saxid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxid
m.f.dh eeg sax². la-mid: saxniin, sixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxid
-da: (magac, dhedig, keli) 'su'aal iyo wixii la mid ah, siday ahayd u sheegid, u qorid; sugid.
saxid-da: (magac, dhedig, keli) inta khalad ku jira eegid oo caddayn, khalad ka saaridoo wax saxan ka dhigid. Dh: toosin, sixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaxid
(Shaxid-da)
Shax cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaxid
m.f.dh eeg shax². la-mid: shixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaxid
-da: (magac, dhedig, keli) shax ciyaarid, dheelid; shixis.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
said
/sedh/ (v) yiri (la yiri) (say oo fal tagay ah).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxid
-da: (magac, dhedig, keli) meel, gudo iyo waxii la mid ah ka bixis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faxid
m.f.dh eeg fax². la-mid: faxis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faxid
-da: (magac, dhedig, keli) qoosh iyo wixii la mid ah, khamiirid. Dh: fixis.
faxid-da: (magac, dhedig, keli) biyo iyo wixii la mid ah, kululaad oo baylid; dareere, aad u kululaansho. Dh: isrogid, karid, fixid. Li: qaboobid, barafoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaxid
(Qaxid-da)
Degdeg cabsi leh, meel uga guurid, uga cararid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaxid
m.dh la-mid: qixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaxid
-da: (magac, dhedig, keli) meel dhibaato ka jirto degdeg iyo qarboqarbo uga guurid. Dh: qaxootiyid, barakicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sa'id
-da: (magac, dhedig, keli) cadhada aadka ah oo uu qofku is kala garan waayo. Dh: ismadaxmarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabid
(Sabid-da)
Cid wax aan run ahayn, run uga dhigid; sirid; khatalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabid
m.f.dh eeg sab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabid
-da: (magac, dhedig, keli) sabaalayn ama sasabid. Dh: sasabo.
sabid-da: (magac, dhedig, keli) meel sabo ah xoolo ku horid.
sabid-da: (magac, dhedig, keli) cid wax aan run ahayn, run uga dhigid. Dh: sirid, khatalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Safid
(Safid-da)
Saf saf ka dhigid; sarcid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
safid
m.f.dh eeg saf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safid
-da: (magac, dhedig, keli) faylin: rigayn; sarcid: safid.
safid-da: (magac, dhedig, keli) saf saf ka dhigid. Dh: sarbid, sarcid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salid
m.dh la-mid: solid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarid
(Sarid-da)
Sarmo u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarid
m.f.dh eeg sar². la-mid: sarniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarid
-da: (magac, dhedig, keli) jeexid ama dilaacin; sarmo ku samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sasid
(Sasid-da)
Naxdin kedis ah la argaggixid, la boodboodid, la kalabbadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sasid
m.f.dh eeg sas².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sasid
-da: (magac, dhedig, keli) naxdin kedis ah darteed, la argaggaxid, la kalabbadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saxad
(Saxad-ka)
Saxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxad
m.l la-mid: saxasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saxad
vl. n. choking (on something)
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SAXAD
(Sahad) S, C Nectaropetalum kaessneri Engl. Erythroxylaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxad
-ka: (magac, lab, keli) cunto ku roorta hunguriga cad ee neefi kuu raacdo oo lagu xuurtoobo oo qufac kala kulamto. Dh: saxasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saxad
de: choking (on s.t.)
initial: s
lx: saxad
pd: (-ka)
ps: vn-m
see: saxasho, saxo
key: saxad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sayid
1. (Sayid-da) (dun, liilammo, kd.) isfeer dhigid. sarcid.
2. (Sayid-ka) a) Waayeel, madax. b) Shariif.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sayid
sayid¹: m.l Waayeel; madax; shariif.
sayid²: m.dh 1. eeg say². 2. Isbarbardhigid; sarcid (dun, liilammo iyo wixi lamida).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sayid
m.l Waayeel; madax; shariif.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sayid
m. n. leader; shariif; your excellence, excellency {title}
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sayid
nickname; name-m lord; excellence (Arb). Syn: Shariif
nickname; name-m chief, master
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sayid
-ka: (n) master (maas-tar); leader (liidher)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sayid
-da: (magac, dhedig, keli) dun ama dhuubab is feedho dhigid.
sayid -da: (magac, dhedig, keli) qof si weyn loo karaameeyo, waayeelnimo.
sayid -ka: (magac, lab, keli) nin madax ah, nin qoys madax u ah. Sayidka reerka ayaa leh talada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sayid
bw: Arabic
de: leader; shariif; your excellence, excellency {title}
initial: s
lx: sayid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: sayid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sixid
(Sixid-da)
Wax saxan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sixid
m.dh la-mid: saxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sixid
vl. n. correction; correcting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sixid
-da: (n) the act correcting; correction (korek-shin); amendment ~ saxitaan, sixitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sixid
-da: (magac, dhedig, keli) wax saxan ka dhigid; ka eegid in siidii ladoonayey ay tahay oo toosin. Dh: toosin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sixid
a: saxniin
de: correction; correcting
initial: s
lx: sixid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: sixid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
sixid
تصحيح
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taxid
-da: (magac, dhedig, keli) tusbax ama kuul iyo wixii lamid ah, si xidhiidh iyo isdaba joog ah isu sudhan.
taxid -da: (magac, dhedig, keli) xadhig, dun, iyo wixii la mid ah, dhexgelin oo isku xidhiidhin, tixis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxniin
m.l la-mid: saxid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sax
sax¹: m.l.kh S. ah: wax aan qalad ahayn.
sax²: f.g1 (-xay, -xday) Wax qalad ka bixin. m.f.dh, saxid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
amend
/amendh/amends, amending, amended; (v) dib u saxid ama dib u hagaajin.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Editing
Saxid, tiftirid
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Rectify
Saxid
Qaamuus-Yare Ingiriis-Jiiddu-Soomaali - Saalim Caliyow Ibro [1998]
correct (v)
sahaal
saxid
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
correct
correct, adj. - Saxid; Sax; Waa sax; Habboon; Ku habboon.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
exact
exact, adj. - si sax ah; saxid; hagaajin; khalad ka reeban (sax ah); sax; run ah; waa dhab; waa saas.
ponctuel - aan ka soo hor marin kana dib dhicin wakhtiga.
précis - si sax ah loo sheegay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amsaxid
-da: (magac, dhedig, keli) cagmarinta iyo baabi'inta wax jiray. Meel dhulgariir ka dhacay amsaxid danbe uma hadhin. Dh: askaxid, burburin, baabi'in.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ansaxid
-da: (magac, dhedig, keli) aqbalka wax la qabtay oo camal wanaagsan ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
askaxid
-da: (magac, dhedig, keli) ku tumasho; wax weyn yeelid; baabi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasaxid
m.f.dh la-mid: fasixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasaxid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, nashao ama madaxbannaani u oggolaansho. Ardaydu fasaxid bay rabaan. Dh: faasixid, ruqsayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masaxid
-da: (n) 1. wipe (waayp); by blowing or swiping. 2. deletion (di liishin) ~ masaxaad-da
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaxid
-da: (magac, dhedig, keli) nadiifin oo uskag saaran ka tirtiid. Masixidda sabuuradda arday dheer u dir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sawaxid
m.f.dh eeg sawax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sawaxid
-da: (magac, dhedig, keli) sawaxan samayn; buuqid; qaylin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saximad
-da: (n) boat (bowt) ~ huuri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sayaxid
m.f.dh eeg sayax³. la-mid: sayax¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sayaxid
-da: (magac, dhedig, keli) dhirta iyo tigaaddu qoyaanka ay yeelashaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaaxid
m.l Rooti iyo wixi lamida aad dab loogu bisleeyay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaaxid
(fal) wax duban oo qallalan noqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharxid
(Sharxid-da)
Sharax u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharxid
m.f.dh eeg sharrax². la-mid: sharaxid, sharixid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sharxid
-da: (n) the act of explaining, describing, defining
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharxid
-da: (magac, dhedig, keli) cashir iyo wixi la mid ah, sharxis.
sharxid -da: (magac, dhedig, keli) qurxin; bilid; sharraxis, sharax u yeelid; xardhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barxid
(Barxid-da)
(caano) biyo ku darid; dheehid; tarrixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barxid
m.f.dh eeg barax².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barxid
vl. n. mixing of milk and water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barxid
-da: (magac, dhedig, keli) isku darid biyo iyo caano. Dh: badhxid, xariirid.
barxid -da: (magac, dhedig, keli) bibbadka iyo kolba dhan u orodka baraarka oo hurdo maqashii kaga hadhay. Dh: badhxid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barxid
de: mixing of milk and water
lx: barxid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: barxid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabxid
m.dh la-mid: daabaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daxlid
-da: (magac, dhedig, keli) bir, midhidh yeelasho. Dh: daxaloobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaxid
-da: (magac, dhedig, keli) marka nooluhu uu baradiisa meel aan ahayn seexdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faaxid
(Faaxid-da)
Meelo badan gaarid; faafid; fitaaxid; kala bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaxid
m.dh la-mid: faafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaxid
-da: (magac, dhedig, keli) kala bixitaanka iyo kala fididda walax; gaadhidda shey meelo badan ku baaho. Loox biyo ku jiraa faaxid ma daayo. Li: dhadhid, ururid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farxid
(Farxid-da)
Farax helid; riyaaqid; reyrreyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farxid
m.f.dh eeg farax². la-mid: faarxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farxid
-da: (magac, dhedig, keli) farax helid; riyaaqid iyo rayrayn; faaraxid oo riyaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faxlid
(Faxlid-da)
(dhir) tallaalid; awrdhebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faxlid
faxlid¹: m.f.dh eeg faxal³.
faxlid²: m.dh (botani) Dariiqadda uu faxalku ku tago sibiisha fur ubo-ubax.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faxlid
m.dh (botani) Dariiqadda uu faxalku ku tago sibiisha fur ubo-ubax.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faxlid
vl. n. planting; injection
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faxlid
-da: (magac, dhedig, keli) dhirtu si ay u mudhayso, mid dhedig iyo ku lab isku tallaalid. Ubuxu faxlid ayuu u baahan yahay. Dh: tallaalid faxlis, awrdhebid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faxlid
de: planting; injection rw: faxal
lx: faxlid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: faxlid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabxid
m.f.dh eeg gabax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaaxid
(Jaaxid-ka)
Nin bareer iyo ogaal wax u asaraara, wax u inkira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaaxid
m.l (-dyo/-diin, m.dh) Nin bareer iyo ogaal wax u asaraara, wax u inkira.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaaxid
f. n. dogmatic, argumentative ~ obstinate person
jaaxid [feminine] n. rejection, denial (of)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaaxid
-ka: (n) one who refuses to accept; disputatious or quarrelsome person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) asraarid ama jikraarid. Dh: jikaaridda.