sayncaddaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sayncaddaa
m.l Nin da' weyn oo waaya-arag ah. la-mid: sayncadde.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sayncaddaa
(tilmaame) mid soo jireen ama waayo arag ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sayncaddaadi
-ga: (magac, lab, keli) nin weyn oo cirro leh. Sayncaddaadi sebi lama ciyaaro. Dh: oday. Li: sebi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sayncadde
m.l (-dayaal, m.l/dh) la-mid: sayn-caddaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sayncadde
-ha: (magac, lab, keli) qof timuhu caddaadeen.
sayncadde -ha: (magac, lab, keli) gaalka cad. Haddaan sayncaddihii, ka sifaynnay dalkeenna saaka saw farxad maaha. Dh: saancaddaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saancaddaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof nasiib xun (tag xun); bacaw. la-mid: saancad (1).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saancaddaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof nasiib xun (tag xun); bacaw. la-mid: saancad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saancaddaale
-ha: (magac, lab, keli) qof leh saancaddo, qof loo nisbaynayo ayaandarro. Waa saancaddaaleh gaalku oo xerada uu soo dul fadhiisto ma barakawdo. Dh: dabbuur, qumay, afkuleeble.
saancaddaale-ha: (magac, lab, keli) qof jidh cad. Saancadaale waligaa adaa soor la cunijiree sowdkiisa noo garo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laancaddaad
m.l (-dyo, m.dh) Xilli roobkii da'ayey gabaabsaday, geedihiina caddaadeen, irmaankii xoolaadna caana yareeyeen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laancaddaad
-ka: (magac, lab, keli) xilli roobkii da'ayey gabaabsaday, geedihiina caddaadeen, irmaankii xoolaadna caana yareeyeen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sayncad
-ka: (magac, lab, keli) timaha gammaanka iyo shaashka libaaxa. Dh: bulbul.
sayncad: (tilmaame) mid timo ama sayn cad; waayeel.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sanca-da
industrie.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saancadde
m.l 1. Qof cago cad. 2. Qumay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saancaddo
(Saancadda-da)
Ayaandarro; nasiibxumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saancaddo
m.dh Tagxumo; nasiibdarro. la-mid: saancad (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saancaddo
f. n., [abstract] misfortune, bad luck
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saancaddo
-da: (magac, dhedig, keli) ayaandarro; nasiibxumo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saancaddo
de: misfortune, bad luck
initial: s
lx: saancaddo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
syn: ayaandarro, nasiibxumo
key: saancaddo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cagacaddaan
(Cagacaddaan-ta)
Kabo qabid la'aan; kabo la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagacaddaan
m.f.dh eeg cagacad. la-mid: cagacaddaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cagacaddaan
f. n., [abstract] barefootedness, shoelessness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cagacaddaan
-ta: (adj) barefoot (beer-fuut); with nothing on the feet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagacaddaan
-ta: (magac, dhedig, keli) kabo la'aan. Cagacaddaan ayaan ku imid guriga. Dh: cagaag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cagacaddaan
de: barefootedness, shoelessness
lx: cagacaddaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: cagacaddaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaddaa
caaddaa!: (tilmaame) wax buuxa; ladnaan iyo barwaaqo qof haysta; wax dhan. Ninkii Timir wuu xoolaystay oo caaddaa buu marayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saancad
(Saancad-ka)
Saancaddo leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saancad
m.l/dh (-dyo, m.dh) la-mid: saancaddaale; saancaddo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saancad
m.l/dh la-mid: saancaddaale.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saancad
m. n. person who causes misfortune ~ does evil deeds; jinx
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saancad
-ka: (magac, lab, keli) cudurrada jidhka caddeeya. Dh: baras; saancaddaale.
saancad -ka: (magac, lab, keli) wax aan wanaag ku jirin, wax aan khayr lahayn. Dh: belaayo, baas.
saancad-ka: (magac, lab, keli) saancaddo leh, qof ama wax ayaandarro iyo digagubyo loo nisbeeyo. Dh: saancaddo, dabbuur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saancad
bw: Arabic
de: person who causes misfortune ~ does evil deeds; jinx
initial: s
lx: saancad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: saancad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sacabdar
v. applaud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sacabdar
-ka: (magac, lab, keli) inta uu qaado sacabka qofku. Laba sacabdar innooga soo qaad. Dh: cantoobo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sacabdar
de: applaud
initial: s
lx: sacabdar
pd: (sacabdaray)
ps: v1=
key: sacabdar
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sanad-ka
année.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sanco-da
profession, habileté, talent.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sayladay
(fal) saylad ka dhig, saylad goy, suuq gay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saynqaaf
-ka: (magac, lab, keli) dhisme saqafka dusha ka saaran, hagoogga saaran. Dh: saqaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saynsaab
saynsaab¹: m.l (-byo, m.dh) 1. Wax, wax daboola kuna heeran. 2. Isugeynta aqoonta, siyaasadda, xiriirka bulshada, dhaqanka iyo wixi lamida oo u horseedaya dhaqaaluhu in uu kobco.
saynsaab²: f.g1 (-bay, -btay) 1. Wax daboolid. 2. Wax dabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saynsaab
m.l (-byo, m.dh) 1. Wax, wax daboola kuna heeran. 2. Isugeynta aqoonta, siyaasadda, xiriirka bulshada, dhaqanka iyo wixi lamida oo u horseedaya dhaqaaluhu in uu kobco.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saynsaab
m. n. cover, wrap, wrapping
saynsaab v. cover ~ wrap up (with); set a trap for
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Circaddaa
(Circaddaa-ga)
Kolka roobku da'a hayo, oo daruuruhu iyagoo isku tirmay oo isu wada ekaaday, cirka qarshaan oo wada daboolaan, oo jahooyinka la kala aqoon waayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
circaddaa
m.l Roob badan oo muddo dheer da'a; kolkuu roobku da'ayo oo daruuruhu iyagoo isku tirmay oo isu wada ekaaday cirka wada daboolaan oo jahooyinka la kala aqoon waayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
circaddaa
m.l Roob badan oo muddo dheer da'a; kolkuu roobku da'ayo oo daruuruhu iyagoo isku tirmay oo isu wada ekaaday cirka wada daboolaan oo jahooyinka la kala aqoon waayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
circaddaa
m. n., [compound] moonlight; overcast sky, solid cloud cover before rain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
circaddaa
-ga: (magac, lab, keli) kolka roobku da'ayo oo ay daruuruhu cirka qarshaan oo wada daboolaan, oo jahooyinka la kala garanwaayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
circaddaa
cf: cir + cad
de: moonlight; overcast sky, solid cloud cover before rain
lx: circaddaa
pd: (-ga)
ps: n-m-cmp
key: circaddaa
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Saacad-da
:heure ;montre.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saanmadaw
-ga: (magac, lab, keli) wax leh saanmadow.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sabaradda
pince.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sancanaan
(Sancanaan-ta)
Wax wax ku sancan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sancanaan
m.f.dh eeg sancan. la-mid: sancanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sancanaan
f. n., [abstract] blessedness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sancanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax wax u sancan ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sancanaan
de: blessedness
initial: s
lx: sancanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: sancanaan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sancaysan
(adj) fabricated (faab ri keeytidh); manufactured ~ farsameysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sannaadad
-da: (magac, dhedig, keli) daandaansi badnaan. Sannaadaddu waa shuqul magaalo. Dh: kibrad.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sanqadh-a
bruit.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saynwalac
-a: (magac, lab, keli) nooc waraabaha ka mid ah oo xoolaha maalintii weerara. Saynwalac baa maanta lax iga cunay. Dh: geeltabac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadcaddaan
m.f.dh eeg cadcad. la-mid: cadcaddaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadcaddaan
-ta: (magac, dhedig, keli) midab cadaan yeelad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafcaddaad
-ka: (magac, lab, keli) nabur ama dakhar madaxa ku dhacay oo lafta cadi muugato. Nabarka lafacaddaadka ahi wuu ka mag badan yahay ka cadgo'a ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaydaddaar
-ka: (magac, lab, keli) eeg qareen.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ruugcaddaa
-ga: (n) wise old man, grand old man; experienced man, veteran (vetaraan)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruugcaddaa
-ga: (magac, lab, keli) qof garaad iyo waaya'aragnimo uu soo maray ay ka dhigeen khabiir laga dambeeyo. Ruugcaddaa siyaasi ah baa beelaha baaq u jeediyey. Dh: ruugmaraar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saacaddiya
m.dh Neef si xoog leh loo soo saaro marka la qaadayo qasiiddada digriga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saacaddiya
-da: (magac, dhedig, keli) neef si xoog leh loo soo saaro marka la qaadayo qasiiddada digriga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadhcaddaadi
-ga: (magac, lab, keli) nin gadhkiisu cirroobay oo da' weyn. Dh: garcaddaadi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaynbadhaale
m.l (-layaal, m.l/dh) (juqraafi) Kaymaha cagaar-ma-dhigeyaasha ah ee ka baxa dhulalka badhaalaha, halkaas oo roobku uu culusyahay, Xilli oomane ahna usan jirin; meelaha qaarkood kaymahaani waxay ku sii fidsanyihiin dhulalka mansuunta dhabta ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaynbadhaale
-ha: (magac, lab, keli) juqraafi ahaan, kaymaha cagaarmadhigeyaasha ah ee ka baxa dhulalka badhaalaha, halkaas oo roobku uu culusyahay, xilli oomane ahna usan jirin. Meelaha qaarkood kaymahaani waxay ku sii fidsanyihiin dhulalka mansuunta dhabta ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beercaddaad
m.l 1. Daal iyo dhibaato ay ilmuhu ka mutaan oohin badan. 2. la-mid: beercaddaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beercaddaad
vl. n., [compound] exhaustion brought about by excessive crying (of a baby)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beercaddaad
-ka: (magac, lab, keli) kalsooni wax lagu qabo. Beercaddaad ayaan Cali hawsha ugu dhiibay. Dh: beercaddi, kalsooni.
beercaddaad -ka: (magac, lab, keli) oohin aan kala joogsi lahayn oo lagu daalo. Ilmaha maxaad beer-caddaadka ugu eegeysiin aamusiiya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beercaddaad
de: exhaustion brought about by excessive crying (of a baby) Lit: white liver
lx: beercaddaad
pd: (-ka)
ps: vn-m-cmp
key: beercaddaad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daacaddaran
Comp. adj., (ie. n., adj.): unfaithful, insincere, dishonest
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daacaddaran
de: unfaithful, insincere, dishonest
lx: daacaddaran
pd: (daacaddarnaa)
ps: adj-cmp
key: daacaddaran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabacaddayn
m.f.dh eeg kabacaddee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabacaddayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kabo baalash marin. Dh: baalashayn, casayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naynaasnaan
m.f.dh eeg naynaasan. la-mid: naanaysnaan, naanaysnaansho, naynaasnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naynaasnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg naanaysnaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saacaddiiba
(adv) hourly (a-warli); during every hour ~ halkii-saacba
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saangamnaan
m.f.dh la-mid: saangannaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saangannaan
m.f.dh eeg saangan². la-mid: saangamnaan, saangaamnaansho, saangannaansho.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sanad dhaaf
Leap year
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sancayaqaan
-ka: (magac, lab, keli) qofka leh aqoon sanco, aqoon xirfadeed oo wax lagu suubbin karo. Dh: farsamayagaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sannadwalba
(adv) yearly (yeer-li); annually (an-yu-wal) ~ sannadkiiba
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sanqadhayya
faire du bruit.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saylaandhaw
m.l Qaylo iyo buuq dagaal wehliyo oo ay cidi samayso. la-mid: saylaan-dhabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saynwaraari
saynwaraari¹: m.l Dabaruxidda xoolo ugaar iyo wixi lamida sameeyaan.
saynwaraari²: f.g1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) Ugaar, xoolo iyo wixi lamida dabo ruxid samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caloolcaddaan
-ta: (magac, dhedig, keli) «ku ~» ka raalli ahaanta ama ku kalsoonaanta wax la isla og yahay ama lagu heshiiyay.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kayn badhaale
Equatorial forest
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kayn-badhaale