saxiimad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxiimad
m.dh (-do, m.l) Badan weyn oo si gaar ah loo sameeyey, matoor lehoo maraakiibta wax loogu geeyo loogana soo qaado. la-mid: sixiimad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saxiimad
f. n. small fishing boat, sailboat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxiimad
-da: (magac, dhedig, keli) doonni ama markab yar oo badda lagu maro oo xamuulka ka soo gura maraakiibta iyo doonyaha waaweyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saxiimad
a: sixiimad
de: small fishing boat, sailboat
initial: s
lx: saxiimad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: saxiimad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saximad
-da: (n) boat (bowt) ~ huuri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saliimad
m.dh Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay labadiisa dhinac min saddex dhibcood ku leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sariimad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg sariibad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxiifad
-da: (magac, dhedig, keli) wargeys maalin la' ah ama mid asbuuc iyo ka badan soo baxa; wargeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sixiimad
m.dh la-mid: saxiimad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sixiimad
f. n. sailboat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sixiimad
-da: (n) small baot ~ saxiimad, dooni, huuri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sixiimad
-da: (magac, dhedig, keli) gaadiidbadeed yar oo doonyaha ama maraakiibta marsooyinka ku soo xidha wax lagaga rogo; siximad.
sixiimad-da: (magac, dhedig, keli) gaadiidbadeed yar oo kalluumaysi ama si kale loo adeegsado; laanji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sixiimad
de: sailboat
initial: s
lx: sixiimad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: saxiimad
key: sixiimad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
doonni
-da: (n) boat (boowt); ferry (feeri); vessel (ve-sal) saxiimad doon,
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
canoe
canoe, n.m. - Huudhi; Huuri; Saxiimada yar ee seebka lagu kaxeeyo.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
ship
n., markab, -ki; (a boat) saxiimad, -di.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaxiibad
m.dh (-do, m.l) Gabar xiriir gacaltooyo lala leeyahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saaxiibad
f. n. female ~ lady friend
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saaxiibad
-da: (n) girlfriend
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaxiibad
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh aad xidhiidh wanaagsan leedihiin oo aad wax wadaagtaan. Dh: rafiiqad, geelo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saaxiibad
de: female ~ lady friend
initial: s
lx: saaxiibad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: saaxiibad
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Raxiima
name-f merciful, kind, compassionate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siximad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg sixiimad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casiimad
m.dh la-mid: casiimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jariimad
m.dh la-mid: jariimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jariimad
f. n. crime, felony
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jariimad
-da: (magac, dhedig, kali) marka cid laga galaayo danbi weyn. Dh: anbi. Wa: jariimado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jariimad
a: jariimo (/da) [n6-f]
bw: Arabic
de: crime, felony
lx: jariimad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: jariimad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maxiisad
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh caruusad gacanyare u ah ayaanta ay guursanayso. Ilaan la qabaa maxiisad ma noqoto. Dh: mixiisad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
namiimad
-da: (magac, dhedig, keli) falka namimku sameeyo ee ah isku dirka dadka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaniimad
m.dh 1. Hanti badan. 2. Maal gaalo laga qabsaday, kaddib markii la jebiyay colkooda. la-mid: qaniimo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaniimad
m.dh 1. Hanti badan. 2. Maal gaalo laga qabsaday, kaddib markii la jebiyay colkooda. la-mid: qaniimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaniimad
f. n. riches, booty; profit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaniimad
-da: (magac, lab, keli) hanti badan oo la kasbado.
qaniimad -da: (magac, lab, keli) maal gaalo laga qabsaday, kaddib markii la jebiyay colkooda
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaniimad
bw: Arabic
de: riches, booty; profit
lx: qaniimad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: qaniimad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saliifad
m.dh (-do, m.l) Weel yar oo qori ah oo biyaha looga dhuro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saliifad
f. n. bailer, apparatus for getting water out of a ship
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliifad
-da: (magac, dhedig, keli) qalab dhuun o kale ah oo doonyaha biyaha lagaga dhuro. Dh: tuunbo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saliifad
de: bailer, apparatus for getting water out of a ship
initial: s
lx: saliifad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: saliifad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saniifad
(Saniifad-da)
Calaamo loo yeelo maryaha dacalkooda; darxad; (ama saanifad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saniifad
m.dh (-do, m.l) Gabal maro ah oo lagu tolo maro kale oo ka midab duwan. la-mid: saanifad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saniifad
f. n. decorative border ~ edging
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saniifad
-da: (magac, dhedig, keli) calaamad loo yeelo dacallada maryaha. Dh: aarad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saniifad
de: decorative border ~ edging
initial: s
lx: saniifad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: saniifad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sariibad
(Sariibad-da)
Siibad; xero; deyr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sariibad
m.dh (-do, m.l) Meesha xoolaha la gadayo lagu xereeyo oo lagu siiyo caws iyo biyo; xero; deyr; siibad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sariibad
m.dh (-do, m.l) Meesha xoolaha la gadayo lagu xereeyo oo lagu siiyo caws iyo biyo; xero; deyr; siibad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sariibad
f. n. fence, corral
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sariibad
-da: (magac, dhedig, keli) seylad: xaraash; suuq; dhoobo; gabaye.
sariibad -da: (magac, dhedig, keli) meesha lagu iibiyo khudaarta, hilibka iyo wixii la mid ah. Dh: maskarad.
sariibad -da: (magac, dhedig, keli) siibad; xero; deyr.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sariibad
cf: siibad, xero
de: fence, corral
initial: s
lx: sariibad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: sariibad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sariirad
-ka: (magac, lab, keli) sariirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saxiixan
Saxiis ku yaal; lagu dhigay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxiixan
f.mg4 (-xnaa, -xnayd) Wax la saxiixay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saxiixan
f.mg4 (saxiixnaa, saxiixnayd) Wax la saxiixay ahaansho. m.f.dh, saxiixnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saxiixan
der. [adjective] signed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saxiixan
-saxiixnaa / saxiixnayd: (adj) signed (saaynidh); endorsed (en-dhoorsidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxiixan
(tilmaame) mid la saxiixay; mid saxiix leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saxiixan
de: signed
initial: s
lx: saxiixan
pd: (saxiixnaa)
ps: adj-der
key: saxiixan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saxiixid
(Saxiixid-da)
Saxiix u yeelid, ku dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxiixid
m.f.dh eeg saxiix².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxiixid
-da: (magac, dhedig, keli) saxeex u yeelid, ku dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yatiimad
-da: (magac, dhedig, keli) ilmo dhedig oo waalidkeed dhintay. Inantu waa yatiimad. Dh: agoonad, yatiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaxiibsad
-ka: (magac, lab, keli) saaxiib ka dhigad, saaxiib la noqod. Dh: rafiiqsad, saaxiibsasho, saaxiibsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malxiisad
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh caruusadda dhinac fadhiisata oo gacan yare u ah habeenka arooska. Intaad mashquulin malxiisad dooro. Dh: mixiisad, maxiisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saaxiibid
(Saaxiibid-da)
Saaxiib noqosho; rafiiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaxiibid
m.f.dh eeg saaxiib³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaxiibid
-da: (magac, dhedig, keli) saaxiib la noqasho; la jaalid. Dh: rafiiqid.
saaxiibid-da: (magac, dhedig, keli) «lacid kale xidhiidh wanaagsan oo dhow la yeelasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarriibad
f. n. wire fence
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarriibad
de: wire fence
initial: s
lx: sarriibad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: sarriibad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarriigad
-ka: (magac, lab, keli) sarriigasho.
sarriigad -ka: (magac, lab, keli) xishood yeelashe iyo edebsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shariikad
-da: (magac, dhedig, keli) koox maamul iyo maarayn leh oo u dhisan si nidaam leh. Dh: shurkad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shariirad
-da: (magac, dhedig, keli) loox yar oo xalleefsan oo dhismaha guryaha iyo wixii la mid ah, lagu qurxiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taqdiimad
m.dh la-mid: taqdiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taqdiimad
f. n. advance payment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taqdiimad
-da: (magac, dhedig, keli) qaddimaad; horummaris. Taqdiimad ayuu ku qaatay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taqdiimad
bw: Arabic
de: advance payment
initial: t
lx: taqdiimad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: taqdiimad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliidmadax
-da: (magac, dhedig, keli) saliidda la marsado timaha, lagu subkado. Dh: dhaashi.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sixiimad-da
bateau.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samad
m.dh Suun dun ka samaysan, ballaaran oo haweenku dhexda ku xirtaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samad
-ka: (magac, lab, keli) suun dun ka samaysan oo ballaaran oo haweenku dhexda ku xirtaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saxad
(Saxad-ka)
Saxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxad
m.l la-mid: saxasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saxad
vl. n. choking (on something)
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SAXAD
(Sahad) S, C Nectaropetalum kaessneri Engl. Erythroxylaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxad
-ka: (magac, lab, keli) cunto ku roorta hunguriga cad ee neefi kuu raacdo oo lagu xuurtoobo oo qufac kala kulamto. Dh: saxasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saxad
de: choking (on s.t.)
initial: s
lx: saxad
pd: (-ka)
ps: vn-m
see: saxasho, saxo
key: saxad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxid
m.f.dh eeg sax². la-mid: saxniin, sixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxid
-da: (magac, dhedig, keli) 'su'aal iyo wixii la mid ah, siday ahayd u sheegid, u qorid; sugid.
saxid-da: (magac, dhedig, keli) inta khalad ku jira eegid oo caddayn, khalad ka saaridoo wax saxan ka dhigid. Dh: toosin, sixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siima
m.l (jooloji) Ereyga loo isticmaalay si loo garto dhadhaabaha culus ee Oogada dhulka, oo ka mid yahay basalt, oo ka hooseeya siyaalka, lana rumaysanyahay inuu yaal salka badda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siima
m.l (jool.) Ereyga loo isticmaalay si loo garto dhadhaabaha culus ee Oogada dhulka, oo ka mid yahay basalt, oo ka hooseeya siyaalka, lana rumaysanyahay inuu yaal salka badda.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Siima
Sima
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siima
-ha: (magac, lab, keli) ereyga loo isticmaalay si loo garto dhadhaabaha culus ee oogada dhulka oo ka mid yahay basalt, oo ka hooseeya siyaalka lana rumaysan yahay inuu yaal salka badda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiimad
m.dh la-mid: qiime.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qiimad
f. n. value, price
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qiimad
a: qiime
bw: Arabic
de: value, price
lx: qiimad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: qiimad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Raxiim
name: Rahim
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raxiim
m. n. compassionate, kind; generous
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Raxiim
-ka: (magac, lab, keli) Eebbaha naxariista badan; magacyada Ilaahay mid ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raxmad
(Raxmad-da)
Calooljileec keenta in wixii dhibaato qaba, dhibaatada laga feydo; beerjileec; naxariis; turaal; jimic.