saxiixasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxiixasho
m.f.dh eeg saxiixo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxiixasho
-da: (magac, dhedig, keli) qof, gacantiisa ku saxiixad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sariigasho
-da: (magac, dhedig, keli) sharafta oo la ilaaliyo lagana durko waxa ceebta ah. Dh: dhowrsanaan, xishood, sheex.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sariirasho
m.f.dh eeg sariiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxiixnaansho
m.l/dh la-mid: saxiixnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxiixnaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax la saxiixay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaxiibsasho
-da: (magac, dhedig, keli) saaxiib ka dhigasho; saaxiib la noqosho. Saaxiibsashada dadka xumi jar bay ka riddaa. Dh: saaxiibsad, saaxiibsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarriibasho
m.f.dh eeg sarriibo. la-mid: sarrii-gasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarriibasho
-da: (magac, dhedig, keli) sariibad ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarriigasho
(Sarriigasha-da)
Sarriig yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarriigasho
m.f.dh eeg sarriigo. la-mid: sar-riibasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarriigasho
-da: (magac, dhedig, keli) sarriig yeelasho.
sarriigasho -da: (magac, dhedig, keli) diirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saxasho
(Saxasha-da)
Wax la cunayey ama la cabbayey in yar oo ka leexata oo hunguriga cad ku roorta oo lala qufaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxasho
m.f.dh eeg saxo. la-mid: saxad, sixad, sixasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saxasho
vl. n. choking (on), having something stuck in one's throat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saxasho
-saxashada: (n) the act of choking (jow-king)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax la cunayey ama la cabbayey in yar oo ka mid ah oo roorta hunguriga cad oo lala qufaco. Dh: saxad margasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saxasho
a: saxad
de: choking (on), having s.t. stuck in one's throat
initial: s
lx: saxasho
pd: (/da)
ps: vn-f
see: saxo
key: saxasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxiixo
f.g3 (-xday, -xatay) Qoraal la sharciyeynayo, hoosta magac la gaabiyey ama kaamil ah uga qorasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saxiixo
f.g3 (saxiixday, saxiixatay) Qoraal la sharciyeynayo, hoosta magac la gaabiyey ama kaamil ah uga qorasho. m.f.dh, saxiixasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxiixo
(fal) saxiix ku dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sixasho
m.dh la-mid: saxasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sixasho
-da: (magac, dhedig, keli) cunaha oo wax kaagaleen darteed qufac badan samayn. Sixasho badan waa halis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riixasho
m.f.dh eeg riixo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riixasho
-da: (magac, dhedig, keli) alaab inta aad gadaal ka marto adoon qaadin horay u wadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saxiixan
Saxiis ku yaal; lagu dhigay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxiixan
f.mg4 (-xnaa, -xnayd) Wax la saxiixay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saxiixan
f.mg4 (saxiixnaa, saxiixnayd) Wax la saxiixay ahaansho. m.f.dh, saxiixnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saxiixan
der. [adjective] signed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saxiixan
-saxiixnaa / saxiixnayd: (adj) signed (saaynidh); endorsed (en-dhoorsidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxiixan
(tilmaame) mid la saxiixay; mid saxiix leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saxiixan
de: signed
initial: s
lx: saxiixan
pd: (saxiixnaa)
ps: adj-der
key: saxiixan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siibasho
(Siibasha-da)
Wax siibmey noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siibasho
m.f.dh eeg siibo. la-mid: siibad¹.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
siibasho
sliding tackle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siibasho
-da: (magac, dhedig, keli) iyadoon la arkayn dhuumasho. Dh: fikasho, dusid, siibad.
siibasho -da: (magac, dhedig, keli) wax siibmay noqod, wax aad gacanta ku haysay oo si aanad filayn u dhaca.
siibasho -da: (magac, dhedig, keli) siibad; sinbiriiraxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siisasho
m.f.dh eeg siiso².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siisasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad haysato wax kale ku baddalasho. Dh: baddalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiirasho
(Xiirasha-da)
Timaha iska xiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiirasho
m.f.dh eeg xiiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiirasho
-da: (magac, dhedig, keli) timo iska xiirid. Dh: timajarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilasho
m.f.dh eeg shiilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiilasho
-da: (magac, dhedig, keli) hilib ama wax kale, dhagax shiil ah ku dubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariisasho
m.f.dh eeg bariiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariisasho
-da: (magac, dhedig, keli) subaxdii oo dib loo dhigo dareerinta xoolaha siiba xilliyada barwaaqada ah, gaar ahaan adhiga iyo lo'da. Bariisashada hore ku gaadha reerka. Bariisashada ayaan kuu iman. Dh: bar barqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damiinasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, damiin ka noqosho. Damiinasho ayaa lagu soo daayey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fariisasho
(Fariisasha-da)
1. Dhulka ama wax kale korkood salka dhigid ama saarid.
2. Degid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fariisasho
m.f.dh eeg fariiso. la-mid: fadhiisad, fadhiisasho, fariisad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fariisasho
-fariisashada: (n) the act of sitting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fariisasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fadhiisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gasiimasho
m.dh la-mid: gesiimasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gasiimasho
-da: (magac, dhedig, keli) cunto cunid; quudasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jadiimasho
-da: (magac, dhedig, keli) cunto sahay ah oo in jadiinku qalalo lagaga ilaasho oo kugu yar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kamiinasho
m.f.dh eeg kamiino.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majiirasho
m.f.dh eeg majiiro. la-mid: majiirad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majiirasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg majiirad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakhirasho
-da: (magac, dhedig, keli) fudayd ka dhigasho; sahal ka dhigasho. Dh: fudaydsasho, sahasasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sannifasho
m.f.dh eeg sannifo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sannifasho
-da: (magac, dhedig, keli) suugaan iyo wax hor leh, abuurasho ama curin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarrifasho
m.f.dh eeg sarrifo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarrifasho
-da: (magac, dhedig, keli) lacag, lacag ku baddalasho. Waxaan suuqa u galay sarrifasho lacageed. Dh: baddalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wakiilasho
(Wakiilasha-da)
Wakiil ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wakiilasho
m.f.dh eeg wakiilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wakiilasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg wakiilad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xariirasho
(Xariirasha-da)
1. Il bugta xariir isaga samayn.
2. Caano xariir ka dhigasho.
3. Summad (xariir) xoolaha ku dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xariirasho
m.f.dh eeg xariiro. la-mid: xariirad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xariirasho
-da: (magac, dhediq, keli) caano bie darid oo badhxasho. Xariirashada caanubad kugu koobnaato. Dh: badhxasho, fadhxasho.
xariirasho -da: (magac, dhedig, keli) il bugta xariir iskaga samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagiigaxasho
m.dh la-mid: digiigixasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagiigaxasho
-da: (magac, dhedig, keli) xumaan ka dhiidhiyid oo ka xumaan. Dh: digiigaxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naxariisasho
(Naxariisasha-da)
Naxariis cid u gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naxariisasho
m.f.dh eeg naxariiso. la-mid: naxariisad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naxariisasho
-da: (magac, dhedig, keli) uu danbi dhaafid; raxmad ku soo dejin. Naxariisashadi Eebbaa lagu intifaacaa.
naxariisasho -da: (magac, dhedig, keli) u tudhid gef uu galay ka saamixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sariirashoda
(magac, dhedig, keli) isku taagid; saloogasho; saloolasho.
sariirashoda: (magac, dhedig, keli) sariir ka dhigasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sibiibaxasho
-sibiibaxashada: (n) gliding (galaaydh-ing)-, skidding (iskiding)-, slipping (islip-ing)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sibiibixasho
(Sibiibixasha-da)
Sidbasho; sinbiriirixasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sibiibixasho
m.f.dh eeg sibiibixo². la-mid: sibiibixo¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sibiibixasho
-da: (magac, dhedig, keli) sidbasho; sibiibixasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tasbiixsasho
-tasbiixsashada: (n) the act of praising God ~ werdi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ąamiinsasho
m.dh la-mid: ąammiinsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqtiisasho
-da: (magac, dhedig, keli) noole dilo oo wax bakhtiyay ka dhigasho. Bakhtiisashada guduudanaha waa lagu yaqaan.
baqtiisasho-da: (magac, dhedig, keli) nal ama dab shidan densashadii. Bakhtiisashada dabka waad la daahdaye horay nooga demi. Dh: baqtiisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barriiqasho
(Barriiqasha-da)
Sinbiriirixasho xoog leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barriiqasho
m.f.dh eeg barriiqo².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barriiqasho
vl. n. sliding, act of slipping
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
barriiqasho
-barriiqashada: (n) the act or an instance of slipping or sliding ~ sibiibixasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barriiqasho
-da: (magac, dhedig, keli) sinbiriirixad lugtu kula oraddo. Barriiqasho weynaa ma biciid libaax arkaybaa. Dh: sinbiriiriraxasho, silbasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barriiqasho
de: sliding, act of slipping
lx: barriiqasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: barriiqasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabiidsasho
(Cabiidsasha-da)
Addoonsasho; beelaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabiidsasho
m.f.dh eeg cabiidso. la-mid: cabiidsad, cabiidsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabiidsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg cabiidsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadiigsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax samayntii iska diidid oo carigsi. Dh: cadiigsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cariigsasho
m.dh la-mid: cariiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cariigsasho
-da: (magac, dhedig, keli) canaagidda cid kale. Dh: cariigsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cariiqsasho
(Cariiqsasha-da)
Cariiqsi wax u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cariiqsasho
m.f.dh eeg cariiqso. la-mid: cariigsad, cariigsasho, cariigsi, cariiqsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cariiqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) canaagis; amardiidis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daliishasho
m.f.dh eeg daliisho. la-mid: daliishad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dammiinasho
m.f.dh eeg dammiino. la-mid: damiinad¹, damiinasho, dammaanad¹, dammaanasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dammiinasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg damiinad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
digigixasho
-da: (magac, dhedig, keli) cadho ismoogaan ah oo marka fal xun la sameyey aad ka cadhootid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadhiisasho
m.f.dh la-mid: fariisasho.