattle; heifers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalo
(fal) eed oo ka naasnaasi; ka shallaytan. Kibirka daa haddii kale eed oo aalo. Dh: eerso, naasnaasi, qoomamee, eed, shallaytee. Li: mahadi.
aalo-da: (magacwadareed) qaalmaha yaryar ee laba jirsada, gaadhay na xilligii caanaha laga gudhin lahaa. Dh: aaran, dhal, eelo.
aalo -ha: (magac, lab, keli) eeg aale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aalo
cf: qaalin ~ qaalmo
de: heifer, young female cattle; heifers
lx: aalo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: aalo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabo
(Caba-da)
1. (Weel) Dhadhan la kahdo, sida kan biyuhu yeeshaan kolka weel caanood lagu soo dhaansho.
2. Weelka jaadkaas ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabo
cabo¹: m.dh Biyo, weel caanood lagu shubay oo yeeshay dhadhan la karhado.
cabo²: f.mg3 (-btay, -batay) Erayo calaacal ah dhihid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cabo
f.mg3 (-btay, -batay) Ereyo calaacal ah dhihid. m.f.dh, cabasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabo
v. complain, reproach
cabo [feminine] n., [collective] sour smell in an unrinsed milk container
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabo
cabtay/cabatay: (v) complain (kom-palayn); complain against ~ cawday
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabo
(fal) dhib qof ku gaadhsiiyay cid kale kaga ashtakoo; eed sheego. Dh: ashtakee, ashkatee.
cabo -da: (magac, dhedig, keli) biyuhu urta iyo dhadhanka ay yeeshaan, marka haanta caanaha lagu dhaansado. Dh: caancaanni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cado
-ha: (magacwadareed) hilbo googa'an oo aan badnayn oo la isku keeno. Wallee culimo sheekheed wataan cado la siin waayin. Cado keliya waataan ka dhigay currubtii reerkaase. Dh: hilbo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cago
-cagaha: (n) [plural of cag-ta] feet (flit)