satiyay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
satiyay
(fal) sati u yeel, u samee, geer uu ku fadhiisto u yeel. Dh: satiyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Satiyayn
(Satiyayn-ta)
Sati u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
satiyayn
m.f.dh eeg satiyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
satiyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sati u yeelid, u samayn; satiyays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
satiyays
-ka: (magac, lab, keli) satiyayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
satiyaysnaan
m.f.dh eeg satiyaysan. la-mid: satiyaysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
satiyaysnaansho
m.l/dh la-mid: satiyaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
satiyaysnaansho
-ta: (magac, dhedig, keli) wax satiyaysan ahaansho.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Safiya
name-f immaculate, pure, serene; best friend
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aftiyay
(fal) afti qaad; aftiqaad samee. Haddii aad doonayso in dastuurku wax laga beddelo, aftiyay. Dh: aftiyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliday
(fal) saliid ku shub.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
satiety
n., dhereg, -gi.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Satisfy
Raaligelin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
satisfy
/saatisfay/ (v) qancin (raalli- gelin, maqsuudin).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
satisfy
v.tr., (content) raaxaysi; (reward) u abaalgud; (make payment) toobad keen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
satiyee
f.g2 (-yeeyay, -yaysay) Baaquli sati u samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
satiyee
v. put a vessel in a woven container
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
satiyee
(fal) sati u yeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
satiyee
de: put a vessel in a woven container
initial: s
lx: satiyee
pd: (satiyeeyey)
ps: v2b=tr
key: satiyee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Satiyaysan
La satiyeeyey; sati leh ama loo yeelay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
satiyaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la satiyeeyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
satiyaysan
der. [adjective] having ~ set in a woven container (of bowl)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
satiyaysan
(tilmaame) la satiyeeyey; sati leh ama loo yeelay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
satiyaysan
de: having ~ set in a woven container (of bowl)
initial: s
lx: satiyaysan
pd: (satiyaysnaa)
ps: adj-der
key: satiyaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shactiray
(fal) cid kale, ka qoslisii; maadee; shactiray, majaajillay. Dh: maadey, dhactiree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aftiyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) afti iyo cod qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aftiyays
-ka: (magac, lab, keli) arrin siyaasadeed, cod u qaadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bartiray
(fal) dhig wax ka duwan waxa badka yaalla, dhig waxa aan la nooc ahayn inta kale oo ka duwan turub. Bartireeyey turubkii haddaad baabsan garanaysid. Dh: bartee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadiyay
(fal) joogtee; wax aad fasho, samayntiisa joogtee oo ha ka tegin. Caadiyay si aad u dhamayso hawsha. Dh: joogtee, caadiyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqliyay
(fal) «u ~» caqli ku sir, garaad ku dhaaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casriyay
(fal) ka dhig wax cusub oo iminka adduunka yimi; wax soosaarkaaga mar walba waayaha cusub la socodsii. Dh: jadiidi, casriyee, cusboonaysii, casriyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
catirayn
m.dh la-mid: catirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
catirayn
-ta: (magac, lab, keli) catir marmarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galtiyad
m.dh Haweeney tagtay degaan aanay dhaqankiisa aqoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaldiyay
(fal) buug iyo wixii la mid ah, jaldi u yeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nadiyayn
(Nadiyayn-ta)
Nadi la dhicid; jeedlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nadiyayn
m.f.dh eeg nadiyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nadiyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) nadi la dhicid: jeedal ku ulayn. Dh: jeedalin, ulayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaliyay
(fal) qiimaha uu joogo biiri oo mid ka sarreeya ku iibi. Qiimaha xoolaha qaaliyay Dh: qaaliyee. Li: jebi, rakhiisi, raqiisi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qatiyaan
-ka: (magac, lab, keli) daal iyo tacbaannimo xoog ah. Adoo xalay qatiyaan ahaa caawa saamallayl kari maysid. Dh: qaati, khaati, khaatiyaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rayiyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ra'yi ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaqiyad
-da: (magac, dhedig, keli) far yar oo biyaha loo jeexo. Saaqiyadda beerta saxartir si daadku beerta u soo galo. Dh: kali, iliil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saawiyad
-da: (magac, dhedig, keli) qalabka wastaadka mid ka mid ah oo la adeegsado kolka wax la dhisayo ama xagal la eegayo ama sinnaanta gidaarka iyo dhulka laysu qiyaasayo oo samaysa 90°. Dh: xagal.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Saawiyad
Qalabka lagu cabbiro toosnaanta qotonka ama liqdaarka, dhidibta dhaaban iyo xagasha ah 45°.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaxiyaw
(fal) saaxi noqo, baraarug xis ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliiday
(fal) dhiidhi dhexdii kolba gees u jeedso.
saliiday: (fal) saliid ku shub; saliid ku dar; saliid mari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliitay
(fal) socod aan dhaqaaq toosan lahayn dhiigo si la marayo ah samee, Dh: sinbiriirix.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sanitary
/saanateri/ (adj) 1. nadaafadeed (ee nadiifin la xiriira) 2. nadiif ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
saturday
/saatardhey/ (n) sabti.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
Saturday
n., Sabti, -di.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantiyaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg hantiyaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantiyayso
(fal) hanti yeelo oo samayso. Dh: dhaqo, xoolayso. Li: caydhaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saawiyaday
(fal) gidaar ama meel kale oo la is ku simayo, saawiyad saar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shactirayn
m.dh la-mid: shaacirayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shactirayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid ka qoslisiin; maadayn; majaajillayn: shactirays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shactirays
-ka: (magac, lab, keli) shactirayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharciyayn
m.f.dh eeg sharciyee. la-mid: sharciyays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sharciyayn
-ta: (n) legalization (lii-gaa-li-zeey-shin); validation (yaali-dheey-shiri)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharciyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sharci ka dhigasho, ansixin si ay u sharciyowdo. Sharciyaynta qodobkan ha loo codeeyo. Dh: xeerin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharciyays
m.l la-mid: sharciyayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
stationary
/steyshaneri/ (adj) taagan (dhidban, oo aan dhaq-dhaqaaq lahayn).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Stationary
Alaab xafiis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wakhtiyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) jadwalayn oo hawl kasta waqti iyo jaangoyn u samayn. Wakhtiyayn baa wax soo saar leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ayay
vl. pron. she / they,
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ayay
(n) (suffix) used to form the past continuous tense of verbs with prounoun I or he. Ex: wuu arkayay; he was seeing, wuu maqlayay; he was hearing, wuu soconayay; he was walking
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sati
(Sati-ga)
Dabool labo qalbac isugu aabburan oo qaafiriyada la dhex geliyo oo lagu qaado; wuxuu ka tolan yahay caw, korkana waxaa kaga rogan idiin iyo maryo iyo aleel iyo suuman la qabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sati
m.l (-iyo, m.dh) Weel laba qalbac isugu aabburan oo la dhexgeliyo quliyaasha laguna qaado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sati
m.l (-iyo, m.dh) Weel laba qalbac isugu aabburan oo la dhexgeliyo quliyaasha laguna qaado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sati
m. n. woven container for a vessel ~ bowl, with handles and a cover
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sati
-ga: (magac, lab, keli) dabool labo qalbac oo isku aabbudhan oo qaafiriyadda la dhexgeliyo oo lagu qaado; wuxuu ka kooban yahay caw, korkana waxa kaga rogan idiin, maryo, aleel iyo suuman la qabto, collobta iyo wixii la mid ah lagu ritaa. Dh: dabaq.
sati-ga: (magac, lab, keli) daar is kor saaran, guri kala sarsarreeya, aqal la isku dul dhisay. Daarta satigeeda afraad baan degganahaye kolkaadi imanayso dusha soo kor. Dh: dabaq, fooq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sati
de: woven container for a vessel ~ bowl, with handles and a cover
initial: s
lx: sati
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: sati
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
stay
/stey/ (v) 1. joogid (n) 2. joogis (deganaan) (n) 3. ajalid (dib u- dhig).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
stay
n., fadhi, -gi, joog, -gi, rug, -ti; (delay) raagniin, -ti; v.i., fadhi, joog, rugayso, raag; v.tr. (delay) raaji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-atay
de: you / she did (X)
lx: -atay
ps: v3-2sg/3f-past
xe: she died
xv: =-atey
key: -atay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
batay
-da: (magac, dhedig, keli) macdan cad oo durba shiilmi og, oo birta alluminiyumka ku bah ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mayay
(Mayay-ga)
1. Roobka da'a maalinta qaarkeeda hore; bariiso.
2. Roob weyn; jir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayay
mayay¹: m.l (-llo, m.dh) Roob xoog leh oo maalinta gelinkeeda hore da'a. la-mid: mayaay¹.
mayay²: f.mg1 (-yay, -yday) Maalin gelinkeeda hore, roob di'id. la-mid: mayaay².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mayay
m.l (-llo, m.dh) Roob xoog leh oo maalinta gelinkeeda hore da'a. la-mid: mayaay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mayay
m. n. dawn rain; heavy rain, downpour
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mayay
-ga: (magac, lab, keli) roob is daba jog ah oon kala qaad lahayn oon duufaan iyo dabylana wadan. Waxaa mayay soo madaw, waxaa miiraale yimid: ninkii meelloow ka roor. Dh: miiraale, gudgude.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mayay
de: dawn rain; heavy rain, downpour
lx: mayay
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: mayay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niyay
(fal) niyadda ku qabo oo rajee. Dh: niyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safay
(fal) saafi ka dhig, wixii ku jiray ka saar oo ka dhig saafi. Safay biyaha inta aanad cabin. Dh: nadiifi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sahay
(Sahay-da)
Cunnada loo qaato in lagu jidmaro; jicsin; sabbaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahay
sahay¹: m.dh Cunto loo qaato in lagu jidma-ro; jiscin.
sahay²: f.g1 (-yay, -yday) Cunto jidmar ahaan cid u siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sahay
m.dh Cunto loo qaato in lagu jid-maro; jiscin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sahay
f. n. provisions for a journey
sahay v. give provisions to someone who is traveling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sahay
-da: (n) materials or provisions made available for the use of travelers; supplies (sapa-laayis) . provisions (porovi-shinis)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Sahay
Viveri per viaggio
Travel ration
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahay
-da: (magac, dhedig, keli) cunnada loo qaato in lagu jidmaro; hantida socdaalka loo qato. Dh: jicsin, sabbaar, saad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salay
(fal) sal u yeel; wax sal leh ka dhig. Ku salay dooddaada aqoon. Dh: salee.
salay: (fal) weel iyo wax la mid ah, meel uu ku fadhiisto u yeel. Salay saxanka. Dh: meelee, salee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Samay
(Samay-da)
Samayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samay
m.dh la-mid: samayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
samay
f. n. spearshaft
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samay
(fal) erey lagu dhaho qof lab oo maradu ka baylahday. Samay ku dheh wiilka. Li: dhiidhiibso.
samay: (fal) erey lagu yidhaahdo awrta marka caynka laga dusin kari waayo hoostiisa; dabadeed awrku inta hingado kor isu qaado banneeyo meel uu maro caynku.
samay: (fal) wax fal. Samay wixii laguu diray. Dh: samee, suubbi, waxay.
samay: (fal) dermo iyo wixii la mid ah, falki.
samay: (fal) xadhig iyo wixii la mid ah, sooh.
samay -da: (magac, dhedig, keli) usha waranka ee u dhexaysa alwaaxa iyo jiffada. Goormaa warankii Sooyaal loo doonay samaydii.
samay-da: (magac, dhedig, keli) aag dhuleed, col duulaa qabsado ama udub beeleed dalriix taabo. Axmed Gurey halkuu samayda dhigay soohdintii qaranka. Dh: xad.
samay-da: (magac, dhedig, keli) baal haldhaa oo leeb, hooto ama fallaadh salka danbe kaga xidhma; gamuun qaanso oo la gano. Dh: dabo.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Samay
Sida samayda tusmoreebta, qaanso-waraarida, baanad-dhuunta iwm.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
samay
de: spearshaft
initial: s
lx: samay
pd: (-da)
ps: n1-f
see: samayo
key: samay
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
satan
/seytan/ (n) shayddaan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
satan
satan, n.m. - shaydaan; shaydaan ah
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
satan
n., Shaydaan, -ki, cifriid, -ki.