saxiixid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saxiixid
(Saxiixid-da)
Saxiix u yeelid, ku dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxiixid
m.f.dh eeg saxiix².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxiixid
-da: (magac, dhedig, keli) saxeex u yeelid, ku dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ansaxin
m.dh (qaanuun) Ansixin heshiis qoraal ah ama dukumenti oo la siinayo caddeyn saxiixid ah, oo aad sameysay mid rasmi ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ansaxin
m.dh (qaan.) Ansixin heshiis qoraal ah ama dukumenti oo la siinayo caddeyn saxiixid ah, oo aad sameysay mid rasmi ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
countersign
/kawntarsayn/ (v) ka daba-saxiixid si loo xaqiijiyo dhab-ahaanta saxiixaas.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sign
/sayn/ (n) 1. calaamad (summad, astaan u yeelid) (v) 2. saxiixid (qof magaciis ku saxiixid).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sign away
/sayn awey/ (v) saxiixid ka tala bixid ah (saxiixid inaad arin faraha kala baxday).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sign for
/sayn for/ (v) u saxiixid (siiba markaad wax qaabisho ama aqbasho).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sign in
/sayn in/ (v) saxiixid kolkaad timaaddo (saxiixa isasa-soo xaadirinta).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sign out
/sayn awt/ (v) saxiixid kolkaad baxayso (saxiix sheegaya inaad baxday).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sign up
/sayn up/ (v) saxiixid hishiis ama kunturaad.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
firmare
v.tr. - saxiixid.

sottoscrivere
v.tr. - saxiixid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
estampage
estampage, n.m. - saxiixidda; tiimbaraynta; daabicidda
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
signer
signer, v. - saxiixid; sumadayn
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
émargement
émargement, n.m. - saxiixidda; warqad la saxiixo
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
émarger
émarger, V. - saxiixid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saaxiibid
(Saaxiibid-da)
Saaxiib noqosho; rafiiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaxiibid
m.f.dh eeg saaxiib³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaxiibid
-da: (magac, dhedig, keli) saaxiib la noqasho; la jaalid. Dh: rafiiqid.
saaxiibid-da: (magac, dhedig, keli) «lacid kale xidhiidh wanaagsan oo dhow la yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saxiix
(Saxiix-a)
1. Qof magaciis, uu isagu gacantiisa ku qoro.
2. Run; dhab; xaqiiqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxiix
saxiix¹: m.l (-xyo, m.dh) Qoraal la sharciyeynayo oo magac dhan ama la gaabiyey hoosta looga dhigo.
saxiix²: f.g1 (-xay, -xday) Qoraal la sharciyeynayo, magac dhan ama la soo gaabiyey hoosta uga qorid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saxiix
saxiix¹: m.l (saxiixyo, m.dh) Qoraal la sharciyeynayo oo magac dhan ama la gaabiyey hoosta looga dhigo.
saxiix²: f.g1 (saxiixay, saxiixday) Qoraal la sharciyeynayo, magac dhan ama la soo gaabiyey hoosta uga qorid. m.f.dh, saxiixid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saxiix
m. n. signature, inscription
saxiix v. sign
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saxiix
-ay / day: (v) sign (saayn); endorse (en-dhoors); approve or ratify a document
saxiix -a: (n) signature (sig-ni-jar)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
SAXIIX
Firma
Signature
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxiix
-a: (magac, lab, keli) run; dhab; xaqiiqo.
saxiix-a: (magac, lab, keli) astaan qalin lagu qoro oo cid u gaar ah. Dh: saxeex.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxiixo
f.g3 (-xday, -xatay) Qoraal la sharciyeynayo, hoosta magac la gaabiyey ama kaamil ah uga qorasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saxiixo
f.g3 (saxiixday, saxiixatay) Qoraal la sharciyeynayo, hoosta magac la gaabiyey ama kaamil ah uga qorasho. m.f.dh, saxiixasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxiixo
(fal) saxiix ku dhigo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiixid
-da: (magac, dhedig, keli) marka qofku uu xishoodo. Dh: xishood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madiixid
(Madiixid-da)
Madiix tirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madiixid
m.f.dh eeg madiix².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madiixid
-da: (magac, dhedig, keli) hal dhashay ciyid oo gunuunicid. Hal dhashay madiixid ma deyso. Dh: ololid, ciyid.
madiixid -da: (magac, dhedig, keli) maanso qasiido ah tirin. Abwaaniintu sida ay heesidda ugu kala fiican yihiin bay madiixiddana ugu kala fiican yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saamixid
(Saamixid-da)
Cafiyid; denbidhaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saamixid
m.f.dh eeg saamax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamixid
-da: (magac, dhedig, keli) cafiyid; u denbidhaafid; saamaxaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sallixid
(Sallixid-da)
Hagaajin; farsamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sallixid
m.f.dh eeg sallax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sallixid
-da: (magac, dhedig, keli) diyaarin oo hagaajin. Dh: diyaaris, farsamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saqiirid
(Saqiirid-da)
Carruurnimo ku dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saqiirid
m.f.dh eeg saqiir². la-mid: siqiirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saqiirid
-da: (magac, dhedig, keli) ku dhimashada yaraan: carruurnimo ku hoyo. Saqiirid carruureed waa sed aakhiro ee samir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxeexid
-da: (magac, dhedig, keli) saxeex u yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxiifad
-da: (magac, dhedig, keli) wargeys maalin la' ah ama mid asbuuc iyo ka badan soo baxa; wargeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxiimad
m.dh (-do, m.l) Badan weyn oo si gaar ah loo sameeyey, matoor lehoo maraakiibta wax loogu geeyo loogana soo qaado. la-mid: sixiimad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saxiimad
m.dh (-do, m.l) Badan weyn oo si gaar ah loo sameeyey, matoor lehoo maraakiibta wax loogu geeyo loogana soo qaado. la-mid: sixiimad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saxiimad
f. n. small fishing boat, sailboat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxiimad
-da: (magac, dhedig, keli) doonni ama markab yar oo badda lagu maro oo xamuulka ka soo gura maraakiibta iyo doonyaha waaweyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saxiimad
a: sixiimad
de: small fishing boat, sailboat
initial: s
lx: saxiimad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: saxiimad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saxiix_1
bw: Arabic
de: signature, inscription
hm: 1
initial: s
lx: saxiix
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: saxiix_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saxiix_2
de: sign
hm: 2
initial: s
lx: saxiix
pd: (saxiixay)
ps: v1=tr
xe: Sign (your name) here.
xv: Halkan saxiix.
key: saxiix_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saxiixan
Saxiis ku yaal; lagu dhigay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxiixan
f.mg4 (-xnaa, -xnayd) Wax la saxiixay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saxiixan
f.mg4 (saxiixnaa, saxiixnayd) Wax la saxiixay ahaansho. m.f.dh, saxiixnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saxiixan
der. [adjective] signed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saxiixan
-saxiixnaa / saxiixnayd: (adj) signed (saaynidh); endorsed (en-dhoorsidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxiixan
(tilmaame) mid la saxiixay; mid saxiix leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saxiixan
de: signed
initial: s
lx: saxiixan
pd: (saxiixnaa)
ps: adj-der
key: saxiixan
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Saxiixid-da
ratification.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saxariirid
(Saxariirid-da)
Saxariir arkid, mudasho, la kulmid; silcid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxariirid
m.f.dh eeg saxariir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxariirid
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato aad u daran marid. Dh: silic, rafaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalriixid
-da: (magac, dhedig, keli) deegaan ciddii hore u degganeynd dad ku soo guurey ka riixdaan. Dh: dalqaadid, udubkuriix.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalxiisid
(Dalxiisid-da)
Dalxiisnimo dal ku marid ama ku tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalxiisid
m.f.dh eeg dalxiis².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalxiisid
-da: (magac, dhedig, keli) marka uu qofku daawasho dhul ku cusub, ku marayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaxiibad
m.dh (-do, m.l) Gabar xiriir gacaltooyo lala leeyahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saaxiibad
f. n. female ~ lady friend
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saaxiibad
-da: (n) girlfriend
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaxiibad
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh aad xidhiidh wanaagsan leedihiin oo aad wax wadaagtaan. Dh: rafiiqad, geelo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saaxiibad
de: female ~ lady friend
initial: s
lx: saaxiibad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: saaxiibad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaxiibin
-ta: (magac, dhedig, keli) saaxiibbo ka dhigid labo qof. Saaxiibintoodaa ka roon colaadsiintooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarriibid
m.f.dh eeg sarriib. la-mid: sarriigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarriibid
-da: (magac, dhedig, keli) sariibad ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarriigid
m.dh la-mid: sarriibid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarriigid
-da: (magac, dhedig, keli) hoodhin ama diirka ka saarid; wax sarriig ah ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shahiidid
m.f.dh eeg shahiid².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shahiidid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg shahiid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharrixid
(Sharrixid-da)
Wax sharraxan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharrixid
m.dh la-mid: sharraxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharrixid
-da: (magac, dhedig, keli) faahfaahinta iyo qeexidda shey laga bixiyo si loo fahmo. Dh: qeexid, duuduubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaxeexid
(Shaxeexid-da)
Wax qof wax ku waayo ku hadlid, ama falankeed qabasho; seejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaxeexid
m.f.dh eeg shaxeex².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaxeexid
-da: (magac, dhedig, keli) wax uu qof wax ku waayo ku hadlid ama faltankeeda qabasho; seejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wansiixid
m.f.dh eeg wansiix².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxid
m.f.dh eeg sax². la-mid: saxniin, sixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxid
-da: (magac, dhedig, keli) 'su'aal iyo wixii la mid ah, siday ahayd u sheegid, u qorid; sugid.
saxid-da: (magac, dhedig, keli) inta khalad ku jira eegid oo caddayn, khalad ka saaridoo wax saxan ka dhigid. Dh: toosin, sixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sixid
(Sixid-da)
Wax saxan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sixid
m.dh la-mid: saxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sixid
vl. n. correction; correcting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sixid
-da: (n) the act correcting; correction (korek-shin); amendment ~ saxitaan, sixitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sixid
-da: (magac, dhedig, keli) wax saxan ka dhigid; ka eegid in siidii ladoonayey ay tahay oo toosin. Dh: toosin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sixid
a: saxniin
de: correction; correcting
initial: s
lx: sixid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: sixid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
sixid
تصحيح
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiixid
(Fiixid-da)
Fiix noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiixid
m.f.dh eeg fiix³. la-mid: fiix¹ (4).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riixid
(Riixid-da)
1. (wax) inta xoog gadaal lagaga keeno, horay u wadid, u dhaqaajin, u durkin.
2. Tuujin; duugid; qabqabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riixid
m.f.dh eeg riix². la-mid: riixis.